Saturday, February 21, 2015
Akhriso Magacyada Arday,Siyaasiyiin iyo Isim reer Puntland oo ku dhintay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho.
Akhriso Magacyada Arday,Siyaasiyiin iyo Isim reer Puntland oo ku dhintay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho.
Arday reer Puntland ah,Siyaasiyiin,Isimo iyo Ciidamo ayaa umada reer Puntland kaga geeriyooday qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana dadka ugu badan ee qaraxa ku dhintay ay ahaayen reer Puntland.
Tirada Guud dadka reer PUNTLAND ee lagu Xasuuqay Qaraxyadii Shalay ee Central Hotel Muqdisho Ayaa Lagu Sheegayaa 15 Qofood.
Liiska Magacyada dadka reer Puntland ee qaraxa Muqdisho ku dhintay;-
1- Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa,
2- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland Maxamed Yuusuf Sharlaawe.
3- Shire Jaamac Xassan oo ahaa Arday reer Puntland ah oo Muqdisho u doontay Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah.
4- Maxamed Amiin Guure Arday reer Puntland ah oo Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah sugayay.
5- Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Keenadiid oo ka mid ahaa Isimada Puntland.
6- Xildhibaan Axmed Ducale Xaaji Kafee oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Puntland.
7- Cabdifataax Khaliif Baadiye oo ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha
8- Axmed Abshir Muuse Sarkaal oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka.
9- 6-askari oo reer Puntland ah oo ahaa illaalada Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo dad kale.
Courtesy Puntlandi Pi
FG: Waan ka Xumahay 6da Askari Ee Ahaa Ilaalada R/wasaare CC Sharmake inaan Magacyadooda laheyn.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment