Stockholm; (Badbado Insutition Central Of Diasspora)-
Raiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Xaflad lagu taageerayey Maamulka Jubbaland State ayaa , wuxuuna dhanka kale ku eedeeyey DF ee Soomaaliya kuwa ku xadgudbaya sharciga Federaalka ee Soomaaliya.
Dhegeyso Khudbada raiisal wasaarihii hore
Prof-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed loo shaqeeyo , lana raaco rabitaakooda.
Jubbaland State ayuu ku sheegay inuu yahay Maamulka kaliya ee Soomaali oo dhan u dhantahay, shacabkeeda, Cuqaasheeda iyo waxgaradkeeda ay goosteen in samaytaan maamul goboleed, maamul goboleedkaas oo uu sheegay in aragtidiisu ay soo bilaabatay waqtigii dowladii Shariif.
” Wixii Soomaaliya dhibaya anaga oo dhan waa na dhibayaan, martina kama nihin wixii wadanka God ku ridaya iyo iska horkeen inaa niraahno maya, sidaas naguma maamulaysaan” ayaan qabaa anigu ayuu yiri Prof. Geedi.
Marxaladihii uu dalku soo maray ayuu ka hadlay Prof. Geedi , iyo dhacdooyin xun xun oo Muqdisho ka dhacay, Wuxuuna hoosta ka xariiqay kuwa hada dowlada sheeganaya in ay markoodii hore diidanaayeen Federalismka oo meelaha ay ka mudaaharaadi jireen.
No comments:
Post a Comment