Sunday, August 4, 2013

Dhagayso:- Madaxwaynaha Jubbaland oo Shir Jaraa’id Kismaayo ku qabtay kana hadlay arimo badan


Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta booqday qaybo kamid ah degmada Kismaayo gaar ahaan deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen ciidamadda Maamulkiisa iyo kuwa Col, Barre Hiiraale ayaa ka hadlay arimo badan oo Muhiim ah.
Axmed Madoobe oo ay wehliyeen ku xigeenkiisa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa kormeeray baaxadda khasaaraha dagaalladii dhacay.
Goobaha ay kormeereen waxaa ka mid ah saldhigga degmada Kismaayo, dhismaha warshaddii hore ee hilibka, xaafadaha Isku Shuban iyo Guul-wade.
Wuxuu ka tacsiyeeyay dhibka uu geystay dagaalka, isagoo ballan-qaaday in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii loo dhawri lahaa nabadgelyada.
Wuxuu xusay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii wax loogu qaban lahaa dadkii ku dhaawacmay dagaallada ee ku jira xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo./)
http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/08/Axmed-madoobe-kismaayo.mp3

No comments:

Post a Comment