Thursday, September 12, 2013

Dagaalka Cabdi Raxmaan faroole iyo Qorshahiisa Wasiirka kowaad ee Somalia in uu Noqdo Shaqsi Reer Puntland ah


                           





Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhow dhow dr.Cabdiraxmaan M. faroole ayaa sheegaya in shirar uu u qabtay qurbajoogta Puntland, ee nayroobi, dubai, Europe, iyo waqooyiga America ku war galiyey todobaadkii la soo dhaafay inuu ku jiro qorshe labo afle ah ee dagaal oo kala duwan oo uu ka dhexwado soomaliya. 


Waa mide sidii uu u isticmaali lahaa siyaasada ( Good cop bad cop) . inuu dhinacna kala dagaalamo dowlada xasan sh maxamoud dhinaca kalana uu danahiisa ka raadsado. Waxaa uu u sheegay rag iyo dumar ka tirsan Puntland forum shirk u lahaa Minniapolis, MN (http://puntlanddiaspora.org/) inuu doonayo inuu dib ugu sooceliyo wasiirkoodii koowaad Reer Puntland. 

Waxaa uu yiri faroole Hawiye si wax looga qaato anigaa garanaya, hada ka horna wixii aan ku sameeyey Prime minister Farmaajo waad xusuusataan, yaa cabdiweli Gaas ka dhigay PM ?, Waa aniga , hada waxaa rabaa inaan garataan in meeshaan puntland la yiraahdo aniga la ii daayo hawiyana aan idinka soo dhiciyo Prime minister , Jubalanda aad u howlgashaan sidii la isugu xiri lahaa .hadii aad haysataan puntland, iyo jubbaland iyo prime minster-ka soomaliya , xasan sheikh adinkaa xukumaya. 

Waxaa uu hadalkiisa ku daray “saacid waanu taageernay sababata ah waa garanaayey inaanuu waxaban qaban Karin “ waxaa uu aad ugu dheeraaday in isaga iyo maxamuud saleebaan oo ah wasiiirka maaliyada aay aad isu garanyaan wax badan ka wada shaqeeynayeen Bankigii dowladii duntay ee soomaliya laakiin rag kale oo aanu magacaabin oo reer puntland ah ay tartanka kula jiraan.

Faroole ayaa wasiirkiisa arimaha gudaha Gen. Cabdilaahi axmed jaamac “ilka jiir “ u soo diray dalka mareekanaka si ugu daadihiyo qorshaha labada af leh ee reer puntland ay doonayaan inaay ku hantiyaan wasiirka koowaad , puntland , islamarkaasna u Tageeraan jubaland si halkaas looga sii wado, halganka beelyeesan ee ee faroole, cabdiweli gaas, Wiilka xagjirka qabiilka faysal rooble oo isagoo shirkaas lagu qabtay MN ka qayb galay dodobaadkana ka qaybgali doona mid kale oo lagu kicinayo beelaha jubband-garisa-jigjiga ee waqooyiga America gaar ahaan magalada Denver , co.


Waxaa moodaa in maalimihii u danbeeyey Maxwayne Xasan Sh Maxamuud uu soo jilcay , kadib markii ay ka badatay wareerka siyaasadeed ee qabaailka Soomaliyeed , waxaa wax lala yaabo noqotay in beesha wasiirka koowaad oo lagu jabiyey dagaalkii Jubbaland aaan marna laga qayb galin shirkii Addis-ababa, hadana magaalada Muqdisho oo dhaawacoodii yaalo , lagu soo dhaweeyo axmed madoobe sidii madaxweyne oo kale halkaasna ay ugu ciyaaraan barbaarta gaashaamn ee beesha Madaxweynaha . 

waxaa taas xigtay in madaxweeynuhu amaano Maamulka Puntland ee uu yiraahdo waxaa ay hormuud ka ahaayeen in xukunka laga tuuro kaligii talyihii maxamed siyaad barre oo beesha PM ay aad ula yaabtay dagaalka afka ee markaan lagu qaaday MSBarre .

waxaa wararka la isla dhexmarto sheegyaan in beesha Puntland oo taageero ka heleeysa dowlado daris ah ay codsadeen in la siiyo wasiirka koowaad si ay ugu soo noqdaan ka mid noqoshada dowlada federaalka ah ee Soomaliyeed. Waxaa socda shirar gooni gooni ah ee beesha PM sidii ay ka yeeli lahaayeen dowlada Xasan sh. Iyo saacid iyo dhibaatooyinka ku soo wajahan masiirka siyaasadeed ee Soomaliy

No comments:

Post a Comment