Tuesday, October 8, 2013

Saacid Shirdoon oo Xilka laga qaadayo iyo Xasan Sheekh oo Qandaraas Siinaya”NGO” Xaaska Saacid ,Caasha Xaaji.

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka xilli beesha caalamka ay cadaadis xoogan oo dhanka siyaasadda ah ku hayso hoggaanka DF-ka.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaynayo xil ka qaadis uu ku sameeyo R/wasaarihiisa Saacid Shirdoon,khikaafka labada dhinac u dhexeeya ayaa saameyntiisa laga damareemay xarumaha ay ku leeyihiin Muqdisho iyo socdaallo ay siyaaba kala duwan dibadda ku aadeen.
Saraakiil katirsan xafiiska Xasan Sheekh oo diiday in magacooda la adeegsado ayaa saxafi Muqdisho ku sugan u sheegay in Madaxtooyada Gurguurte ay ka go’antahay xilka qaadis lagu sameeyo Shirdoon dabayaaqada bishan October.
Xasan Sheekh ayaa maalmo ka hor intii uusan u ambabixin shirkii Biljamka kusoo idlaaday kulan laqaatay Xaaska Shirdoon Caasho Xaaji Cilmi iyo ganacsato ay isku heybyihiin oo magacaabistii R/wasaaraha lug weyn ku lahaa wuxuuna ku wargeliyay damaciisa ku aadan xilka xayuubinta Shirdoon.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in xildhibaanad Caasho loo balanqaaday in ay qaadato qandaraaska dayactirka garoonka diyuuradaha muqdisho iyo dekadda sidoo kale waxaa loo balanqaaday in wasiiru dowlaha madaxtooyada loo magacaabo Kamaal Guutaale.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in casilidda R/wasaare Saacid ay qeyb ka aheyd Heshiiskii Addis Ababa ku dhaxmaray DF-ka iyo maamulka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo,siyaasiyiin udhuun duleela arrimaha DF-ka ayaa saadaalinaya in R/wasaaraha cusub loo magacaabo siyaasi magaciisa lagusoo gaabiyay “Xalane” oo xukuumaddii Cabdi Wali Gaas ka ahaa wasiirka maaliyadda.
Isqabqabsiga madaxda DF-ka ayaa ah mid soo jireen ah iyadoona marwalba isqabsadaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha Cali Geedi iyo Col.Yuusuf ayaa gorodda isgeliyay sidoo kale shariif iyo Ina Sharmaake ayaa isku dhacay waxaana ugu dambeeyay Farmaajo iyo Cabdi Wali Gaas oo shaqada laga eryay

No comments:

Post a Comment