Friday, June 13, 2014

Topnews:-Wasiirada Gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha oo socdaalkoodii Markacadeey ku arkay waxyaabo ka yaabiyay?





http://waagacusub.info/articles/295/Topnews-Wasiirada-Gaashaandhiga-iyo-arrimaha-gudaha-oo-socdaalkoodii-Markacadeey-ku-arkay-waxyaabo-ka-yaabiyay


Waagacusub.info- Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha Somalia ayaa socdaal ay ku tageen degmada Ceeljaale iyo Magaalo xeebeedka Markacadey waxay ka diyaariyeen Warbixin loo gudbiyay golaha Wasiirada Xukumadda Somalia taas oo la yaab ku riday.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdullahi Goodax Barre iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mohamed Sheekh ayaa Warbixintooda safarkii Shabeeladda hoose sidaan u qoray.
Degmadda Ceeljaale oo ay joogaan Ciidamadda Nabad ilaalinta Amisom ayaan ku tagnay diyaarad ,waxaan wareeysi dheer la yeenay Saraakiisha Amisom,waxaan weydiinay hadii ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ka qeybgalay dagaalkii lagu qabsaday Markacadeey ama guud ahaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelada hoose.
Ciidamadda Nabad ilaalinta Amisom waxay noo sheegeen inaysan dagaalada socda marnaba ka qeybgelin Ciidamo Dowladda Somalia ka tirsan waxayna si kooban noogu xaqiijiyeen in dagaalka u dhaxeeyo beelaha gobolka Shabeelada hoose wada dega.
Intii aan joognay Ceeljaale waxaan u yeernay Gudoomiyaha degmadda Markacadeey Mohamed Osman Yariisow,waxaa si gaara ugu yeeray Wasiirka Arrimaha gudaha Abdullahi Goodax Barre hasse yeeshee waa qaadacyay inuu nala kulmo.
Gudoomiyaha Markacadeey wuxuu dadkii u tegay u soo dhiibay fariin ay ka muuqato xushmad daro iyo kheyrul masuulnimo,waxaana xusid mudan inuu isu dhiibay Ciidanka Amisom.
Markacadeey ayaan u sii gudubnay,waxaa naloo soo dhaweeyay si farxad ka muuqato,waxaa isu soo baxay dadkii degaanka oo dhan laakiin waxaa naga yaabiyay in Magaalada oo dhan meel walba la suray Calanka Jamhuuriyadda Somalia.
Muuqaalka wuxuu noola ekaa sida in loo dabaaldegayo maalinta koowda luulyo laakiin odayaashii markaan weydiinay waxay noo sheegeen in xaafada iyo wadooyinka laga siibay Calamadii Somaliland iyo Al-Shabaab kuwaas oo ay qaab sandule ah u sureen waxay ugu yeereen Mooryaan beeleed heysatay Markacadeey.
Nabadoon Cabdull oo ka mid ahaa dadkii na soo dhaweeyay ayaa  nagu yiri " Maleeshiyo beeleedka soo weeraray Markacadeey ee aad maqasheen aniga lixdan jirka ayaa ka mida maxaa yeelay waxaan leeyahay Bakhaarkaas ,waa ku shaqeeysan waayay,markii aad wax ka qaban weyseena waxay danta igu qasabtay inaan da-daan qori ku qaato”
Qeybaha kala duwan ee beelaha dega Markacadeey ayaan si guud iyo si gaargaara ula shirnay,waxayna dhamaantood noo xaqiijiyeen in Maleeshiyo beeleedka qabsatay Magaaladaas aysan ku kicin wax gabood fala,waxayna naga codsadeen inaan u dhaafno ama maamul daacada u dhisno Markacadeey.
Horjoogayaasha beelaha aan la kulanay waxay dhamaantood ka sinaayeen in Maleeshiyadii laga saaray Magaaladaas ay dhib weyn ku hayeen sidaas darteed Wasaaradda Arrimaha gudaha Somalia waxay aqbashay codsiga bulshadaas,wuxuuna go-aanku yahay inaan xilka qaadis ku sameeyno Gudoomiyahii degmadda Markacadeey.
Gudoomiyaha Magaalada Marka loogama hari karo in lagu sameeyo xilka qaadis oo kaliya laakiin wuxuu qorshaha yahay in cadaalada la horgeeyo si loo weydiiyo sababta uu Magaalada Marka u suray Calamada Al-Shabaab iyo Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee,Warbixinta ay labada Wasiir gudbiyeen waxay ka yaabisay golahii Wasiiradda ,iyadoo Dowladda Somalia xaqiiqsatay in Maleeshiyada Biyamaal ee Waafoow iyo Yariisow wataan u shaqeeyaan Al-Shabaab iyo Somaliland.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan
    siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan
    tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete