Badbado Instition Central Of Diaspora
Hogaamiyeyaal ka tirsan Congress-ka maraykanka ayaa Saraakiil ka tirsan Maamulka Obama ugu yeeray kulan deg deg ah oo lagaga arrinsanayo lacagaha Soomaliya loo diri jiray ee la joojiyay kadib markii Xawaaladaha Soomaalida laga xiray Xisaabaadkii ay ku lahaayeen bangiga Merchants.Congresska ayaa warqad toos ah u diray Saraakiisha 7 Xafiis oo uu ka mid yahay John Kerry Xoghayaha Arrimaah Dibada maraykanka iyo saraakiisha amaanka iyo cadaaladda dalkaasi.
kulanka saraakiisha maraykanka ayaa loo balamay in ay ku qabsooman laba todobaad oo soo socda gudahood, si dariiq sax ah loogu sameeyo lacagaha loo diro dalka soomaaliya oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah oo ku dhaqan dalkooda Soomaaliya.
Isla Markaana aan loo jarin khadka nololeed ee shacabka Soomaalida oo si aad ah ugu tiirsan lacagaha ehelkooda maraykanka joogaa usoo diraan.
qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa ka digay in lacagaha xawaaladuhu kasoo diraan qurbaha oo la jaraa horseedi karto macaluul iyo dhaqaalo xumo dadka Soomaaliya jooga.
Arrintani Congresska Maraykanku ka hadlay ayaa ka dambaysay kadib markii Bangiga Merchants oo 80% ay isticmaalaan Xawaaladaha Soomaalida ee dalka maraykanka kadiwaan gashan oo maalin ka hor joojiyay macaamilkii xawaaladaha isla markaana la xidhay xisabaadkoodii.
Arrinta Xiritaanka Xawaaladaha Maraykanka ayaa walaac ku abuurtay Soomaali badan
No comments:
Post a Comment