Sunday, May 25, 2014

Somalia's National Security Minister Abdul Karim Guled resigns

                                                





                                           http://youtu.be/6jYNma62vDo




Go'aan geysinimo leh,,qiiro badana ka muuqato,,hadalka wasiirka is casilay waxaa iiga dhadhamay inuu ciisheysan yahay oo qiiro badan awgeed, xitaa hadli kari la'yahay,,oohin badana isku hayo,,,waana astaanta qofka damiirka leh lagu yaqaan,marka cadowgu albaabada soo wada xiro,,Sidoo kale ayaa looga fadhiyaa kuwa badan oo uu madaxweynuhu ku jiro,,markaas baa Soomaaliya,Soomaalinimadii iyo lahaanshihii dib u soo noqon,, baan isleeyahay asxaabay,,

Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?

           
      

                                                                                                                                












Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?
Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga

Badbado Instition Central Of Diaspora


 sidda aad wararkeena aan ku sheegnay, maanta waxaa la weeraray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, halkaasoo ay weerar ku qaadeen kooxda Shabaab.
Weerarka oo bilowday 11:00am ayaa soo gaaray galabta 5:00pm, waxanaa ka socotay dhismaha xarunta is-rasaaseen iyo qaraxyo xooggan.
Kooxda weerarka soo qaaday oo lagu sheegay tiradooda 13 ayaa gudaha u soo galay dhismaha xarunta baarlamaanka oo xilligaas ay ku jireen xildhibaano 100 kor u dhaafaya.
Afar xildhibaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka.
Haddaba weerarkan wuxuu ugu dambeeyay weerarro culus oo Al-Shabaab ay ku qaaday xarumo aad loo waardiyeeyo.
Waxa ay horey u wareertay xarunta madaxtooyada, xarunta maxkamadaha iyo dhismaha UNDP.
Akhriste sidee u aragtaa weerarka maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka?
Maxaa uu suurta galiyay Al-Shabab in ay maalin cad soo weerarto dhismaha baarlamaanka oo ka mid ah meelaha sida weyn loo waardiyeeyo?
Yaa mas’uul ka ah falalka ammaan daro ee ka dhacay Muqdisho?
Al Shabaab kaligood maa fuliyay weerarada ka dhaca Muqdisho mise waa jira cid ku wehlisa?
Maxaa lagu tilmaami kartaa ammaanka maanta Muqdisho, yaa leh dhaliisha ammaan darida ka taagan Muqdisho.
Dhammaan su’aalahan jawaabahooda ku soo qor qeybta hoose.
Mahadsanid

Sunday, May 4, 2014

The night held in Mombasa in Kenya caused several explosions that killed a number of others are injured in these attacks platform stations and Hotel in the town. Bomb attack in Mombasa in Kenya up to three explosions which have been attacked by baxaaan Bassa station and hotel name in the Nyali Beach in Mombasa. Probably up to five people died in the bombings of 20 more people have sustained injuries, which are now medical rehabilitation hospitals in the city of Mombasa. No group has yet claimed responsibility for bombings hit in Mombasa, Kenya and security authorities pointed attacks, members of Al-Shabaab.

                                                                
 
 
The night held in Mombasa in Kenya caused several explosions that killed a number of others are injured in these attacks platform stations and Hotel in the town.
Bomb attack in Mombasa in Kenya up to three explosions which have been attacked by baxaaan Bassa station and hotel name in the Nyali Beach in Mombasa.
Probably up to five people died in the bombings of 20 more people have sustained injuries, which are now medical rehabilitation hospitals in the city of Mombasa.
No group has yet claimed responsibility for bombings hit in Mombasa, Kenya and security authorities pointed attacks, members of Al-Shabaab.

Monday, April 28, 2014

Wali ma Booqatay Websetkan Cajiibka ah ee Wax ku Qora Luqada Soomaaliga Dad badana soo jiitay

                                         


                                              

Waxaa Dhamaan Bulsho Weynta Soomaaliyeed ee jecel in ay aqtistaan Wararka ka dhaca Gudaha iyo Dibada ,Dhacdoonka Cajiibka iyo Sheekooyin Xiiso badan , waxaa loogu bishaareenayaa in uu hawada soo galay Webset cajiib oo lagu Magacabo_ Puntlander.com ah .

