Sunday, August 4, 2013

DEG DEG: Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo kusugan Somaliland ‘Sirta ka danbaysa Safarkiisa”




Warar hordhac aah oo warbaabintu heshay ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ka soo dagey madaarka magaaladda Berbera ee Somaliland, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Warkan oo laga helay Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya la socday diyaarad ka soo duushay Muqdisho, isla markaana ka soo degtay madaarka Berbera, halkaas oo Wasiirka markiiba si deg deg ah loogu gudbiyay qolka Nasashada, isla markaana ay diyaaradda ka galbiyeen wasiiro dhawr ah oo aan ilaa hada la shaacin balse laga xusay Wasiirka Madaxtooyadda.
Qof Diyaaradda la socday oo ayaa sheegay in markii VIP-da la geeyay ay iyagu dariiqii kale mareen markaasna ay ugu danbaysay, hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya loo soo kaxeeyay dhinaca caasimadda Hargeysa halkaas oo la sheegay in la dajiyay mid ka mid ah Hotelada waaweyn.
Si rasmi ah looma oga sababta Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya utagay Somaliland xiligan laakiin wasiirka ayaa ka mid ahaa Ergadii wadahadalada Somaliya iyo Somaliland uga qayb qaadanayay dhinaca Somaliya, kuwaas oo qoddobka kali ah ee ay ku soo heshiyeen u ahaa arrimaha Duulimaadyada in labada dhinac ka wada shaqeeyaan Xafiis laga maamulana Hargeysa laga sameeyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa lagu waday shalay in uu ka soo dego madaarka Berbera hase yeeshee lama garanayo sababta dib dhigtay, waxaana warkaas Warqaad.com u sheegay Dublamaasi aad ugu dhaw dawladda Somaliya oo ku sugan Nairobi.
Si kasta ha ahaatee warkan Xukuumadda Somaliland illaa hada wax war ah kamay soo saarin hase yeeshee talaabadan ayaa noqon doonta haddii ay dhabawdo mid looga fadhiyo faahfaahin in ay ka bixiso
!!!

No comments:

Post a Comment