Sunday, August 4, 2013

Ma dadkaa waalan mise dawlada Federaalkaa wareersan?

 Ma dadkaa waalan mise dawlada Federaalkaa wareersan?
Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaaladii sokeeye ee lagu hoobtay kadib waxaa dalka isaga danbeeyay dawlado ku meel gaar ah, dawladahaas ku meel gaarka ah oo isugu jiray kuwo wax qabtay iyo kuwo iyagoon wax qaban waqtigii ka dhamaaday. Dawladahaa ku meel gaarka ahaa waxaa ugu danbeeyay dawladii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo wax qabad la taaban karo laga dhaxlay, dalkana soo gaarsiisay biloow fiican oo laga sii amba qaadi karo, arintaas qof walba oo Soomaali ah wuu ogyahay, waana la isla qirsanyahay\par
Dawladii Sheekh Shariif in kasta oo ay caqabado fara badan la soo kulantay hadana ugu danbayntii waxay ku guulaysatay inay qabato doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday dalka 10 September 2012.
Mudadii lagu guda jiray tartankii doorashada waxaa warbaahintu ka hadlay musharixiin badan oo u taagnaa tartanka doorashada iyo siyaasiyiin kale oo caan ah waxayna ka dhawaajiyeen in musuqmaasuq xoogan uu ka jiro doorasha, oo hoolka doorashu ka socoto lala dhex wareegayo boorsooyin lacag ah, xildhibaanada intooda badana la iibsaday codkooda oo ay lacago qaateen, in kasta oo eedaynta noocaas ah ay jirtay, hadana doorashii kama dhicin wax muran iyo is qabqabsi ah, oo siyaasisiyiintii tartamayay mid walba wuu ku qancay natiijada ay ku dhamaatay doorasha, Waxaana tartarnkii doorashada madaxwaynaha dawlada federaalka Soomaaliya ku guulaystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waa cusub baa baryay Dooorashii way dhamaatay, umada Soomaaliyeedna meel walba oo ay joogto waxaa la isku daray damaashaad ,iyo farxad. Meel walba oo aduunka ka mid ahna waxaa tahniyad maqal iyo muuqaalba leh hawada loo soo marsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaad qof walba oo Soomaali ah ka dareemaysay farxad iyo kalsooni aan lasoo koobi karin oo uu u hayo madaxwaynaha cusub ee la doortay.mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Doorashadii waxaa ku xigay dhaariintii madaxwaynaha iyo magacaabistii ra\rquote iisul wasaaraaha waxaa intaa sii dheeraa beesha caalamka oo Maraykanku uu ugu horeeyo in ay aqoosadeen dawlada federaalka ee Soomaaliya iyo madaxweynaheeda cusub Xasan Sheekh Maxamuud aqoonsigaas oo kor u sii qaaday rajada laga qabo dawlada iyo taageerada loo hayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. \par
Hadii aad dadka waraysato sababta keentay in dadku dag dag ay u taageeraan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud iyada oo aan wali la arkin wax qabadkiisa. Dadkaa dhamaantood waxay bixinayeen hal jawaab, jawaabtaas waxay ahayd waa nin aqoon leh, dagaaladii sokeeyana aa ka qayb galin. Dadka qaar waxay qabeen fikirkaa mid ka duwan oo ahaa \b\rdblquote war ninkan lama yaqaano ee yaan lagu dagdagin \i taageeradiisa ee aan barano\b0\i0 ,\rdblquote  .dad qaarkii oo horay u yaqaanayna isla markiiba way ka biyo diideen waxayna lahaayeen, aqoon baa idiinku dhiman ninkan waa qandaraasle \b\ldblquote  waxuu soo wadaa dawlad qandaraasleey ah Qofba siduu doono ha u arko, ee waxaa hubaal ah xafladihii iyo dabaaldagyadii taageerida madaxwaynhaha mudo dheer ma sii soconin, oo mudo kooban kadib waxaa biloowday mudaharaadyo looga soo horjeedo madaxwayne Xasan Sheekh ,ayagoo dadku ay sheegayeen in ay ka biyo diidsanyihiin qaabka madaxwaynahu wax u wado in ay tahay qaab qabiil..
Taasna waa iska dhaqan Soomaaliyeed oo markii uu is badal cusub yimaado dadku waa hayin kacaan oo meel walba xaflad baa lagu qabtaa lagu muujinayo taageerada loo hayo is-badalkaas dhacay, mudo yar kadibna iyada oo aan xeerada salkeedii la gaadhin, ayaa labo loo kala baxaa mid diidan iyo mid difaacaya is-bedelkaas,, mudo yar kadibna waxaad arkaysaa mid shalay lahaa guulaysanay oo mantana leh waan gablanay. Laakiin arinta ugu yaabka badnayd ayaa waxay ahayd in dadka qaar isla goobtii ay shalay ku dhigeen xafladii taageerada madaxwaynaha ay bil kadib hadana ku dhigeen xaflad ay kaga soo horjeedaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Xagee wax ka khaldameed? Maxaa is diiday? Ayaan is waydiiyay.
 Maxaa Keenay Mucaaradka Deg dega ah:
Waxaan jeclaystay in aan arintaa u kuur galo sababta keentay mucaaradka dagdag ah, ka dibna aan umada soomaaliyeed u soo gudbiyo aragtidayda ku aadan in dadku waalanyahay oo ay dagdagayaan iyada oo aan la gaadhin mudadii wax lagu qaban lahaa iyo in dawladu wareersantahay oo ay ka baxday balamihii ay u qaaday dadka Soomaaliyeed. Waxaan dib u raadiyay khudbadihii markii la doortay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan helay shirkii jaraa\rquote id ee u horeeyay ee uu qabtay madaxwaynuhu doorashadii kadib, shirkaa jaraa\rquote id oo ay goob joog ka ahayd saxaafada Soomaalida oo dhan maqal iyo muuqaal , waxaan ogaaday in ay jireen lix balan qaad oo uu madaxwaynuha ku balan qaaday khudbadiisii ugu horaysay waxuuna yiri, dawladaydu waxa ay noqon doontaa dawlad dib u heshiisiin waxaana saldhig u noqon doona lixdaan qodob.ee soo socda. \b\i Dib u heshiisiin, xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, soo celinta sharciga, dawlad wanaag, iyo adkeynta midnimada Soomaaliya.
Hadaba si aan u hubsado in dadku waalanyahay oo sugi la\rquote ayihiin balanqaadkii dawlada iyo in dawladu ay wareersantahay oo ay ka baxday balanqaadkii, ayaan waxaan si aad ah oogu kuur galay in aan ogaado in ay wax ka qamsoomeen lixdaa qodob ee ay dawladu balan qaaday iyo in aysan wax ka qabsoomin, qodobadaas ayaana mid mid oogu soo qaadan doonaa qoraalkayga, qaraalka ayaana ku kala cadayn doona waxii qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin ee ay dawladu ku fashilantay . waxaan ku horaynayaa (dib u heshiisiinta)
Dib u heshiisiin: erayga dib u heshiisiin micnihiisu waxaa weeye dad horay heshiis u ahaa oo dagaal ama khliaaf dhex maray in dib loo heshiisiiyo, ,waxaase in la hubsado u baahan dadka dib u heshiisiinta qabanaya ee heshiisiinaya dadka wax dhex mareen, xog ogaal ma u yihiin sida wax u dhaceen? Xog buuxda ma ka hayaan sida loo kala dhib badan yahay, arintana dhexdhexaad ma ka yihiin? Tan ugu daran meel ma ku ogyihiin dhibaatada la isku haysto dadkii gaystay ee biloowgeedana lahaa, ,gartase ma u kala xukumi karaan sida loo kala gardaranyahay?
Hadii intaa laga helo, dadka dib u heshiisiinta qabanaya,waa lagu aamini karaa dib u heshiisiinta hadiise intaa laga waayo oo ay la saftaan dhinac waa abukaatalayaal oo laguma aamini karo dib u heshiisiin, balse aan is waydiino, waa kuwama dadka la heshiisiinayo? Maxay tahay arinta laga heshiinayo ee dadkaa dhex martay? Waase kuwama cida heshiisiinaysa?
Taas waxaan filayaa jawaabteedu waa mid iska cad, waxa la heshiinayo waa umada Soomaaliyeed, waxa laga heshiisiinayo waa dagaalkii sokeeye ee dhex maray. Cida heshiisiinaysa waa dawlada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu afkiisa ku sheegay in dawladiisu ay tahay dawlad dib u heshiisiineed, sida aan taariikhdiisa ku maqalay xiligii doorashada hadii ay sax tahayna wuu ku haboonyahay dib u heshiisiinta in lagu aamino. \par
Aan ku hor maro dagaaladii sokeeye ee dhex maray shacabka Soomaalyeed kaas oo ah waxa laga heshiinayo. Dadka intiisa badan oo ka hadla warbaahinta waliba sheega in ay yihiin aqoonyahano Soomaaliyed waxaan in badan ka maqlay iyagoo leh, markii uu biloowday dagaalkii sokeeye 1991,dii.Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo 1991,dii dawladii dhexe ee Soomaaliya ayaa xiligaa burburtay, laakiin dagaalka sokeeye aad ayuu ooga horeeyay xiligaas.
Tusaale ahaan waxaan usoo qaadan karnaa,waxaa jiray sida aan wada oganahay jabhado kasoo horjeeday dawladii Maxamed Siyaad allaha u naxariisto, iyo dad shaqsiyaad ah oo diidanaa qaabkii dawladu wax u maamulaysay,waxaa ka mid ahaa jabhadaas SSDF,SNM, SPM iyo USC waxaa arintaa garab socday dagaalo ku salaysan qabiil iyo deegaan oo ka socday meelo badan oo dalka ah, gaar ahaan gobolada dhexe iyo deegaanada ku xeeran, dagaaladaa socday oo u dhexeeyay beelo soomaaliyeed oo walaalo ah oo isku hayay daaqsin iyo deegaanba.
Waajibka dawlada saarnaa waxa uu ahaa in dawladu ciidamo kala dhex dhigto dadkaas si cadaalad ahna loogu xaqsooro, waxa ay kala tabanayaan, laakiin nasiib daro taasi ma dhicin, ee waxaa dhacday in saraakiishii dawlada oo hogaaminaya ciidamadii qaranka Soomaaliyeed, ee ay ahayd in ay kala dhex galaan beelahaas in ay garab siiyaan mid ka mid ah beelihii dagaalamayay.
Meesha wax iska diidanaayeen ma garan karo, laakiin sida aniga shaqsi ahaan ii muuqatay xiligaas, madaxwaynihii dalka AUN, Maxamed Siyaad wuu isku dayay in uu arintaa xal u helo.
Waxaa dadaalkii madaxwaynaha cirka u tuuray markii ay dhacday in ay samaysmaan jabhado ka garab dagaalamaya ciidamadii dawlada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen GORGOR, DAROOGO iyo kuwa kale oo arintii u badalay qabiil dawlada mucaarad ku ah iyo qabiil dawlada difaacaya.
Arintaa waxay sababtay in maalinba maalinta ka danbaysa jabhadii mucaaradku sii xoogaystaan sababtuna ay ahayd in qofkii Soomaaliga ahaa ee magaalada joogay loo aaneeyo magaca qabiilka uu ka soo jeedo, arintana laga dhigo hadii aad qabiilkaa tahay mucaarad baad tahay. Taas oo ugu danbaytana ku kalifta qofkii in uu ka daba tago qabiilkaas iyo jabhadaas lagu tiimbareeyay.
Maadaama aysan jirin meel kale uu qofkaas ku amaan helayo iyo dawlad amaankiina ilaalin karta midna, taas oo sababtay in dadkii kasoo cararaan deegaanadii ay ku dhasheen una cararaan caasimada ama deegaano kale oo reerkoodu ku badan yahay si naftoodu u badbaado, waxaa xigtay in caasimadii lagu badbaadi waayo oo guryaha la is kala baxo, goboladiina la iskaga daba yimaado, qof walba oo Soomaali ahna waxaa la soo daristay cabsi, cabsidaas oo keentay inuu qofku usoo hoyan waayo gurigiisi, isagoo ka cabsi qaba in guriga lagala baxo, arimaha noocaas ah waxa ay socdeen in ka badan sadex sano, sadexdaa sano ee arimahaas ay socdeen maamulkii iyo dawladii way jireen wayna shaqaynayeen, waliba waxaa laga yaabaa, qofka cabsida intaa le\rquote eg qaba ee ah in guri laga baxo, waxaa jira sarkaal ay isku hayb yihiin oo dawlada ku jira, sarkaalkaas oo aan war iyo wacaal u haynin meesha lagugu dubanayo, xiligaa arimahas ay dhacayeen ayaan anigu aaminsanahay in uu bilawday dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay. Cid alla cidii dib u heshiisiin qabanaysana waa in ay halkaa ka soo biloowdaa taariikhda.
iyadoo lala kaashanayo dadkii arintaa goob jooga ka ahaa ee ka badbaaday dhexdhexaadkana ka ahaa inay ka qayb qaataan masiibadii dalka ka dhacday.
Dadka intiisa badan waxay ku eedeeyaan allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, saraakiil sarsare oo isaga la hayb aha iyo isagu in ay isku ogaayeen in la taageero jabhadaha qabiilka ah ee dawlada taageersan iyo in dadka ka soo horjeeda xukuumada guryaha lagala baxo, laakiin aniga kuma raacsani dadka qaba eedaynta noocaas ah,waxaana ogahay in qolo walba dhinaceeda ka hurinaysay arinta \(halaagii dhacay looma kala harin) laakiin ay jireen madax badan oo waxa dhacayay diidanaa. Tusaale ahaan waxaan usoo qaadar karaa oon aan goob joog ka ahaa in saraakiil ka mid dawladii dhexe oo sarkaalka u garaada yar uu ahaa gaashaanle sare ay feer isku bilaabeen kadib markii uu dhexmaray muran xoogan oo ku saabsan aragtidooda kala duwan ee ku aadan jabhadaha. Taas oo ahayd mid si aad ah loogu kala fikir duwanaa.sidaa darteed lama dhihi karo arintaa raali baa laga wada ahaa, qofka aaminsana xog ogaal badan ma aha.
laakiin waxaan la inkiri karin oo taas garab socotay in ay jireen saraakiil badan oo Soomaaliyeed oo taageero hub iyo dhaqaalaba leh siinayay jabhadaha labada dhinacba , saraakiishaas oo aadan garanayn ujeedadada ay ka lahaayeen taageerada jabhadaha isagoo sarkaal dawladeed ah, waayo haduu dhaliilayo dawlada, inuu baxsado oo jabhada ku biiro way ahayd inuu dawlada uu la joogo daaacad u noqdo oo khaladkeeda saxana way ahayd, waxii labadaa u dhaxeeyea waxaa la oran karaa waxay ahayd tala xumo. Waana mida la oran karo taas ayaa sababtay in dawladii u burburto si lama filaan ah.
Waxaan qaxii kadib goobo kala duwan oo dalka iyo dibadaba ah kula kulmay qaar badan oo ka mid ah saraakiishii ugu cadcadaa taageerida jabhadaha oo qaarkood xataa hayb la ahaa madaxwaynaha, waxaana waydiiyay ka warama xaalka maanta iyo shalay? jawaabtu waxay noqotay isku mid taas oo ah\i , \b (sidaan inay noqonayso ma aana moodayn)\b0\i0 kaligood kuma aha jawaabta noocaas ah oo qof walba oo Soomaali ah oo aad wax ka waydiiso waxa dalkeeni ka dhacay, waxa uu ku leeyahay wallaahi ma aanan moodayn in ay sidaan noqon doonto, bal hadana yaabka iigu badan ee aan la kulmay qof walba wali qabiilkii iyo mabdi\rquote ii isaga ahaa ayuu wali daba socdaa oo waxuu ku leeyahay intay reer hebel i xukumi lahaayeen sidan ha ahaato.
Sababtuna waxay tahay macalimiinti ayaa wali nool oo shaqaynaya ,walina waxii dalka burburiyay, heerkana ina gaarsiiyay ayay daba socdaan, kuwaas oo dadka u sheegi jiray, reer hebel baan nahay oo reer hebel ayaa waxay rabaan in ay na gumaystaan oo dhulkeena qaataan.\par
waxaas iyo wax la mid ah ayaa dhalinyaradii wadanka usoo kacday maskaxda loogu shubay, raga noocas ah walina magac bay leeyihiin oo waa la jecelyahay waxaana lagu tilmaamaa geesiyaal usoo halgamay shacabkooda, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waxaa la ogyahay in ay gaysteen xasuuq badan iyo falal aan ku haboonayn bani\rquote aadanimada walina waana geesiyaal.
Burburkii dawlada kadib hogaamiyayaashi jabhadaha iyo taliye ciidameedyadii dawladaba intoodii badnayd oo ka soo jeeday beelo hubaysan, waxay halkii ka sii wateen hawshoodi oo mar labaad bay dib uga qayb qaateen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka. kuwii aan kasoo jeedin beelaha hubaysana waxay u carareen meeshii oogu dhawayd ee ay filayeen inay naftooda ku badbaadin karaan. Ujeedada aan ka lahaa warbixintaa dheer waxay ahayd inaan idin xasuusiyo, xagay ku danbeeyeen ragaas hurmuudka u ahaa taariikhdii mugdiga ahayd ee umada Somaaliyeed ay soo martay? Suurta galse ma tahay in ay xilal ka hayaan dawlada madaxweyne Xasan Sheekh? Oo loogu tala galay inay noqoto dib u heshiisiin.\par
Hadii ay dhacdo in ay xilal ka hayaan dawlada Xasan Sheekh, qaar ka mid ah ragii murugadaa xanuunka badan shacabka u gaystay, soo arintu ma aha \b\i (nin ku dilay hadh kuguma jiido)\b0\i0  dawladase ma lagu aamini karaa arintii dib u heshiisiinta?. Qoraalka intiisa danbe ayaan ku soo qaadan doonaa dhacdooyinka dalka ka dhacay.
Hadaba markii uu xukunka la wareegay maadaxwayne Xasan Sheekh, shacabka Soomaaliyeed waxa ay si aad ah u sugayeen talaadaba u horaysa ee uu qaadi doono in ay noqoto sidii loo wiiqi lahaa awooda hogaamiye kooxeedyada, si shacabka Soomaaliyeed ay u dareemaan in laga soo gudbay oo laga xoroobay xiligii hogaamiye kooxeedyada, dawladuna sidaa ku noqoto mid la aamini karo inay tahay dawlad dib u heshiisiineed. Nasiib daro taasi ma dhicin waxaase dhacday mid aan looga fadhiyin madaxwayne Xasan Sheekh oo lagu tilmaami jiray nin aqoonyahan ah xariirna aan la lahayn wax hogaamiye kooxeed ah, laakiin waxaa dadkii waa cusub ku baryay markii uu madaxwaynuhu xilal u magaaabay qaarna isku dayay inuu u magacaabo rag badan oo ka mid ah hogaamiyayaashii jabhadaha iyo saraakiil xiligii dawladii dhexe ee Soomaaliya la ogyahay xasuuqa ay ka gaysteen dalka, xataa qaarkood lama maqal magacyadooda labaatankii sano ee u danbeeyay, oo waxaa mar qura la is waydiiyay meesha uu Xasan Sheekh kasoo helay ragaan dambiilayaasha ah ee saaxada siyaasada iyo tan ciidamadaba ka baxay mudooyinkii danbe
Waxaa rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed wax yar ooga sheego waxii ka dhashay magacaabista ay dawladu xilalka ugu magacawday qaar ka mid ah hogaamiyayaashii ama sarakiishii dawladii dhexe, kuwaas oo aan wada ogyahay in gaysteen danbiyo dagaal oo dil iyo barakacba isugu jira.\par
Waxaa dhacday qiso dhab ah oo aan sheeko ahayn qisadaas oo ka dhacday deegaan ka mid ah deegaanada Soomaalida, waxaa jiray sadex wiil oo walaalo ah iyo hooyadood oo kasoo qaxay deegaan ka mid ah deeganada Soomaaliya deegaankaas oo ahaa meeshii lagu dilay aabahood sanadku markuu ahaa 1988dii, wiilashaa kan ugu yar waxuu ahaa lix jir xiligaa ay soo qaxeen, waxayna u qaxeen xiligaas isla deegaan kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku noolaayeen labaatan iyo afartii sano ee u danbaysay, waxa aad qiyaasi kartaa ragaa da\rquote dooda inta ay jiraan maanta, waxaa dhacday in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilal kala duwan u magacaabay saraakiil badan.
Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa ninkii dilay wiilashaa sadexda ah aabahood, mudo hada laga joogo qiyaastii labaatan iyo afsano, balse xiligaas ninku ma ahayn sarkaal, laakiin hada waxaa lagu sheegaa kornayl meel uu ku qaatay aan la ogayn. Waxaa ninkaa madaxwaynuhu usoo magacaabay deegaanka ay hada wiilashu ku noolyihiin oo ah halkii ay ku soo qaxeen markii aabahood la dilay. Ninkii oo ciidan wata ayaa tagay magaaladii ay wiilashu ku noolaayeen.
Wiilashi waxay maqleen ninkii aabahood dilay oo ciidan wata uu ku suganyahay magaalada ay ku noolyihiin, sarkaalkuna wuu ogyahay in uu wiilashaas aabahood isagu uu dilay, in kasta oo uusan sarkaalku ogayn in ay wiilashu daganyihiin halkan hada loo soo magacaabay, dadkuna waa is yaqaanaa oo isku deegaan baa la ahaa waagii hore. Hadaba akhristayaasha qiimaha leh waxaan rabaa inaan waydiiyo maxay noqon kartaa wiilashaa arintoodu?
\b\i Ma dib u heshiin baa mise waa dib isku qabsasho iyo dagaal cusub?
\b\i Suurta gal ma tahay ninkaa iyo wiilashaas inay nabad ku wada noolaadaan?
\b\i madaxwayuhu miyuusan aqoon u lahayn saraakiishii hogaaminayay dagaaladii sokeeye?
\b\i Hadii uusan aqoon u lahayn miyuu waayay khuburo kala talisa waxii dalka ka dhacay?
\b\i Madaxwaynuhu ma suurta galbaa inuusan ogayn waxa Soomaali kala gaadhay?
\b\i Hadii uusan ogayn taariikhda dalka iyo waxii dadka kala gaadhay ma u qalmaa madaxwayne?
\b\i mise intaba midna ma aha ee isaga ayaaba ahaa hogaamiye kooxeed aan hubaysnayn!!!!!!!!!
