Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed iyo ururka Suxufiyiinta Puntland ee marka magiciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan ‘’MAP’’ ayaa si wadajir ah go’aan midaysan uga gaaray in la joojiyo guud ahaan 4-fariimood oo cod ah oo VILLA Soomaaliya ay doonaysay in lagu marin habaabiyo shacabka reer Puntland,kuwaas oo dowlada Muqdisho ay doonaysay inay ka sii dayso Idaacada ku yaala Puntland.
Go’aanka ayaa soo baxay ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe ee Caasaimada Puntland.
Fariimahan ayaa dowlada Muqdisho sii dayntooda midiiba ay balan qaday inay ku bixiso lacag dhan 195$,waxaana guud ahaan fariimaha laga dheehan karaa xayaysiis iyo ka badbadin aan runta ka tarjumayn oo dowlada Federaalku ay isku buunbuuninayso,xilli amaanka goobaha dowladu ay ka taliso uu faraha ka baxay,Puntland iyo Federaalku uu xiriirkoodii lumay,ka dib markii dowlada Xassan ay ku dhaqmi wayday Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,lana musuqmaasuqay deeqda ubadka Waxbarasho ee ubadaka reer Puntland.
MAP iyo dowlada si wayn ayay uga caroodeen fariimahan oo ahaa kuwii ugu yaabka badnaa ee ka yimaada magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir.
Fariinta Kowaad ayaa sharaxaysa Laba nin oo midkood uu leeyahay ereyadan ;-
‘’Aniga Kooxdayda Cayaarta si wacan ayeey isula fahantaa oo Waanu Hagaagsan nahay, Halka kan kalena uu leeyahay aniga Kooxdeyda Caada Qaatayaal ayaa ku jiroo Kubada si wacan isuguma Baasno kuwo fara ku tiris ah oo dibadaha wax looga soo sheegay ayaa I qatalaya ee adaan kugu soo biirayaa’’.
Fariinta labaad ayaa ka hadlaysa aAri Sheekeysanaya oo oranaya;-
‘’Ninkii Cumar ahaa ee Cawska nala daaqi jiray wuxuu ku biiray Dawoco kadib markii been iyo Naq aan jirin loo tilmaamay, wuxuuse soo arkay wixii loo sheegayay in ay been ahayd jirkiisana wuu soo dhamaaday laakiin hada waan soo dhaweyneynaa haduu nagu soo biirayo’’.
Fariimahan ayaa laga hadal hayaa guud ahaan Puntland,waxaana dadweynuhu ay iswaydiinayaan sababta keentay in dowlada Muqdisho ay dadweynaha reer Puntland ay isku daydo inay Saxaafada usoo mariso Fariimo ka dhan ah hogaanka Dowladooda ,aana u hiilinayn Midnimada iyo wadajirka umada Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahate arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay bishii August ay hakad galisay xiriirkii kala dhexeeyay Dowlada Muqdisho.
No comments:
Post a Comment