Wednesday, February 25, 2015
Tuesday, February 24, 2015
So true ..._ Somalian imam & Dear Vice President..JB
Dear Vice President,JB_ we the Somali community of North America are not only cab drivers.
We are entrepreneurs, lawyers, doctors, city councils, imams, nurses, activists, and much more.
We have so much to offer to this great country of ours.
Wardegdega:-Aabaha iyo hooyada dhalay Gabadhii isku qarxisay Hotel Central oo UK ku nool?
Warbaahinta :_
Badbado Instition Central Of Diaspora_
Lul Aabaheed Ahmed Dahir oo isku dhiibay qabiilka Gurgure waa korneyl ka tirsanaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Lul Aabaheed iyo hooyadeed waxeey ogaayeen in gabadheeda ku biirtay Al-Shabaab kadibna iska fasaqday Ismail Muse oo qabay.
Lul Ahmed markii ay iska fasaqday Ismail waxeey guursatay nin u dhashay beesha Mareexaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Salaan kaas oo isku qarxiyay Muqdisho.
Cabdi Salaan markii uu isqarxiyay waxeey guursatay Afhayeenka Melleteriga Al-Shabaab Abu Muscab.
Ninkii ay iska fasaqday Ismail Muse oo fasaqiisa loo tiigsaday qodob ku saabsan inuu ku noolaa dhul gaalo ayaa Al-Shabaab ku biiray kadibna dib ayey ula midoowday.
Arrimaha yaabka badan ee Lul Ahmed sameeysay waxaa ka mida :-
Habeen walba waxaa qaadi jiray Saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Dowladda,waxaa xiriir toosa la lahaay ilaa afar Sarkaal oo caana kuwaas oo dhamaantood qirtay.
Maamulka Hotel-ka waxeey Lul Ahmed u yaqaaneen Sarkaalad ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Somalia,waxeeyna dadka u sheegi jirtay inuu ninkii qabay u dhintay Malaariyada Madaxa ku dhacda.
Laba habeen ka hor inta aysan isqarxin waxaa Lul Ahmed gaarigiisa ku qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Somalia nin lagu magacaabo Cabdi Casiis.
Lula waxeey sawir la geli jirtay qofkasta,waxeey aheyd qof dhuuban oo weji yar,waxeey aheyd naag galaangal badan oo Saraakiisha amaanka ee Dowladda intooda badan la saaxiiba.
Lul oo ujeedkeedu ahaa iney disho Ra’isulwasaare ku xigeenka Mohamed Omar Arte waxeey tira ka seddex jeer tagtay qolkiisa iyadoo sheegeyso iney fiirineyso ciladaha qaboojiyaha .
Mohamed Omar oo u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Sacad Muuse,reer Gadiid waxaa magacaabistiisa aad uga naxay Maamulka Siilaanyo.
Baarista Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia sameeyeen iyo Wareeysiyo lala yeeshay dadkii Lul Ahmed kala shaqeeynaayay qaraxyadu waxeey labadaba xaqiijiyeen iney qorshaha kala shaqeeyeen Madaxtooyadda Somaliland.
Weerarka Hotel Central wuxuu si rasmiya u xaqiijiyay xiriirka Al-Shabaab iyo Madaxtooyadda Somaliland ka dhaxeeyo hasse yeeshee lama ogga waxeey ka yeeli doonto Dowladda Somalia.
Waxaa jira wiil ka mida lixda ay dhashay Lul Ahmed kaas oo da’diisu tahay 10 sano jir laakiin laftiisa waxaa lagu barbaariyay xagjirnimada.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa halis weyn wajahi doona Aabaha iyo hooyada dhalay Lul Ahmed kuwaas oo tahli waayay iney Hay’ada amaanka ku wargeliyaan in gabadheeda ku biirtay Al-Shabaab.
Saturday, February 21, 2015
FORMER CIA AGENT: “THE ISIS LEADER ABU BAKR AL BAGHDADI WAS TRAINED BY THE ISRAELI MOSSAD”
The former NSA and CIA agent Edward Snowden revealed that the leader of the Islamic State of Iraq and Syria Abu Bakr Al Baghdadi was trained in Israel, various Iranien sources reported.
Snowden added that the American CIA and the British Intelligence collaborated with the Israeli Mossad to create a terrorist organization that is able to attract all extremists of the world to one place, using a strategy called “the hornet’s nest”.
The “Hornet’s nest’’ strategy aims to bring all the major threats to one place in order to track them, and mostly to shake the stability of the Arab countries. The NSA agent revealed that the ISIS “Calif”, Abu Bakr Al Baghdadiwent trough intense military training in the Israeli intelligence “Mossad”.
Besides military training, Al Baghdadi studied communication and public speaking skills in order to attract “terrorists” from all the corners of the world.
Related Post: “Al-Baghdadi Should Take Off his Mask and Declare Loudly and Clearly that He Is a CIA Agent,” Chechnya President Kadirov
The Centre for Research on Globalization (CRG), an independent non-profit organization in the province of Quebec, Canada, which focuses on research and media, relayed a story about this as well, adding that “three countries created a terrorist organisation that is able to attract all extremists of the world to one place,” using the aforementioned “the hornet’s nest” strategy.
“The only solution for the protection of the Jewish state is to create an enemy near its borders,” Snowden was reported to say.
Related Posts:
EDITOR’S NOTE: Time Magazine has released on July 19, 2014 an article arguing that this story, which was reported by many Iranian sources including Iran News Agency, is a conspiracy theory from Iran and that it is not true. Nevertheless, it is worth pointing out that though the piece of news went viral on the net, Snowden did not refute the claims of the Iranian News Agency.
Akhriso Magacyada Arday,Siyaasiyiin iyo Isim reer Puntland oo ku dhintay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho.
Akhriso Magacyada Arday,Siyaasiyiin iyo Isim reer Puntland oo ku dhintay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho.
Arday reer Puntland ah,Siyaasiyiin,Isimo iyo Ciidamo ayaa umada reer Puntland kaga geeriyooday qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana dadka ugu badan ee qaraxa ku dhintay ay ahaayen reer Puntland.
Tirada Guud dadka reer PUNTLAND ee lagu Xasuuqay Qaraxyadii Shalay ee Central Hotel Muqdisho Ayaa Lagu Sheegayaa 15 Qofood.
Liiska Magacyada dadka reer Puntland ee qaraxa Muqdisho ku dhintay;-
1- Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa,
2- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland Maxamed Yuusuf Sharlaawe.
3- Shire Jaamac Xassan oo ahaa Arday reer Puntland ah oo Muqdisho u doontay Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah.
4- Maxamed Amiin Guure Arday reer Puntland ah oo Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah sugayay.
5- Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Keenadiid oo ka mid ahaa Isimada Puntland.
6- Xildhibaan Axmed Ducale Xaaji Kafee oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Puntland.
7- Cabdifataax Khaliif Baadiye oo ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha
8- Axmed Abshir Muuse Sarkaal oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka.
9- 6-askari oo reer Puntland ah oo ahaa illaalada Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo dad kale.
Courtesy Puntlandi Pi
FG: Waan ka Xumahay 6da Askari Ee Ahaa Ilaalada R/wasaare CC Sharmake inaan Magacyadooda laheyn.
Friday, February 20, 2015
SAWIRO: Liiska Madaxdii Dhaawaca Iyo Dhimashada Kasoo Gaaray Qaraxii Hotelka Central Ee Muqdisho.
Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya qaraxyadii ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay qaraxaasi, waxayna dhimashadu hadda sare u dhaaftay 22 ruux iyadoo dhaawacyadu ka badan yihiin intaasi.
Weerarkaasi oo lagu soo beegay xilligii salaada Jimce lagu jiray ayaa waxaa ka danbeeyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo gudaha hotelka ku sugnaa iyo is miidaamiyeyaal jaakado qarxa xiran oo hotelka galay, waxaana waxyeelo gaaray mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan Xildhibaanno iyo saraakiil kala duwan.
Waxaa ka badbaaday qaraxa oo si degeg looga kaxeeyay hotelka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, waxaa kaloo ka badbaaday Wasiiro ka tirsa xukuumadda iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka mid yihiin mas’uliyiin:
DHIMASHO
- Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir
- Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )
- Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse Xaaji Kafee (XILDHIBAANKII bedelay Cali Khaliif Galeyr)
- C/shakuur Mire Aadan “Guddoomiyaha Xisbiga Daljir”
DHAAWAC
- Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi
- Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar
- Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax
- Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad
- Salaad Cali Jeelle (Dhawac Fudud)
Wasiir Jangeli waxaa la xaqiijiyay inaysan waxba gaarin marka laga reebo jug iyo boos hareey, waxaa kaloo ku dhintay qaraxa mas’uul la shaqeynayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka, laakiin waxaan sidoo kale waxba gaarin Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo badbaaday.
Wednesday, February 11, 2015
Ethiopia iyo ONLF oo heshiinaya
Wada hadalo nabadeed ayaa dhexmaraya dowladda Ethiopia iyo jabhadda mucaaradka ee ONLF, oo muddo soddon sano ku dhaw ka dagaallamaysay gobolka Soomaalida Ethiopia ee Ogaden.
Wada hadalka oo toddobaadkan horraantiisi lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya - ayaa waxa fududeeyay dowladda Kenya.
Haddaba, waxaa Istuudiyaha BBC ee magaaladan London, maanta nagu soo maray, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Jabhada ONLF oo magiciisa la yiraaho, Cabdiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi oo aanu ka waraysanay wada-hadaladaas.
Waxa uu sheegay in wada hadalku aanu ahayn mid qarsoodi ah.
ONLF ayaa dhawr weerar qaaday sanadihii dhowaa, oo ku jiray mid ay ku qaadday meel gaaska dabiiciga laga soo saaro sanadkii 2007, halkaasi oo tobanaan Ethiopian ah iyo Shiine lagu dilay.
Gobolka Ogaden ayaa waxa intiisa badan deggan dadka Soomaalida.
Sunday, February 8, 2015
Topnews:- Wasaaraha Somalia 2015...& Waxeey yihiin...Dadnimo& CV !
Topnews:-Wasiiradda la magacaabay -taariikhahooda
-qabiiladooda iyo kooxaheey ka tirsan yihiin......-
.info- Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa magacaabay
Xukumadii ugu tayada xumeyd marka la qiimeeyo Wasaaradaha Arrimaha
gudaha,arrimaha dibadda,Batroolka,Cadaaladda iyo hoowlaha guud. Wasiiradda la
magacaabay waxaa ku jira oo qura Jeneral Diini ,Wasiirka Gaashaandhiga iyo
Cabdiraxman Ceynte ,Wasiirka Iskaashiga Caalamiga inta kale waa kuwii hantida
Qaranka Soomaaliyeed dhacay iyo xagjiriin ka tirsan urur diimeedyada Waxaan
halkaan idinkuugu soo gudbinayaa Magacyadda,xilalka ,taariikhaha iyo qabiiladda
26-ka Wasiir ee la magacaabay.
Magacyada Wasiirrada
1.
Maxamed Cumar Carte Ra'iisul Wasaare Ku Xigeen
ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa Isaaq ,Habar Awal,Sacad
Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid, Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka
Mareykanka oo ku jiray Warbixintii Wikileaks.
2.
Axmed
Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo
Maal,Gaadsan ,wuxuu ka tirsan kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta
Somalia,wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta
Somalia…Wasiir Gaboobe wuxuu ka soo qeybgalay dagaaladii Al -Itixaad la galeen
Cabdullahi Yusuf ee Boosaaso ka dhacay,dagaalkii Al Itixaad la galeen Killinka
5aad,waxaa loo yaqaan Ugaas Bile,wuxuuna u ololeeyaa in Somaliland aqoonsi la
siiyo….Wasiir Gaboobe wuxuu degan yahay Hargeysa,waana ninka wada Abaabulka
dagaalada Deefoow,Kabxanleey iyo Shabeeladda hoose,isagoo aaminsan qadiyad ku
saleeysan aqoonsiga Somaliland iyo in la helo dhulweyne u gaara beesha Dir…Gaboobe
wuxuu qaabilsan yahay Xiriirka Al-Shabaab iyo beelweynta Dir.
3.
Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda
Arrimaha Gudaha & Federaalka . Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan,waana
Maamulaha Machad-ka Simad
4.
Maxamed
Aadan Ibraahim "Fargeti" Wasaaradda Maaliyadda ,Waa
Raxanweyn,DISOOW,waxaana keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Mohamed Cismaan
Jawaari,mana ahan nin awood u leh inuu maamulo Maaliyadda Somalia.
5.
Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda
Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga
dalka Somalia,waana shaqsi afgaaban laakiin waa nin aad ugu dhaw kooxda
Damujadiid.
6.
Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ,Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil,waa ninkii dhacay hantidii Bankiga
dhexe ee Somalia sidaas darteedna isu casilay.waxaana lagu xasuustaa inuu ku
soo baxay Warbixintii UN Monitering Group.
7.
. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
,Waa Daarood,Leelkase,waxeey ku noolan jirtay Canada,waxeeyna leedahay
NGO,waxeey saaxiibo yihiin Cumar Cabdirashiid
8.
Fahad
Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw
Xasan,Reer Aw Mahdi,wuxuu ka tirsan yahay Kaadiriinta Damujadiid,wuxuu horey u
ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera,waxaana la rumeeysan
yahay inuu yahay Sarkaal u muhiima Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha
Somalia gaar ahaan Muqdisho.waxaa fahad xilkaas loogu magacaabay inuu bilo
kadib ku wareejiyo Faarax Cabduqadir ,iyadoo Ra'isulwasaaraha sameeyn doono
isku shaandheeyn laakiin la rabo in hada Baarlamaanka ansixiyaan.
9.
Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda
Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade,waana xubin sare ka
tirsan Urur diimeedka Aala Sheekh,wuxuu ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay VOA
iyo Aljazeera,wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.
10.
Nuur
Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka
Malaysia u fadhiya Somalia,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii
Gurmad ee Somaliland,waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid laakiin
nasiibdarada ugu weyn waxeey tahay in Dastuurkii dalka lagu aaminay ninkii kala
gooynta dalka Somalia ololaha ugu jiray,isagoo aan weli ka tanaasulin qadiyadiisii
Gooni goosadka Somaliland
11.
Guuled
Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood
,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq,waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray
Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo
ahaa Wasiirkii Batroolka.
12.
Cali
Axmed Jaamac "Jangali" Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ,
Waa Daarood,Dhulbahante,wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda
xilligii Cabdullahi Yusuf,waana nin lacago badan inuu lunsaday lagu heysto laakiin
waxaa keensaday Fahad Yaasiin oo ay isla yihiin reer Nairobi.
13.
Siciid
Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab
Saalax_(((_.... , Unknown!! ?????
14.
Cali
Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Digil,Garre, Tuuf.waana xubin ka tirsan
Urur diimeedka Damujadiid …..!! Waa
Digil,Garre, TuuF_ .waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid
15.
Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga &
Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle, …@ ..Nin fiican oo wadani Ah))))!
16.
Saalax
Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa
Digil,Gelledi.(… Waa nin
Aaamin ah…Muwaadin ..dal iyo dad jecel# reer Beydhabo!
17.
Sahra
Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ,
Waa Tumaal,waxeeyna ka mid aheyd kooxdii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Xisbiga
Tayo.waxaa dhalay Sareeya Guuto Maxamed Cali Samatar,Madaxweyne ku xigeenkii
Kacaanka……” Sahro waa Muwaadin…allah Xafido=.
18.
Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga
& Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye,Gaaljecel,wuxuu ka tirsan yahay Urur
diimeedka Damujadiid,wuxuu ka tegay London Uk,
19.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda
Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle,waxaa
dhalay nin Madaxweyne Xasan Garguurte walaalahiis wada dhasheen ,sidaas darteed
wuxuu ku jiray Xukumadii Ra'isulwasaare Saacid.
20.
Xaawo
Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo ,waxeey la taliye ka
aheyd mashruucii Go to school,waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska. (.. inexperienced political in Somalia)
21.
Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), Wasaaradda
Cadaaladda - …Darood…Harti- Warsangali…waa nin ka yimid Puntland maamulkii
Faroole waxuu haa….Arimaha iyo nabad galyadda Waqtigaas!
22. Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudeey,
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha - Unknown
23. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasaaradda
Warfaafinta - Waa Isaaq/H/jeclo ..waana
Nin Xamar Dhax taagan muddu Fog..Ilaa 1999_ waa nin xukun jecel , LKN somalina
jecel & Lacag!!?
24.
25. Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), Wasaaradda
dhallinyarada & ciyaaraha - Unknown
26. Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow),
Wasaaradda Korontada iyo Biyaha - Unknown
27.
Saturday, February 7, 2015
Daawo Sawirada''Congress-ka Maraykanka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Go'aanka Bankiga iyo Madaxda oo kulan loogu baaqay
Badbado Instition Central Of Diaspora
Hogaamiyeyaal ka tirsan Congress-ka maraykanka ayaa Saraakiil ka tirsan Maamulka Obama ugu yeeray kulan deg deg ah oo lagaga arrinsanayo lacagaha Soomaliya loo diri jiray ee la joojiyay kadib markii Xawaaladaha Soomaalida laga xiray Xisaabaadkii ay ku lahaayeen bangiga Merchants.Congresska ayaa warqad toos ah u diray Saraakiisha 7 Xafiis oo uu ka mid yahay John Kerry Xoghayaha Arrimaah Dibada maraykanka iyo saraakiisha amaanka iyo cadaaladda dalkaasi.
kulanka saraakiisha maraykanka ayaa loo balamay in ay ku qabsooman laba todobaad oo soo socda gudahood, si dariiq sax ah loogu sameeyo lacagaha loo diro dalka soomaaliya oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah oo ku dhaqan dalkooda Soomaaliya.
Isla Markaana aan loo jarin khadka nololeed ee shacabka Soomaalida oo si aad ah ugu tiirsan lacagaha ehelkooda maraykanka joogaa usoo diraan.
qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa ka digay in lacagaha xawaaladuhu kasoo diraan qurbaha oo la jaraa horseedi karto macaluul iyo dhaqaalo xumo dadka Soomaaliya jooga.
Arrintani Congresska Maraykanku ka hadlay ayaa ka dambaysay kadib markii Bangiga Merchants oo 80% ay isticmaalaan Xawaaladaha Soomaalida ee dalka maraykanka kadiwaan gashan oo maalin ka hor joojiyay macaamilkii xawaaladaha isla markaana la xidhay xisabaadkoodii.
Arrinta Xiritaanka Xawaaladaha Maraykanka ayaa walaac ku abuurtay Soomaali badan
(Sawiro) Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe, guulna ku tilmaamay safarkoodii Muqdisho.
) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib markii uu safar shaqo oo maalmo kooban qaatay uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Wasiiro, xildhibaano, waxgarad, aqoonyahano, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa siweyn madaxweynaha iyo waftigiise ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas oo horey ugu sii gudbay xarunta madaxtooyada ayaa markii halkaasi gaaray waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in guul uu ugu soo dhammaaday safarkii shaqo ee uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
” Niyad wanaag soomaali dhexdeeda ah oo la ‘abuuro anaga aad bey wanaag noogu tahay, aragtida dheer waa inay ahaataa mid ku salaysan in mar walba laga wada shaqeeyo awood qeybsiga, masuuliyada oo la qeybsado, fikirka oo laysku biiriyo taa weeye waxa aanu meesha u tagnay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Waxaa la abuuray madasha ay madaxdaasu isku aragtay in la joogteeyo shirarka, shirkaan shirka ku xigana waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Garoowe bisha April waxaana laga sii ambaqaadi doona wixii hada laga wada hadlay, ha ahaato arrimaha nabad gelyada, ciidamada iyo hiigsiga 2016 ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Dawladd qurux badan oo soomaaliyeed waan aqaana sida ay u egtahay marka aniga nin ajnabi ah oo nayroobi xafiis ku leh in aniga uu wax ii yeeriyo oo wax ii sheego oo soomaalidu sida ay uwada hadlayso u yeeriyo waxa aanu ku dulownay weeye oo dawladnimadii soomaaliyeed iyo heybadii lagu dhumiyey waxaasna uma baahnin ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Hadaanu anagu soomaali nahay oo isu imaankarno, anagaa isu imaanayna anagaana wada hadlayna oo weliba wada tashanayna, beesha caalamkana waxa aanu anagu ka rabno anagaa u sheeganayna maahan iyagu in ay ninba dhegta wax ugu sheegaan ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.
Safarka uu madaxweyne Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ay ku tageen muqdisho ayaa waxaa ay kulamo la soo qaateen madaxda ugu saraysa dawladda dhexe ee soomaaliya waxaana ay kulamadaasina ku soo dhammaadeen guul iyo is afgarad.
Daawo Sawiradda.
Tuesday, February 3, 2015
DEG DEG: Gaas,Madoobe iyo Shariif Oo Ku Wajahan Xamar
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waraaq casumaad u soo diray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland,Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
C/weli Maxamed Cali Gaas,Shariif Xassan Sheikh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa la filayaa iney gaaraan Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Sadexdaan Mas’uul kala hadli doona sidii qorshe mideysan looga yeelan lahaa Sanadka 2016-ka,xilli uu jiro dib u dhac balaaran oo ku aadan Doorashooyin dhaca.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale Mas’uuliyiintaan kala hadli doona sidii loo dhisi lahaa Ciidamo Qaran oo ka howl gala guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee arrintaan ayaa muujinaysa doorka Maamulada ka jira dalka Soomaaliya ay ku yeelan doonaan Siyaasada marka la gaaro 2016-ka
Subscribe to:
Posts (Atom)