Tuesday, December 14, 2021

Xisaab Xirka Doorashada SFR-2022

       
 Xisaab Xirka Doorashada SFR-2022
-----------~

*Qorshaha Cumar Cabdirashiid iyo dowladda cusub*

Waxaan helay ilo warbixino muhiima oo ay iisoo warameen qaar kamidda ragii goobta kusugnaa. Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid habeen hore ayaa ahaa mid wajiyo badan oo fatahaado ah oo kusoo wajahnaa Farmaajo lagu moosayo waxaana ay kala ahaayeen sidan.
1. Midowga Musharraxiinta iyo ka mid noqoshadda dowlad wadaag ah
2. Puntland 
3. Doorasho qof & Cod
4. Badalista Qoor-Qoor 

Kulankan waxaa ka horeeyay ismaqal maalmo qadka telefoonka ay shirku yeelanayeen Farmaajo, Fahad iyo Cumar Cabdirashiid laguna falan qeynayay heshiiska ay dhawaan gaareen meelmarintiisa inta uusan Xamar kusoo laaban cumar ayeey howshu socotay ugu dambeyntiina isbuucan ayaa qalinka lagu duugay.
Janaayo bartamaheeda waxaa lagu dhawaaqayaa dowlad wadaaga oo ay ku jiraan qaar kamida Midowga musharaxiinta iyagoo golaha wasiiradda kasoo dhexmuuqan doona. Sida aan xogta ku hayo ayaa ah sidan:
1. Raysulwasaraha 
Xassan Cali Kheyre 
2. Wasiirka arrimaha gudaha
Cabdikarim Guled 
3. Wasiirka cadaaladda
Daahir Maxamud Geele 
Waxaa jiri doonta in Sheekh Shariif loo magacaabayo lataliyaha Madaxweyne Farmaajo isagoo loo qoondeynayo dhaqaale aad u badan oo uu ku maareysto xaasaskiisa faraha badan. Dhinaca kale waxaa dowladda ay qaswadeyaal u aqoonsanaysaa shaqsiyadkan soo socda:
1. Xassan Sheekh 
2. Cabdiraxman cabdishauur 
3. C/qadir Cosoble 
4. Shariif Xassan 
Waxaa kaaloo jiri doona shaqsiyaad badan oo iyagana liiska dowladiidka kusoo biiri doona kuwaas oo ciqaabo kala gedisan kala kulmidoona hadii ay dalka sii joogaan ama dalka ayeey ka baxsan doonaan.

Puntland sidii looga tuuri lahaa Saciid Dani dhaqaalo badana loogu bixin lahaa ayaa leysla afgartay iyadoo isimada loosiimarayo.
Heshiiska ayaa waxaa kale oo lagu dhimayaa awoodaha madaxda maamul goboleedyadda iyadoo isbadalo muuqda lagu sameeynayo waxaa sidaas ay seefta ku raacidoontaa Qoor-Qoor oo lagu badalayo Kamaal Guutaale oo uu soo jeedshay Cumar Cabdirashiid.  Qorshahan si loo fuliyo waa in dib leyskugu yeeraa xildhibaanadii hore si 2 ilaa 4 sano dalka uu Farmaajo u gaarsiiyo doorasho qof & cod.!

Monday, December 13, 2021

Dadkii Janada Dusheeda Ku Faqriyey!

           

REERKI JANADA DUSHEEDA KU FAQRIYEY, 
GAAJADA UGU DHINTEY?

SOMALIDU Waxay ladhiban tahay Iney Noolato, waxa u muhim ah MASHARIC HORUMARED Saameyn ku yesha Nolosha Dadka, Uma Bahna Dawlad Dhafi weysa Siyaasad an Dhaman, Dorasho iyo Muran Federal!!!

Inti Bur burka lagu jirey waxa keliya Somali ubadbaadey wa GANACSIGA gudaha dalka iyo Dibadaba, waxa xaqiiqo ah hadii Ganacsatadu Dalkan  maalgeliyan in waqti yar lagu gari karo Nolol isku filan oo Barwaaqo Sooran ah.

Xaqiiqada Maantay Taala:
1. Webiga qoyska ag degan waxay qaatan raashin deeq ah, beerna ma beertan!
Waxa laga cuna rashin Texas iyo maraykan laga kenay!
2. Xeebta qoyska degan, waxa cunan kalun daasadeysan china laga kenay!
3. Xoolo dhaqatadu tiro kasta haystan, wa faqiir aan daboli karin baahida qoyskiisa!
4. Wadanka waxa lacuno 99% Dibada aya loga kena! Hal cunto dalka kama beertan?
5. Dawladi waxay dhafi waydey ijiid an ku jiide!
6. Shacabka wa dhib ujoogo nolosha ku adag, qiyasti 5 million gaajo kunol yihin.

Kheyraad Dalka Alaha Inatuso, Xoog iyo Xelad aan u jiheysano inan Dalkena Barwaqada ah ka faaiideysano, Nolol na ka Sameyno.

Waxa Tusaale fiican ah Dekeda Garacad, Ganacsatadi Maalgelisey, Dhankasto eegto wa Barwaaqo BADA, BEERAHA,XOLAHA, DALXISKA. 

Maxay kula tahay iney ina Haystaan? Maxase Xal ino Ah fikirkaaga?

Monday, December 6, 2021

Beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto Dunidda. -)

       
Dr. Abdi Ulusso  beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto dunidda.
Kuraastu waxay taal deegaan.
Bulshadda madaniga ama rayidka ah waa maqbuul oo macquul ah, doorka ay leeyihiin maamul goboleedyadda sidoo kale,  laakin haddii meesha la soo geliyo odey dhaqameed iyo wixii la hal maala sida; qabiil arrinta awoodda, xukunka iyo siyaasadaha waxay noqonayaan kuwo aan xuduud laheyn ( politics, power & authority boundless Sociology ).
Micnihii; bulshadda ( madaniga ) rayidka ah waa la yaqaan xaduudkeedda, tan maamul goboleedyadda waxaa qeexay sharciga, sidaas si la mid ah kuraastuna waa deegaan sida sharciga ku cad.
Deegaan walbana waxaa ka soo bixi kara qofkii heshiis lagu wada yahay, iyadoon tiro iyo qabiil loo fiirin, ha ka dhasho reerka deegaanka ugu badan ama kuwa ugu yar deegaankaas. 
Xasarad abuur iyo xasaasiyad waa Somali shaqadeed oo aad u jecel ka dhex qaraabashadda & ka dhex kalluumeysiga.
( every day isn't catching day ).
Sheeko Somaligii waa in wax laga bedelaa oo loo bedelaa mid ku dhisan mustaqbal, haddii dalka iyo dadka Somalida mustaqbalka carruurtoodda dan ugu jirto.
Yusf Abdirahman

Tuesday, November 30, 2021

3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia

       

     3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia 
      ^________^ 
   Mogadishu ( Badbaado Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu weli iibinayaa inuu yahay fursadda ugu weyn ee Farmaajo ka saari karta Villa Somalia. Ololihiisa ayaa ku bilowday dhowr Senator oo ka kala yimid Puntland iyo Jubbaland, laakiin isaga iyo kooxdiisa ololaha waxay iska indha tirayaan caqabadaha miiska saaran ee u diidi doonta inay Villada u gudbaan.

Waxaa jira tixanayaal u baahan in maalinba qeyb la furo oo daciif ka dhagaya sheegashada Deni ee ah inuu qaadan karo xukunka Soomaaliya.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa seddex arrin oo u baahan in aysan iska indha tirin kooxda ololaha ee Saciid Deni.

1 – Dagaalkii uu ku qaaday xidigaha siyaasadeed ee Puntland:

Saciid Deni wuxuu u baahan yahay inuu marka hore kasoo gudbo dagaalka hal doorka siyaasadeed ee Puntland inta uusan fooda saarin Farmaajo iyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeedo intaba.

Deni wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuu kuraastoodii boobay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse, wasiiru dowlaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, Rugcadaaga wey Cabdirisaaq Cusmaan Jurule iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wuxuu albaabada ka xirtay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa ninkii xilka ku wareejiyey, Faroole inkastoo uu isaga kursi siiyey haddana taladii waa ka reebay.

Wuxuu hadda u la bisan yahay oo la sheegayaa in laga celcelinayo kuraasta ay u sharaxan yihiin wasiirka kalluumeysiga ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Sanayare.

Dhammaan xubnahaan, Puntland ka sokow waxay xoog ku leeyihiin siyaasadda Xamar taalla. Shacabkii deegaanada Puntland waxaa ka qaatay Asad Diyaano, halka isaga iyo Ciidanka PSF ay madaxa isugula jiraan xilligaan.

Dhammaan xubnahaan kor ku xusan waa jidgooyada koowaad ee Saciid Deni, uma badna inuu xallin karo ama uu jiidi karo marka Muqdisho lasoo aado.

Qofkii ugu dambeeyey ee Reer Puntland ah ee madaxweyne ka noqda Soomaaliya wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana la xasuustaa inuu kusoo baxay talo ay dadka deegaanka iyo siyaasiyiintooda u dhammaayeen, laakiin Deni taladaas mideysan ma hayo Maanta .

2 – Baraaruga dhaqanka Puntland

Saciid Cabdullaahi Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo kuraasta Golaha Shacabka ee taalla deegaanada Puntland, isaga iyo dhaqanka Puntland ayaa mar hore kala tagay.

Wararka ka imaanaya Puntland waxay sheegayaan inuu dhaqanka baraarug qabo oo ay adag tahay inay aqbalaan in kuraastooda lagu takri-falo.


Haddii uu Deni isku dayo inuu dhaqanka xoogo waxaa ka dhallan kara natiijo aan fiicneyn ayey leeyihiin siyaasiyiinta reer Puntland. Waxaa jira talooyin ay soo jeedinayaan saaxiibadiis oo ah inuu iska xaliyo dhaqanka inta uusan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, laakiin uma badna inay suuragal noqon karto, maadaama uu jiro baraarug culus, ayna dhaqanka tabasho badan ka qabaan sidii uu ula macaamilay seddaxdii sano ee uu xafiiska joogay.


3-Xamar waxaa taalla dood ah Saciid Deni waxaa dhaama Farmaajo 

Reer Muqdisho waxay waayahaan aad u hadal hayaan natiijada ka imaan karta doorashada kursiga madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo misaan culus ku leh kuraasta ka imaaneysa Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo reer Woqooyiga, waxaa loo arkaa musharaxa koowaad, waxaana la is waydiinayaa musharixiinta imaan kara kaalmaha labaad iyo seddaxaad.


Saciid Deni oo kooxdiisu sheegto inay Imaaraadku wataan ayaa kamid ah doodaha miiska saaran, laakiin waxaa Xamar ku xooggan inaan marnaba Deni lagu badali karin Farmaajo, waana caqabad weyn haddii ay aragtidaan sii faafto.

In Dadka reer Muqdisho oo la ogyahay halka iyaga iyo Farmaajo kala gaareen inay maanta ka fakarayaan Farmaajo ayaa dhaamma Deni ma ahan dood sahlan, waana caqabad weyn oo hortaagan damaca Saciid Cabdullaahi Deni

Wednesday, September 8, 2021

hoggaamiye siyaasadeed oo weyn.!

 
Sheekh Shariif Muxuu u hadli weysan yahay ? jawaabta waa tan.

Shariifka Waa nin wax walba oo la soo maray og, oo aysan dabaylaha qaar meel walba u riixi karin.

Waa ninkii Maxkamadaha hoggaaminayay kaddib la heshiiyey dawladdii oo markii dambe uu madaxweyne ka noqday.

Markii uu madaxweynaha noqday, waxa uu awood u yeeshay in uu mucaarad hubaysan iyo dawladdii isu keeno oo uu mideeyo.

Ismarkaana aanu cidna nidaamka dawladeed kaga aargudan. Wuxuu duugay xumaan walba oo dhacday, wuxuu maamuusay aaska Madaxweynihii uu la dagaalamayey ee ay xabadda isku ridayeen,dalka ayuu doorsho ka qabtay 45 sano ka dib 

Hadda khilaaf baa taagan oo u dhexeeya hay'adaha dawladda dhexdooda, wuxuu og yahay in maalin dhow khilaafkaas uu dhammaan doono oo laga heshiinay.

Midowga Musharaxiinta oo uu Gudoomiye u yahay ayaa warqad soo saaray. Ma jirto sabab uu uga qaybgalo khilaafka hay'adaha dawladda, keliya waxa uu uga qaybgeli karaa kaalin nabadoonimo iyo maqaam madaxweyne hore iyo hoggaamiye siyaasadeed oo weyn.

Xigasho:- Badbaado Consulting Bureau 

Tuesday, August 31, 2021

Somali Waa Sheekaddii Dhurwaayadda!

Dhurwaa ayaa dhaqashada xoolaha isku deyey laakiin waa kari waayey baa la yiri!!!

Waxaa la yiri laba dhurwaa baa waxay cidla ka heleen laba halaad oo aad u buurbuuran. Maalintaas gaajo daran ma hayn oo hilib ugaadheed bay ka soo dhergeen, sidaa awgeed waxay ku tashadeen inay sida dadku geela u dhaqdo si la mid ah labada halaad u dhaqadaan. Waxay is tuseen in geelu u tarmi doono oo caanihiisa ku noolaalaan karaan sida dadka oo kale, ayna ka nasan doonaan harjadka, hilib raadinta iyo dhaca habeen walba joogtada u noqday kaas oo naftooda halis ku ah. Waxay sawirteen in magaca xun ee BAHAL, laga bedeli doono beryaha dambe.

Dhawr habeen markay labadii halaad soo xereeyeen ayaa habeenkii dambe mid dhurwaayadii ka mid ahi riyooday. Wuxuu ku riyooday dhurwaagii kale oo labadii halaad mid cunaya, hurdadii buu ka boodey kadibna isagoo aan waxba hubsan ayuu labadii halaad mid ka mid ah cunnid ku bilaabay, miciyaha ayuu darray oo gosha ka dooxay, isla markiibana caloosha ayuu ka soo riday, ugu horeyntiiba intii jilicsanayd sida mindhicirada ayuu dudubiyey.

Dhurwaagii labaad ayaa ku seleley cabaadkii hasha uu saaxiibkii halakeeyey, isaguna ilayn waa dhurwaa dhiigya cab ahe, waa is hayn waayey kadibna hashii kale buu diloodey sidii saaxiibkii oo kale. Isma cawrido ayey noqotay, midna kan kale xagiisa ma eegine, dhiigii iyo hilibkii geela ayuu afka ka buuxsadey.

Dhurwaayadii markay hilibkii laasteen oo calooshu taangi le'ekaatay, ayey is weydiiyeen sida wax u dhaceen. Midkii cunnista ku horeeyey ayaa kii kale u sheegey inuu ku riyooday saaxiibkii oo labadii halaad mid cunnaya. Kii labaadna wuxuu yiri 'markaan arkay adigoo hashii cunnaya ayaan is hayn waayey' 

Maalintaas ayey reer dhurwaa ogaadeen inaysan xoola dhaqashado hiddo u lahayn, noloshooduna ku xidhan tahay raqda xoolaha iyo ugaadha ay diloodaan, hubkooduna yahay miciyo dhiig leh oo aan looga tudhin maal agoomeed iyo baadi awliyo midna.

Bahal ceedhin ma daayo, nina caadki ma baajo.

Monday, August 2, 2021

Shakiga hayadda Nabad Sugidda iyo qaraxii Kismaayo!!

   
Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.
        ~ -  - ~ - ~ - ~ - ~ 
  Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.
Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta Badbaado Online soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.
Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.
  
Qalinka:- Abdirashid Eid Osman

Tuesday, July 13, 2021

Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

      
Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

  Runta Kharaara.

Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.

Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar  ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and  mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal.  Dr. Mutlaq  Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen,  waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda. 

Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa: 

1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey  Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.

2. Imaaraadka oo  Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara  si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda  ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa. 

Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af  Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka  ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.

Mid ayaa igu yiri:  Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo  Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.

khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya. 

waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar  rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo  iyagu ey markii hore  maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato  Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.

Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.

intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu. 

xaqiiq

Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa  ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu  nagula heshiisay  in aan Daraasad  Cilmi baaris ah  ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii  Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha. 
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee  Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.

Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.

Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.

F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare,  Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar

Mahadsanid

Qore: Yahya Amir

Saturday, June 26, 2021

#Oohhaa Dakadda Bosaaso 🔙█► #Aahhaa Dakedda Berbera !!


Siyaasad xumida madaxtooyada Puntland: Maxaa u sabab eh in Imaaradka uu hormariyo Dekadda Berber uuna dayaco tan Boosaaso?


Sheekaba sheekaa ku xusuusisee markii maanta xadhigga laga jaray ballaadhintii dekedda Berbera baa waxaa igu soo dhacday tolow dekedda Boosaaso ma beertii ayaan daran baa?

Haatan shirkadda DP World waxay heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland in ay ballaadhiso labada dekadood oo u samayso adeeg casri ah. Muddada waagaas naloo sheegay waxay ahayd in 3 sano gudahood mashruuca dekedda Boosaaso ku dhammaanayo. Madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu yidhi waa la inoo il duufay.

Hase yeeshee way caddayd inaan la inoo il duufin. Waayo heshiis lagu sheegay waa kii lala galay DP World waxaa baarlamaanku ku gudbiyay lacag 2 malyan ka badan. Way muuqatay in wax weyni qadanaayeen.

