Sunday, May 30, 2021
An is waydiino abaarta ma waxaa naga saaraysa Hay’ada WFP ??
An is waydiino abaarta ma waxaa naga saaraysa Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.:
---------------------------------:-
Waxaa magaalada Muqdisho Safar booqasho ah ku yimid xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres safarkiisana waa mid uu ku marayo wadamada abaaraha ay ka jiraan ee Qaarada Afrika . Wadamadaasi waxaa ugu daran suudaanta koonnfureed iyo Soomaliya oo abaar xun ay ka jito kuwaasi oo isbuucii hore 48 sac gudohood cuduro abaarta ka dhashay ku dilay in ka badan 110 qof.
Safarka lama filaanka ahaa ee aan hore loo shaacin ee Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu wuxuu magaaladda Muqdisho gaar ahaan uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo, iyo madaxda Ururada bulshada iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala Soomaaliy. waxaana ay ka wada hadleen arrimo laxariira abaarta iyo colaada ay wadaan Xarakada alshabaab .ee ka dagaalanta geeska Afrika.
Socdaalka xogayaha guud ee Qaramaha Midoomay ku yimid muqdisho ujeedada uu ka leeyahay ayaa ah in Deeq bixiyaashu ogaadaan in xaalada soomaaliya tahay mid Qatar ah oo dad badan u dhimanayaan Gaajo iyo cudurka shubub biyoodka kaasi oo ka dhashay dhibaatada biyo la’aanta iyo kulaylka Jiilaalka iyo abaarta.
Si ay u helaan $825 milyan ee UN ka cod sadeen wadamada deeqda bixiyaasha
Waxay dhibaatada abaarta Haysataa Dadka soomaaliya kunool 60% dadkaa oo u badan xoola dhaqato.
Dhibaata waqtigan adag ka jirta Qaarada afrika ayaa waxaa ka amusay oo war bixin fiican oo muuqaal wadata ka sameyn sidii hore looga bartay sanadihii 2009 2011 saxaafada reer Galbeedka Gaar BBC iyo CNN ayagoo iska indho tiray xaaladda xun ee waqtiga ka jirta suudaanta koonfureed , soomaaliya Yemen . hase ahaatee waxaa xusid mudan in televisionka Aljazeera uu koox gaar ah oo ka waranta Xaaladda Abaarta Soomaaliya ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo waramay durba xaaladda qaxootiga Soomaliyeed eek u nool xerooyin ku yaala Doolow iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayagoo ka waramaya xaalada gobalka Baay oo ka mid ah kuwa ugu daran ee Abaartu ay saamaysay.
Dadka ka Faalooda xaaladaha siyaasadeed Caalamka ayaa waxay sheegeen in Qaxootiga badan ee kusoo qul qulayo wadamada reer Galbeedka. Gaar ahaan Qaarada yurub sanadkii 2015 ilaa hada.
In arinkaa ay aad uga hadleen saxaafada caalamku.
Walina ay ka hadlaan Xaalad Qaxootiga siiriya iyo Ciraaq ee ku dhibaataysan wadanka Turkiga Arinkan ayaa Qariyey dhibaatadii ka jirtay wadamada Faqriga loo yaqaan gaar ahaan xaalada dhibaato ee Qaarada Afrika.
Waddamada Africa, gaar ahaan Soomaaliya iyo sudaanta koonfureed iyo itoobiya waxaa sanadii 2011-ka dhacay abaaro baaxad weyn yeeshay waxaa ku dhinty Dad lagu qiyaasy 260, 000 sidey sheegeen hay’ada [WFP] oo ah Barnaamijka QM u qaabilsan Cuntada Adduunka..
Abaarahaa waqtigaa dhacay ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo go’I jiray iyo waliba roobabka oo sanadahaa si fiican u da’in.
Hada waxaa laga baqayaa in tiiyoo kala dhacdo sanadkan dad baden u dhintaan Gaajo.waa sida lagu sheegay warbixinta Ha’ayada [WFP].
Meelaha ama wadamada abaarta ka jirto ee ugu darani waa koonfurta sudan, Somalia Yemen, iyo Libya .
Su’aashan ayaa isweydiiyay markaa Falaqeynta Qorayey Maxay tahay sababta 6sano ka dib 2011 -2017 mar kale u macaluushan yihiin dad gaaraya boqolaal kun ama malaayiin qof oo ku nool wadamadii hore abaartu uga dhacdey 2011.
Inkastoo ay khubarada reer galbeedka sabab uga dhigayaan roob la’aanta, haddana qaar badan ayaa arintan masuuliyadeeda dusha ka saaray isla wadamada reer galbeed-ka.
Waxaa shaki weyn laga qabaa wadamada uu ka socdo daggaalada looga soo hor jeedo kooxaha islamiyiinta waxaa laga soo sheegayaa in maclul dilootey caruurta.
Warbixin ay dhawaan soo saartey Hay’adda [UNICEF] waxay ku sheegtay in carruur Gaaraysa 1.4milyan oo ku nool Qaarada afrika inay u dhimanayaan macluul.
Waxaa kale oo laga dayrinayaa Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Wuqooyi bari Nigeria iyo Yemen, waxaana ka jira cunno yari baahsan oo ay abaaruhu keenen.
Markaa colaadda ka socota Qaarada Afrika iyo wadamada Carabta Qaarkood Sow lama oran karo waxaa abuuray wadamada reer Galbeedka iyagoo si Toos ah u bur buriyey Dawladaha wadamadaa ka jiray waxayna ku abuureen kooxa iska soo hor jeeda.
Tusaale wadanka sudan waxaa loo qeybiyey laba wadan arinkaa waxay keentay in wadanka cusub ee reer galbeedku sameeyey si qasab ah waxaa loo bixiyey magaca koonfurta sudan dawladnimadoodii waxay keentay in wadankii colaad kabixi waayo
Hada waqtigan la joogo waxaaa ka jirta abaar iyo colaad. waxaa Noloshoodu Qatar ku jirtaa dad gaaraya 270 000 dhibaatada ka jirta suudaanta koonfureed yaa abuuray. Waa su’aal dhibaatada Libiya ka jirta yaa abuura dhibaatada soomaaliya ka jirta ayaa abuuray dhibaatada ka jita yeman yaa abuur.
markaa sow inaan is waydiino abaarta ma waxaa naga saaraysa Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.
Waxaa iska cad abaarta ku timaada Roob yaraanta waxaa ka xun abaarta ay keentay colaada Taas oo dadkii oo dhan ka Qaxisay meelihii ay ku noolaayeen gaar ahaan dhulka beeraha laga beerto.
Markaa anigu waxaan aamin sanahay Wax la yiraahdo ma jiraan wadamada Deeq bixiyaal ah waxaa jira wadamo colaad abuura colaadaa oo isku badasha abooro dadka laayaa.
Qaramada Midoobay inkastoo dusha sare iyo magaca uu huwan tahay lama moodo madal garta adduunka lagu gooyo cadaalad iyo is-kaashi xalaal ahina ka jiro hadana hadan waxaa siyaasad iyo dhaqaalaha lagu abuuro colaad hormuudka ka ah Dawlada Maraykanka iyo saxiibadeed.
WQ: A.Ciid
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment