:com _
ayaa aqristayasaheeda u bandhigtay in ay fikirkooda kasoo dhiibtaan sida ugu macquulsan rr agu xalin karo Khilaafka Xoogan ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’izul Wasaare Cbadi Wali Sheekh Axmed.
Dadka argtidooda kasoo dhibtan doodan ayaa siyabao kala duwan uga hadlay sida ugu macquulsan ee lagu xalin karo Khilaafka ragaadiyay howlihii Dowlada iyo waliba amaanka dalka, waxa dadka aragtida dhiibtay badi qabaan in Khilaaf uusan dan ugu jirin xiligan Umada Soomaaliyeed.
Halka ka Aqriso Aragtiyada kala duwan ee dadku ka dhiibteen Qaabka ugu haboon ee lagu xalin karo Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.
1- Magaceyga wa mahad waxay ilatahay arag tidayda arintaan waxay ahay salka kuhaysaa reer galbeedka waxayna rabaan 1991 inay nagu celiyaan madama ay arkeen xooga kor usoo kac mida kale waxaa ila haboon haday wax tagayaan labadabo talada inay iska wareejiyaan masuuliyad ma uqumikaraan siibo maxadweynaha inuu kabaxo meesha malin walbo wuxuu kutaganyahay midkuu kenaba meesha maadaama uu ka hor imaaday fikirka daamujidiid iyo faarax
wabilaahi towfiiq
2-Anigoo ah c/fitax c/lahi xasan hadan ka dhiibto aragtadeyda hadii uu ogoladay in wadahadal lagu
dhameyo qilafka asiga iyo raisalwasara waxan is dhihikara in mel wanagsan ku dhamanayo labadoda hawada faddhistan meshii wax kaqal dan ha is weydiyan kadibna hakawada saxaan kadibna wuu dhamanaya qilafka aniga koley sidas ayan qawaa.
3- M.A.Samatarar oo jooga Hargaisa -Somaliland :Marka hore ma jirto kalsooni danbe oo muuqato oo labadan masuul ku sii wada shaqayn karaan, waxaa siddaa arinta ka dhigay inay markasta soo laabato casharkii hore waa dastuurkii la la dhuumanayey ee degdega loo ansixinayey (midhaha darayga sidoodii duuuduubka loogu liqay) xaalku hada ayuu dhow yahay, hor iyo horaanba ogaada nidaam federaala somaaliya kama hirgaeli karo dadka uun buu isku sii dirayaa waa in la laalo distuurkan oo mid yar oo kooban oo macno waynae leh la sameeyo. si taas loo helo xaalka hada taagan waa in lagu muquuniyo "Cod" parlamaan.
4-Magaceeyga waa Maxamud Macow ugas jooga Magaakada muqdisho ani waxan qabaa in lagu xalin karo Khilaafka u Dhaxeeya Madaxweynaha iyoR/Wasaaraha in uu is casilo faarax badul qaadir mahdsanidn
5-Salaamu caleykum waraxmatulaahi walaalayaal been yaan laisku sheegin xaaraan xalaal noqon mayso Somali intii qof ladulminayo waxba hakasugina madaxweyne ama raiisu was a are walaa baarlamaan . kuna talagala qofkii walaalkii diley ama dulmiyey iney asna kusoo socoto. By. By ny
6-Marka hore asc marka xiga Mahadsanidin shaqalaha allbanadir
Walalyal xal mesha mayaal madama xita barlamanku is xalin karin misana la isku qasbayo dad an isu ur fiyooben xalku wa inuu labadooda mid baxaa runta in laga wecda mahan sidee dal dhan loogu aminaya dad an isla shaqeyn karin ee midkasta midka kale yuusan ka tagero badsan darted ber. Hadu dono dalka oo dhan cidkale u gacangelin kara waa. Suldaan/mukhtar c/qaadir ibrahim oo joga dalka qadar casimadisa doha
7-Magacayga wa hussein jamac hirsi (hussein gaas) waxan ka mid aqristayasha allbanaadir.com. Hadii aan ka hadlo fikirkeyga ku aadan xalinta khilafka madaxweynaha iyo rasul wasaraha.wey adag tahay mar walbo in la guuleysto waliba usku xeelad loo guuleysto mar marka qaar wey ku muuqaneysa in aan laga guuleysan karin shaqsi xataa awood badan laheyn taasna waxa sabab u ah xaalada loo wajahayo iyo qaabka mar walbo wey muuqatay in madaxweynaha uu fishil ku dhamaan doonto qaab xumada xelada sxbadis dartet iyo fikirkaan oo ah wadada kaliya ay yaqaanan lacag bixi raisul wasaaraha mooshin hala geeyo