AMB Bashir M Cali Yare
Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay?
Afeef : Qormadan aan uga hadlayno Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay? Waxaan uga hadlayno waa kaliya dowladihii soo maray puntland ee maahan dhaliil loo soo jeedinaayo shacabka xalaasha ah ee puntland .
Sanadkii 1997 markii la isku fahmi waayay shirkii dib u hishiisiinta ee magaalada Qahira dalka masar ee u dhaxeeyay hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxay shirkaasi oo ka biyo diiday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoona dalka dib ugu soo laabtay magaalada Qardho ayaa waxaa kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya waxaana la isku afgartay in shir balaaran lagu qabto magaalada Garoowe si looga tashadu masiirka deegaanka.
1998 ayaa waxaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii lagu dhisay dowlada Puntland waxaana ka soo qayb galay ergo ka socotay gobolada kala ah ,Nugaal ,Bari, Mudug, Sool iyo sanaag waxaana lagu doortay madaxwaynihii ugu horeeyay ee Puntland Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed .
ujeedka ugu waynaa ee Puntland loo dhisayna waxaa uu ahaa in Nabad galyo iyo amni lagu soo dabaalo gayiga Puntland isla markaana maamulkaasi cusubi oo horseed u noqdo sidii loo raadin lahaa Soomaaliwayn dowladnimadeeda maadama gobolada koofureed ee dalka xiligaasi dagaalo aad u qaraar ay ka socdeen halka kuwa waqooyina horay 1991dii ay ku dhawaaqeen in ay gooni uga istaageen Soomaaliya inteeda kale .
Dowladii Puntland ee uu markaas hogaanka u hayay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo celin lahaa dowladnimadii Soomaaliya .
Ugu danbayn ilaahay waxaa uu ku guuleyay shirkii Magaalada Mbeghati ee dalka Kenya in uu noqday madaxwaynaha Soomaaliya Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoo garabsanaya cududa ciidan iyo awooda dhaqaale puntland la garab taagnayd isagoona ku guulasystay in uu dowladii geeyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya dhibaato dheer oo arintasi laga soo maray ka dib .
Puntland waxaa 6 bilood KMG ah madaxwayne noqday madaxwayne ku xigaynkii xiligaasi Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi arintaasi oo ku qotonta dastuurka puntland .
Ka dib waxaa doorasho ku tartarmay Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse ) Cabdirixmaan Faroole waxaana ku guulaystay Gen Boqor Cadde Muuse ilaah ha u naxariistee .
Maamulkii Madaxwayne Cadde Muuse iyo Dowladii Kumeel gaarka ahayd calaaqaad aad u wanaagsan baa ka dhexeeyay arimaha gudaha puntlandna maadaama dhaqaale ahaan ay kabaysay dowlada dhexe, puntland dhaqaaleheedu waa liitay laakiin xiriirka u dhexeeyay shacabka xalaasha ah ee puntland aad buu u wanaagsanaa ,waxaana ku sifayn karnaa madaxwayne cadde in uu ahaa nin nabadoon ah nabada aad u jecel .
8 Jan 2009 ayaa xukunka waxaa la wareegay oo la doortay Cabdirxman Sheekh Maxamed Faroole oo isna hagaajiyay dhaqanka dowladnimo, laakiin puntland baa waxay noqotay meel ay qoys xukumaan waxaana bilowday in shacabka walaalaha ahaa uu shaki soo kala dhex galo ,calaaqaaddkii ay puntland lalahydna dowlada federalka KMG ah ee uu hogaamiyay Shariif sheikh Axmed waxayna ay mar gaartay xaalku in ay puntland tiraahdo xiriirkii in ay u jartay dowlada dhexe .
Doorashadii dhacday 2014kii waxaa lagu doortay Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo mar sidoo kale Raisul wasaare ka soo noqoday dowladii KMG , isna arimihii gudaha ee puntland wax waxayn oo la taaban karo oo uu ka qabtay ma jirto ,kaliya waxaa uu dhamaystiray mashaariicdii ka horaysay isaga sida dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso iyo Garoonka Maxmed Abshir ee magaalada Garoowe , xiriirkii uu oo la lahaa dowlada dhexe ma aysan ahayn mid wanaagsan .
Madaxwayne Cabdiwali Gaas Waxaa uu Masuul ka ahaa in uu dekadii magaalada Boosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee Puntland dhaqaalaha ay ka hesho in uu ku wareejiyo shirkada DP world ee isutaga imaaraadka carabta isagoo eegaya dan khaas ah , arintaasna waxaa ka hor yimid baarlamanka Puntland taas oo sababtay in golahihiisii wasaardu in ay dhacaan .
Ka dib arintaasi Madaxwayne Cabdiwali Gaas waxaa uu dhisay dowlad cusub baarlamaankiina waxaa la siiyay lacag fara badan si ay u ansixiyaan hishiiskii DP world lala galay iyagoona bishii July 2017 ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen hishiiskaas iyagoo aanan akhrin wixii ku qornaa hishiiska sida ay xildhibaanada qaar ay warbaahinta u sheegeen .
8 Jan 2019 waxaa doorashadii ka dhacday Puntland waxaa ku guulaystay Madaxwaynaha haatan talada haya Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyadoona ay shacabka xalaasha ah ee Puntland gudahaha iyo dibadaba ay rajayayeen in waacusub u baryay laakiinse arintu waxay noqotay ka dar oo dib dhal.
Madaxwayne Deni Markii uu xukunka yimid waxaa uu la kowsaday dhowr arimood oo ay ugu wayn tahay iyadoo 2 sano aan waxba laga qaban dekada boosaso ee DP world horaan xukuumadii isaga ka horaysay ay hishiiska ugala gashay ayaa markii uu madaxwayne deni yimidna waxaa ku wareejiyay DP world garoonkii diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo macdan barista degmada caloola .
Arimaha kale mudada kooban ee uu xilka hayay madaxwayne deni waxaa ka mid ah.
1- Dhacdadii ka dhacday xarunta baarlamka oo ahayd su’aalo la waydiiinayay madaxwaynaha oo uu qaar ka mid ah dhibsaday isagoona u hanjbay xildhibaankii suaasha waydiiyay kana baxay xarunta baarlanka .
2- Weerarkii lagu soo qaaday xarunta baarlamka Puntland oo ay dadi ku dhinteen iyo xilka qaadistii Guudoomiyihii Baarlaanka dhuubo daareed .
3- Xilka qaadis lagu sameeyay 8 xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntlad sababo la xiriira fikirkooda .
Arimahaasi kor ku xusan waxay ku tusinaysaa in ay isku mil-meel haayadii dowlada sida , sharci dajinta ,fulinta ,garsoorka intaba taas oo ah habdhaqanka lagu yaqaan kaligii talisnimada.
Waxaa puntland dhaqan ka noqotay in aan loo sinayn scholarship-ka deeqaha wax barasho ee dibada laga helo ,shaqooyinka ay bixiyaan haadayaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala puntland ,waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee aan sida cadaalada ah lagu qaybsan puntland qorista ciidamada amaanka arimahaas aan soo sheegnay oo shacabka ku riday niyad jab iyo kalsooni daro .
Puntland maanta halka ay ka taagan tahay Soomaaliya maahan meeshii laga rabay in ay ka taagnaato mudu dheer baa waxaa la oran jiray Puntland waa hooyada federaalka iyadoona aan ognahay in Madaxwaynayaashii ugu horeeyay ee Puntland sida Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Cade Muuse ay tusaale lagu daydo u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.
Ugu danbayn xaalku halkaasi marka uu marayo madaxwayne dowlada federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu kala garto maamul iyo shacab , shacabka xalaasha ah ee puntland waxay doonayaan dowladnimo ma ahayn wax ay xaq u lahaayeen in looga hor istaago sabab la xiriira xiriirka dowlada puntland iyo dowlada federaalka ah oo aan isku wanaagsan.
Wa bilaahi towfiiq
AMB Bashir M Cali Yare
No comments:
Post a Comment