Tuesday, November 19, 2013
Saturday, November 16, 2013
sweet melodies. Beautiful.___ (fatoumata diawara >wililé. )
Fatoumata Diawara - (Wilile) http://www.youtube.com/watch?v=XikrRgOK7BUhttp://www.youtube.com/watch?v=XikrRgOK7BU
http://youtu.be/J-qKUs758hk
http://youtu.be/J-qKUs758hk
DAAWO SAWIRADA:Musharax Shire Xaaji faarax Oo Jaaliyada Puntland ee Magaalada Nairobi Lakulmay
Musharax shire Xaaji faarax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi, ayaa Jaaliyada Puntland ee ku sugan magaalada Nairobi, waxa uu kula kulmay Xaflad si wayn loo soo Agaasimay.
Xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo Qeybgaleen siyaasiyiin Culumo Waxgarad Haween ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Musharax shire ayaa la hadlay Jaaliyada Puntland ee Kenya asaga oo uga Tacsiyeeyay Masiibadii ka dhacday Gobolada Puntland ee Duufaanta iyo daadadka oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 180- qof.
Faysal Xasan Jaamac oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah kana yimid dalka Canada oo halkaas ka hadlaya ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay u Leedahay dadka Puntland hadii Musharax shire uu ku Guuleesto Xilkaas.
Faysal ayaa sheegay in shire uu yahay shaqsi siyaasi aqoon u Leh Maamulka iyo maaraynta, waxa uuna sheegay in shire hadii uu ku Guuleesto Puntland ay dadka Reer Puntland Gacmahooda dhunkanayaan.
Musharax shire oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga Xun yahay Wixii dhacay, waxa uuna sheegay in siyaasadiisa uu mar kale faah faahin Doono, maadaama Xaalada Deg deg ah iyo Tacsi ay ku jiraan dadka Reer Puntland, waxa uuna sheegay in uu illaah u Naxariisto dadkii ku dhintay halkaas dadkii ku dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.
Sidoo kale Wasiiro Xilal horay u soo qabtay Xildhibaano ayaa halkaas joogay, dhamaantoodna waxay muujiyeen sida Musharax uu wax badan ugu soo kordhin karo Puntland..
Friday, November 15, 2013
Munaasbadii Canada Africa ee Aayaha maalgalinta labada qaaradood,
Munaasbadii Canada Africa ee Aayaha maalgalinta labada qaaradood, ayaa Safiirka Angola, kutilmaamay Dagaalka sokeeye iyo qori ku xalinta khilafka Afrika inuu dhamaaday. Wuxuu yidhi Iftiinka ka soo hilaacaya Somalia iyo Gargaarka Somali diaspora ee Dibada wuxuu astaan u noqon qaarada Afrika; hadalkaasi oo Safiirka South afrikana ku raacay. Qunya socde qodaxi mamuddo. Kibirka iyo islawaynidana eebe ayuu u sugnaaday; ee ha loo tudho jiilka bari ee dhalinta somlida www.canadianeyeonafrica.ca
Thursday, November 14, 2013
Golihii Wasiirrada Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan Xasaasi ah (SAWIRRO)_ Badbado
Bureau for Somalian People's Development (sweden)
Khamiis, November 14, 2013 (sweden) — Waxaa xalay kulan xasaasi ah isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golihii wasiirrada xukuumaddii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka oo ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha naadiga Badbaado, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo boostada waxaana kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda haatan uu dalku ku sugan yahay.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday sida uu yahay xaalka dalka, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo madaxda dalka ugu sarreya, gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madasha uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mida xubnaha naadigan, kuwaasoo sheegay inay aad uga xun yihiin muranka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda dalka.
“Waxaan ka xunnahay khilaafka xilligan taagan iyadoo dowladdu jirtay hal sano oo keliya, khilaafkan oo sababi kara in dib loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii KMG ahaa. Annagoo ka sugaynay dowladda federaalka inay horay u sii waddo hannaanka dowladnimo,” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Jaahwayn oo shir-guddoon ahaa.
Kulanka ayaa waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana ugu dambayn kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban saddex qodob kuwaasoo kala ah:
- Waxaan aad uga xunnahay khilaafaadka ka dhex-taagan madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
- In si deg-deg ah loo xalliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, lana ogaado in golayaasha dowladda ay iska kaashadaan xallinta khilaafka.
- In guddi toddoba qof ka kooban laga soo xulo xubnaha Badbaado kuwaasoo si deg-deg ah ula kulmi doona madaxwayanaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran ee KMG ahayd taasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare C/weli Gaas, waxayna ka kooban yihiin in ka badan 30-xubnood iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaanno, iyagoo kulammo ay kaga hadlayaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku yeelan doona Muqdihso.
Xukuumaddii KMG ahayd ee badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii KMG ahayd ee muddada dheer uu ku soo jiray dalka.
Wednesday, November 13, 2013
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka()
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka:
Fiiro Gaar Ah
waxaa hadda dadka reer Puntland isha ku hayaan ama ay maq maqlaan in masrax ka weyn kan Puntland uu ka furmay Muqdisho. Waxay maqlaan in Muqdisho ay isugu tageen jilayaal fara badan oo ka kale yimid adduunka afartiisa gees. Waxaana maalgeliyey masraxa Muqdisho dowlado fara badan.Masraxan Muqdisho ka socdaa waxaa loo yaqaan "Tarzan in the Jungle". Waxaana ku jira oo qeyb libaax ka qaadanaya xayawaan fara badan oo uu ka mid yahay shabeelka iyo libaaxa – oo si xarago leh ugu cayaara durbaanada Kabeebeey iyo Luumbi.
Saddex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey, waxaa siyaasadda dalka Soomaaliya qabsaday siyaasiyiin aad mooddo inay shahaadooyinka ka soo gateen suuqa Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, ama qaarkood Indiya ka soo gatay “Online degrees”. Taasina ay dhalisay in lagu micneeyo siyaasadda Soomaaliya mid u eg masraxa/mahrajaan/qaalmarogad (acrobatics) ay ku cayaarayaan siyaasiyiin/jilayaal (clowns).
Jilayaashan (clowns) ayaa xiiso gaar ah u yeelay iska daba wareegga beelaha Soomaaliyeed, oo aad mooddo in ay ku jahwareereen farqiga u dhaxeeye wadaniyadda iyo danta gaar ahaaneed ee beesha.
Dadka deegaanka Puntland deggan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3.5 million ku kala daadsan dhul qiyaastii ah 200,000 km2 . Deegaankan ballaaran waxaa dega beelo tira badan oo muddo dheer ku noolaa nidaam iyo kala dambeyn (law and order). Dadkan waxay ku caan baxeen dad muruqooda maala, oo dhaqan ahaan ka gaagaxa af-miinshaariinta iyo kuwa caadeystay ku dul-noolaanshaha.
Deegaanadan Puntland waxaa Ilaah ku maneestay xeeb aad u dheer hodanna ku ah kalluumeysiga (good fishing ground). Dhinaca berriga, waa dhul aad ugu habboon xoola dhaqashada, lehna kheyraadka dabiiciga sida shidaalka iyo noocyada kala duwan ee birta..
Subscribe to:
Posts (Atom)