taas waa wax lagu qoslo mar walbo madaxweynaha hada wey u cadahay xeeladan in ay so conen raisul wasaarahana hada awood ayuu si yeeshay qilaafki dhacayna iyo mooshinki wareerka badana raisul wasaaraha awood badan ayuu u yeellay waxu noqday bir aan la liiqin karin waxu hellay kalsooni inan waxbo laga qaadi karin walwalki wuu daayay asiga mahan ninka barlamaanak so doortay oo xisaabta guud ee wadanka loga fadhiyo hada madaxweynaha asiga ayy dan u tahay in uu la heshiiyo raisul wasaaraha uuna wajigiisa hoos geeyo sababto ah xumaan o dhan ayuu u adeegsaday hadane wax wa ka qaadi wayay maanta madaxweynaha daruuf ayaa hoos geyneyso raisul wasaaraha waxaa kaloo sugeynaa wada hadalkan in caqabad imaan doonto taas oo ah raisul wasaaraha farax c.qaadir ma ogolaan doono in u ka mid noqdo golaha wasiirada wasiiro badan ayuuna codsan doona in uu madaxweynaha ka badalo rag cusub shaqo iyo isfahan lala abuuri karo la yimaado taasna hadi timaad waa caqabad horleh oo madaxweynaha buul ka dhigi doonto raisul wasaaraha hadu la imaan sharuudo xakameynayo golahiisa waxbo uma sii kordhineyso joogista ugu dambeyn raisul wasaaraha ayaa guusha iska leh waana cashir loo baahna in xirfadaan caadada u noqotay madaxweynaha lagu baabi in karo jawaari wuu saxsan yahay sababto hadu ciidan keeno ama gacanta lala galo baarlamaanka arinta aad ayay usii xumaaneysa oo meel tan ka xun ayay gaareysa wu ku qasban yaahy inu dulqaaad muujiyo candhuuftisa dib u laqo madaxweyne adne dulqaad lahow candhufta dib u liq xubno cusub ku darso xukuumada raisul waasaraha sxb ku dhaw ka dhigo yaa dhaxdeena laga shaqeyn yaa lagu xumeyn ninkad shalay somalia afkada uga amaantay adiga keeneye dul lahow siyaasada isfahankeeda iyo is fahan daradeeda waxaa dhaw is fahankeeda guuul wacan. hussein gaas adis ababa ethpio (Xog.heyn Golaha shabka soomaaliyeed)
8-ASC Mag: Yuusuf Maxamuud Daahir Deg: Boosaaso Puntland Soomaaliya aniga waxay ila tahay in lagu xalin karo khilaafka madaxda sare, wada hadal iyadoo laraacayo waxyaabihii markii hore khilaafka dhaliyey, lanadhahayo mudane midaas waad ku khaldan tahay midka saxana ladhahayo midaas waad ku saxsax tahay , baarlamaankuna ilaaliyo dastuurka qaranka iyo sumcada umada soomaaliyeed iyo xaduudaha qaranka maxaa yeelay shacabkii waxaa dayuurado ku laynaya ciidamada kiinya oo u aargudayo 28 qof oo laga dilay. mahad sanidiin Allbanaadir .com
9-Anigoo ah abdi wahab sh hussein kuna nool kampala uganda waxan aaminsanahay in xalka ugu dhaw uu noqonkaro madaxweeynaha oo siyasadiisa wax kabadala wayo qof iyo qaran meel mawada galaan shalay haduu madaxweeynaha beeninayay inuu shaqsi qaran kadoortay oo uu lahaa waa war suuqeet wakana wasiirkii kowaat oo cadeeynaya in madaxweeynuhu shaqsi ay saxiibo yihiin kadoortay qaranimadii wana wax aad looga xumado sikastaba kanoqoto anaga waxan xal u aragnaa in madaxweeynuhu joojiyo santaga iyo islaweeynida sidaa darteedna uu qato mowqifka sharafta leh ee uuqatay raysalwasaraha kaaso ah inuu miiska wada hadalka soofariisto wabilahi towfiiq
10-Asc waa illaah mahadi haddii ay ogolaadeen in wada hadal lagu dhameeyo qilaafka hadaba aniga waxaan qaba in meel dhexe laisugu yimaado cabdiweli ha u daayo madaxweynaha mr faarax madaxweynahana ha ka joojiyo mooshiinka cabdiweli sidaasna hawshii ha ku bilaabato cabdiwelina waxaan kula talinaya hasameeyo latashii madaxweynaha waa kalsooni iyo wada shaqeyn wanaagsan wabillaahi towfiikh
11-Marka hore waa in Xamar loo simanyahay oo ay Somali caasimad dhex u tahay haddii taas la waayo meel kale halloo raro. Tan labaad sharci leh Awoodo kala cad waa in lagu heshiiyaa.
Somali waa inay doorataa dad daacadnimo dulqaad iyo aqoon leh ee aysan wax ku dooran qabyaalad laaluush kanaa awood leh ama kanaa u dhashay oo laan dhaandheere ah. Somali waa inay iska ilaalisaa kuwo dal shisheeye u dhega nugul. M.H.Buraleh
12-asc marka hore bahda warbahinta allbanadir iyo dhaman ba umada somaliyed
waan iidin salamay.salaan kadib Aniga waxa la ii dhaha faarax axmadnuur
waxan joga wadanka kenya. hadi aan ka dhibta aragtideyda waxa khilafkan lagu xalin kara baan isleyahay
1.madaxweynaha way in uu sharciga wadanka uu yalo uu hoyansamamo jojiyana faragalinta uu ku hayo shaqada r/salwasarah
2.waa in r/sawasaraha lo madax baneyo shaqadisa una guta wajibka ka saran si wafaqsan sharciga wadanka una ku xadgudbin shaqadisa wax ka sareyo
3.waa in xildhibanada barlamanka somaliya ay dhawran danta umada somaliyed oo aysan dhawrin danta shaqsi gar ah dib na uu egan waxa uu khilafka wa bilowday
13-Marka hore bahda shaakada allbadanaadir waan idin salamay Waa xuseen Gare oo jooga Uganda.
Waad kumahadsantihiin shaqada wanaagsan oo aad shacabkina somaliyeed uhaysaan inkastoo marmarka qaarkood ad xifaaltan idinqaado oo aad hal dhan tageertaan. Hadii aan rayigayga kadhiibto arinta cakiran ee madaxda dalka dhaxtagan waxaan qabaa in lawada hadlo oo labada masuul laisudayo
iyaka midwalibana uu Sharciga wadanka uyala uhogansamo. Mahadsanidin
14-Asc magaceyga waa muhamud omar oo kunool dalka Uganda aniga figrad ahanteda khilaaafka waxa lagu xalini karaa odayasha dhaqanka oo marki hore so dortay barlamanka somalia. Iyaga aya xalini karo arintaaa
15-Marka hore waad salaaman tihiin dhamaan bahda allbanadir marka xigo hadaan ka hadlo qilaafka 2da masuul waxa lagu xalinkaro waxa weye in rw ka noqdaa isku shaandheenta golaha wasiirada waayo madweynaha waxa shalay meesha keenay oo gadanbeeye in madaxnenha u meesha imaado waa ninka wisarka xoolaha laga dhigay xasan shiiqna waxu aamin san yahay hadii raisalwasaraha tiisa lo yeelo damujadiid wey u dhameenesaa maraka sidaa darteed waxa laga baqayaa in ay xalada dalka u dib ugu laabto waxii hore looga gudbey marka allaha xaqa ha tusiyo labada masuul
16-sc Wr Wb Magacaygu Waa Jaamac Cawil Nuux oo ku nool Soomaaliya gaar ahaan Caasimada Maamulka Khaatumo State ee Laascaanood, waxan halkan kuso bandhigayaa Aragtidayda ku aaddan Khilaafka Madaxda Sare ee Soomaaliya waana Sidan:
Ma aha Marki ugu horeysey ee ay is Khilaafaan Madaxweyne iyo raysal wasaare, waxan Aaminsanahay in Dastuuka Soomaaliya aanu ku haboonayn in lagu maamulo wadanka Soomaaliya, dastuurku Si cad u kala qeexi maayo Awoodaha ay kala yeelanayaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarah,.
Waxan Aamin sanahay Khilaafka oodhan waxa ka Mas'uula oo dusha u ridanaya cawaaqib xumada ka dhalatay Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Siyaasadiisu ku Salaysan tahay NIN JECLAYSI IYO KOOX JECLAYSI.
Raysal wasaaruhu wuxu Xaq u leeyahay in Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isku shaandheeyo ama Shaqada ka Eryo..
Haddaba, waxaan ku Talin lahaa:
In la raadiyo Xal aan ahayn Mooshin
In Xildhibaanada Taagersan Madaxweynaha ee qaatay Laaluushka ay ka laabtaan shacabkana ka dalbadaan Cafis iyo Masaamax
In madaxweynuhu Ka laabto Mawqifkiisa adag ee uu ka istaagay Raysal wasaaraha
In Dastuurka Ku-meel-gaarka ah la laalo, waayo wuxu u Muuqdaa inuu iska horkeenayo Madaxda.
Waad Mahadsan tihiiNN
Jaamac Cawil Nuux
Laascaanood, Sool, Soomaaliya
17-Asc Magaceeygu waa Abdirazak omar Rageh joogay Northern Ireland
Waxaan idin xasuusinayaa qudbadii madaxweyne xassan shiikh ee uU kufaanay Inaan khilaaf laga arki doonin taa badalkeedu wuxuuba noqon Rabaa madaxweynaha ugu pmka badan mudane madaxweyne sharciga dhowr oo sabab aad basrlamaanka ugu goodiso majirto qaranka iyo kooxdaada qaranka raac asc
18-asc, magaceygu waa Abshir , waxaan ku soo koobayaa ra`yigeyga tix gaaban.
Mowd baa na daashaday ee ayaa maarta naga qaada
Musuqbaan ku raagnay ee ayaa maamul soo celiya
Oo intey muruqa taagnaan leheed miiska ku wadaaga.
mahadsanidiin.
19-Waan idiin salaamay dhamman shaqaalaha allbanaadir.com!!!!
Magaceeyga waa Abdikarim Mohamed Isse Joogaa wadanka Sweden gaar ahaan magaalada Nyköping.
Aragtideeyda waxa aay tahay in arintaan khilafka u dhaxeeya labada masuul xaalka kaliya loo helaya aay tahay wada hadal iya in madax weeynaha uu ra,iisuul wadaaraha u ogolaadaa in uu u madax baneeya xulisa wasiirada farahane kala baxya wadaaraha uusan ku shaqa laheyn hadii uu ku cimra qaadanaayo wuu ogaaday in uusan awood waxba kumuquunin Karin teeda kale in ra,iisuul wasaaraha uu noqdaa nin u jilacsan diyaasad ahaana uu xal farsameeysa. Uga gaaraa sidii uusan mar kale usoo noqon laheyn buuq kan lamid ah xildhibaanadii uu kula dar daarmay in aay foowdada sameeyaane uu ku dhahaa waad mahadsantihiin lkn markale hoow naqana ee baralamaanka goowdada ka daaya
20-Asc dhamaan shaqalaha allbanaadir wan salaaman tahiin Magacga waa Mohamed salad waxan ku nolahahay wadanka Mozambique Aniga waxey ila tahay in uu is casilo rasulwasaha si loo hiigsado horumarka la hiigsanayo somalia in dowlada sii ahaato hadii la rabo waa in uu is casilaa raisul wasaha cabdi wali Wad Mahad sanadiin all banaadir.
21-Waxaan maqli jiray qilaaf madhamaanaayo. Waxaa run noqotay inaan tan ka baxeynin madaxweynaha inuu hadal Mac ku hadlo shaqsi dartiisna uu urido dowladan yare aan heesano waa waxaanan sugaynin (jeddah) allaan qeer kasugaynaaa. Mahadsanidiin.
