﷽ ✍ It doesn't matter who was by your side in moments of happiness. But who was by your side in difficult moments, Shideelo @blogspot.com
Friday, October 18, 2013
Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Oo Xulaya Xildhibaanada Maamulka KMG ee Jubba!
Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo mar soo noqday Raisulwasaaraha Somalia ayaa maanta kulan dheer la qaatay madaxweynaha KMG ah ee Jubba.
Kulanka oo saacado badan qaatay kadib ayaa waxaa Dr. Sharmarke loogu magacaabay inuu noqdo masuullka soo xulaya baarlamanka cusub ee Jubba, wuxuu kaloo Raisulwasaarihii hore qaabeynayaa qaabka baarlamnaka cusub uu u howlagali doono iyo guud ahaan tirada xildhibaanada, oo iyadana la isla gartay.
Dr. Sharmarke ayaa muddooyinkii u dambeeyey isaga daba noqonayey magaalada Kismaayo, isagoo shirar caalami ahna uga qayb galay, isagoo metelaya maamulka Jubba.
Axmed Madoobe iyo Dr. Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amaanka Jubaland, iyo howlo farsamo oo sugaya maamulka cusub, waxay kaloo labada masuul ka wada hadleen shir khilaaf ka taagan yahay oo dowlada Somalia dooneyso in lagu qabto magaalada Kismaayo.
Badbado Consultant Bureau.Our safety work Consultant bureau.With 2 Open Source Program Economics And PoliticsThey are very broad with a variety of Themes from a wide range of sources That allow us to achieve our Goals.The customer is our point of contact and Will help influence the impact of his Information efforts.Badbado Consulting Bureau Says5 pillars To the wheel..
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment