Thursday, February 12, 2015

Ethiopia iyo ONLF oo heshiinaya





Wada hadalo nabadeed ayaa dhexmaraya dowladda Ethiopia iyo jabhadda mucaaradka ee ONLF, oo muddo soddon sano ku dhaw ka dagaallamaysay gobolka Soomaalida Ethiopia ee Ogaden.
Wada hadalka oo toddobaadkan horraantiisi lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya - ayaa waxa fududeeyay dowladda Kenya.
Haddaba, waxaa Istuudiyaha BBC ee magaaladan London, maanta nagu soo maray, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Jabhada ONLF oo magiciisa la yiraaho, Cabdiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi oo aanu ka waraysanay wada-hadaladaas.
Waxa uu sheegay in wada hadalku aanu ahayn mid qarsoodi ah.
ONLF ayaa dhawr weerar qaaday sanadihii dhowaa, oo ku jiray mid ay ku qaadday meel gaaska dabiiciga laga soo saaro sanadkii 2007, halkaasi oo tobanaan Ethiopian ah iyo Shiine lagu dilay.
Gobolka Ogaden ayaa waxa intiisa badan deggan dadka Soomaalida.

Sunday, February 8, 2015

Topnews:- Wasaaraha Somalia 2015...& Waxeey yihiin...Dadnimo& CV !






Topnews:-Wasiiradda la magacaabay -taariikhahooda -qabiiladooda iyo kooxaheey ka tirsan yihiin......-
.info- Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa magacaabay Xukumadii ugu tayada xumeyd marka la qiimeeyo Wasaaradaha Arrimaha gudaha,arrimaha dibadda,Batroolka,Cadaaladda iyo hoowlaha guud. Wasiiradda la magacaabay waxaa ku jira oo qura Jeneral Diini ,Wasiirka Gaashaandhiga iyo Cabdiraxman Ceynte ,Wasiirka Iskaashiga Caalamiga inta kale waa kuwii hantida Qaranka Soomaaliyeed dhacay iyo xagjiriin ka tirsan urur diimeedyada Waxaan halkaan idinkuugu soo gudbinayaa Magacyadda,xilalka ,taariikhaha iyo qabiiladda 26-ka Wasiir ee la magacaabay.
Magacyada Wasiirrada
1.       Maxamed Cumar Carte Ra'iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa Isaaq ,Habar Awal,Sacad Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid, Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka Mareykanka oo ku jiray Warbixintii Wikileaks.
2.        Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan ,wuxuu ka tirsan kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta Somalia,wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta Somalia…Wasiir Gaboobe wuxuu ka soo qeybgalay dagaaladii Al -Itixaad la galeen Cabdullahi Yusuf ee Boosaaso ka dhacay,dagaalkii Al Itixaad la galeen Killinka 5aad,waxaa loo yaqaan Ugaas Bile,wuxuuna u ololeeyaa in Somaliland aqoonsi la siiyo….Wasiir Gaboobe wuxuu degan yahay Hargeysa,waana ninka wada Abaabulka dagaalada Deefoow,Kabxanleey iyo Shabeeladda hoose,isagoo aaminsan qadiyad ku saleeysan aqoonsiga Somaliland iyo in la helo dhulweyne u gaara beesha Dir…Gaboobe wuxuu qaabilsan yahay Xiriirka Al-Shabaab iyo beelweynta Dir.
3.        Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka . Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan,waana Maamulaha Machad-ka Simad
4.        Maxamed Aadan Ibraahim "Fargeti" Wasaaradda Maaliyadda ,Waa Raxanweyn,DISOOW,waxaana keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Mohamed Cismaan Jawaari,mana ahan nin awood u leh inuu maamulo Maaliyadda Somalia.
5.        Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia,waana shaqsi afgaaban laakiin waa nin aad ugu dhaw kooxda Damujadiid.
6.        Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil,waa ninkii dhacay hantidii Bankiga dhexe ee Somalia sidaas darteedna isu casilay.waxaana lagu xasuustaa inuu ku soo baxay Warbixintii UN Monitering Group.
7.       . Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada ,Waa Daarood,Leelkase,waxeey ku noolan jirtay Canada,waxeeyna leedahay NGO,waxeey saaxiibo yihiin Cumar Cabdirashiid
8.        Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan,Reer Aw Mahdi,wuxuu ka tirsan yahay Kaadiriinta Damujadiid,wuxuu horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera,waxaana la rumeeysan yahay inuu yahay Sarkaal u muhiima Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho.waxaa fahad xilkaas loogu magacaabay inuu bilo kadib ku wareejiyo Faarax Cabduqadir ,iyadoo Ra'isulwasaaraha sameeyn doono isku shaandheeyn laakiin la rabo in hada Baarlamaanka ansixiyaan.
9.        Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade,waana xubin sare ka tirsan Urur diimeedka Aala Sheekh,wuxuu ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay VOA iyo Aljazeera,wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.
10.    Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya Somalia,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland,waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid laakiin nasiibdarada ugu weyn waxeey tahay in Dastuurkii dalka lagu aaminay ninkii kala gooynta dalka Somalia ololaha ugu jiray,isagoo aan weli ka tanaasulin qadiyadiisii Gooni goosadka Somaliland
11.    Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq,waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo ahaa Wasiirkii Batroolka.
12.    Cali Axmed Jaamac "Jangali" Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada , Waa Daarood,Dhulbahante,wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xilligii Cabdullahi Yusuf,waana nin lacago badan inuu lunsaday lagu heysto laakiin waxaa keensaday Fahad Yaasiin oo ay isla yihiin reer Nairobi.
13.    Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax_(((_....     , Unknown!! ?????
14.    Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Digil,Garre, Tuuf.waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid …..!!  Waa Digil,Garre, TuuF_ .waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid
15.   Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle, …@ ..Nin fiican oo wadani Ah))))!
16.    Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa Digil,Gelledi.(… Waa nin Aaamin ah…Muwaadin ..dal iyo dad jecel# reer Beydhabo!
17.    Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha , Waa Tumaal,waxeeyna ka mid aheyd kooxdii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Xisbiga Tayo.waxaa dhalay Sareeya Guuto Maxamed Cali Samatar,Madaxweyne ku xigeenkii Kacaanka……” Sahro waa Muwaadin…allah Xafido=.
18.   Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye,Gaaljecel,wuxuu ka tirsan yahay Urur diimeedka Damujadiid,wuxuu ka tegay London Uk,
19.    Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle,waxaa dhalay nin Madaxweyne Xasan Garguurte walaalahiis wada dhasheen ,sidaas darteed wuxuu ku jiray Xukumadii Ra'isulwasaare Saacid.
20.    Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo ,waxeey la taliye ka aheyd mashruucii Go to school,waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska. (..   inexperienced political in Somalia)
21.   Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), Wasaaradda Cadaaladda - …Darood…Harti- Warsangali…waa nin ka yimid Puntland maamulkii Faroole waxuu haa….Arimaha iyo nabad galyadda Waqtigaas!
22.   Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudeey, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha - Unknown
23.    Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasaaradda Warfaafinta -   Waa Isaaq/H/jeclo ..waana Nin Xamar Dhax taagan muddu Fog..Ilaa 1999_ waa nin xukun jecel , LKN somalina jecel & Lacag!!?
24.    
25.      Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), Wasaaradda dhallinyarada & ciyaaraha - Unknown
26.   Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow), Wasaaradda Korontada iyo Biyaha - Unknown

27.    

Falaari Gilgilasho kaagama harto:-Shabaabku Lacagta Soomaaliland,Ma deeq bay u heleen,mise Abaalmarin?.









http://puntlandi.com/dhagayso-mid-ka-mid-ah-xubnihii-shabaab-ee-hawlgalka-bosaso-lagu-qabtay-oo-hadlay-shabaab-waxaan-ku-biiray-sanadkii-2005-ta/

Saturday, February 7, 2015

Daawo Sawirada''Congress-ka Maraykanka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Go'aanka Bankiga iyo Madaxda oo kulan loogu baaqay

                                                          


Badbado Instition Central Of Diaspora

Hogaamiyeyaal ka tirsan Congress-ka maraykanka ayaa Saraakiil ka tirsan Maamulka Obama ugu yeeray kulan deg deg ah oo lagaga arrinsanayo lacagaha Soomaliya loo diri jiray ee la joojiyay kadib markii Xawaaladaha Soomaalida laga xiray Xisaabaadkii ay ku lahaayeen bangiga Merchants.

Congresska ayaa warqad toos ah u diray Saraakiisha 7 Xafiis oo uu ka mid yahay John Kerry Xoghayaha Arrimaah Dibada maraykanka iyo saraakiisha amaanka iyo cadaaladda dalkaasi.

kulanka saraakiisha maraykanka ayaa loo balamay in ay ku qabsooman laba todobaad oo soo socda gudahood, si dariiq sax ah loogu sameeyo lacagaha loo diro dalka soomaaliya oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah oo ku dhaqan dalkooda Soomaaliya.

Isla Markaana aan loo jarin khadka nololeed ee shacabka Soomaalida oo si aad ah ugu tiirsan lacagaha ehelkooda maraykanka joogaa usoo diraan.

qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa ka digay in lacagaha xawaaladuhu kasoo diraan qurbaha oo la jaraa horseedi karto macaluul iyo dhaqaalo xumo dadka Soomaaliya jooga.

Arrintani Congresska Maraykanku ka hadlay ayaa ka dambaysay kadib markii Bangiga Merchants oo 80% ay isticmaalaan Xawaaladaha Soomaalida ee dalka maraykanka kadiwaan gashan oo maalin ka hor joojiyay macaamilkii xawaaladaha isla markaana la xidhay xisabaadkoodii.

Arrinta Xiritaanka Xawaaladaha Maraykanka ayaa walaac ku abuurtay Soomaali badan

(Sawiro) Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe, guulna ku tilmaamay safarkoodii Muqdisho.

