Friday, August 23, 2013

General Annual Meeting of(BICD) Badbado Instition Central Of Diaspora

 Badbado Instition Central Of Diaspora


                                                                                        



August 23th, 2013
Waxaan dhamaan faracyada Gollaha (BICD)   ee Caalamka ee ka dhisan dalalka caalamka, Madaxda iyo xubnaha ururka iyo faracyadiisa ku wargelinaynaa in shirweynihii ururka ee Sanadlaha ahaa uu sanadkan 2013 ka dhici doono magaalada Stockholm ee cariga Sweden. Shirkaasi oo ka koobnaan doona dhowr qaybood oo kala ah sida:
Sabtiga Galinkeeda hore – 31st August, 2013 Kulankii sanadlaha ahaa ee guddiga guud ee Ururka(BICD)    madaxda faracyada iyo xubnaha ururka (General Annual Meeting of(BICD) 

Halkaas oo lagu soo bandhigo doono waxqabadka ururka ee sanadkii tagay, laga doodi doono Dib u habaynta lagu sameeyay axdiga ururka, laguna dooran doono madaxdii ururka Hogaanka u qaban lahayd labada sano ee soo socota. Kulankan waxaa ka qaybgeli kara oo Qudha, xubnaha ururka iyo ergada faracyada ka wakiilka ah.
Sabtiga Galinkeeda Danbe – 31st August, 2013 Waxaa dhici doona shirka.

 Bureau for Puntland People's Development.

Halkaas oo marti sharaf iyo aqoonyahan kakala yimid aduunka dacaladiisa ay uga doodi Doonaan iskuna waydaarsan doonaan doorka (BPPD) ee ku aadan, dhismaha nabada, Cadaalada iyo horumarka. Dhamaan dadka oo dhan ayaa ka soo qaybgeli kara kulanka. Isniinta Maalinta oo dhan –

 1st September, 2013 Maalintan waxaa dhici doona shirweynihii sanadka, waxaana halkaasi Ka hadli doona madax sare ee ka socoto maamulka Puntland, madaxda ururada aan dowliga Ahayn, aqoonyahano iyo indheergarad kale oo ka kala yimid duni dacaladeeda.
·Sadexda mowduuc ee maalintaasi looga hadli doonana waa:
·Muhiimada Federaalku uu leeyahay
·Doorka Qurbajoogta iyo dib u dhiska dalka
Punland shalay, maanta iyo beri
Sidaa awgeed ,dhamaan faracyada ururka waxaan ku wargelinaynaa inay ergooyin u soo Dirsadaan shirweynaha ururka si ay goo'aamada, jihada iyo agendayaasha dhow.

Thursday, August 22, 2013

Muuse Suudi Yalaxoow oo markii ugu horeysay ka hadlay arimo aad u culus

DHAGAYSO: Muuse Suudi Yalaxoow oo markii ugu horeysay ka hadlay arimo aad u culus muddo badan ka dib kaga bogo www.nabadbile.com

                                              



http://www.nabadbile.com/2013/08/22/dhagayso-muuse-suudi-yalaxoow-oo-markii-ugu-horeysay-ka-hadlay-arimo-aad-u-culus-muddo-badan-ka-dib/



Muuse Suudi Yalaxoow oo dalka iyo dibadda caan ka ah ayaa muddo badan ka dib waxa uu ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah, islamarkaan ku saabsan dalka Soomaaliya.
Isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho una waramaayay mid ka mid ah Warbaahinda Soomaalida ee Dibadda ka hadasha ayuu ka hadlay arimo badan oo nabadda dalka, iyo sidoo kale maamulada ku saabsan.
Marka hore waxa uu wax laga xumaado ku sheegay in amaanka Muqdisho weli aanu sal adag ku taagneen, waxaana uu sheegay in hay’adaha amaanka looga baahan yahay in deg deg ay wax ku qabtaan.
“Amaanka dalka meel wanaagsan ayuu maraa lama dhihi karo, maalmahaan Muqdisho waxaa ka dhacay walax aan wanaagsaneen, waxaanse rabnaa in hay’adaha amaanka ay usoo jeestaan sidii nabadda dalka loo sugi lahaa”
Yalaxoow ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen nabad kusoo dabaalida magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Shacabka kaalintooda lama haayo, dowladda lama shaqeeyaan, dowladda la sheegana waa shacabka, waxaaa loo baahan yahay in shacabka ay kaalin ka qaataa nabad kusoo dabaalidda magaalada Muqdisho”
Dhanka kale mar uu ka hadlay maamul u sameenta gobalada Soomaaliya gaar ahaan arinka ku aadan dhanka Jubooyinka ayuu sheegay in dowladda ay raali ka noqon doonto oo kaliya maamulada shacabka ay wataan.
“Maamulka Jubaland hadii shacabka ku dhaqan gobalada maamulkaasi loo doortay ay raali ka yihiin dowladda waa waajib inay taageerto, laakiinse hadii aysan ogoleen shacabkii dowladana ma aqbali doonto”
Ugu dambeen Muuse Suudi Yalaxoow ayaa baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, waxaana uu ugu baaqay inay kaalin ka qaataan nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka
“Dal walba waxaa dhisa dadkiisa, qurba joogta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya, waayo waa laga soo gudbay xilligii bur burka.
Hadalka Muuse Suudi Yalaxoow ayaa imaanaaya xilli mudooyinkaan dambe amni ahaan aanu wanaagsaneen dalka Soomaaliya, islamarkaana dalka ay ka dhacaan falal ka dhan ah amaanka guud. (442)

                     

 

 

 

Ka dhiibo Fekirkaada Warbixintan

Kahor Inta Aadan Jiifan Ka_ hadal Calankaaga Soomaaliyeed?

 
 
 
*Aan wada hadallo waa aan heshiino.
 



Marki hore maxeey walaalo ku ahaayeen ? Fircoon dartiis !

Marki hore maxeey walaalo ku ahaayeen ? Fircoon dartiis !


                                                                             




MAQAL+MUUQAALO:- Beelaha Murusade iyo Maxamuud Hiraab oo Walaalo ku Noqday ILAAH Dartiis.
http://voiceofsomalia.net/2013/08/22/maqalmuuqaalo-beelaha-murusade-iyo-maxamuud-hiraab-oo-walaalo-ku-noqday-ilaah-dartiis/
in Somalia.

My life is changing drastically in the next 4 months.........



                                                                                    



I'm not entirely sure I'm up for blogging anymore, guys. I'm really sorry, but I'm busy. My life is changing drastically in the next 4 months, and I need to focus on boring things like WORK,..wOrK...and my NGO (which isn't boring). Don't get me wrong, I love blogging! I still am obsessed with fashion, the industry, and style, but I don't think I have time or energy to express that on here anymore. I might post occasionally over the summer And,, for my own enjoyment, but for the most part, I'm done. I love you all, and I will STILL look at your blogs! Daily, as well! This has been a really wonderful ride, and I've been introduced to the amazing world of blogging. It just isn't for me any longer. Thank you for reading my posts, and sticking with me. 

I will do one last fashion-related post, so look forward to that in the next few days. Then I'm finished. 

I will lead you to a different blog that you should follow just as faithfully as this one! No, it's not a fashion blog, but it's hilarious and my friends are geniuses for creating this. This blog should be HUGE like Badbado Instittion Central OF Diaspora or something. GO to Badbado.blogspot.com NOW!!!! 

Yusuf Garaad....Fikirkaaga ka Dhiibo...oo soo Jawaab........


VOA oo Xalaalaysay Xasan D.Aways, Al-Shabab kuwa Hawiye ma´ah Dambiile sida Xasan D.Aways, Godane (Isaq) iyo Shongole (Darod) waa Dambileyaal  
++




http://www.puntlander.com/?p=25090


Ohio: (Badbado institution central of diaspora )-

                                               
 Waxaa magaalada Columbus, Ohio ee wadanka Mareykanka (USA) lagu qabtey xaflad looga hadleyey arimaha Federaalka Soomaaliya, waxaana soo diyaariyey Center for Somali American Engagement ,waxaa ka soo qeyb galey madexda gobolka Ohio.

                           

Arimaha laga hadley waxay ahaayeen Soomaaliyada Maanta: Ka Guurka Dagaal
Sokeeye iyo Dhisitaanka Dawlad
Damoqraadi ah – Caqabadaha iyo Fursadaha ina Hortaagan. Waxaa halkaas ka dahley Gudoo Miyaha ururka Mr. Burhan M. Ahmed, Mr. Faisal A. Roble iyo Senator Charleta B. Tavares ee gobolka Ohio. Iyo Nina Turner oo ah Senator –Ohio,madexweeynaha uruurka Saciid Mohamuud, iyo Abdi Soofe oo ka shaqeeya Major Coleman’s office kiisa.
Center for Somali American Engagement waxaa uu ka shaqeeyaa arimaha siyaasada iyo horumarka bulshada gudaha iyo dibada in leysku xiro, iyo siyaasada oo lasaxo markwalba oo uu qalad yimaado

                       


Press Releases: Puntland Government Statement on New Deal Framework

22 August 2013  



                                      



Puntland Government welcomes the New Deal Conference for Somalia, hosted by the European Union in Brussels on September 16, 2013, as the New Deal provides the guiding framework for working partnerships in fragile and conflict-affected States.
Puntland recognizes the importance of the New Deal Framework, signed in Busan on November 29, 2011 in accordance with other international accords including the Paris Declaration and the Dili Declaration. The New Deal is a country-owned and led process that brings structural change to Aid Effectiveness in Fragile States and seeks clear roles and responsibilities for the affected States receiving the aid, in collaboration with Donor Communities and Development Partners.
Underscoring Puntland’s commitment, a Puntland ministerial delegation attended the New Deal signing event in Busan, South Korea, and a Puntland ministerial delegation also attended the New Deal for Somalia launch event, held in Mogadishu on May 14 and chaired by Somali Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon.
Puntland will attend the New Deal Conference provided that it is given a special arrangement, in light of political divides in Somalia, Puntland’s decision on August 5 to suspend relations with Federal Government of Somalia (FGS), and Puntland’s obligations to uphold its constitutional rights and privileges enshrined in the Provisional Federal Constitution (PFC) of Somalia.
The Government has nominated a Technical Committee consisting of government officials, academics, experts, and lawyers – chaired by Puntland Ministry of Planning and International Cooperation – to coordinate with international partners and g7+.  The Technical Committee is preparing a Critical Priorities Document in line with Peace-building and State-building Goals to be a component incorporated into New Deal Compact for Somalia and the Document will be finalized after engaging in wide consultations with representatives from public and private sectors and civil society.
— END —

Monday, August 19, 2013

Maxaad ka taqaan kooxda Hawiye Action Group?

Maxaad ka taqaan kooxda Hawiye Action Group?
Falastiin axmed iimaan
RADIYAH CODKA BEESHA HAWIYE                   http://www.puntlander.com/wp-content/uploads/2013/08/H-A-G.mp3
Falastiin-Axmed-iimaan
Been abuur falastin iyo gabar ay saaxiibo yahiin oo hoogta muqdisho.

http://www.puntlander.com/wp-content/uploads/2013/06/Falastiin-Axmed-iimaan.mp3
Hawiye Action Group
Hawiye Action Group
BARTA UU KU LEEYAHAY TWITTERKA
https://twitter.com/HAGSomalia
Maxaad kala socotaa Kooxaha Hawiye Action Group ku adeegtaan Madaxweyne Culusow Maalgeliyo ee TV-yada ka caytama (Daawo dood Video)
http://waamonews.com/?attachment_id=27730’
Kooxda Hawiye Action Group oo ay horboodayaan Ganacsatada Beesha Habargidir iyo Xasan Culusow ayaa waxay maalgeliyaan oo idaacadaha u adeegsadaan si ay u aflagaadeeyaan Maamulka Jubaland iyo guud ahaan dadka asal ahaan u leh Jubboyinka. Dadka la isticaamo waxaa kamid ah Shaqsiyad ka soo jeedo beesha Gaaljecell iyo Nin ka soo jeedo Kongo oo lagu magacaabo Injineer Yarow. Kooxahan waxaa gadaal ka taagan oo isbaarada Min Muqdisho ilaa Marko daadsan ku ilaashanayaa Beesha Habargidir ee xilligii Dowlada Cabdi qaasin xoog ku qabsatay dhul badan oo ay san laheyn, Sida Muqdisho, Shabeelada hoose iyo Waliba Qeybo kamid ah Jubboyinka oo haatan laga xoreeyay , walina ay socont doonta xoreynta deegaanada ay wali ku harsan yihiin iyagoo Alshabab ah ,waxana kamid ah Degmada Jillib oo beera badan ay xoog ku heystaan.
Waxaa wax lala yaabo ah in Gaaljecel laga dhigo beel Jubboyinka deegan ku leh, Inago og in Jubboyinka, dooxadii juuba kor aysan jirin wax la yiraahdo Gaaljecel, dagaalki sokeeye kadib ayaa la maqlay magaca Gaaljecel oo ilaa iyo mininka dadka deegaanka u dhashay aysanba Aqoonin. Waxaa jaray qoysas Doqondiide la oran jiray ama Giirgiir oo Ragg ganacsata ah ka soo kaxeysteen gobalka Hiiraan ,si ay ugu shaqeeyaan oo ay ugu xamaashaan. Ninka Siraaje laleehayay ee doodan ka qeyb qaadanayo ee sheeganaya inuu yahay nin deegaan ah oo jiro, Waxaa xusid Mudan in 1989 qoyskooda ay isku qabsadeen, laba nin oo ka soo kala jeeda Bartire iyo Ciisa Maxamuud ,iyagoo leh aniga ayaa iskaleh qoyskan iyo adiga malahide aniga ayaa iskaleh oo qowsaar ii yihiin oo hiiraan ka soo kaxeyste.
Waxaa Marqaati ka ah cidd kasta oo reer Kismaayo ah, In Odeyaashi deegaanka ay Siraaje qoyskiisa u xukumeen mid kamid ah labadi nin ee ganacsatada ahaa , oo lagu yiri war isagaa keensadaye u daa oo doono mid kale. Hadaba waxaa yaab iyo ama kaag ah In maanta ninkii noocaas ahaa uu idaacadaha ka leeyahay dad kilil 5 ka soo duulay ayaa jubboyinka qabsaday. Waxaas waxaa ka shaqeeyay oo ka dambeeya waa Hawiye Action Group oo ku adeganaya dadka aan xishoodka laheyn.
Dadka deegaanka ka soo jeedo Jubboyinka sharaf dhac ayay ku tahay inay ka ogolaadaan TV-yada inay kala doodaan dadka noocaas ah. Waayo waa wax sharaftaada lagu dilayo in TV lagula soo firiisiiyo oo aad gurigaaga kala toodo nin qowsaar kuu ahaa. Waxaan ognahay ninka la yiraahdo Injineer Yaroow oo dhalasha ahaan ka soo jeedo Wadanka Kongo Central Africa ,inkastoo uu sheegto inuu yahay Jareertii Talyaniga ka keenay Tanzania, inay Maalgeliyaan oo ay adegsadaan kooxda Hawiye Action Group ,gaar ahaan Madaxweyne Xasan Culusow oo xitaa u furay website uu ku Aflagaadeeyo beesha Absame.
Safarki ugu dambeyay ee Xasan Culusow ku tagay London , Injineer Yarow waxuu kula kulmay hotelkiisa, waxuuna siiyay dhaqaalo ,isagoo kula dardaarmay inuu howsha aflagaadada idaacadaha loogu geysanayo Absame iyo Jubboyinka ka sii wado idaacadaha. Yarow xitaa ma aha Jareerti Jubboyinka waa Jareerti Jowhar degeneyd. Hadaba Dadka Udhashay jubboyinka waa in ay sharaftooda ku ciyaarin oo dadka noocaas ah ee Hawiye Action Group iska soo hormariyay aysan hor fariisanin, Maxaa yeelay qowsaar ilaahey ka sokow aad adiga laheyd in Hawiye Action Group oo dhulboob rabo ku soo hor fariisiiyo ,. Hadii la hor fariistana waa in loo keenaa dadka reer Jubaland rasmiga ah ee yaqaano Shaqsiyaadkan runtana u sheegaa in ay ahaayeen dad lalahaa.
Waxaa xusid mudan mediyaha qaarkood in Afka Hawiye Action Group ku hadlaan waxaana kamid ah TV UNIVESAL. Wariye Cawil waa nin Culusow fikirkiisa iibiya isla Markaasina loo Xilsaaray inuu TVyada soo fariisiiyo kooxaha la adeegsanaya ee Siraaje iyo Yarow . Ufiirsada Hawiye Action Group iyagu gadaal ayay ka taagan yihiin ,laakiin mediaha waxay u adeegsadaan dadka la sooca ee yaryarka ah,Sida Galjecesha ,Murursadaha ,Yarow iwm. Maxaa yeelay dadka rajada iska qabo ama qiimaha ku dhex leh bulshada ka qabiil ahaan iyo shasi intuba looma adeegsado meelaha faashilka ah.
Ugu dambeyn ujeedada Hawiye Action Group ayaa ah inay baab’biyiyaan beelweynta daarood oo ay kala qeybiyaan,balse waxaa nasiib wanaag ah in beesha daarood hurdada ka tooseen oo ay u midoobeen Cadowga horarka ah ee duulaanka ku ah jiritaankooda

awesome :)--- Claude Kelly - Again


Sunday, August 18, 2013

Very intresting - LOVE IT....

A UK journalist interviewed president Mugabe after he was declared winner of the recent Zimbabwean presidential election:
"Mr President don't you think 89 years old would have been a great time to rest and retire?"
Mugabe responded:"Have you ever asked Queen Elizabeth this question or is it just for African leaders?".

The road is long Somalis fare much worse than other immigrants; what holds them back?

=====ILAAHOOW CEEBTEENA ASTUR!!!=====

                                 
A very sad Article that damages the image and reputation of our Somali people in general, and in Britain, Denmark and Norway in particular.

