Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.
Runta Kharaara.
Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.
Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal. Dr. Mutlaq Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.
Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen, waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda.
Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa:
1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.
2. Imaaraadka oo Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa.
Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.
Mid ayaa igu yiri: Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.
khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya.
waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo iyagu ey markii hore maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.
Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.
intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu.
xaqiiq
Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu nagula heshiisay in aan Daraasad Cilmi baaris ah ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha.
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.
Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.
Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.
Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.
F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare, Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar
Mahadsanid
Qore: Yahya Amir
No comments:
Post a Comment