Waxaan rabaa in aan wax yar idiinka sheego halka ay ku danbaysay qisadii, horta wiilashii iyo ninkii ma kala badbaadin oo waa is fara saareen si dadban isaga oo ninkii wali uusan ogaan in ragaan meesha ay joogaan, wiilashii baana ku haray deegaankii, oo ninkii waa laga saaray.\par
Laakiin dhinaca kale dawladii qaylo ayay afka furatay oo waxay la laayabantahay sababta kaliftay in laga horyimaado oo la weeraro ragii mas\rquote uuliyiinta ahaa ee ay dawladu meesha u dirsatay, waxayna dawladii dadkii deegaankaas ku tilmaantay dad ka soo horjeeda dawlada.\par
Hadaba anigu mid waan wada qirsanahay waana wax dhab ah in madaxwaynaha ama masuul sare oo dawlada ah midkoodna uusan ogaan karin qisooyinka noocaan ah oo kale, sidaa darteed dawladu ku dhex wareersantahay dad iyagu is og waxa dhex maray, laakiin dawlada laga yaabo in aysan waxba ka ogayn waxa dadkan u dhaxeeya, oo ay daacad ka tahay, amaba ay dhici karto in ay ogtahay oo iska indha tirayso oo fiirinayso kaliya danaheeda. Si kasta oo ay tahayba dagaalka ama waxa meeshaa ka dhacay waxaa mas\rquote uul ka ah dawlada Soomaaliya,Sababtuna waxa ay tahay xataa hadii dawladu ay ahayd warmoog,waxay ahayd in markii horaba qofka dawladu xil u magacaabayso ay raadiso taariikhdiisa iyo xilalka uu soo qabtay 30, kii sano ee u danbeeyay, si aysan u dhicin in lagu kadsoomo qisadan oo kale. Laakiin anaa aqoon u leh oo joogay deegeenkaas hada ka hor ee ii magacoow, mana hubsanayo waxa aad horay u gaysatay, waxay dhashay in laga hor yimaado mas\rquote uuliyiin badan oo dawladu xilal u magacawday.
Hadii taasi dhacday oo la diiday ragii dawladu dirtay waxay ahayd markii danbe in ay dawladu is waydiiso waxa khaldan ama waxa is diidan ee meesha ka jira, inta aysan qaadin talaabo kale oo arinta aan laga dhigin qabiilo is diidan, waayo qafka unbaa dambiile ah, ee ma jiro qabiil Soomaaliyeed oo wada danbiile ah.
Waxaad moodaa in dib loogu noqday arimihii dhacay burburka ka hor ee ahaa, qabiil dawlada diidan iyo mid difaacaya taana horay ayaa loo arkay. Waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed inay jiraan kumanaan qiso oo tan la mid ah, marka si aan dib loogu noqonin darteed waxaa loo baahan yahay in la taxadaro, oo markii la arko dad is diidan la raadiyo sababta ay dadkan isku diidanyihiin, inta aan lagu kadsoomin in la iska taageero shaqsi aadan ogayn taariikhdiisi hore iyo wax danbi ah in uu horay dalka uga gaystay,
Isla sidoo kalana in aadan iska mucaaradin, oo aadan ku xukumin dawlad diidnimo, shaqsi aadan ogay waxa uu tabanayo, oo laga yaabo inuu dhibane yahay oo uusa diidanayn dawlada, laakiin laga yaabo in uu diidanyahy shaqsigan dawlada matalaya, dhibkaas oo dhan waxaa oogu wacan, waxaan jirin wada hadal iyo wada tashi midna, oo hadii la wada hadlo, taladana la isku darsado mid unbaa arinta ku hagoogan lahaa ee taladu dhexda kama baxdeen. Waxaan hubaa qof badan oo Soomaaliyeed in uu durbaanka u garaacayo mid aabihii ama walaalkii dilay, laakiin waa warmooge oo waxba kama oga.!

Qoraaga: Abdirashid Ciid Osman
Bildningsakademi@live.se\par

No comments:

Post a Comment