Warbaahinta :_
Badbado Instition Central Of Diaspora_
Lul Aabaheed Ahmed Dahir oo isku dhiibay qabiilka Gurgure waa korneyl ka tirsanaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Lul Aabaheed iyo hooyadeed waxeey ogaayeen in gabadheeda ku biirtay Al-Shabaab kadibna iska fasaqday Ismail Muse oo qabay.
Lul Ahmed markii ay iska fasaqday Ismail waxeey guursatay nin u dhashay beesha Mareexaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Salaan kaas oo isku qarxiyay Muqdisho.
Cabdi Salaan markii uu isqarxiyay waxeey guursatay Afhayeenka Melleteriga Al-Shabaab Abu Muscab.
Ninkii ay iska fasaqday Ismail Muse oo fasaqiisa loo tiigsaday qodob ku saabsan inuu ku noolaa dhul gaalo ayaa Al-Shabaab ku biiray kadibna dib ayey ula midoowday.
Arrimaha yaabka badan ee Lul Ahmed sameeysay waxaa ka mida :-
Habeen walba waxaa qaadi jiray Saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Dowladda,waxaa xiriir toosa la lahaay ilaa afar Sarkaal oo caana kuwaas oo dhamaantood qirtay.
Maamulka Hotel-ka waxeey Lul Ahmed u yaqaaneen Sarkaalad ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Somalia,waxeeyna dadka u sheegi jirtay inuu ninkii qabay u dhintay Malaariyada Madaxa ku dhacda.
Laba habeen ka hor inta aysan isqarxin waxaa Lul Ahmed gaarigiisa ku qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Somalia nin lagu magacaabo Cabdi Casiis.
Lula waxeey sawir la geli jirtay qofkasta,waxeey aheyd qof dhuuban oo weji yar,waxeey aheyd naag galaangal badan oo Saraakiisha amaanka ee Dowladda intooda badan la saaxiiba.
Lul oo ujeedkeedu ahaa iney disho Ra’isulwasaare ku xigeenka Mohamed Omar Arte waxeey tira ka seddex jeer tagtay qolkiisa iyadoo sheegeyso iney fiirineyso ciladaha qaboojiyaha .
Mohamed Omar oo u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Sacad Muuse,reer Gadiid waxaa magacaabistiisa aad uga naxay Maamulka Siilaanyo.
Baarista Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia sameeyeen iyo Wareeysiyo lala yeeshay dadkii Lul Ahmed kala shaqeeynaayay qaraxyadu waxeey labadaba xaqiijiyeen iney qorshaha kala shaqeeyeen Madaxtooyadda Somaliland.
Weerarka Hotel Central wuxuu si rasmiya u xaqiijiyay xiriirka Al-Shabaab iyo Madaxtooyadda Somaliland ka dhaxeeyo hasse yeeshee lama ogga waxeey ka yeeli doonto Dowladda Somalia.
Waxaa jira wiil ka mida lixda ay dhashay Lul Ahmed kaas oo da’diisu tahay 10 sano jir laakiin laftiisa waxaa lagu barbaariyay xagjirnimada.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa halis weyn wajahi doona Aabaha iyo hooyada dhalay Lul Ahmed kuwaas oo tahli waayay iney Hay’ada amaanka ku wargeliyaan in gabadheeda ku biirtay Al-Shabaab.
No comments:
Post a Comment