Siyaasadda Websetka http://puntlander.com/ ayaa ah qancinta bulshada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan sidii loogu gudbin lahaa wararka xaqiiqda ku saleesan ee ka dhaca Daafaha Dunida , waxaana websetkan ka reeban dacaayad iyo beenTa .

Hadaba hadii aad xiiso u qabto aqrinta http://puntlander.com/Wararka hufan ee ku saleesan Xaqiiqda jirta , booqo oo kala Soco  , kana dhiga  http://puntlander.com/ Wehelkaaga rumeed si aad u hesho Warar la tifatiran oo xaqiiqda ku saleesan.

Kala Xraiir Wxaii Faah Faahin Ah 
http://puntlander.com/
Sheekhaduun@gmail.com.

46-735713353
Ciid (Sweden) , ciid3@hotmail.com
46-720384562

Biyo Sacabadaadaa looga dhergaa.


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.
Allaah subxaanalaahu watacaalaa waxa uu aayad quraan ah inoogu sheegay in  {haddii xoolaha alle ku siiyay aad ku shukriso in uu Alle xoolaha kuu siyaadinayo, haddii aad ku kufrisana in cadaabka Alle uu yahay mid daran }. Waxaa kaloo meelo baddan oo diinteena ka mid ah naloogu tusaaleeyay in wax bixinta sida kheyrka ku jirta loo bixiyo in ay xooluhu kusii bataan oo ku sii siyaadaan. Ogoow acmaasha wanaagsan waxaa ka mid ah in uu qofku wax ku bixiyo wax danta guud ee ummadda lagu manaafacsado ama loo isticmaalo. Ogoow qof walbaa oo jidka wanaagsan wax ku bixiyaa sida masaajidyada, waddooyinka, ceelasha  ama wax walboo ummadda wanaag ugu jiraa qofkaasi wuu ka sumcad iyo ajar badan yahay ummadda kale.
Haddii aan mowduuca usoo daadego waxaan wax baddan arkaa soomaali oo meel ay joogtaba si daran ugu xiran deeq iyo dhaqaale ay ka sugayaan ummado kale. Waxaaad maqleysaa mashruuc fulaan wuxuu ku xiran yahay in la helo deeq ay nasiiyaan qaramada midoobay ama waddamada deeq bixiyayaasha. Mashruucaas waxaa dhici kasrta in la sugayo 10 sano iyo in ka baddan , iyadoo waliba ay dhici karto in uusan ka badneyn qiimihiisa  ugu badnaan 2 – 5 Milyan oo dollar. Waxaa kaloo dhici karta in mashruucaas halka loo doonayo ama magaalada loo qoondeeyay in ay ku nool yihiin dad ka baddan dhowr boqol oo kun. Marka waxaan is weydiiyaa war miyaanay dhici Karin in ay magaaladaas ku nool yihiin ugu yaraan dad ka baddan boqol qofood oo bixin kara min boqol kun oo dollar ama ka baddan. Haddii aan yareeyo miyaanay dhici Karin in magaaladaas laga heli karo dad gaaraya illaa 500 oo qofood oo bixin kara min $10.000 oo dollar. Jawaabtu waa haa laakiin waxaan u badinayaa in loo waayey labo arimood midkood: – 1) in aanay jirin kalsooni ka dhaxeysa maamulka iyo ganacsatada magaaladaas. 2) ama in aanay ganacsatadeenu ayan isku kalsooneyn oo ayan aqoon nidaamka looga qeyb qaato horumarka dalkooda. Mashaariicdaas waanba badiyey mararka qaar waxaa ka nixinaya iyadoo la leeyahay hay’ad fulaan ayaa inoo dhistay mashruuc ka yar $50.000 oo dollar. Waxaan is iraahdaa war dadka sheegaya miyaanay isku xishoon. Waa cajiib haddii ay ummaddu niyadda ka dhimato ama ay niyadda ka noqdaan naafo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaa ka qeyb galay mashruuc mid ka mid ah jaamacadaha magaaladeena lacag loogu ururinayey libarary (Maktabad) la doonayey in laga dhex dhiso jaamacadda oo casri ah,Waxaa lasoo martiqaaday maalqabeentii iyo shirkadihii deganaa magaalada qaarkood. Waxaa lasoo bandhigay lacagta ku baxeysa iyo inta uu soconayo. Waxaa lacagta ballanqaaday illaa iyo labaatan ganacsade. Lacagtii ugu badneyd maktabdda oo dhameyd boqolkiiba 60 inta ku baxeysa maktabadda, ninkii bixiyay ayaa loogu magacdaray maktabadda iyadoo ay ballanta sidaas aheyd. Kuwii kalena magacooda ayaa lagu hor qoray maktabadda oo qof walboo yimaada ama soo booqda maktabadda wuu arkayaa dadkii ka qeybqaatay dhismaha maktabadaas.
Waxaan kaloo goob joog u ahaa muslimiinta ku nool magaalada Leicester shir casho sharafeed ah oo ganacsatadooda waaweyn lagu casumay oo lagu soo bandhigayey masaajid aad u weyn oo magaaldeena laga dhisayey. Masaajidkaa horay ayuu u jiray laakiin waana la ballaarinayey oo waliba nidaam casri ahna waa loo dhisayey. Markii ay dhamatay soo bandhigiddii mashruuca masaajidka oo la sheegay in ay ku baxeyso lacag dhan 3 Milyan oo dollar, ayaa waxaa markiiba kacay nin ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn muslimiinta magaaladeena ayaa yiri intaba anigaa bixinaya maashaa’allaah. Laakiin arintii kale ee iga yaabisay waxey aheyd in ay xanaaqeen ganacsatadii kale oo yiri maya waa inaan kawada qeyb qaadanaa. Markii danbe ninkii kaligii waxaa loo ogolaaday in uu bixiyo 1 milyan oo dollar, lacagta intii kalena ganacsatadii kale ayaa qeybsatay. Mashruucaas habeen qura ayaa lagu bixiyay dhaqaalihii ku bixi lahaa Allahu akbar.
Marka aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay ganacsatada soomaaliyeed ee waliba ku kala nool magaalooyinkeena waaweyn ee soomaaliya sida  Boosaaso, Hargeysa, Muqudisho, Burco, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne, Gaalkacayo ,Boorame, Caabudwaaq iyo Cadaado in ay bixin karaan ama ay sanad walba hirgalin karaan mashaariic fara baddan, laakiin ay u baahan yihiin in niyadda loo dhiso oo kalsooni la tuso. Runtii Soomaaliyeey baryo shisheeye meel kuma gaarsiiso oo waligaa waxaad ku noolaaneysaa bahdilo haddii aad ku xirnaato deeq ay dad kale ku siiyaan. Isku kalsoonoow oo Allaah ayaa deeqda bixiyo , Haddii aad rabto in aad ku noolaato cisi iyo sharafba ogoloow inaad xoolaha Alle ku siiyay aad wax uga qabato dadkaada iyo dalkaaga hooyo.
Waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa soomaaliyeey murtida soomaaliyeed ee ah {Biyo sacabadaad ayaa looga dhergaa} waa murti qiimo leh oo ina bareysaa inaad isku kalsoonaato oo aad adiga is aaminto. Marna ha is quursan. Kala fiican waddada fulaan waxaa dhisay dad soomaaliyeed iyo waxa lagu dhisay lacag lasoo baryey. Allahayoow dadkeyga tus cududa iyo awooda ay iska leeyihiin. Allahyoow xoolhaeena inoo barkeey. Allahayoow inaga kori baryo aadan.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac jooje (Social Development Adviser).

Monday, April 14, 2014

AKHRISO:- Dowladda Federaalka oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq,Qabyaaladeysi Xadid Hanti Qaran iyo Arrimo Kale.







AKHRISO:- Dowladda Federaalka oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq,Qabyaaladeysi Xadid Hanti Qaran iyo Arrimo Kale.





Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin ayaa ragaadiyay dhammaan hay’adaha DF-ka ee shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay ay gacanta ku hayaan.
War saxaafadeed kasoo baxay Urur taageera Dowladda Federaalka ayaa lagu xaqiijiyay in musuq maasuq aan waba reebayn uu daashaday dhammaan wasaaradaha dowladda,madaxtooyada,saraakiisha ciidanka iyo arrimo kale.
“Mushaarka shaqaalaha iyo kan ciidammada oo aan la bixin dhowr bilood, ayaa dhinaca kale la bixiyaa kharashaadka huteellada , safarrada, qalabeynta guryaha iyo xaafiisyada ama la siiyaa dhaqaale kale dad aan wax xil u haynin dowladda.
Kharashaadka siyaasadda waxa laga bixiyaa qasnado dhowr ah sida, tan dhexe ee dowladda, tan deeqaha dibadda, madaxda ayaa jeebkooda ku shubta dhaqaalaha dowladda soo gala,hantida gaarka loo leeyahay iyo deymaha lagu qaado magaca dowladda ama maamullada”.
Ururkan ayaa farta ku goday in shaqaalaha DF-ka lagusoo xulo qabyaaladeysi,wali aqoon iyo xigto balse aan lagusoo xulin aqoon iyo kartid arrinkaasi oo khilaafsan sheegashada Xasan sheekh oo ah in maamulkiisu yahay dowlad dhamaystiran.
“Qaraaba-kiilka ka taagan shaqo bixinta dalku wuxu abuuray isir-sooc iyo sicirbarar ku dhaca tirada shaqaalaha hey’adaha dowladda. Siyaasiyiinta iyo maalqabeennaduba waxay shaqooyinka siiyaan xigtadooda iyo dad ay u xilhayaan, taasoo meel kadhac ku ah maamul wanaagga” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale maamulka Xassan Sheekh ayaa lagu eedeeyay in heshiisyo mugdi badan kujiro uu lagalay shirkado iyo dowlado shisheeye islamarkaana uu badda soomaaliyeed iyo xarumaha dowladeed ugacan geliyay shirkado halis gelinaya madax banaanida Soomaaliya.
“Qandaraasyada la bixiyo wey tiro beeleen laakiin waxaa laga soo qaadan karaa maraakiibta sharcidarrada uga kalluumeysata badaheenna, maamulka dekadaha, garoomada diyaaradaha, baarista shidaalka, xarumihii wasaaradihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iwm,Maraakiibta sida sharci darrada ah u gurtaan kheyraadka ku jira badaheenna intooda badani waxay sitaan shatiyo ay bixiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta dalka, Miisaaniyadda siyaasadda, shaqabixinta iyo Qandaraasyada, nooc kasta oo ay yihiin laguma bixiyo nidaam iyo hannaan caadyaal ah{transparant} dhaqaalaha kasoo galana waxba looguma qabto ummadda” warsaxaafadeedka.
Warmurtiyeedka ayaa si gaar ah loogu sheegay in maraakiibta shisheeye ee heshiisyada lala galay ay walxo sun ah ku shubaan badda kadibna xaalad caafimaad xumo kasoo gaarto dadka iyo duunyada “Wasakhda sumeysan ee qaar ka tirsan maraakiibtaas ay ku shubaan badaheenna waxay halis ku tahay caafimaadka dadkeenna”.
Hay’ado caalami ah iyo Ururo aan dowlli aheyn ayaa si mideysan Dowladda Xasan Sheekh ugu eedaynaya waxqabad la’aan iyo musuq maasuq balse waxaa xusid in intabadan hay’adaha shisheeye iyo dowladaha duullaanka kusoo qaaday soomaaliya aysan soo hadal qaadin boobka lagu hayo kheyraadka dalka ayna qeyb ka yihiin gumeystayaasha damaca fog ka leh dalka.

Wax La yiraahdo Ciidan Xoog ma dhisna waa Mooryaan la isku Keenay


                                                          
                                                




DHAGEYSO:-Amiin Maxamed ”Wax La yiraahdo Ciidan Xoog ma dhisna waa Mooryaan la isku Keenay”


Xili shalay ay ku beegnayd aas aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo kasoo wareegatay 54 sanno ayaa aqooyahan wuxuu ka hadlay farqigii udhaxeeyay ciidankii Hore iyo kuwa Hadda ushaqeeya Dowladda Xasan Sheekh.
Habka dhaqanka,Tababarka,Wadaniyada ayuu sheegay inay ku kala duwan yihiin Ciidankii hore iyo kuwa Hadda Jira.
Wuxuu Tilmaamay in Ciidanka hadda shaqeeya lagu carbiyo in cadowgooda kaliya yahay shabaab islamarkaana walaalo ay uyihiin ciidamada shisheeyaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya.
Wuxuu sheegay in ciidanka hadda jira Fikir dagaal iyo ra’yi aysan umadax banaaneyn oo aanan ciidan lagu tilmaami karin.
Ciidamadii Hore ayuu sheegay inay tababari jireen saraakiisha Ciidanka Soomaaliya laakin kuwa hadda laga war helo oo kaliya iyagoo diyaarad lago keenay oo wadamo kale lagu soo tababarayo.