Sunday, May 25, 2014

Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?

           
      

                                                                                                                                












Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?
Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga

Badbado Instition Central Of Diaspora


 sidda aad wararkeena aan ku sheegnay, maanta waxaa la weeraray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, halkaasoo ay weerar ku qaadeen kooxda Shabaab.
Weerarka oo bilowday 11:00am ayaa soo gaaray galabta 5:00pm, waxanaa ka socotay dhismaha xarunta is-rasaaseen iyo qaraxyo xooggan.
Kooxda weerarka soo qaaday oo lagu sheegay tiradooda 13 ayaa gudaha u soo galay dhismaha xarunta baarlamaanka oo xilligaas ay ku jireen xildhibaano 100 kor u dhaafaya.
Afar xildhibaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka.
Haddaba weerarkan wuxuu ugu dambeeyay weerarro culus oo Al-Shabaab ay ku qaaday xarumo aad loo waardiyeeyo.
Waxa ay horey u wareertay xarunta madaxtooyada, xarunta maxkamadaha iyo dhismaha UNDP.
Akhriste sidee u aragtaa weerarka maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka?
Maxaa uu suurta galiyay Al-Shabab in ay maalin cad soo weerarto dhismaha baarlamaanka oo ka mid ah meelaha sida weyn loo waardiyeeyo?
Yaa mas’uul ka ah falalka ammaan daro ee ka dhacay Muqdisho?
Al Shabaab kaligood maa fuliyay weerarada ka dhaca Muqdisho mise waa jira cid ku wehlisa?
Maxaa lagu tilmaami kartaa ammaanka maanta Muqdisho, yaa leh dhaliisha ammaan darida ka taagan Muqdisho.
Dhammaan su’aalahan jawaabahooda ku soo qor qeybta hoose.
Mahadsanid

No comments:

Post a Comment