﷽ ✍ It doesn't matter who was by your side in moments of happiness. But who was by your side in difficult moments, Shideelo @blogspot.com
Saturday, November 16, 2013
DAAWO SAWIRADA:Musharax Shire Xaaji faarax Oo Jaaliyada Puntland ee Magaalada Nairobi Lakulmay
Musharax shire Xaaji faarax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi, ayaa Jaaliyada Puntland ee ku sugan magaalada Nairobi, waxa uu kula kulmay Xaflad si wayn loo soo Agaasimay.
Xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo Qeybgaleen siyaasiyiin Culumo Waxgarad Haween ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Musharax shire ayaa la hadlay Jaaliyada Puntland ee Kenya asaga oo uga Tacsiyeeyay Masiibadii ka dhacday Gobolada Puntland ee Duufaanta iyo daadadka oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 180- qof.
Faysal Xasan Jaamac oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah kana yimid dalka Canada oo halkaas ka hadlaya ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay u Leedahay dadka Puntland hadii Musharax shire uu ku Guuleesto Xilkaas.
Faysal ayaa sheegay in shire uu yahay shaqsi siyaasi aqoon u Leh Maamulka iyo maaraynta, waxa uuna sheegay in shire hadii uu ku Guuleesto Puntland ay dadka Reer Puntland Gacmahooda dhunkanayaan.
Musharax shire oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga Xun yahay Wixii dhacay, waxa uuna sheegay in siyaasadiisa uu mar kale faah faahin Doono, maadaama Xaalada Deg deg ah iyo Tacsi ay ku jiraan dadka Reer Puntland, waxa uuna sheegay in uu illaah u Naxariisto dadkii ku dhintay halkaas dadkii ku dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.
Sidoo kale Wasiiro Xilal horay u soo qabtay Xildhibaano ayaa halkaas joogay, dhamaantoodna waxay muujiyeen sida Musharax uu wax badan ugu soo kordhin karo Puntland..
Badbado Consultant Bureau.Our safety work Consultant bureau.With 2 Open Source Program Economics And PoliticsThey are very broad with a variety of Themes from a wide range of sources That allow us to achieve our Goals.The customer is our point of contact and Will help influence the impact of his Information efforts.Badbado Consulting Bureau Says5 pillars To the wheel..
Subscribe to:
Post Comments (Atom)






No comments:
Post a Comment