Mar koox gancsato ahi saluugeen sida wax u socdeen waxaa soo if baxay in 2 nuskho oo heeshiiska dekadda ah la kala haystay. Tii loo akhriyay ganacsatada iyo tii Paul oo markaa dekedda maamulayay uu la shir yimid.

Waxaa la filayay in markii maamulkii madaxweyne Gaas meesha ka baxay oo Deni loo doortay madax weynaha in wax uun la dhaqaajinayo. Lamase hayo ilaa haatan.

Mar baa la sheegay muddo hawshu ku bilaabanayso wayse ribatay oo ma rumoobin. Mar kale madaxweynuhu wuxuu baarlamaanka way diistay in hawsha dekedda isaga loo daayo. Ma aqaan inay ku eg tahay muddo xileedkiisa iyo inay ka soo hor marayso.

Waqtigaa dheer dekedda wax ka nuqsaama mooyee wax uma soo kordhin. Ciid baaba buuxisay oo maraakiib daayo doonyihii ay ku adkaatay inay ku soo xirtaan.

 

Fili maayo in ay maaweelo tahay ama sheekadii kun habeen iyo habeen (alfu laylah wa laylah).

Maxaa keenay in dekedda Berberana siraadanto ta Boosaasana dento oo sii shiiqdo.

Ma DP World baa ina kala jecel innaga iyo soomaalilaan? Ma madaxdaa la is dheer yahaa sidii kooxdii Heegan ku heesi jirtay : dadku waa maqashii Aadan oo xaawo naaska nuujisee. Waysku maskax isku muunad isku muruqee madaxdaa lays dheer yahay maamulaysa hawlahee. Ma saamiga xabashida Barbara looga qoondeeyay baa keenay in Barbara nuurto Boosaaana bakhtiinsanaato.

Ma heshiiskeennii baa iib ahaa oo kooda ka duwanaa?. Innagu ma boos xajis baan nahay? Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday.

W/Q:Aadan Shiikhdoon

Muqdisho-Somalia       

Tuesday, June 15, 2021

The latest political shenanigans in Mali !!

           

 The latest political shenanigans in Mali have put companies doing business in the country on edge as the politics continue to deteriorate. Although gold mining company B2Gold says they are monitoring the situation, their operations have not been affected.       

Doing business in Mali was always going to be high risk. However, the latest political events in the country have companies operating in the entire region sitting on edge. With two military coups in less than a year, national strike action by workers, and increased attacks by jihadist militants across West Africa, Mali has become an extremely risky business environment.

Unless the political situation stabilises significantly in the next few months, the political woes will continue and the ease of doing business will deteriorate further, to the detriment of foreign companies currently operating in the region or planning to establish or expand their operations in Mali.

AU and ECOWAS suspends membership

Both the African Union (AU) and the Economic Community of West African States (ECOWAS) have suspended Mali’s membership because of the coup. The political temperature is rising fast as reports continue to surface that former president Bah N’Daw and former prime minister Moctar Ouane were not freed by the military as reported by the media in May but are still in fact kept under house arrest.

After the coup, that took place on 24 May 2021, N’Daw, Ouane and five top civilian and military officials were held captive at a military camp near the capital, Bamako. On Friday, 29 May the Malian constitutional court declared Colonel Assimi Goïta , who led the military coup in August 2020 to be the new interim president.

According to Alione Tine, an independent expert for human rights in Mali, only two of the five officials have been released to date. Tine endorsed the call of ECOWAS for new presidential elections in February 2022.

“I call upon Malian transitional authorities to immediately end the house arrest of these two men and to release three senior military officials from arbitrary detention,” said Tine.

Mali must return to order and rule of law

If the country fails to return to order and constitutional rule of law within the next few months, and if authorities do not form an inclusive, representative government, the situation in Mali will spiral out of control. Tine called on national and international actors to strengthen state institutions and the rule of law to avoid repeated crises and to ensure respect for all human rights.

However, Tine emphasised that the main responsibility lies with Malians themselves. “I call on political, military and civil society leaders to exercise restraint and to engage in an in-depth dialogue in order to restore lasting peace, stability and respect for human rights and fundamental freedoms in Mali,” said Tine.

Meanwhile, according to reports from the United Nations (UN) in Mali, the premises of the UN peacekeeping mission, MINUSMA, were targeted last week by unidentified assailants in Aguelhok in the Kidal region.

“UN peacekeepers retaliated, forcing the assailants to flee. No casualties or material damage have been reported on the UN side,” said UN Spokesperson Stéphane Dujaric. 

MINUSMA reiterated its commitment to work with ECOWAS and the AU towards a return to constitutional order through free and transparent elections. MINUSMA and ECOWAS stressed in recent statements that the transition timetable needs to be respected and concluded within the agreed 18-month deadline.

“To achieve this goal, it is important that the new government, headed by a civilian prime minister, be inclusive and enjoy the broadest possible support”, said Dujarric.

Fekola unaffected by developments

Clive T. Johnson, the president and CEO of Canadian listed B2Gold, one of the major mining companies in Mali, said in a statement after the coup that the company is monitoring the evolving political situation in Mali. B2Gold’s owns the Fekola mine in Mali and has also applied for an exploration permit at its Menankoto project, which the company believes it is entitled to receive under proper application of Malian law.

Up until now operations at Fekola have not been affected in any way, and the company has continued normal mining and milling operations. “We do not expect that any operational days will be lost due to the political situation in the country and has confirmed that all B2Gold’s personnel are safe,” the company stated in a press release. The Fekola Mine is projected to produce 530,000 to 560,000 ounces of gold in 2021.

Meanwhile, the L’Union Nationale des Travailleurs du Mali (the National Union of Malian Workers) is rumoured to have ended their national strike action towards the end of May 2021. Johnson said that the labour action did not have any significant impact on B2Gold’s operations in Mali.

B2Gold is one of the largest Canadian investors in Mali and the Fekola Mine, in which the State of Mali has a 20% ownership interest.

In 2020, B2Gold produced 622,518 ounces of gold, an estimated 27% of Mali’s industrial gold production, from the Fekola Mine, generating approximately USD300-million in revenues for Mali, comprised of taxes and dividends. Since Fekola Mine commenced production in 2017, it has generated close to USD580-million in revenues for Mali.

Leon Louw is the founder and editor of WhyAfrica. He specialises in natural resources and African affairs.        

Monday, June 14, 2021

Xildhibaanadii ka dambeeyay burburka Dowlad-nimada Soomaaliya.2021

Akhriso magacyada Xildhibaanadii kadambeeyay burburka Dowlad-nimada Soomaaliya.
     Qormaddi - Dr:Olosow 

Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo kahor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka.
Waxaa la helay  liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada.
Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan:

(1). Tiro ahaan waa 41 keliya.
(2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka.
(3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan.
(4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida:

Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan.
Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano.

Dahir Amin Jesow

Samra Ibrahim Omar

Ibrahim Isaaq Yarow

Maryan Ahmed Harun

Mohamud Ahmed Isse Run sheeg

Feysal Omar Guled

Asha Kos Mohamed

Farhia Hassan Adan

Rabico Sheikh Nur

Sarha Abudkadir Osman

Malaq Dhayow

Amina Omar Jama

Yurub Ibrahim Rabi

Ikram Yusuf Hersi

Sadia Musa Abdullahi

Abdirahman Ahmed Suge

Abdullahi Osman Duale Sugulle

Bibi Kalif Mohamed

Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan

Abdiaziz Abdullahi Yusuf

Abdullahi Olad Roble

Ahmed Mohamed Jama Irro

Hashim Nur Aden

Qasim Mohamed Jama

Fatah Said Hassan

Osman Haji Ali

Nadifa Farah Jama

Khadra Mohamud Tukale

Sheikh Shacir

Ali Sheikh Abudllahi Afgooye

Hawo Mohamed Aden

Mohamed Ibrahim Abdi

Sahra Omar Malin

Abdullahi sheikh Ismail

Amina Sheikh Osman

Abdirahman Kulmiye Hersi

Sheikh Nur Mohamed

Ali yusuf Osman-Ganey

Nur Sidow Baba-Hassan

Hasaan Ali Mohamed-Amardambe

Yaqub Ali Mohamed

Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto.

Tuesday, June 1, 2021

🙏🙏I Am Candidate[ Ila Qosol.]


🙏🙏I Am Candidate Ila Qosol.
Anniguna Maanta ayaan is sharaxay.

Waxaan u mahadcelinayaa intii soo qaban qaabisay  iyo intii Maanta ka soo qeybgashay Xafladii Musharxnimadeyda oo ey ka soo qeyb galeen Dad ka badan1500 Qof.

waxaan isku sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Shiinaha,  waxaa Hoolkii is qabsaday Sacab, Alalaas iyo Sax weeyaan, sax weeyaan. Dadkii ayaan Dib u fiiriyay, waanba shakiyay ma Shiinaha ayaan joogaa mise Somaliya?, Anigaaba iska shakiyay oo indhaha iska taataabtay. Qaar gadaal fadhiyay ayaa ku qeylinayay maad isku sharaxdid Mad/Xigeenka Mareykanka.

waxaan Ballan qaaday Haddii la i doorto in aan soo rari doono warshadaha waaweyn ee Dalka Shinaha, in Beeraha ey noo tacbi doonaan shuruud la'aan, Annaguna aan Iska cuni doono, in aan Cuna qabateyn saari doono UN-ka, haddii ey fulin weeydo Shuruudaha qaar, in Shucuubta Baahan ee Wadamada  Khaliijka aan u qori doono Lacagta Ceeyrta, waxaan ballanqaaday in Ciidamada Daraawiishta Somalida aan kala dhax dhigi doono Wadamada  Giriiga iyo Turkiga.

Wiilkii iridda Hotelka Dadka ku baarayay waxaan u ballan qaaday in aan u dalacsiinayo Janaraal,  Shaqaalihii Cuntada Hotelka qeybinayay waxaan u ballan qaaday la taliyayaal, Dhalinyaradii Heesahana  Safiiro, Barbaarta Gaashaamana Agaasimayaasha Maaliyadda.

waxa kale oo aan u sheegay Dadweynaha in ey i taageersan tahay ina  wadato Dowlada Jameeyka, Dalkana aan keeni doono khubaro u dhalatay Dalka Burundi oo Shidaal ka soo saari doonto.Farxad iyo Rajo weyn  ayaana ka muuqatay Taageerayaasha wajigooda.

waxaan soo Xasuusatay Saaxiibadeey oo aan lagu Aamini karin Xubin Gole Deegaan oo isku sharaxayo Xilal Madaxweyne, R/wasaare, Wasiiro iyo Xildhibaano. Laakin  maxaan ula yaabaa kuwii horeba wax ma dhaamine.

Gunaandkii Shirka waxaa ka duceeyay, Sh. Cali Marqaan, ducadiisii waxaan ka xasuustaa, Qaadka Alla ha noo raqiisiyo. ugu Dambeeyn Shirka waxaa soo gunaanaday Ugaaska Beesha oo Xalay aan Jiibkiisa ku hubsaday..........,  iina sheegay in aan heeysto taageerada Beesha.

Waa ummad Mustaqbalkeeda ku Falaadee, !!!.

FG: ii soo duceeya in waqtigaan uuna Alle igu  ridin Cudurka Karoone Musharax.

Qore: #Ciid 

Sunday, May 30, 2021

Nin Tuug ah ...Fadlan ha jebin !!




Nin Tuug ah ayaa rabay inuu guri jabsado, wuxuu arkay warqad albaabka ku dhagan oo ku qoran; "Fadlan ha jebin, riix button-kan si uu kuugu furmo."
Button-ki buu riixay, ka dib alarm baa yeeray, Askar Ilaalo ah baa timi isla marki. Marki la xirayay ayuu Tuugi yiri, waa Aduun daacadnimadi ka dhamaatay oo la is wada khiyaamayo!!
Beenaaluhu wuxuu u heystaa in dadka oo dhan beenaale yahay.
Qofka wax khiyaama wuxuu u heystaa dadka oo dhan kuwa wax khiyaama.
Tuuguna sidoo kale...

African History Network Show !!

We are discussing this right now on The African History Network Show. Tues. 8pm-10pm EST, Listen to the show athttp://www.blogtalkradio.com/theafricanhistorynetworkshow/2014/09/18/the-5-us-presidents-who-were-members-of-the-ku-klux-klan or by phone LIVE at (914) 338-1375 or visit www.AfricanHistoryNetwork.com. Call in with your questions at (914) 338-1375.

An is waydiino abaarta ma waxaa naga saaraysa Hay’ada WFP ??





An is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.:
---------------------------------:-
Waxaa magaalada Muqdisho  Safar booqasho ah ku yimid  xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres  safarkiisana waa mid  uu ku marayo wadamada abaaraha ay  ka jiraan ee Qaarada Afrika .  Wadamadaasi  waxaa ugu daran suudaanta koonnfureed iyo Soomaliya oo abaar xun ay ka jito kuwaasi oo isbuucii hore 48 sac  gudohood cuduro abaarta ka dhashay ku dilay in ka badan 110 qof.
Safarka lama filaanka ahaa  ee aan hore loo shaacin ee Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu  wuxuu magaaladda Muqdisho gaar ahaan uu kula  kulmay madaxweyne Farmaajo,  iyo   madaxda Ururada bulshada iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala Soomaaliy. waxaana ay ka wada hadleen  arrimo laxariira abaarta iyo colaada  ay wadaan Xarakada  alshabaab .ee ka dagaalanta geeska Afrika.
Socdaalka  xogayaha guud ee Qaramaha Midoomay ku yimid  muqdisho  ujeedada uu ka leeyahay   ayaa ah in Deeq bixiyaashu  ogaadaan in xaalada soomaaliya tahay mid Qatar ah  oo dad badan u dhimanayaan Gaajo iyo cudurka shubub biyoodka kaasi oo ka dhashay dhibaatada biyo la’aanta iyo kulaylka Jiilaalka iyo abaarta.
Si ay u helaan  $825 milyan ee UN   ka cod sadeen wadamada  deeqda bixiyaasha
Waxay dhibaatada abaarta Haysataa   Dadka soomaaliya kunool  60%  dadkaa oo u badan xoola dhaqato.










Dhibaata waqtigan  adag  ka jirta Qaarada afrika  ayaa waxaa ka amusay oo war bixin fiican oo muuqaal  wadata ka sameyn sidii hore looga bartay sanadihii 2009 2011   saxaafada reer  Galbeedka Gaar  BBC  iyo  CNN  ayagoo iska   indho tiray   xaaladda xun ee waqtiga ka jirta suudaanta koonfureed , soomaaliya Yemen . hase ahaatee waxaa xusid mudan in televisionka Aljazeera uu koox gaar ah oo ka waranta Xaaladda Abaarta Soomaaliya ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo waramay durba xaaladda qaxootiga Soomaliyeed eek u nool xerooyin ku yaala Doolow iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayagoo ka waramaya xaalada gobalka Baay oo ka mid ah kuwa ugu daran ee Abaartu ay saamaysay.

Dadka ka Faalooda xaaladaha siyaasadeed Caalamka   ayaa  waxay sheegeen  in  Qaxootiga  badan ee  kusoo qul qulayo wadamada   reer Galbeedka. Gaar ahaan Qaarada yurub sanadkii 2015 ilaa hada.

In  arinkaa  ay aad uga hadleen saxaafada caalamku.
Walina ay ka hadlaan Xaalad Qaxootiga siiriya iyo Ciraaq  ee ku dhibaataysan wadanka Turkiga  Arinkan ayaa Qariyey  dhibaatadii ka jirtay wadamada Faqriga loo yaqaan gaar ahaan xaalada dhibaato ee Qaarada Afrika.
Waddamada  Africa, gaar ahaan Soomaaliya iyo sudaanta koonfureed iyo  itoobiya  waxaa sanadii 2011-ka dhacay abaaro baaxad weyn yeeshay waxaa ku dhinty  Dad lagu qiyaasy 260, 000 sidey sheegeen  hay’ada [WFP] oo ah Barnaamijka QM  u qaabilsan Cuntada Adduunka..
Abaarahaa waqtigaa dhacay  ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo go’I  jiray iyo waliba roobabka oo sanadahaa  si  fiican  u da’in.
Hada waxaa laga baqayaa in tiiyoo  kala dhacdo sanadkan dad baden u  dhintaan Gaajo.waa sida  lagu sheegay warbixinta  Ha’ayada [WFP].

Meelaha ama wadamada  abaarta ka jirto ee ugu darani waa koonfurta sudan,  Somalia Yemen,  iyo Libya .
Su’aashan ayaa  isweydiiyay markaa Falaqeynta Qorayey    Maxay tahay sababta 6sano   ka dib  2011  -2017  mar kale u macaluushan yihiin dad gaaraya boqolaal kun ama malaayiin qof oo ku nool  wadamadii hore abaartu uga dhacdey 2011.
Inkastoo ay khubarada reer galbeedka sabab uga dhigayaan roob la’aanta, haddana qaar badan ayaa arintan masuuliyadeeda dusha ka saaray  isla wadamada reer galbeed-ka.
Waxaa shaki weyn laga qabaa wadamada uu ka socdo daggaalada  looga soo hor jeedo kooxaha islamiyiinta waxaa laga soo sheegayaa in maclul dilootey caruurta.
Warbixin ay  dhawaan soo saartey Hay’adda [UNICEF]  waxay ku sheegtay in carruur Gaaraysa 1.4milyan oo ku nool Qaarada afrika  inay u dhimanayaan macluul.

Waxaa kale oo  laga dayrinayaa  Malaayiin  qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Wuqooyi bari Nigeria iyo  Yemen,  waxaana ka jira   cunno yari baahsan oo  ay abaaruhu keenen.
Markaa  colaadda  ka socota Qaarada Afrika iyo wadamada Carabta Qaarkood  Sow lama oran karo waxaa abuuray  wadamada reer Galbeedka  iyagoo si Toos ah u bur buriyey Dawladaha  wadamadaa ka jiray waxayna ku abuureen kooxa iska soo hor jeeda.
Tusaale wadanka sudan waxaa  loo qeybiyey laba wadan   arinkaa waxay keentay  in wadanka  cusub ee reer galbeedku sameeyey si qasab ah  waxaa loo bixiyey magaca  koonfurta sudan dawladnimadoodii waxay keentay in wadankii colaad kabixi waayo
Hada waqtigan la joogo waxaaa ka jirta abaar iyo colaad. waxaa Noloshoodu Qatar ku jirtaa dad gaaraya  270 000    dhibaatada ka jirta  suudaanta koonfureed  yaa abuuray.  Waa su’aal dhibaatada Libiya ka jirta yaa abuura dhibaatada soomaaliya ka jirta ayaa abuuray dhibaatada ka jita yeman yaa abuur.
markaa sow inaan   is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.
Waxaa iska cad abaarta ku timaada Roob yaraanta  waxaa ka xun abaarta ay keentay colaada  Taas oo dadkii oo  dhan ka Qaxisay meelihii ay ku noolaayeen gaar ahaan  dhulka beeraha laga beerto.
Markaa anigu waxaan aamin sanahay Wax la yiraahdo ma jiraan wadamada Deeq bixiyaal ah waxaa jira wadamo   colaad abuura  colaadaa oo isku badasha  abooro  dadka laayaa.
Qaramada Midoobay inkastoo  dusha sare iyo magaca uu huwan tahay lama moodo madal garta adduunka lagu gooyo cadaalad iyo is-kaashi xalaal ahina ka jiro hadana  hadan waxaa siyaasad  iyo dhaqaalaha lagu abuuro colaad  hormuudka  ka ah Dawlada Maraykanka iyo  saxiibadeed.
WQ:  A.Ciid

Mashaariic Laga Fullinayo Soomaaliya !!




                            


 20th April 2017   
---------------------------Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay ineey ku tabarucayaan lacag dhan 330 miliyan oo  Dirham oo u dhiganta $89.9 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa mashariicda horumarineed ee laga hirgellinayo dalka Soomaaliya sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada kalle.
Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi waxeey sheegeen in ujeedada ay tahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhibaatooyin dhaqaale ee heeysta, shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa heer nololeedka dadka.

Waxaa dhab ah haddii lacagaha caalamka ay ku deeqayaan Soomaaliya sideey tahay loogu fulliyo mashaariicdii loogu talagalay ay dhab tahay in wax badan ay isbeddelayaan.
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak wuxuu hadda ka hor xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina wuxuu markii uu Madaxweyne noqday xiray Xusni, wuxuuna magacaabay Cabdifitaax As-siisii, kadibna Siisii wuxuu xiray Mursi wuxuuna xabsiga kasoo daayay Xusni Mubaarak.

Dowladda Iiraan waxay xulufo yihiin Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxaysan is arki karin Ikhwaanul Muslimiin; Iiraan waxay isfahamsanyihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiib yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan.

Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsanyihiin Iiraan, Madaxweyne Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashanyahay Ikhwaanka wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay dagaalsanyihiin Khaliijka oo ay saaxiib yihiin Turkiga, Turkiyana waxay dagaashanyihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin.

Khaliijka waxay isfahamsanyihiin Mareykanka, Mareykankana wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykanka, Mareykankana waxay dagaashanyihiin Ruushka, Ruushkana waxay saaxiib yihiin Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsanyahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka.

Soomaaliya waxay cadawtooyo kala dhexeysay Itoobiya, Itoobiyana waxaysan is arki karin oo ay argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiya waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay Sargaal ONLF ka tirsan u gacan-gelisay Itoobiya waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiyana waxay dhowaan la saaxiibtay ONLF oo hadda Liiska argagixisada ugu jira Soomaaliya.

Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa wareysi laga qaaday Haweeney Ruushka u dhalatay oo ku caan-baxday in ay jirkeeda-ka-ganacsato oo mar uu wariyuhu weydiiyay sababta ay siyaasadda u geli la'dahay ku jawaabtay "Siyaasaddu waa wax qurun ah, been, musuq iyo iska-daba-wareeg ah, sidaas darteed ma rabo in aan siyaasi noqdo oo aan sumcaddeyda ku ciyaaro!!"

Hadde ogoow qofta ka cabsaneyso in ay siyaasaddu sumcadda uga ciyaarto waa haweenay jirkeeda-ka-ganacsato!! 

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hussain Sabrie

Wednesday, May 12, 2021

Akhlaaq Wanaaga iyo fadliga ay leedahay:

[Badbaado Online] Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay:

Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay:
Allaah ayaa mahad mudan, naxariis iyo nabad gelyo rasuulka korkiisa ha ahaato
Waxaan walaalahayga Golaha welisoor.com usoo gudbinayaa hadal kooban oo kusaabsan akhlaaqda wanaagsan iyo fadligeeda.
Waxaan shaki ku jirin ahmiyada ay leedahay akhlaaqda wanaaagsani iyo heerka ay ka taagantahay diinteeena islaamka.
Hadaba in taynaaan ka hadlin wanaaaga ay leedahay iyo qiimaheeeda, waa maxay akhlaaaq wanaagu ?
Culimada islaaamku waxay u qeeexeen akhlaaqda wanaagsan qaabab kala duwan, markaa waxaynu ka doooran kuwa ugu balaadhan ee ugu faahfaahsan

1- waxay ku fasireeen culimada qaaarkoood in akhlaaqda wanaagsani tahay:
Samafalka oo lala yimaado, dhibta oo lala joogsado, dhibta oo loo dulqaato:
Waxa hadalkaa macnihiisu yahay akhlaaqda wanaagsani waxay kusoo urur santahay in lagaa helo sedex arin, oo kala ah:
1- in aad dadla u sama fasho oo aad wanaaga u gasho.
2- In aad dhibtaada dadka ka haysato oo aanad dadka dhibin, af iyo adinba.
3- In aad u dulqaadato dhibta dadka kaa soo gaadhaysa.

2- waxay culimada qaarkooodna ku fasireen akhlaaqda wanaag san in ay tahay:
In aad xidhiidhiso cidii ku jarta, oo aad wax siisi cidii ku siin wayda, oo aad saamaxdo cidii kugu gardaroota.
4- waxay yidhaahdeen culimada qaarkood: akhlaaqda wanagsani waxay ku taagan tahay shan tiir, oo la, aantood ayna ku suuro gela hayn, waxayn kala yihiin:
1- adkaysiga amaba sabirka .2- dhawrsoonaanta. 3- geesinimada. 4- garsooorka ama cadaalada.

Waa maxay fadaaisha iyo wanaaga akhlaada wanaagsani ku leedahay diinteena ?
Akhlaaqda wanaagsani waxay leedahay wanaagyo badan oo qofku ku helaayo if iyo aakhiroba.
Akhlaaqda wanaag san qiime heedu aad ayuu u sareeyaa xaga diinteena suuban,
Hadaba sikooban ayaynu u sheegaynaa fadaaisha akhlaaqda wanagsan :
1- ugu horayntii akhlaaq wanaagu waa fulin iyo ku dhaqanka islaamka, waayo ilaahay ayaa ina faray akhlaaqda suuban, sida ilaahay yidhi :
(خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن الجاهلين)( الأعراف، 199)
Aayada ilaahay wuxu ku ururiyay akhlaaqda wanaag san oo uu ina farayna in laynaga helo.
2- akhlaaq wanaagu waa adeecitaan la adeecayo rasuulka , rasuulkeena -amaanta allaah iyo nabad gelyadiisu hakor ahaatee- ayaa ina farar akhlaaqda wanaag san, sida ku sugan inu yidhi :
(وخالق الناس بخلق حسن ) أخرجه أحمد والترمذي.
Wuxuuna ina faraya rasuulku in aynu dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqano.

3- akhlaaq wanaagu waa ku dayasho lagu dayano rasuulkeena suuban, waxa rasuulku uu ahaa dadka ka ugu akhlaaq wanaagsna, cid la hiigsadona waxaa ugu sharaf badan rasuulkeena- korkiisa amaanta alle iyo nabad gelyo ha ahaatee.

4- akhlaaq wanaagu waxa u keenaa in qofka kor alle u qaado darajadiisa, sida rasuulku yidhi: ( إن العبد ليبلغ بحسن خلقه درجة الصائم القائم) أخرجه أبو داود
Waxa xadiisa macnihiisu yahay; adoonku akhlaaqda wanaagsan waxa uu ku gaadhaa darajada qafka sooman ee tukanaaya habeenkii.

5- aklaaqda wanagsan waxaa lagu galaa janada, waxaa rasuulkeenu yidhi :
(وأعظم ما يدخل الناس الجنة تقوى الله، وحسن الخلق) أخرجه الترمذي وغيره.
Waxa macnaha xadiisku yahay, waxa ugu wayn ee janada lagu gala cabsida allaah iyo akhlaaq wanaaga.

5- akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta yawmal qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay:
(إن من أقربكم مني مجلسا يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا )
Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan agtayda malinta dambe ku wiina ugu akhlaaq wanaag san.

6- akhlaaqda wanaag sani waxay cuslaysaa miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida rasuulku sheegay,
( ما من شيئ أثقل في الميزان يوم القيامة من حسن الخلق) أخرجه أحمد.
7- akhlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa cumriga, waxayna camirtaa daaraha, sida ku
sugan xadiiskan : ( حسن الخلق وحسن الجوار يعمران الديار، ويزيدان في الأعمار) رواه أحمد

8- akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.
9- akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay asturtaa.
10- akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.
Fadaaisha akhlaaq wanaag wax la koobi karo ma ah,
Akhlaaqda wanaag san fadaaishiisu way badantahay, wax lakoobi karona maha,

Waxaa haboon in la is waydiiyo akhlaaqda wanaag matahay wax la kasban karo mise waa aabuur ?
Dad badan ayaa aamisan in akhlaaqda wanaag sani abuur tahay oo aan la kasban Karin, taasina waa fikrad aan sax ahayn, way jirtaa in akhlaaq wanaaagu abuur u yahay dadka qaarkoood, hadana waa wax la kasban karo oo laysku beeri karo, sidaaa darteed ayay ilaahay faray in lagu dhaqmo oo rasuulku faray, wax aan suurto gelayna la isma faro,
Markaa ku dadaal akhlaaqda wanaag san waad heliin oo waad ku tilmaamnaane.

Maxaa lagu helaa akhlaaqda wanaagsan hadaba?
Waxaa akhlaaqda wanaag san lagu helaa arrimo badan, oo ay ka mid yihiin:
1- baryada rabbi, ilaahay in laga baryo akhlaaqda wanaag san, ilaahayna wu kaa ajiibayaa.
2- in nafta lagu la dadaalo akhlaaqda wanaangsan iyo ku dhaqan keeda.
3- in lala xisaabtamo nafta, oo xadhiga loo siii day nee lagu soo dabaalo akhlaaqda wanaag san, taxuna lagala xisaabtamo.
4- in loo fiirsada midhaha wanaag san ee laga gaadhaayo akhlaaqad wanaagsan ee ay leeedahay.
5- in loo fiirsado dhibta iyo cawaaqib xumada akhlaada wanaagsan.
6- in naftada laga saaro aragtida ah in aan akhlaaqdu is bedalin.
7- in doonida qofku sarayso oo arrimaha sare uu hiigsado .
8- in dadka diinta toosan iyo akhlaaqdaba lala saaxiibo.
9- cilmiga sharciga ah in labaroto.
10- in dadka akhlaaqda iyo diin xun laga dheeraado.

Muuqaalada akhlaada wanaagsan ay leedahay:
Waxaa kamida muuqaalada akhlaada wanaag san ay leedahay arimahan soo socda:
1- adkaysiga ama sabirka, sabirku wuxu keenaa in dhibta loo dulqaato oo aan la aar goosan.
2- dhawr soo naanta, oo macnaheedu yahay in nafta laga dheereeyo waxii xun ee xumaan keenaya hadal iyo falba.
3- geesinimada, waxay nagta ku beerta in wanaag lagu dhiirado, xumaantana ladiido.
4- cadalada ama garsoorka, waxay keenaysa in qofka arrimihiisu dhexdhexaad noqdaan, oo iska ilaali xad gudubka iyo gabood falkaba.
5- dulqaadka.
6- in laga jeesto dadka aqoon laa wayaasha ah, oo aan la dhex gelin wax ay ku dhex jiraan.
7- cafiska iyo saamaxaada.
8- deeqsinamada.
9- sama falka.
10- cadhada in laga dheeraado oo aan lafulin.
11- muranka in laga dheeraado.
12- debecsanaanta
13- runta
14- beenta in laga fogaado.
15- tawaaduca ama dadka in aan layska waynaysiin.
16- in laga dheeraado dadka in la caayo ama la af lagaadeeyo.
17- xishooda.
18- furfurnaanta, weji furnanta.
19- salaanta oo la faafiyo.
20- dibta in aad dadka ka haysato
Ugu dambayn; akhlaaq wanaagu waa waxyaaba loo baahanay in layna ga helo, si aynu ugu toosnano diinteena oo dadka kele ee aan islaamka ahayna inoogu soo hirtaaan,
Qofkasta waa in uu naftiis dib ugu noqdo oo akhlaaqda wanaagsan kusoo dabaalo,
Bulshada waxaa ku dhex faafay akhlaaq xumo, waa in lagu bedelo akhlaaq wanaag
Ilaahay akhlaaq deeena ha wanaajiyo

​ ​
  Xigasho:- Abdirashid Eid Osman " Shideelo "

Monday, April 26, 2021

Ragg iyo dumar dambigu ma kala laha...!

 

                                


Ragga iyo dumar dambigu ma kala laha...! 

Bismmilaah.. Waxaan ognhay in dal walbaa leeyahay caadooyin iyo dhaqamo u gaara.caadooyinkaa iyo dhaqamadaa qaar ka mida waxaa lagu dhex daraa diinta dadka qaarkoodna waxayba moodaan in dhaqamada qaar diinta ka soo jeedaan qaar kalena way ogyhiin hase yeeshee waxaa hal hays u noqday maxaan sameynaa wuxuu noqday qayb nolosheena ka mida saan isaga goynana way adagtahay. 


Dhaqanku wuxuu noqon karaa mid wanaagsan diintana ka hor imaanayn wuxuu kaloo noqon karaa mid aan wanaagsanayn. hadaba hadeey sidaa tahay soo ma wanaagsana in dhaqanka diinta lagu xoojiyo kiisa wanaagsana la qaato kiisa xuna la tuuro iyadoon la oranayn waxaan ka soo gaarnay awoowayaal.awoowayaashu hadeey qaldanaayeen maxaad ugu raacaysaa maad saxdid qaladkoodii intaad indho la'aan kadaba qaadanayso, dhaqanka qaarkii wuxuu sababay dulmi, dhaqanka qaarkii wuxuu sababay xaqiraad ,dhaqanka qaarkii wuxuu sababay in maahmaahyo loo soo qaato daliil sidii inay maahmaahyadu yihiin kitaabkii iyo sunadii.Dhaqan baan u lahayn ama u leenahay lagu soo koobo warkii.wax kadaba hadli karaana majiro siduu yahay u qaado hadii kale falaago dhaqankii la leexdaa tahay. 


Diinteena islaamku waa diin cadaalad ku dhisan dhan walba waa diin siisay qof walba xuquuq waajibaadna saartay. waa diin aan ogolayn in xumaan loo gaysto . gaal iyo muslim toona waa diin kasoo horjeeda xadgudubka noocuu doono ha ahaadee. waa diin halku dhageedu yahay 


لا ضرر ولا ضرار 


Waa diin aan kala sareysiin ragg iyo dumar waa diin sinaaneed marka laga soo tago meelaha qaar taasina waa xikmad ee maaha inay kala fadli badan yihiin.hadaba ma oran karnaa hadii aan aragno qaladaad ka dhacay qaar ka mida bulshada islaamkaa sidaa qaba? waa maya jawaabtu. Islaamkuna bari ayuu ka yahay xumaanta muslimiinta qaarkood sameeyaan, hadaad maqasho reer galbeedkoo intaa ku digriya dumarkii baa la gumeystay wax jira maaha waana been qaawan geedna loogu soo ganban marka loo eego Cadaalada diinteena iyo xaqeey siisay dumarka markase dhaqankeena la eego waa wax jira marar badana dhaca.marka saas la leeyahay macnaheedu maaha reer galbeedkii ayaa run sheegay ama warkoodii ayaa la rumeystay waxaanse sheegayaa in waxa dulmiyay qaar ka midda bulshada uu yahay dhaqan diin loo ekeysiiyay. Dhaqankaasoo si ka weyn sida diinta loo hirgeliyo loona weyneeeyo dastuurna laga dhigtay 


Diinteenu makala sareysiin nin zineystay iyo naag zineysatay, mana oran isagu waa nine maxaa ka micno ah ma ceeb baa raacaysa! iyaduse waa naag way ceeboowday. soo wax lala yaabo maaha in xumaanta intaa le,eg lagu soo koobo ceeb baa raacday! Yaa yirise isagu ma ceeboobin Yaa yiri ninku uma baahna sharaf iyo dhowrsanaan ama in ka yar inteey u baahantahay gabadhuu u baahan yahay dhaqankee oranaya ma kan aan inagu sameysanaa mise waa mid kitaab ku yaal? Waa dhaqankeena kan yiri ninku xishood uma baahna wuxuu rabo haku hadlo waa nine muxuu ka xishoonayaa ma naag baa! xishoodku sooma ahayn kii la yiri khayr maahee wax kale ma keeno mise waa mid kale ?waa kee qofka oran kara zaani ayaa zaaniyad wax dheer? Gabar iyo wiil hadaay khaldamaan oo khamri bartaan, clubs galaan, macsi galaan iwm danbiga dhan gabadhaa leh wiilku waa ceeb ka saliim. waa dhaqankeena kan yiri Maya isku mid maaha waa dhaqankeena kan ka dhigay midna inuu soo dumiyay Cirkii midna yiri wuu qaldamee maxaa ka micno ah 


iyadau Malaha ma qaldamin kasbeey u sameysay miyaa micnuhu?! Ma is waydiinaa markaan leenahay waa nine maxaa ka micno ah dhibka ka dhalan kara? taas macnaheedu soo ma noqon karto waxaad rabto walaaq ninbaa tahee maxaa ka halaabaya waa caadiye.,soo dulmi iyo xaqdaro maaha in 2 zaani la kala fadilo taas waxaa ka sii daran in aan Towbadii xitaa laga aqbalin gabadha mar qaldantaa waligeedna la daba socdo aduunkii lagu ciririyo iyadoo Allah swt ka toobad aqbalo cidii u toobad keenta danbi dhaaf iyo xasanaadna ugu badalo, shirkiga oo ugu weyn danbiyada la galo ayuu Allah swt dhaafaa hadii laga soo laabto Toobad nasuuxa ahna lala yimaado. maxaad u maleyn wixii ka sokeeyayna. ilaahoow adaan bini' aadam towbad noogu dhiibin saa nagama aqbaleene hadaan 100 jeer dhahno waan ka soo laabtay danbigii naxariis badanaa Rabigeen, waa isku cuquubo xagiisa 2danbiile marna jinsigeey yihin laguma kala soocin waa inaga waxaa kala soocay kala fadilay. Midba xeer u gaara u dejiyay 


Waxaa taa kasii daran ninkaa suuqa ku jiray ee la wada yaqaanay waxaa loo doonaa gabar cafiifad ah(dhowrsoon) markuu guur damco waayo waa nin dee ma feer jabtay isaga mise waxbaa gaaray wuu yar qaldamee Feerta jabtaa la kabi karaa laakiin sumcad jabtay waa adag tahay sida loo kabaa. dhibkoo dhamina waa foolxumadii Zinada oo lagu soo koobay xubin!! Zinadu waxay xaaraan ku tahay maaha uur iyo gabadh baa gabarnimadeedii wayday kaliya ee waa foolxumadeeda darteed. waana isku danbi labada foolxumada wada gashay hadii aan la ogaanse isaga soo ilaahay ma oga ma ilaahay baa laga dhuuman karaa inaa zaani tahay wuu ku arkaaye hadaadan ka toobad keenin. Markaan leeyahay lama simin 2 qaldantay macnaheedu maaha gabadhuna waxay doonto ha walaaqdo oo suuqa ha gasho laakiin waxaan ka hadlayaa markeey wada qaldamaan bini' aadam baa nahay macsuum ma nihin danbi walbaa naga dhici kara inaan lakala sokeysiin 2 danbiile iyo 2 wada qaldantay. hadaan faaxishada weyninkeeda xooga saari lahayn ma eegneen kaliya waa nin ama waa naag laakiin waxaan eegi lahayn xumaanta camalkaa la sameeyay intuu le'egahay.

WQ:Abdirashid Eid Osman 

Friday, April 23, 2021

Sir:Ali Mohammed Ghedi

 

                               

  ِبِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم

                             


Sir:Ali Mohammed Ghedi.

★ ★good Old Man said Winston Churchill " The only guide to a man is his conscience; the only shield to his memory is the rectitude and sincerity of his actions"★★

Sir:Ali Mohammed Ghedi neck to head for his political future.  Mr. Ghedi you have succeeded in winning the hearts of all Somalis. You have saved the Somali state 2004 to 2007.

 You have shown that somaliness is greater than tribalism. 

You have understood what you think anothers the do not know.

As Respectful and loving greetings.

  [Safety Consulting Bureau] 

Sir:Ali Mohammed Ghedi You are hero of the year will recognize.

 If an election had been held today, we would have given you a vote and you still deserve to lead the country!

 Best Regards

 Founder / CEO

 Abdirashid Eid Osman


Wednesday, April 21, 2021

Yaa Noo Sheegaya Fashilka

 

              


  Yaa  Noo Sheegaya Fashilka Labadda Kooxood Ee Ku Hardamaya Masiirka Somalia [ FRS ] ?

  Abdi Ulusso - Xigasho 


 XOOGGAGA SADDEXAAD iyo Slogan-ka Ay Xambaarsan Yihiin In La Gaarsiiyo Ummadda Soomaaliyeed Ee Dal Iyo Dibad. 



Runti, waxaan Farmaajo ku ammaana wixi xumaan ah ee SOOMAALIYA la haray ayuu Dibedda soo dhigay asagoo si aad iyo u fool xun u isticmaalay. Farmaajo, wuxuu banaanka soo dhigay waxa ka qaldan maamul gobolleedya asoo ku daneysanaayo ayuu abuuray KOONFUR-GALBEED, Gal-mudug iyo Hirshabelle. Farmaajo, wuxuu isticmaalay Qabiil asoo ka dhigaaya hay'adaha dawladda Xero Qabiil meel walbo aad eegtid rayid ama CIIDAN. Farmaajo, wuxuu isticmaalay eex iyo nin jecleysi asoo reer walbo kan ugu xun ka soo qaadanaayo. Xitta, reerka uu ka dhashay ee Mareexaan wuxuu soo uruursaday kuwa ugu liido oo reeraha kale wax Xirriir ah aan la lahayn si ay wax ula qabsadaan. Farmaajo, wuxuu diiday in la dhameystiro dastuurka oo aan laga bixin jahawareerka, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO MAXKAMAD dastuuri ah ee wixi khilaaf oo dhanka sharciga ah lagu kala baxo. Farmaajo, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO XISBIYO iyo shuruucdi lagu maamuli lahaay si dalka DOORASHO u aado oo looga baxo 4.5 iyo Qabiil. Farmaajo, wuxuu soo uruursaday dad aan aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn xilalka ay dalka u hayaan si loo bur-buriyo hay'adaha dawladda. Farmaajo, wuxuu ka hor istaagay xilalka dawladda in ay qabtaan wixii aqoon iyo waayo-aragnimo u lahaa maamul dawladeed ee ehel u noqon lahaa. Haddaba, waxaan qabaa in Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh jidkaan ku socdeen laakin Farmaajo Bannaanka soo dhigay waxa cadawga SOOMAALIYA ay ka damacsan yihiin Arrimaha dalka oo ah in ayna marna haggaagin lagana bixin xaallada lagu jiro. Su'aal? War, SAAN dan maa ugu jirto SOOMAALIYA in afarti sanno kii yimaado waxba qabanin. Waxaa, soo XASSUUSTAY sheeko ku dhacday nin soo codsaday in uu noqdo Hippie. Waxaa, loo soo dhigay cunno marki uu cunay ayuu ku xaaray waana iska tirtiray xaarki. Waxaa, lagu yiri, "Waa ku dhacday imtixaanka oo Hippie xaarka iska ma tirtiro". Marka, Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh inkasto ay rabeen waa ku dhaceen imtixaanki bur-burinta SOOMAALIYA iyo hay'daheeda dastuuriga ahaa. Laakin, waxaa moodaa in Farmaajo ku guuleysan rabo haddii waqti loogu daraayo ku guuleysan doono halkaana ay ugu dambeyn doonto wax la yiraahdo SOOMAALIYA.

Friday, April 16, 2021

"We have choice "


     


                    

 Qorshaha dowladaha galbeedka xal baan aragnna "We have choice "

 Xigasho:- Cabdulqaadir Cariif Qaasim "Allbanadir"

Haddaba maxaa xal ah?


