) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib markii uu safar shaqo oo maalmo kooban qaatay uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Wasiiro, xildhibaano, waxgarad, aqoonyahano, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa siweyn madaxweynaha iyo waftigiise ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas oo horey ugu sii gudbay xarunta madaxtooyada ayaa markii halkaasi gaaray waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in guul uu ugu soo dhammaaday safarkii shaqo ee uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
” Niyad wanaag soomaali dhexdeeda ah oo la ‘abuuro anaga aad bey wanaag noogu tahay, aragtida dheer waa inay ahaataa mid ku salaysan in mar walba laga wada shaqeeyo awood qeybsiga, masuuliyada oo la qeybsado, fikirka oo laysku biiriyo taa weeye waxa aanu meesha u tagnay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Waxaa la abuuray madasha ay madaxdaasu isku aragtay in la joogteeyo shirarka, shirkaan shirka ku xigana waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Garoowe bisha April waxaana laga sii ambaqaadi doona wixii hada laga wada hadlay, ha ahaato arrimaha nabad gelyada, ciidamada iyo hiigsiga 2016 ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Dawladd qurux badan oo soomaaliyeed waan aqaana sida ay u egtahay marka aniga nin ajnabi ah oo nayroobi xafiis ku leh in aniga uu wax ii yeeriyo oo wax ii sheego oo soomaalidu sida ay uwada hadlayso u yeeriyo waxa aanu ku dulownay weeye oo dawladnimadii soomaaliyeed iyo heybadii lagu dhumiyey waxaasna uma baahnin ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Hadaanu anagu soomaali nahay oo isu imaankarno, anagaa isu imaanayna anagaana wada hadlayna oo weliba wada tashanayna, beesha caalamkana waxa aanu anagu ka rabno anagaa u sheeganayna maahan iyagu in ay ninba dhegta wax ugu sheegaan ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.
Safarka uu madaxweyne Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ay ku tageen muqdisho ayaa waxaa ay kulamo la soo qaateen madaxda ugu saraysa dawladda dhexe ee soomaaliya waxaana ay kulamadaasina ku soo dhammaadeen guul iyo is afgarad.
Daawo Sawiradda.
No comments:
Post a Comment