                                                   




) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib markii uu safar shaqo oo maalmo kooban qaatay uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, Wasiiro, xildhibaano, waxgarad, aqoonyahano, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa siweyn madaxweynaha iyo waftigiise ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas oo horey ugu sii gudbay xarunta madaxtooyada ayaa markii halkaasi gaaray waxaa uu la hadlay warbaahinta  waxaana uu sheegay in guul uu ugu soo dhammaaday safarkii shaqo ee uu ku tagey Magaalada Muqdisho.
” Niyad wanaag soomaali dhexdeeda ah oo la ‘abuuro anaga aad bey wanaag noogu tahay, aragtida dheer waa inay ahaataa mid ku salaysan in mar walba laga wada shaqeeyo awood qeybsiga, masuuliyada oo la qeybsado, fikirka oo laysku biiriyo taa weeye waxa aanu meesha u tagnay” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Waxaa la abuuray madasha ay madaxdaasu isku aragtay in la joogteeyo shirarka, shirkaan shirka ku xigana waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Garoowe bisha April waxaana laga sii ambaqaadi doona wixii hada laga wada hadlay, ha ahaato arrimaha nabad gelyada, ciidamada iyo hiigsiga 2016 ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Dawladd qurux badan oo soomaaliyeed waan aqaana sida ay u egtahay marka aniga nin ajnabi ah oo nayroobi xafiis ku leh in aniga uu wax ii yeeriyo oo wax ii sheego oo soomaalidu sida ay uwada hadlayso u yeeriyo waxa aanu ku dulownay weeye oo dawladnimadii soomaaliyeed iyo heybadii lagu dhumiyey waxaasna uma baahnin ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
” Hadaanu anagu soomaali nahay oo isu imaankarno, anagaa isu imaanayna anagaana wada hadlayna oo weliba wada tashanayna, beesha caalamkana waxa aanu anagu ka rabno anagaa u sheeganayna maahan iyagu in ay ninba dhegta wax ugu sheegaan ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.
Safarka uu madaxweyne Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ay ku tageen muqdisho ayaa waxaa ay kulamo la soo qaateen madaxda ugu saraysa dawladda dhexe ee soomaaliya waxaana ay kulamadaasina ku soo dhammaadeen guul iyo is afgarad.
 Daawo Sawiradda.

Tuesday, February 3, 2015

DEG DEG: Gaas,Madoobe iyo Shariif Oo Ku Wajahan Xamar





Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waraaq casumaad u soo diray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland,Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
C/weli Maxamed Cali Gaas,Shariif Xassan Sheikh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa la filayaa iney gaaraan Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Sadexdaan Mas’uul kala hadli doona sidii qorshe mideysan looga yeelan lahaa Sanadka 2016-ka,xilli uu jiro dib u dhac balaaran oo ku aadan Doorashooyin dhaca.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale Mas’uuliyiintaan kala hadli doona sidii loo dhisi lahaa Ciidamo Qaran oo ka howl gala guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee arrintaan ayaa muujinaysa doorka Maamulada ka jira dalka Soomaaliya ay ku yeelan doonaan Siyaasada marka la gaaro 2016-ka

Sunday, February 1, 2015

Turkey acts as mediator with the ONLF.......!?

Guul Guul - Ethiopia oo Turkiga weydiisatay iney wada hadal u furaan ONLF - waxaana afti loo qaadi doonaa Kililka 5-aad iney Ethiopia ka sii mid noqonayaan iyo iney Somalia ku biirayaan? aaween Dabaqoodhigii ,gabalkiin dhacyeey_




War deg-deg ah: ‪#‎Turkey‬ oo wada'hadalsiinaysa ‪#‎ONLF‬ & ‪#‎Ethiopia‬.Turkey acts as mediator with the ONLF.Ra'isal wazaaraha Itoobiya. Xayla-maryan Disaleen ayaa ka faa'iidaystay booqashadii Erdugan uu ku tahay Itoobiya, waxa uuna ka codsaday in uu isaga iyo Ururka Gobanimodoonka ONLF u noqdo dhax-dhaxaadiye. Haddii ay ONLF hogaankeeda siyaasada ka ogolaato arinkan. 1. Waxa la codsan in xabad joojin 5 sano ah la sameeyo.2 In muda'daas ka dib afti laga qaado shacabka in ay ka sii tirsanaanayaan Itoobiya iyo in kale. 3. In haddii ay Ogaadeeniya go'do laga saxeexo in aynan macaarad Itoobiya ah ku hubeyndoonin. 4. In xuquuqdii ay ku tunteen Ciidamada Itoobiga iyo Liyuu Police la la xisaabtamo.5.In Itoobiya shidaalka Ogaadeen qiimo ka jaban dunida kale laga'ga gado.6. In Ogaadeeniya aynan ka goyn dhuuniga u mara Itoobiya wada'da Shiniile.7. In colaadii soo jirtay baal cusub lagu badasho.Wargayska Indian Intelligence oo siraha dowladaha daba'gala ka la soco halkan http://www.africaintelligence.com/…/turkey-acts-as-mediator…