Xudunta siyaasadda cakiran ee doorashooyinka waa cidda maamuli doonto. Si dooraashooyinka looga madaxbanaaneyo gacmaha muxaafidka iyo mucaaradka isku heysta, xalku waxuu ku jiraa in Farmaajo dib u fidiyo gogosha wadahadalka isagoo wato shuruudda ah in doorashooyinka ay maamusho Guddiga Xaliima Yarey; amniga doorashadana uu maamulo Ra’iisulwasaare Rooble. Halkaasna uu ku soo afjarmo fara isku fiiqa siyaasiyiinta, faragelinta nacabka iyo faduusha reer galbeedka.

Best Regards 

Abdirashid Eid Osman 


 

Sunday, April 11, 2021

Biloowgii Puntland[ 1998 - 2021/4/10 ]

                      


AMB Bashir M Cali Yare

Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay?


Afeef   : Qormadan aan uga hadlayno Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay? Waxaan uga hadlayno waa kaliya dowladihii soo maray puntland ee maahan  dhaliil loo soo jeedinaayo shacabka xalaasha ah ee puntland .


Sanadkii 1997 markii la isku fahmi waayay shirkii dib u hishiisiinta ee  magaalada Qahira dalka masar  ee u dhaxeeyay  hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxay shirkaasi oo ka biyo diiday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoona dalka dib ugu soo laabtay  magaalada Qardho ayaa waxaa kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya waxaana la isku afgartay in shir balaaran lagu qabto magaalada Garoowe si looga tashadu masiirka deegaanka.

1998 ayaa waxaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii lagu dhisay dowlada Puntland waxaana ka soo qayb galay ergo ka socotay gobolada kala ah ,Nugaal ,Bari, Mudug, Sool iyo sanaag waxaana lagu doortay madaxwaynihii ugu horeeyay ee Puntland Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed .

ujeedka ugu waynaa ee Puntland loo dhisayna waxaa uu ahaa in Nabad galyo iyo amni lagu soo dabaalo gayiga Puntland isla markaana maamulkaasi cusubi oo horseed u noqdo sidii loo raadin lahaa Soomaaliwayn dowladnimadeeda maadama gobolada koofureed ee dalka xiligaasi dagaalo aad u qaraar ay ka socdeen halka kuwa waqooyina horay 1991dii ay ku dhawaaqeen in ay gooni uga istaageen Soomaaliya inteeda kale .


Dowladii Puntland ee uu markaas hogaanka u hayay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo celin lahaa dowladnimadii Soomaaliya .


Ugu danbayn ilaahay waxaa uu ku guuleyay shirkii Magaalada Mbeghati ee dalka Kenya in uu noqday madaxwaynaha Soomaaliya  Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoo garabsanaya cududa ciidan  iyo awooda dhaqaale  puntland la garab taagnayd  isagoona  ku guulasystay in uu dowladii geeyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya dhibaato dheer oo arintasi laga soo maray ka dib .


Puntland waxaa 6 bilood KMG ah madaxwayne noqday madaxwayne ku xigaynkii xiligaasi Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi arintaasi oo ku qotonta dastuurka puntland .


Ka dib waxaa doorasho ku tartarmay Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse ) Cabdirixmaan Faroole waxaana ku guulaystay Gen Boqor Cadde Muuse ilaah ha u naxariistee .


Maamulkii Madaxwayne Cadde Muuse iyo Dowladii Kumeel gaarka ahayd calaaqaad aad u wanaagsan baa ka dhexeeyay  arimaha gudaha puntlandna maadaama dhaqaale ahaan ay kabaysay dowlada dhexe, puntland dhaqaaleheedu waa liitay laakiin xiriirka u dhexeeyay shacabka xalaasha ah ee puntland aad buu u wanaagsanaa ,waxaana ku sifayn karnaa madaxwayne cadde in uu ahaa nin nabadoon ah nabada aad u jecel .

8 Jan 2009 ayaa xukunka waxaa la wareegay oo la doortay Cabdirxman Sheekh Maxamed Faroole oo isna hagaajiyay dhaqanka dowladnimo, laakiin puntland baa waxay noqotay meel ay qoys xukumaan waxaana bilowday in shacabka walaalaha ahaa uu shaki soo kala dhex galo ,calaaqaaddkii ay puntland lalahydna dowlada federalka KMG ah ee uu hogaamiyay Shariif sheikh Axmed  waxayna ay mar gaartay xaalku in ay puntland tiraahdo xiriirkii in ay u jartay dowlada dhexe .


Doorashadii dhacday 2014kii waxaa lagu doortay Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo mar sidoo kale Raisul wasaare ka soo noqoday dowladii KMG , isna arimihii gudaha ee puntland wax waxayn oo la taaban karo oo uu ka qabtay ma jirto ,kaliya waxaa uu dhamaystiray mashaariicdii ka horaysay isaga sida dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso iyo Garoonka Maxmed Abshir ee magaalada Garoowe , xiriirkii uu oo la lahaa dowlada dhexe ma aysan ahayn mid wanaagsan .


Madaxwayne Cabdiwali Gaas  Waxaa uu Masuul ka ahaa in uu dekadii magaalada Boosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee Puntland dhaqaalaha ay ka hesho in uu ku wareejiyo shirkada DP world ee isutaga imaaraadka carabta  isagoo eegaya dan khaas ah , arintaasna waxaa ka hor yimid baarlamanka Puntland taas oo sababtay in  golahihiisii wasaardu in ay dhacaan .


Ka dib arintaasi Madaxwayne Cabdiwali Gaas waxaa uu dhisay dowlad cusub baarlamaankiina waxaa la siiyay lacag fara badan si ay u ansixiyaan  hishiiskii DP world lala galay iyagoona bishii July 2017 ay cod aqlabiyad ah ku  ansixiyeen hishiiskaas iyagoo aanan  akhrin wixii ku qornaa hishiiska  sida ay xildhibaanada qaar ay warbaahinta u sheegeen .


8 Jan 2019  waxaa doorashadii ka dhacday Puntland waxaa  ku guulaystay Madaxwaynaha haatan talada haya Mudane Saciid Cabdullahi Deni  iyadoona ay shacabka xalaasha ah ee Puntland gudahaha iyo dibadaba ay rajayayeen in waacusub u baryay laakiinse arintu waxay noqotay ka dar oo dib dhal.


Madaxwayne Deni Markii uu xukunka yimid waxaa uu la kowsaday dhowr arimood oo ay ugu wayn tahay  iyadoo 2  sano aan waxba laga qaban dekada boosaso ee DP world  horaan xukuumadii isaga ka horaysay ay hishiiska ugala gashay ayaa markii uu madaxwayne deni yimidna waxaa  ku wareejiyay DP world garoonkii diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo macdan barista  degmada caloola .

Arimaha kale  mudada kooban ee uu xilka hayay madaxwayne deni waxaa ka mid ah.

1- Dhacdadii ka dhacday xarunta baarlamka oo ahayd   su’aalo  la waydiiinayay madaxwaynaha oo uu qaar ka mid ah dhibsaday isagoona u hanjbay xildhibaankii suaasha waydiiyay kana baxay xarunta baarlanka .

2- Weerarkii lagu soo qaaday xarunta baarlamka Puntland oo ay dadi ku dhinteen iyo xilka qaadistii Guudoomiyihii Baarlaanka dhuubo daareed .

3- Xilka qaadis lagu sameeyay 8 xildhibaan oo ka tirsanaa  baarlamaanka Puntlad sababo la xiriira fikirkooda .


Arimahaasi kor ku xusan waxay ku tusinaysaa in ay isku mil-meel haayadii dowlada sida , sharci dajinta ,fulinta ,garsoorka  intaba taas oo ah habdhaqanka lagu yaqaan kaligii talisnimada.


Waxaa puntland dhaqan ka noqotay in aan loo sinayn scholarship-ka deeqaha wax barasho ee dibada laga helo ,shaqooyinka ay bixiyaan haadayaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala puntland  ,waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee aan sida cadaalada ah lagu qaybsan puntland qorista ciidamada amaanka arimahaas aan soo sheegnay oo shacabka ku riday niyad jab iyo kalsooni daro .


Puntland maanta halka ay ka taagan tahay Soomaaliya maahan meeshii laga rabay in ay ka taagnaato mudu dheer baa waxaa la oran jiray Puntland waa hooyada federaalka  iyadoona aan ognahay in  Madaxwaynayaashii ugu horeeyay ee Puntland sida Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Cade Muuse ay tusaale lagu daydo u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.


Ugu danbayn xaalku halkaasi marka uu marayo madaxwayne dowlada federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu kala garto maamul iyo shacab , shacabka xalaasha ah ee puntland waxay doonayaan dowladnimo  ma ahayn wax ay xaq u lahaayeen in looga hor istaago sabab la xiriira xiriirka dowlada puntland iyo dowlada federaalka ah oo aan isku wanaagsan.


Wa bilaahi towfiiq 


AMB Bashir M Cali Yare