                   
This devastating article which I hated reading came on the world famous Magazine: "ECONOMIST" which is read by hundreds of Millions of people around the globe.
Shame on you!!! The Somalis in BRITAIN, DENMARK AND NORWAY

Monday, August 12, 2013

Prof. Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Nairobi , taageerayna Jubbaland State, eedayna u jeediyey Df ee Soomaaliya (Dhegeyso+Video)

Stockholm; (Badbado Insutition Central Of Diasspora)-




                                           
 Raiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo khudbad taariikhiya ka jeediyey Xaflad lagu taageerayey Maamulka Jubbaland State ayaa , wuxuuna dhanka kale ku eedeeyey DF ee Soomaaliya kuwa ku xadgudbaya sharciga Federaalka ee Soomaaliya.
Dhegeyso Khudbada raiisal wasaarihii hore     

Prof-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed loo shaqeeyo , lana raaco rabitaakooda.
Jubbaland State ayuu ku sheegay inuu yahay Maamulka kaliya ee Soomaali oo dhan u dhantahay, shacabkeeda, Cuqaasheeda iyo waxgaradkeeda ay goosteen in samaytaan maamul goboleed, maamul goboleedkaas oo uu sheegay in aragtidiisu ay soo bilaabatay waqtigii dowladii Shariif.
” Wixii Soomaaliya dhibaya anaga oo dhan waa na dhibayaan, martina kama nihin wixii wadanka God ku ridaya iyo iska horkeen  inaa niraahno maya, sidaas naguma maamulaysaan” ayaan qabaa anigu ayuu yiri Prof. Geedi.
Marxaladihii uu dalku soo maray ayuu ka hadlay  Prof. Geedi , iyo dhacdooyin xun xun oo Muqdisho ka dhacay, Wuxuuna hoosta ka xariiqay kuwa hada dowlada sheeganaya in ay markoodii hore diidanaayeen Federalismka oo meelaha ay ka mudaaharaadi jireen.

http://www.youtube.com/watch?v=kT2U8wAI_4Q


Sunday, August 11, 2013

awesome :)--- Claude Kelly - Again


Safarkii Dr.Abdurahman A Baadiyow ku joogo dalka Germany. Berlin-

                                                           






                           Qormaddii. Dr.Abdurahman A Baadiyow 
Waxaan nabad ku soo gaaray magaalada Berlin, Germany. Waxaan soo booqday meeshii laga jebiyay darbigii Berlin "Berlin Wall". Immisa darbi xumaaneed (faqri, jahli, talo-xumo, kali-talisnimo, shuuciyad, cuqdad iyo...) ayaa la soo jibiyay inta aan dhab ahaan loo dumin " Berlin Wall" ? Waxey ila tahay in lagu cibro qato oo ruux kasta fiiriyo darbiyada (jidaadrka) qabligiisa ka dhisan oo ka celinaya dad ay aheed iney isku furnaadaan!! dibadeedna waa inaan jebinaa!

Thursday, August 8, 2013

C░I░I░D░░W░░ٌٌٌC░I░I░D░░W░░A░N░A░G░S░A░░A░N


´✫¸.•°*”˜˜”*°•✫♥ ..✫¸.•°*”˜˜”*°•.✫♥ ☻/ღ˚ •。* ♥♥ ˚ ˚✰˚ ˛★* 。 ღ˛° 。* °♥ ˚ • ★ *˚ .ღ 。 /▌*˛˚ ░ ░ٌٌٌC░I░I░D░░W░░ٌٌٌC░I░I░D░░W░░A░N░A░G░S░A░░A░N

Whenever I start getting sad about where I am in my life, I think about the last words of my favorite

  • , Punt Land show patience against Hasan Shikhs's Goverment (Dam Jadiid Group) for the Somali government has no control over Mugadisho, they hide behind behind the African soldiers who defend them! While Dr. Faroole is president of the eight regions, Faroole and Punt Land created their own military forces, they do not need African troops, Punt Land ´s leadership based on the people of Punt Land promotes peace, social development and tryng re-create what is called the Great Somlia, while Hasan Shikh's government is based of clan, tribe, nepotism, they live in a fantasy world, they do not have control over Mugadisho, they prefer to place their clan members as ambassadors of Kenya, Ethiopia, Sudan, Djabouti, Eriteria, Dubia, Suadia etc. Punt Land must have real power sharing in the parliament, in the government-

MUSHARAXA PUNTLAND!

AKHRISO: KHUDBADDII MUSHARAXA MADAXTINIMADA EE PUNTLAND DR. C/WELI MOHAMAD GAS_ 

_______________________________________________________________________
Shir uu ku gabtay Hotelka Sheraton Ee Magaaladda Addis Ababa ayaa si rasmi ah waxa uu ugu shaaciyey in uu u tagan yahay xilka Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo baxayey warar sheegayay in uu u tartamayo xilka Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas, hasse yeeshe waxa ay si rasmi ah u noqtay mid Dadweynaha ay aad uga sugayeen in uu isu soo sharaxo xilka Madaxweyne.
January-2014 ayaa lagu wadaa in Doorshadda Madaxweynaha Puntland la qabto iyadda oo Xilkan ay u tartamayaan rag badan oo horey siyaasadda ugu soo jiray iyo kuwa ku cusub.
Hoos ka akhirso Khudbadda Dr. Cabdiweli Gaas
Waxaan salaan iyo bogaadin u jeedinayaa dadweynaha Puntland meel kasta oo ay joogaan, Waxaan rajaynayaa in ay sannadka sannadkiisa kale ay ku gaaraan nabadgelyo, wadajir, Horumar, iyo dawladnimadooda oo horumarta, hanaqaada.
Mudanayaal iyo marwooyin, sida aad la socotaan waxaan sanadkii la soo dhaafay socdaal ku Kala bixiyey meelo badan oo ka mid ah Puntland inkastoo aysan ii suurtagalin in aan booqdo Meela kale oo ka mid ah Puntland duruufo jira awgood. Booqashadaydu waxay ku salaysnayd u kuurgalid xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland iyo sida wax looga qaban karo. Waxaan Aad ugu mahadnaqayaa dadweynihii sida wanaagsan ii soo dhaweeyey iilana qaybsaday Dareenkooda iyo fikirkooda ku aadan horumarka iyo mustaqbalka Puntland. Socdaalkaas Kadib waxaan soo saaray warbixin waafi ah oon ku cabirayey dareenka dadka reer Puntland, Warbixintaas oo aan islahaa waxay ka hufnayd rabitaan iyo aragti shaqsi ah.
Waxaan sidoo kale socdaal dheer ku soo maray wadamo badan oo dibeda ah, waxaanan la Kulmay qurbajoog tira badan oo reer Puntland ah iskuna dhaafsanay aaraa iyo fikrado ku Saabsan xaqiiqada jirta iyo sida Puntland loo gaarsiin karo horumar la taaban karo oo wax-ku-Ool  u ah dadweynaha reer Puntland.
Walaalayaal, waxaa nasiib wanaag ah in Puntland ay maanta 15 jirsatay.  Waxaa iyana guul ah In ay Puntland ay tahay nabad kuna talaabsatay horumar la taaban karo iyadoo ay la soo Darseen caqabado iyo duruufo adag. Waxaa iyana hubaal ah in wax badan dhiman yihiin Loona baahanyahay in loo tafaxayto sidii Puntland looga qaadi lahaa meesha ay hadda joogto Loona gaarsiin lahaa meesha aynu wada aaminsanahay in ay istaahisho. Waxaa marag Madoonto ah in isimada, dhaqanka, iyo dadweynaha Puntland u dabar adaygeen duruufo Qalafsan iyagoo mar walba niyadda ku hayay, ilaalinayayna jiritaanka iyo wadajirka Puntland.
Waxaa lagama maarmaan ah in laga dhabeeyo himilada dadka reer Puntland iyo hamuunta ay u qabaan Puntland oo wadajirta, mid ah, nabad ah, qaadana dhabihii ay ku gaari lahayd Horumar dhab ah.  Tani waxay u baahantahay in aan garowsano in Puntland maanta u Baahantahay isbedel siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo in aan hoos u eegno xaaladda Dhabta ah ee Puntland ay maanta ku sugantahay iyadoo laga dheeraanayo wax kasta oo dhibi kara Puntland-ta aynu wada jecelnahay, ishana lagu hayo danta guud, lagana dheeraado Raadinta maslaxado gaar ah.
Waxaan wada ogsoonahay in Puntland ay soo martay marxalado siyaasadeed oo kala duwan Tan iyo markii la asaasay shan iyo toban sano ka hor. Maamuladii kala duwanaa ee soo hagay Puntland mudadaas aan kor ku soo xusay waxay intii tabartooda ah ku dadaaleen in ay Puntland garsiiyaan horumar waxayna mudan yihiin in looga mahadnaqo dadaalkooda iyo Hogaamintooda. Waxay dad badan oo reer Puntland ah dareemayaan in wax badan Dhimanyihiin oo aanay isu dhigmin xilligii Puntland la aasaasay iyo horumarka ilaa iyo hadda la Tiigsaday. Waxaa aniga iyo dad badaniba aad uga xunahay in dadkii Puntland wada dhistay Ay maanta kala maqanyihiin. Aniga aragtidayda, kala-maqnaashaha dadku wuxuu ka Daranyahay kala-maqnaashaha dhuleed.
Xukuumadihii Puntland soo maray mid walba waxaa loo igmaday shaqo mucayin ah (mandate). Waxaana lagula xisaabtamayey Xukuumad walba sidii ay u gudato waajibaadkii loo igmaday. Shacabka nabdda jecel, oo samirka badan ee reer Puntland, markale waxaa ina Soo wajahday wakhtigii ay qiimeyn lahaayeen si wadajir ahna, ayaga iyo issimadu u soo xuli Lahaayeen Baarlamaan tayadiisu sareyso, soona doorta Madaxdii hogaamin lahayd Puntland 5ta sano ee soo socota.
Mudanayaal iyo marwooyin, Puntland waa deegaan qani ah, oo ay u dhan yihiin shuruudaha Horumarka aasaaska u ah sida: Dhul mug leh, Dad u heelan dhismiihiisa iyo Kheyraad dabiici Ah ee u baahan siyaasad miisaaman ee lagu diyaariyo horumarkaas
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan muddo dheer ka shaqaynayey sidii Soomaaliya dib ula Soo laaban lahayd qaranimadeedii iyo karaamadeedii, waxaanan si hagar la’aan ah uga Shaqeeyey maslaxadda iyo danaha shacbiga soomaaliyeed. Mar walba maslaxadda Puntland kama marnayn dadaalkaas aan beesha caalamka ku fahamsiinayey in ay garab istaagaan Soomaaliya. Waxaad markhaati ka tihiin in dadaalkaas mirihiiisii aan maanta wada aragno.
Walaalayaal, in badan oo shacabka reer Puntland ihi iyagoo jooga dibed iyo gudaba waxay ila Qaybsadeen dareenkooda ku aadan marxaladda ay maanta ku sugantahay Puntland. Waxay Walaac badan ka muujiyeen dhibaatooyinka isasootarayey ee dhaqaale, siyaasadeed, Nabadgelyo iyo ijtimaaci intaba.
Waxay walwal ka muujiyeen kala furfurashada ku timid mujtamicii wada dhistay Puntland loona Baahanyahay in la isu soo celiyo, inta maqan la baadi goobo, inta wadajoogtana la xajiyo Midnimadooda.
Waxay ila qaybsadeen aragtidooda ku aadan hoos-u-dhaca dhaqaale ee ku yimid Puntland iyo Saamaynta uu ku yeeshay danyarta, shaqaalaha dawladda, iyo naftooda hurayaasha ilaaliya Ammaanka Puntland.
Waxay dareenkooda si waafi ah ku cabireen sida Puntland ugu baahanyahay yagleelida Mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada iyo in la dardargaliyo kor u qaadida Kaabayaasha dhaqaale iyo abuurista hay’ado wax soo saar oo saldhig u noqda shaqo abuuris Iyo horumar bulsho.
Mudanayaal iyo marwooyin, markii aan tixgaliyey baahiyaha aan kor ku soo xusay,
Markaan qadariyey rabitaanka shacbiga Puntland ay u qabaan isbedel kaamil ah, waafi ah oo Dhinac walbaa, mid siyaasadeed, dhaqaale, iyo ijtimaaciba
Markaan eegay khibradayda siyaasadeed iyo aqoontayda arrimaha dhaqaalaha
Markaan tixgaliyey codsiyo tira badan oo iiga imaanayey bulshaweynta Puntland iyagoo Quudaraynaya in aan wax ka badali karo hanaanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland ku Sugantahay, iyagoo dabcan ka shidaal qaadanaya isbedelkii mugga lahaa ee aan ka suubinay Dawladda Soomaaliyeed,
Waxaan go’aansaday in aan isu soo taago tartanka madaxweynanimo ee Puntland ee bisha January horaanteeda 2014.
Puntland maanta waxay diyaar u tahay hogaan DEMOQRAADI ah, TALO WADAAG ah, DANTA GUUD ka  hormariya DANTA GAARKA ah.
Puntland waa hooyada Soomaaliya. Waa hogaanka Soomaaliya. Waa abuurka Federalismka Iyo Dimoqraadiyadda. Saldhig waxaa Soomaali u ah Dastuurka aan wadajirka u qoranay. Ku Dhaqankiisa iyo hirgelintiisa cidna marti looga noqon maayo.
Waxaan rajaynayaa in sannadka soo socda aan ku gaarno wadajir, nabadgelyo, iyo horumar, Iyo dawladnimadeena iyo dimuqraadiyadeena oo horumarta siina bulaasha.:/