22-Mageygu waa Cabdullahi Xasan Maxamed waxaana kunoolahay dalka Sweden. Aniga waxey ila tahay in xalku Ku jiro in laysu tanaasuli oo aay gacmaha isqabsadaan 2 da masuul oo aay khilaafka ka dhexeyso oo aay fiiriyan xaaladda dalku marayo iyo dhibaatada shacabka soomaaliyeed haysata oo laga saaro meesha anigaa awood leh iyo anigaa awood leh, layskana daayo mooshinka iyo in laka qeybsado
xildhibaanada baarlamanka,lana soo afmeero sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaa dhici karta hadii la sii wad wado arintan in aay noqoneysa maahmaahdii aheyd "dhariigi faraha ku bataan waa fuud xaraareeyaa.intay goori goor tahay, waxaan ku soo gabagabeeyey, codsi ah isla fariista ladabiina xalna ka soo saara khilaafkiina, umadda soomaliyeed idinka ayeey indiin dhowrayaan.
23-Inta ka harsan mudada xilka madaxwaynaha, waxaa ila Qumam,in Ra'iisal wasaaraha waafaqaa siyaasada madaxwaynaha,si loo sii dhameestiro hawlaha harsan, horayna aan u sii soconaa.
Taa kadib waa in labedelaa nidaamka Madaxwayne iyo ra'sal wasaare,Laguna bedelo Madaxwayne baarlamaan soo doorto iyo madaxwayne ku xigeen uu madaxwanaha magacaabo.
AMA madaxwayne shacabka soo doorto , madaxwayne ku xigeen uu madaxwayne doorto
Hadana sidaa la yeelin Waxay ila tahay in aanan waligeen meelna gaarain ,kana dhamaanaynin khifka noocaa oo kale ah, waayo waxa laysku hayo waa siyaasada Magaceygana Waa Yuusuf Abukar
24-Magacaygu waa Mohamed tahlil Waxaan qaba in lagu xali karo in xoog loo adeegsado xildhibaanadha rabshada wada oo loo ogolaan inay soo galaan holka, sida uu qabo xeer hoosaadka. Waayo Masuuro galayso in lawada hadlo. mahadsanidiin
25-aragtideyda kuaadan khilaafka udhexeeya 2 nin ee fila somalia lagu ilaaliyo waxaan orankaraa waaguul somalia usoo hoyatey &rabitaankii cadowga oo wali meelmari la٠hadaankafiirino dhinac diin iyohadaan ka fiirino dhinac umadnimo iyo qarannimo labadaba lakin nasiib darro waain aanan kuwaana qaadan waayihi nasoo maray
26-Anoo kuhadlayo aragtida Dhalinyarada Soomaliyeed waxaan aad iyo aad uga xunahay khilaafka madaxda sare ee baryahaan sii kordhayay sideedaba marhadii leeysqabsado waxa lagu kala baxaa 5 Qodob waana sidatan 1 Nin sheegtay 2 Nin lagu sheegtay 3 Shahaado maragkaco 4 Sheekh xukmiyo 5 Sharka matiile fuliyo , sida noo muuqato waxaan aragnaa ilaa iyo iminka Nin sheegtay iyo nin lagu sheegtay oo kaliya waxaa kalitoodii gabay Shahaadadii oo ah Barlamaanka waana meesha ugu dambeeyso oo lagu kala harayo waxaa xigidoona Sheekh xukmiyo iyo Sharkamatiile fuliyo waxaa labadaba isku ah Gudoomiyaha Baarlamaanka lkin waa goorta oow hilo Shahaado maragkaco hadii aan si kali u dhigno waa marka mooshinka loo qaado Xukuumada oo aay guuleeysato ama lagaguuleysto, dadka siyaasada falaanqeeyo waxeey leeyihiin labada masuul midbaa ah Kurtun Tub kudhaxyaalo kurtun tub kudhaxyaal qofwablo oosoomarto tubta waadilaaciyaa waxaana laga guuleysa karaa o okaliya marka laxididabixiyo si arintaasu u hirgasho Gudoomiyaha Barlamaanka waxaa laga rabaa 3 arimood inuu iskadaayo Gudoon jelcan Gar eexo iyo Gacanguran ugudambeeyntii khilaafkaan waxaa laguxalinkaraa waa in Raisul wasaaruhu meesha kabaxo lkin waxaan leeyahay 2 masuul midkii roon reerka Alla haureebo
Intaasna waxaan kusoo koobeynaa argtida Qaar kamid ah Aqristayaasha Shabakada Allbanaadir.com oo maanta fikradooda ka dhiibtay sida ay u arkaan Khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Madxaweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment