Tuesday, March 10, 2015

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo xariga ka jaray wado laami ah oo laga hirgaliyay Bosaso Sawirro

                                                      



Bosaso(MN) Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa maanta oo Tallaado ah xariga ka jaray wado laami Ah oo isku xiri doonta madaxtooyadda iyo bartamaha magalada Bosaso.
Munaasibadda xariga looga jarayay wadadaan ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekadaha,wasiir ku xigeenka Qorsheynta, mamulka Gobalka Bari, ku simaha maayarka magalada Bosaso iyo Masuuliyiin kale.         
Ku simaha Maayarka Bosaso Siciid Cabdiraxmaan ayaa sheegay wadadaan inay muhiim u tahay isku socodka dadka Iyo gaadiidka, wuxuna sheegay inay tahay mid isku xiri doonta madaxtoyadda iyo bartamaha magalada Bosaso.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax oo xariga ka jaray wadadaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Horumarka baaxada weyn ee ka socda xarunta Ganacsiga Puntland, Shirkaddii dhistay, mamulka Gobalka iyo kan Degmadda ayuu uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay iskugu xil saareen hirgalinta dariiqaan laamiga laga dhigay.
Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay inuu ka mid noqon doonta dadka ka faa’iidaysanaya maritaanka wadadaan oo ka Qayb qaadanaysa horusocdka horumarka.

”Dhismaha wadooyinka waxay noo lee yihiin muhiimad gaar ah ,waxaan ka codsanayaa mamulka dowladda hoose inay ilaaliyaan wadooyinka, waxaan reer Bosaso u sheegayaa inay magaladda banaankeeda degaan oo buuraha u baxaan Si horumarku usii socdo” Shire Xaaji Faarax ayaa sidaasi yiri.
Docda kale Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ku simaha Maayarka Bosaso Siciid Cabdiraxmaan ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto mamulka magalada Bosaso,dhulkan ay yeelatay Dowladda hoose ayaa magalada dhanka bari kaga yaala.
Magalada Bosaso ayaa ka mid ah meelaha ay sida xoogani uga socdaan horumarka iyo dhismayaasha xarumaha Ganacsiga.

No comments:

Post a Comment