Qormaddii:: Bureau for Somalian People's Development

Yuusuf Garaadow Dawladda Ciyaarta ka Daa        
                                                         

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Agoosto 07 2013


Waxaan arkayyaa sadarro silloon oon sinaba ahayn, Yuusuf Garaad marba mid soo goglayyo bogagga war baahinta isagoo u gudbinaya hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taagga, Yuusuf waxay katahay: Waan idinla talinayaa. Waxaanse leeyahay sadarrada Yuusuf Talo maahee, waa Tuugsi casriyeysan iyo xil ha la ii dhiibo. Waa tab cusub iyo tu horle oynaan horay u aqoon. Waa si dadban iyo anigaa taa ku fiican. Waa tixgalin la’aan iyo ka dul tallaabsi shacabka soomaaliyeed ee tiisii hore ogaa. Marka la isu geeyo waa toorrey qarsoon iyo tantoomo siyaasadeed oo kuwa talo ka qaataa ka kicidoonin. Waxaa la yidhi: Riyyo hadday dib leeyihiin, dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen. Yuusuf waxaa lagu yaqaanay inuu ahaa tafatirihii laanta afka soomaaliga ee BBC London. Halkaasaa soomaalida badankeedu ku baratay. Loogama baranin maamul wanaag, Caddaalad iyo Cadcaddaan toona.
Wuxuu si toosa iyo si dadbanba, isagoo adeegsanaya awoodiisii Idaacadda BBC da danbiyo gaar ah iyo kuwo qaranba uga galay qurbojoogtii Soomaaliyeed ee la shaqeyneysey iyo dhammaan qolqoljoogta. Maantana wuxuu raadinayaa in xil dowladeed loo magacaabo oo uu haddana wax khaldo. Maamulkii Yuusuf ee BBC da waxaa lagu xasuustaa oo uu ku caan baxay: Eex, Ninjeclaysi, Musuqmaasuq baahsan iyo qabyaalad qaawan. Yuusuf sidaasoo aan ka soo reyn lahayn ayuu ku maareynayey hawl maalmeedkiisii iyo dadkii uu mas’uulka ka ahaa muddo dhan 13 Sanadood. Waxaa iyana ka horeysay muddo 7 sanadood gaadheysa oo uu ka mid ahaa shaqaalaha caadiga ah ee isla BBC da. Mudadaa iyana, wuxuu Yuusuf adeegsanjirey xeelado ka caagan ruux kasta oo waxgarad ah, wax bartay, iimaan leh, isku kalsoon oo mas’uul ah. Muslim ilaahey ka cabsanayana hadalkiiba daa. Yuusuf shaqaalihii uu maamulaha u ahaa, gaar ahaan kuwoodii soomaalida ahaa wuxuu ku hayey: Cadaadis, Cabudhin, Cunaqabateyn, Caga jugleyn iyo ama tayda ama tunaba. Karaama darradii iyo maamul xumadii looga soo joogey Yuusuf een halkan lagu soo koobi kareyn cid ka galabsatay ama ka mudneydina jirin, waxaa ka mid ahaa: inuu shaqaalaha kala qaybiyo. Inuu qolo-qolo u kala saaro. Inuu qaar soo dhaweysto. Inuu qaar kale fogeeyo. Inuu ukala war sheekoodo. Inuu iskudiro. Inuu kala fur-furo. Inuu wada shaqayntii shaqaalaha baabi’iyo. Inuu go’aanoo idil ku soo koobo gacantiisa. Inuu dhaqaalihii hay’adda siduu doono ka yeelo. Inuu madaxda iyo shaqaalaha kala dhex galo. Inuu madaxda sare basaas u noqdo. Inuu qaarkood shaqooyin gaar ah u qabto. Inuu xidhiidh aan caadi ahayn la yeesho. Inuu dhaqankii, caadadii iyo soomaalinimadiiba sidaa kaga fogaado. Waxay taasi sababtay in shaqaalihii kuwo ay dani ka maaransiinweyday mooyee kuwii kale waxay adkaystaanba aanu aragnay iyagoo mid mid boorsooyinkii uga xidh xidhay BBC dii. Inay tahay waali dhaqankaasi tuu ku mutaystay in loo magacaabo, Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Lodon, su’aali kama taagna. Aqoon may ahayn oo waa lala wadaagey amaba laga sittey. Casharrada diiniga ah Dalmar baaba daadihin jirey. Cod wanaag wariyenimo, barnaamij la isku dubbarido iyo khibradna hadalkeedba daa. Waggar, Cawkaaba joogey, Cabdinuur, Cabdilaahi, Cabdisalaan iyo Aamina. Caasha Cuudna waa la heli karaayey.
Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq. Yuusufow, sida la yidhi waxbaad baratay. Waxbarashadu waa iftiin. maxayse kuugu taalaa haddaanad ku kala arkeynin xumaha iyo samaha. Maxay kuugu taalaa haddaanay kaa maaransiin inaad ku dhowaato Hoggaamiye Kooxeed dhiiga shacabka ku nool. Maxay kuugu taalaa haddaanay waxbarashadu ku barin, Ixtiraamka iyo habsami ula socodka aadamaha, ha ahaadeen kuwo kula shaqeeya ama bulshada qaybaheeda kala duwan ee aad ku dhexnooshahay. Maxay kuugu taalaa haddaanay ku barin in aad si wanaagsan ula dhaqanto, si caddaalad ah u dhaqdo sinnaanna ugu dhaqdo dadka aad mas’uulka ka tahay. Waxaa la yidhi: Shinbiri marbay dab qaadayoo, markiina buulkeedii bay ku gubtay. Yusufow, marbaad Mas’uul noqotayoo, markiina Bush house baad burburisey ood dhaxalsiisay inay noqoto meel aafadaadu wada gaadhay. Sanka laga qabsado, afka iyo dhagahana laga wada fureysto. Laga wada giigey. Gaal iyo muslim lawada guuxey. Mid-mid looga guurey. Adigana lagaa soo daba ganay. Soomaalaay, Yuusuf waakaa.

Mas’alooyinka maankayga gadey, een la anfariiray waxaa ka mid ah:
Saxafiyadda Marwo Aamina Muuse, oo ah Halyeeyad, Geesiyad, Waddaniyad, Soomaaliyad dhab ah, si kastoo loo eego aan meel la saluugo lahayn, ayaan is weydiiyey saygeedoon dhiman waxay subax nool intey sara kacday assay u saaratay. Iyadu diidday inay daaha ka rogto, waxaanse hubaa inaan dulmiga daartaa Bush House looga horeynin. Waan la damqaday oo dubkaa iigu yaalla. Iyadu diidday inay daaha ka rogto. Waxaanse dareemayaa dabuubtan oo u daboolan: Haddaan dalkaygii burburin. Haddaan dadkaygii baabi’in. Haddaan la wada dulloobin. Haddaan dib u heshiisiin iyo dawaba loo waayin, miyaan dibaddaba u baqooli lahaa. Miyaan BBC iyo Balaayo Garaad midna u baahan lahaa. Soo beytkii qaboobaa, babaygii iyo muuskii, xamar caddey iyo banaadir batarkiyo balooleey kumaan bariisteen.
Yuusufow, wadankan Soomaaliya waad u dhalatay. Waxa uu xaq kuugu leeyahay iyo xuquuqda aad adigu ku leedahayna, waxaad ula simantahay muwaadin walba oo soomaaliyeed. Muwaadin kasta, marka uu xil qaran damac ka galo, madaxda dalka iyo shacabkaba wuu is baraa. Wuxuu la yimaadaa barnaamijkiisa wax qabad, xag sayaasadeed, dhaqaale, caafimaad iyo dhinac kasta wuxuu ka damacsanyahay iyo qoraallo ama muuqaallo muujinaya taariikh nololeedkiisa, heerkiisa waxbarasho, khibrraddiisa shaqo, meelaha uu ka soo shaqeeyey, xilalka uu horay u soo qabtay, abaalmarino hadduu mutaystay, iyo wax kasta oo ka markhaati kacayya, asluubtiisa wanaagsan, hab dhaqankiisa iyo dhowrista qawaaniinta iyo xuquuqda Shaqada & Shaqaalaha.
Waxaan ku xassusinayaa, haddaad moogtahay inay adiga Soomaali aad kuu baratay. Waa laga yaabaa inay bahdaada saxaafadda qaar ka mid ahi sida Cawke & Cabdilahi Xaaji kaa magac dheeryihiin, hadana soomaali badankeedu way ku taqaanaa. War iskukiin seegani majiro. Taariikh nololeedkaagana, maqal, muuqaal iyo akhristoona soomaali uma baahna. Waxaad gasho, waxaad guddo, waxaad fashay, waxaad fali doonto ee kaa suurtowda iyo hab dhaqankaaga maamul iyo mid siyaasadeedba waa laga dharagsanyahay ilaa kuwooda miyiga jooga ee reedhyowgu dagta u sudhanyahay.
Xil qaran inaad hungureyso xaq baad u leedahay, cid kuu diidi kartaana ma jirto. Guul iyo guuldarro se cidda go’aankeeda lihi waa codka shacabka soomaaliyeed oo ku yaqaan adiguse aad mooddo inaanad wali baran. Waxaa la yidhi: Bani aadamka ruux walba, kitaab qummane la yidhaahdo ayaa qoorta ugu jira. kutubtaasaad mid qoorta ku sidataa. Waanad isla qumantahay, mar haddaad qolqoljoogtii intaad dhex timid, leedahay, ha la I doorto ama xil hala ii magacaabo. Ogoobey fule xantii ma mooga. Adiguse ma dammanaad tahay. Ma dareemayaashaan ku shaqayneyn. Ma damiirkaa ku daboolan. Miyaan diir naxaaba kugu ool. Sideed mantana durba dowladda Soomaaliyeed gaawaha ugu soo culataa. Hadaan wali cidi kugula xisaabtamin xad gudubyadii aad u geysatay dadkii kaala shaqeeyay BBC laanteedii afka soomaaliga, iyo nabadda soomaaliyeed guud ahaan, macneheedu ma aha in la ilaaway iyo in laguu cafiyey toona. Ma aha waad mudantahaye tu dowladeedna doono. Ma aha inaad marba sadar qortood soo tuurto, tidhaa waan talinayaa. Cid aad wax u sheegto, iyada daa, adigaa talo u baahan iyo in wax lagu tuso. Adigoo ka faa’ideysanaya cilmigaad baratay oo lagu daro la dhaqankaagii dadyowga ku dhiirada in ay warbaahinta hor yimaadaan iyagoo isku kalsoon, qirta danbiyadey galeen, haba darraadeen hadey doonaane, orodoo horta tii hore iyo tumaatidaad geysatay ka toobad keen, ilaahayna cafis weydiiso, taadan danbey wax taraysaaye. Raaligalin buuxda iyo cudurdaarna ka bixi. dadkaad xad gudubyada ku sameysay, waad wada garaneysaaye, iyo Soomaali dhammaan, adigoo ballanqaadaya inaan gafafkii Bush House iyo BBC aad u adeegsatay oo kale dib kaaga dhicin. Shacabka Soomaaliyeed oon anigu ka mid ahay waxaa iyagana ku waajib ah inay aqbalaan raaligalintaada, ballanqaadkaagana rumeystaan sidaana kugu saamaxaan. Waxaa kuu soo hadhay Dhibbanayaashaadii, runtii waa arin iyaga u gaara. Haddiise aad sidaa yeesho, waxaannu iyagana ka codsandoonaa inay raaligalintaada iyo nabaddaadaba qataan. Anigu tawjiihaad iyo tilmaan, talo walaaltinimo oo wax ku oola iyo tusaalaan ku siiyey, inta kalena, adiga iyo damiirkaagaan u deynayaa. Waxaa la yidhi: Waano dhallan baa ka adag. Waxayse tani kaaga baahantahay, go’aan adag iyo geesinimo iyo inaad muujiso tanaasul kaasoo kuu horseedi kara inaad noqoto, Xalay Dhalay. Nin lagu magacaabo Allan Lichtman oo bare ka ah jaamacad ku taala wadanka Maraykanka ayaa wuxuu ku guulaystay inuu saadaaliyo natiijooyinkii ka soo baxay tartammadii madaxweynenimo ee wadanka maraykanka todobadoodii (7) ugu danbeeyey laga soo billaabo 1984 kii markuu ku guuleystey Ronald Reagan. Marwalba saadaashiisii waxay noqotay siduu u sheegay. Kal hore oo ahayd tii ugu danbeysey, wuxuu u yimid Madaxweyne Barack Obama oo uu ugu bishaareeyey guusha in dib loo dooran doono. Wuxuu ku yidhi: Markaan wada eegay arrimaha aan ka qiyaas qaato, oo ay ka mid yihiin, Dhaqaalaha, ahaanshahaaga madaxweynaha dalka waqtiga doorashada, iyo wax ka badalkaaga siyyaasada dalka, waad ku guulaysanaysaa mar labaad doorashada, sidaana ku seexo oo waxba ha ka warwarin. Aniguna yuusufow markaan dhinacyo badan eego, oo ay ka mid yihiin: Taariikhdii madoobeyd iyo magac xumadaad kaga tagtay Bush House, tagrifalkaagii awoodeed iyo dhaqaale, xadgudubyadaad u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalahaad mas’uulka ka ahayd oo lagu daro xaaladda adag ee dadka iyo dalkuba ku jiraan, waxaan saadaalinayaa, Haddaad taladayda diido ood dhagaha ka fureysato, shacabka soomaaliyeedna dhayalsato, waxaad ahaaneysaa Canuga Dhiblowga ah ee Siyaasadda Soomaaliya. (Problem Child of Somali Politics). Inta aanad growshiiyo bixin, ninka xil qaran kuu magacaaba, kugu taageera ama intuu xaaji ku moodo kugu daba tukadaa isagaa Koore Murjaan ah. Ninka dawlada daaqadda kaa soo galiyaana, kaba sii daran, oo isagaa albaabka ka bixi doona, warbaahintana koley ku tahay oo ah xirfadda aad leedahay, wallow aad si xun ugu soo shaqaysay. Waayyo, xil mas’uuliyadeed oo la magacaabaa waxay u baahantahay foojignaan dheeri ah, taariikh dib loogu noqdo, macluumaad la uruuriyo, baadhitaanno dhinacyo badan taabanaya, tijaabooyin iyo wadatashi badan oo la sameeyo. Haddaan sidaa la yeelin waa lagu rogmanayaa oo lagu rafaadayaa. Ninka maxkamadihii dowladda Ingiriiska ood wada garaneysaan ka seydcaleeyay ee ka soo gudbey isagoo danbiila ah, miyaa xeer Daahir Jeesow qareen iyo ehel u yahay, sidiisanaba qabyo ah lagu xakamayn karaa? Jawaabtu waa maya. Hadaba dadka ha karkabadeynine, shib dheh intaad is xalaalayneyso, oo
Yuusuf Garaadooooooooooooooooooooooooooooooooow Dawladda Ciyaarta Ka Daa.
Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

