Monday, March 16, 2015

Boqortooyada Ingiriiska oo Safiir cusub usoo Magacawday Dalka Soomaaliya

                                           


War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Uk , iyadoona lasoo magacaabay Safiir cusub oo badal u noqonaya safiirkii hore.

Boqorada (United Kingdom) ayaa la sheegay in safiir Cusub ee usoo magacawday Ms Harriet Mathews, waxa ayna haweeneedan Safiirka loo soo magacaabay badaleysaa Neil Wigan oo hada ah safiirka UK u qaabilsan Dalka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Safiirka cusb uu xilka la wareegi doonto dhamaadka bisha Juun ee Sanadkan 2015-ka .

Haweeneyda loo magacaabay in ay noqoto safiirka Baqortooyada Ingiriiska Wakiilka uga noqon doonto ayaa ah khabiir in mudo ah kasoo shaqeeneysay qaarada Afrika, waxaana la filayaa marka ay la wareegto xilka safiirnimo in ay wax badan ka badali doonto Xariirka Soomaaliya iyo UK.

No comments:

Post a Comment