🙏🙏I Am Candidate Ila Qosol.
Anniguna Maanta ayaan is sharaxay.
Waxaan u mahadcelinayaa intii soo qaban qaabisay iyo intii Maanta ka soo qeybgashay Xafladii Musharxnimadeyda oo ey ka soo qeyb galeen Dad ka badan1500 Qof.
waxaan isku sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Shiinaha, waxaa Hoolkii is qabsaday Sacab, Alalaas iyo Sax weeyaan, sax weeyaan. Dadkii ayaan Dib u fiiriyay, waanba shakiyay ma Shiinaha ayaan joogaa mise Somaliya?, Anigaaba iska shakiyay oo indhaha iska taataabtay. Qaar gadaal fadhiyay ayaa ku qeylinayay maad isku sharaxdid Mad/Xigeenka Mareykanka.
waxaan Ballan qaaday Haddii la i doorto in aan soo rari doono warshadaha waaweyn ee Dalka Shinaha, in Beeraha ey noo tacbi doonaan shuruud la'aan, Annaguna aan Iska cuni doono, in aan Cuna qabateyn saari doono UN-ka, haddii ey fulin weeydo Shuruudaha qaar, in Shucuubta Baahan ee Wadamada Khaliijka aan u qori doono Lacagta Ceeyrta, waxaan ballanqaaday in Ciidamada Daraawiishta Somalida aan kala dhax dhigi doono Wadamada Giriiga iyo Turkiga.
Wiilkii iridda Hotelka Dadka ku baarayay waxaan u ballan qaaday in aan u dalacsiinayo Janaraal, Shaqaalihii Cuntada Hotelka qeybinayay waxaan u ballan qaaday la taliyayaal, Dhalinyaradii Heesahana Safiiro, Barbaarta Gaashaamana Agaasimayaasha Maaliyadda.
waxa kale oo aan u sheegay Dadweynaha in ey i taageersan tahay ina wadato Dowlada Jameeyka, Dalkana aan keeni doono khubaro u dhalatay Dalka Burundi oo Shidaal ka soo saari doonto.Farxad iyo Rajo weyn ayaana ka muuqatay Taageerayaasha wajigooda.
waxaan soo Xasuusatay Saaxiibadeey oo aan lagu Aamini karin Xubin Gole Deegaan oo isku sharaxayo Xilal Madaxweyne, R/wasaare, Wasiiro iyo Xildhibaano. Laakin maxaan ula yaabaa kuwii horeba wax ma dhaamine.
Gunaandkii Shirka waxaa ka duceeyay, Sh. Cali Marqaan, ducadiisii waxaan ka xasuustaa, Qaadka Alla ha noo raqiisiyo. ugu Dambeeyn Shirka waxaa soo gunaanaday Ugaaska Beesha oo Xalay aan Jiibkiisa ku hubsaday.........., iina sheegay in aan heeysto taageerada Beesha.
Waa ummad Mustaqbalkeeda ku Falaadee, !!!.
FG: ii soo duceeya in waqtigaan uuna Alle igu ridin Cudurka Karoone Musharax.
Qore: #Ciid

No comments:
Post a Comment