Wednesday, August 7, 2013

ILLAAHOW Ka Dhig ‪#‎SOMALIA‬ OO NABADA AH & DADKEEDO WALAAL ISJECEL AH.

#29 ‪#‎Ramadan‬ - Walaalyaal aan u duceyno maanta Wadankeena, Waalidkeen & Waalidkiis Iyo waliba inaga Qudheena nafteena aan u duceysano sii aan u helo barwaaqo & nabad Adduun iyo Aakhiro janatul farduusa

ILLAAHOW ‪#‎SOMALIA‬ OO NABADA & DADKEEDO WALAAL ISJECEL AH.


Aamiin!! 
Qoraaa_  Yusuf Cali



MA ANIGA BAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA! BAL LABADAN CIWAAN KU WAREERAYE BAL ADIGUBA GARO.

MA ANIGA BAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA! BAL LABADAN CIWAAN KU WAREERAYE BAL ADIGUBA GARO.

1-Kenya opposes plan to hand over Kismayu (nation): port:http://www.nation.co.ke/News/Kenya-opposes-plan-to-hand-over-Kismayu/-/1056/1939672/-/srmsyq/-/index.html

2-Kenya says ready to hand over control of Somali port city (reuters):http://www.reuters.com/article/2013/08/06/uk-somalia-kenya-kismayu-idUKBRE9750ZB20130806

Kee baa Sax ah, waa yaabe?

Qoraa __Abdi Boqor

Tuesday, August 6, 2013

Ka Dar OO Dibi Dhal bey Somali Ku MaahMaahddaaa! DAAWO SAWIRADA:Heshiis dhexmaray Dawladda Soomaaliya iyo Sharikad Sahminaysa Shidaal

Wasaaradda Khayraadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday maanta in ay heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain.
Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa Sharikaddan in ay ka sahmiso Soomaaliya in Saliidi ku jirto , soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.
Waxaa la rajaynayaa in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa uu muujinayaa xiriirka xoogan ee u dhexeeya Somalia iyo Britain.
                
DAAWO SAWIRADA



Monday, August 5, 2013

QAAN-GAARTAY PUNTLAND.

QAAN-GAARTAY PUNTLAND.





1Augosto 1998 ayey ahayd maalintii dhidibada loo taagay Dowlada Puntland. Waxaan maanta joognaa 15 sano ka dib inagoo nabad ah , horumar gaaray ..... Ilaah ayaa mahadaas iska leh.

Qof kasta oo xilligaa goob joog ahaa waa dareemi karay meesha laga soo bilaabay yagleelidii Puntland... Maanta bal dib u eeg sidii la ahaa maalintaas. 

Puntland waxaa lagu dhisay caqligii iyo dhaqaalihii dadka reer Puntland. Weli waxay wax ku tahay, kuna ahaanaysaa waa garashada dadkii aasaasay.
aynu dib u wada jaleecno maalintaas iyo maanta farqiga u dhexeeya

Waxaa u hambalyeynayaa dhaam dadka reer Puntland... anigoo ku boorinaya inay midoobaan mar walb


Qoraaa_ Abdishakur Mire