Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.
Allaah subxaanalaahu watacaalaa waxa uu aayad quraan ah inoogu sheegay in {haddii xoolaha alle ku siiyay aad ku shukriso in uu Alle xoolaha kuu siyaadinayo, haddii aad ku kufrisana in cadaabka Alle uu yahay mid daran }. Waxaa kaloo meelo baddan oo diinteena ka mid ah naloogu tusaaleeyay in wax bixinta sida kheyrka ku jirta loo bixiyo in ay xooluhu kusii bataan oo ku sii siyaadaan. Ogoow acmaasha wanaagsan waxaa ka mid ah in uu qofku wax ku bixiyo wax danta guud ee ummadda lagu manaafacsado ama loo isticmaalo. Ogoow qof walbaa oo jidka wanaagsan wax ku bixiyaa sida masaajidyada, waddooyinka, ceelasha ama wax walboo ummadda wanaag ugu jiraa qofkaasi wuu ka sumcad iyo ajar badan yahay ummadda kale.
Haddii aan mowduuca usoo daadego waxaan wax baddan arkaa soomaali oo meel ay joogtaba si daran ugu xiran deeq iyo dhaqaale ay ka sugayaan ummado kale. Waxaaad maqleysaa mashruuc fulaan wuxuu ku xiran yahay in la helo deeq ay nasiiyaan qaramada midoobay ama waddamada deeq bixiyayaasha. Mashruucaas waxaa dhici kasrta in la sugayo 10 sano iyo in ka baddan , iyadoo waliba ay dhici karto in uusan ka badneyn qiimihiisa ugu badnaan 2 – 5 Milyan oo dollar. Waxaa kaloo dhici karta in mashruucaas halka loo doonayo ama magaalada loo qoondeeyay in ay ku nool yihiin dad ka baddan dhowr boqol oo kun. Marka waxaan is weydiiyaa war miyaanay dhici Karin in ay magaaladaas ku nool yihiin ugu yaraan dad ka baddan boqol qofood oo bixin kara min boqol kun oo dollar ama ka baddan. Haddii aan yareeyo miyaanay dhici Karin in magaaladaas laga heli karo dad gaaraya illaa 500 oo qofood oo bixin kara min $10.000 oo dollar. Jawaabtu waa haa laakiin waxaan u badinayaa in loo waayey labo arimood midkood: – 1) in aanay jirin kalsooni ka dhaxeysa maamulka iyo ganacsatada magaaladaas. 2) ama in aanay ganacsatadeenu ayan isku kalsooneyn oo ayan aqoon nidaamka looga qeyb qaato horumarka dalkooda. Mashaariicdaas waanba badiyey mararka qaar waxaa ka nixinaya iyadoo la leeyahay hay’ad fulaan ayaa inoo dhistay mashruuc ka yar $50.000 oo dollar. Waxaan is iraahdaa war dadka sheegaya miyaanay isku xishoon. Waa cajiib haddii ay ummaddu niyadda ka dhimato ama ay niyadda ka noqdaan naafo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaa ka qeyb galay mashruuc mid ka mid ah jaamacadaha magaaladeena lacag loogu ururinayey libarary (Maktabad) la doonayey in laga dhex dhiso jaamacadda oo casri ah,Waxaa lasoo martiqaaday maalqabeentii iyo shirkadihii deganaa magaalada qaarkood. Waxaa lasoo bandhigay lacagta ku baxeysa iyo inta uu soconayo. Waxaa lacagta ballanqaaday illaa iyo labaatan ganacsade. Lacagtii ugu badneyd maktabdda oo dhameyd boqolkiiba 60 inta ku baxeysa maktabadda, ninkii bixiyay ayaa loogu magacdaray maktabadda iyadoo ay ballanta sidaas aheyd. Kuwii kalena magacooda ayaa lagu hor qoray maktabadda oo qof walboo yimaada ama soo booqda maktabadda wuu arkayaa dadkii ka qeybqaatay dhismaha maktabadaas.
Waxaan kaloo goob joog u ahaa muslimiinta ku nool magaalada Leicester shir casho sharafeed ah oo ganacsatadooda waaweyn lagu casumay oo lagu soo bandhigayey masaajid aad u weyn oo magaaldeena laga dhisayey. Masaajidkaa horay ayuu u jiray laakiin waana la ballaarinayey oo waliba nidaam casri ahna waa loo dhisayey. Markii ay dhamatay soo bandhigiddii mashruuca masaajidka oo la sheegay in ay ku baxeyso lacag dhan 3 Milyan oo dollar, ayaa waxaa markiiba kacay nin ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn muslimiinta magaaladeena ayaa yiri intaba anigaa bixinaya maashaa’allaah. Laakiin arintii kale ee iga yaabisay waxey aheyd in ay xanaaqeen ganacsatadii kale oo yiri maya waa inaan kawada qeyb qaadanaa. Markii danbe ninkii kaligii waxaa loo ogolaaday in uu bixiyo 1 milyan oo dollar, lacagta intii kalena ganacsatadii kale ayaa qeybsatay. Mashruucaas habeen qura ayaa lagu bixiyay dhaqaalihii ku bixi lahaa Allahu akbar.
Marka aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay ganacsatada soomaaliyeed ee waliba ku kala nool magaalooyinkeena waaweyn ee soomaaliya sida Boosaaso, Hargeysa, Muqudisho, Burco, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne, Gaalkacayo ,Boorame, Caabudwaaq iyo Cadaado in ay bixin karaan ama ay sanad walba hirgalin karaan mashaariic fara baddan, laakiin ay u baahan yihiin in niyadda loo dhiso oo kalsooni la tuso. Runtii Soomaaliyeey baryo shisheeye meel kuma gaarsiiso oo waligaa waxaad ku noolaaneysaa bahdilo haddii aad ku xirnaato deeq ay dad kale ku siiyaan. Isku kalsoonoow oo Allaah ayaa deeqda bixiyo , Haddii aad rabto in aad ku noolaato cisi iyo sharafba ogoloow inaad xoolaha Alle ku siiyay aad wax uga qabato dadkaada iyo dalkaaga hooyo.
Waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa soomaaliyeey murtida soomaaliyeed ee ah {Biyo sacabadaad ayaa looga dhergaa} waa murti qiimo leh oo ina bareysaa inaad isku kalsoonaato oo aad adiga is aaminto. Marna ha is quursan. Kala fiican waddada fulaan waxaa dhisay dad soomaaliyeed iyo waxa lagu dhisay lacag lasoo baryey. Allahayoow dadkeyga tus cududa iyo awooda ay iska leeyihiin. Allahyoow xoolhaeena inoo barkeey. Allahayoow inaga kori baryo aadan.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac jooje (Social Development Adviser).
No comments:
Post a Comment