Wareegto uu ku Saxiixnaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo soo baxday 11/03/2015 ayaa lagu Sheegay in la kala Diray Guddigii Adeegga garsoorka ee Dowladda Federaalka u qaabilsanaa Maxkamadaha iyo garsoorka ,kaas oo lagu Sheegay Wareegtada in uusan ku Dhisneyn Sharci!!.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in aysan Saameyn Doonin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha Guud iyadoo la ogsoon yahay in Guddoomiyaha uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Garsooka.
War lagu Qoray Shabakadda Allbanaadir.com ayaa lagu Sheegay in Guddiga Adeegga garsoorka uu ka hor yimid kala Degreetada kasoo Baxday Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Sheekh ,iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana uu jiro guddiga Adeegga garsoorka siina wadi doono Howlihiisii uu hayay,balse Guddiga arintaasi sheegay ayaan aheyn Guddi loo dhan yahay maadaama ay ka maqan yihiin Xubno Fara badan oo ka tirsanaa Guddiga, waxayna u muuqdaan in ay yihiin Xulafo gaar ah oo la safan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Marka la eego Sharciga u degsan Dowladda Federaalka Guddiga Adeegga Garsoorka ee lasoo Magacaabo ayaa Soo magacaabaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ,waxuuna ku egyahay xilka uu Hayo inta laga soo Magacaabayo Guddi adeeg Garsoorka iyaga ayaana Soo celin kara isla markaana ku bedeli kara qof kale.
Haddaba Kala Dirista Guddiga Adeegga Garsoorka ee Dowladda Federaalka ayaan aheyn mid soo booddo ah ,iyadoo horay ay u Jireen Cabashooyin badan oo kasoo Baxayay Guddigaasi iyagoo ka Cabanayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi ilka Xanaf ,iyagoo ka sheeganayay in uusan la Tashanin isla markaana go,aanada ay Soo Saaaraan uu Baab,iyo Haddii aysan Waafaqin rabitaankiisa Gaarka ah ,iyadoo la ogsoon yahay in isla markaana uusan u eegin Danta Guud Shacabka Soomaaliyeed.
Horaantii Bishan ayaa la arkayWarqado Cabasho Furan ah oo aysan ku Saxiixneyn Magacyada Dadka Qoray balse ay ka Muuqatay in ay yihiin Xubno Ka Tirsan Guddiga Adeegga garsooka ee la kala diray iyadoo aysan ka Muuqan Mayacgadooda Cabsi ay ka qabaan in si gaar ah loo Beegsado, kuwaas oo Lagu Daadiyay Qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda, Sida Madaxtooyada iyo Kuwo la mid ah ,taas oo aheyd Cabasho uu Muuqatay in ay Quus ka Joogaan Takrifalka Awoodeed ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid ilka Xanaf ,iyagoo Muujiyay in ay Jirto awood Sare oo uu isku haleynayo Gudoomikyaha Maxkamadda Sare kaas oo aysan ka muuqan in uu ka Baqanayo in Xilka Laga qaado ama lala xisaabtamo.
Warqadaha Furan oo u muuqday in ay Daadiyeen Guddigaasi ayaa lagu Sheegay Wax yaabo aad looga Naxo oo ka Jira Maxkamadda Sare Gaar ahaan Xafiiska Guddoomiyaha maxkamadda Sare ,balse tira badnida arrimahaas awgood waxaan ka Xusi Doonaa Arimaha ugu cad cad , Sida Ku Qoran Warqadahaasi waxaana Ka mid ah
1-Galka Dacwadda waxaa lagu Furaa $100 Dollarka Mareykanka
2-Xukunka Markii uu dhaco waxaa lagu soo Saaraa $200
3-Dib u eegista Xukunka Dhacay waxaa lagu furaa $ 200 oo laga qaadayo Dhinaca Doonaya in Xukunka Loo Duro ama loo baab,iyo.
4- waxaana ka Mid ah Kaaliyaasha Maxkamadda Sare in ay Xukunada inta ay ku jiraan Heerka Maxkamadaha Darajooyinka Hoose ay Soo fara Geliyaan oo ay la sii Socdaan si Dacwaddu ay u Timaado Maxkamadda Sare markaasina ay ka sameystaan Sida ay rabaan.
5- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu Magacabaa Garsoore yaal iyo kaaliyaal aan lagu Xulan Aqoon iyo khibrad ,isla markaana aan Shaqo ku laheyn howsha Garsoorka kuwaas oo kasoo jeeda Deegaanada uu kasoo jeedo Guddoomiyaha oo uu ku naas Nuujinayo Hantida Shacabka ee u Dhaxeysa Dhamaan Dadka Soomaaliyeed oo ay Waajib tahay in Shaqooyinka loo Simo Heer hasta.
6-Waxaa jira magac Dhawaan Soo Shaac Baxay oo ah in Maxkamadda ay ula Baxeen Hargeysa Yareey taas oo Micnaheedu yahay in Maxkamaddu ay tahay hargeyso yar oo ay iyagu Sameysteen waa kuwa magacaasi ula baxay ayna Kaligood afka u Dhigteen Hantida Faraha Badan ee kasoo baxda Maxkamadda.
7-Guddoomiyaha Wuxuu Soo Shaqo gala 10:00 AM (Tobanka Subaxnimo) isagoo ku amra Xubnaha ka hooseeya in ay soo Shaqo galaan 8:00 AM ,Balse markii uu yimaado iyadoo Xubin ka Mid ah Guddiga uu shaqada wado wuxuu si kulul ugu Canaantaa sababta uu shaqada u galay isagoo kula hadla erayo aan afka ku habooneyn iyo Qof Mas,uul ah.
Haddaba Haddii arimaasi iyo arrimo kale oo aanan ka warqabin ay ka Jiraan garsoorka Dowladda Federaalka sidee lagu heli karaa Amni iyo Cadaalad ,maadaama garsoorkii uu Sidaas u dhaqmayo,dadka Shacabkana uu heysto Dulmi aad u balaaran iyo Cadaalad Xumo, ku Takri fal awoodeed iyo Dhac hantiyeed .
Waxaan ku gunaanadayaa Danta Shacabka Duudkaa la Marsadaye Alle ayaa og Xaalkooda isagaana u gargaari Doonaa ee Shacabkow Sabra waad Guuleysan Doontaane.
No comments:
Post a Comment