Sunday, June 29, 2014
Thank u all Ramadan kariim :)
Ramadaan Kariim.
Nolosha way kooban tahay, dad badan waad baranaysaa, dhib badan waad maraysaa, xiliyo farxadaa kusoo maraya, xanuunka dadkaad dareemaysaa, se’ waxaa muhiim ah oo is waydiin lahaan doona inta jeer ood u istaagtay Eebe dartii, sidii aad ula dhaqantay intii aad baratay si kastay ahaadaanba, sidaad uga tanaasushay dhibkii laguu gaystay, u talo saaratay Eebe, uguna xamdi naqday nimcadiisa, sidaad ugu dadaashay xaqa, ugu dhiiratay wanaaga, ugu dagaalantay inta tabaalaysan.
Nolosha qiimaheeda waa inaad ku farxi karto inaad dadka kaalmeeyso, ka fogaato kibirka, ka midowdo xasadka, iyo xumaanta ku wajahan dadka walaalahaa.
Eebe ayaan inooga baryayaa in bishatan barakaysan ee Ramadaan uu nooga dhigo mid aan isugu soo dhowaano, isu naxariisano, isugu hiilino xaqa, isku xanaanayno kitaabka, isku xiriirino sunaha nabiga (asw). Eebe hayna wada xafido. Aamiin.Ramadaan Kariim.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment