Tuesday, August 31, 2021

Somali Waa Sheekaddii Dhurwaayadda!

Dhurwaa ayaa dhaqashada xoolaha isku deyey laakiin waa kari waayey baa la yiri!!!

Waxaa la yiri laba dhurwaa baa waxay cidla ka heleen laba halaad oo aad u buurbuuran. Maalintaas gaajo daran ma hayn oo hilib ugaadheed bay ka soo dhergeen, sidaa awgeed waxay ku tashadeen inay sida dadku geela u dhaqdo si la mid ah labada halaad u dhaqadaan. Waxay is tuseen in geelu u tarmi doono oo caanihiisa ku noolaalaan karaan sida dadka oo kale, ayna ka nasan doonaan harjadka, hilib raadinta iyo dhaca habeen walba joogtada u noqday kaas oo naftooda halis ku ah. Waxay sawirteen in magaca xun ee BAHAL, laga bedeli doono beryaha dambe.

Dhawr habeen markay labadii halaad soo xereeyeen ayaa habeenkii dambe mid dhurwaayadii ka mid ahi riyooday. Wuxuu ku riyooday dhurwaagii kale oo labadii halaad mid cunaya, hurdadii buu ka boodey kadibna isagoo aan waxba hubsan ayuu labadii halaad mid ka mid ah cunnid ku bilaabay, miciyaha ayuu darray oo gosha ka dooxay, isla markiibana caloosha ayuu ka soo riday, ugu horeyntiiba intii jilicsanayd sida mindhicirada ayuu dudubiyey.

Dhurwaagii labaad ayaa ku seleley cabaadkii hasha uu saaxiibkii halakeeyey, isaguna ilayn waa dhurwaa dhiigya cab ahe, waa is hayn waayey kadibna hashii kale buu diloodey sidii saaxiibkii oo kale. Isma cawrido ayey noqotay, midna kan kale xagiisa ma eegine, dhiigii iyo hilibkii geela ayuu afka ka buuxsadey.

Dhurwaayadii markay hilibkii laasteen oo calooshu taangi le'ekaatay, ayey is weydiiyeen sida wax u dhaceen. Midkii cunnista ku horeeyey ayaa kii kale u sheegey inuu ku riyooday saaxiibkii oo labadii halaad mid cunnaya. Kii labaadna wuxuu yiri 'markaan arkay adigoo hashii cunnaya ayaan is hayn waayey' 

Maalintaas ayey reer dhurwaa ogaadeen inaysan xoola dhaqashado hiddo u lahayn, noloshooduna ku xidhan tahay raqda xoolaha iyo ugaadha ay diloodaan, hubkooduna yahay miciyo dhiig leh oo aan looga tudhin maal agoomeed iyo baadi awliyo midna.

Bahal ceedhin ma daayo, nina caadki ma baajo.

Monday, August 2, 2021

Shakiga hayadda Nabad Sugidda iyo qaraxii Kismaayo!!

   
Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.
        ~ -  - ~ - ~ - ~ - ~ 
  Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.
Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta Badbaado Online soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.
Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.
  
Qalinka:- Abdirashid Eid Osman

Tuesday, July 13, 2021

Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

      
Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

  Runta Kharaara.

Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.

Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar  ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and  mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal.  Dr. Mutlaq  Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen,  waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda. 

Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa: 

1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey  Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.

2. Imaaraadka oo  Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara  si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda  ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa. 

Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af  Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka  ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.

Mid ayaa igu yiri:  Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo  Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.

khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya. 

waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar  rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo  iyagu ey markii hore  maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato  Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.

Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.

intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu. 

xaqiiq

Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa  ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu  nagula heshiisay  in aan Daraasad  Cilmi baaris ah  ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii  Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha. 
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee  Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.

Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.

Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.

F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare,  Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar

Mahadsanid

Qore: Yahya Amir

Saturday, June 26, 2021

#Oohhaa Dakadda Bosaaso 🔙█► #Aahhaa Dakedda Berbera !!


Siyaasad xumida madaxtooyada Puntland: Maxaa u sabab eh in Imaaradka uu hormariyo Dekadda Berber uuna dayaco tan Boosaaso?


Sheekaba sheekaa ku xusuusisee markii maanta xadhigga laga jaray ballaadhintii dekedda Berbera baa waxaa igu soo dhacday tolow dekedda Boosaaso ma beertii ayaan daran baa?

Haatan shirkadda DP World waxay heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland in ay ballaadhiso labada dekadood oo u samayso adeeg casri ah. Muddada waagaas naloo sheegay waxay ahayd in 3 sano gudahood mashruuca dekedda Boosaaso ku dhammaanayo. Madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu yidhi waa la inoo il duufay.

Hase yeeshee way caddayd inaan la inoo il duufin. Waayo heshiis lagu sheegay waa kii lala galay DP World waxaa baarlamaanku ku gudbiyay lacag 2 malyan ka badan. Way muuqatay in wax weyni qadanaayeen.

Mar koox gancsato ahi saluugeen sida wax u socdeen waxaa soo if baxay in 2 nuskho oo heeshiiska dekadda ah la kala haystay. Tii loo akhriyay ganacsatada iyo tii Paul oo markaa dekedda maamulayay uu la shir yimid.

Waxaa la filayay in markii maamulkii madaxweyne Gaas meesha ka baxay oo Deni loo doortay madax weynaha in wax uun la dhaqaajinayo. Lamase hayo ilaa haatan.

Mar baa la sheegay muddo hawshu ku bilaabanayso wayse ribatay oo ma rumoobin. Mar kale madaxweynuhu wuxuu baarlamaanka way diistay in hawsha dekedda isaga loo daayo. Ma aqaan inay ku eg tahay muddo xileedkiisa iyo inay ka soo hor marayso.

Waqtigaa dheer dekedda wax ka nuqsaama mooyee wax uma soo kordhin. Ciid baaba buuxisay oo maraakiib daayo doonyihii ay ku adkaatay inay ku soo xirtaan.

 

Fili maayo in ay maaweelo tahay ama sheekadii kun habeen iyo habeen (alfu laylah wa laylah).

Maxaa keenay in dekedda Berberana siraadanto ta Boosaasana dento oo sii shiiqdo.

Ma DP World baa ina kala jecel innaga iyo soomaalilaan? Ma madaxdaa la is dheer yahaa sidii kooxdii Heegan ku heesi jirtay : dadku waa maqashii Aadan oo xaawo naaska nuujisee. Waysku maskax isku muunad isku muruqee madaxdaa lays dheer yahay maamulaysa hawlahee. Ma saamiga xabashida Barbara looga qoondeeyay baa keenay in Barbara nuurto Boosaaana bakhtiinsanaato.

Ma heshiiskeennii baa iib ahaa oo kooda ka duwanaa?. Innagu ma boos xajis baan nahay? Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday.

W/Q:Aadan Shiikhdoon

Muqdisho-Somalia       

Tuesday, June 15, 2021

The latest political shenanigans in Mali !!

           

 The latest political shenanigans in Mali have put companies doing business in the country on edge as the politics continue to deteriorate. Although gold mining company B2Gold says they are monitoring the situation, their operations have not been affected.       

Doing business in Mali was always going to be high risk. However, the latest political events in the country have companies operating in the entire region sitting on edge. With two military coups in less than a year, national strike action by workers, and increased attacks by jihadist militants across West Africa, Mali has become an extremely risky business environment.

Unless the political situation stabilises significantly in the next few months, the political woes will continue and the ease of doing business will deteriorate further, to the detriment of foreign companies currently operating in the region or planning to establish or expand their operations in Mali.

AU and ECOWAS suspends membership

Both the African Union (AU) and the Economic Community of West African States (ECOWAS) have suspended Mali’s membership because of the coup. The political temperature is rising fast as reports continue to surface that former president Bah N’Daw and former prime minister Moctar Ouane were not freed by the military as reported by the media in May but are still in fact kept under house arrest.

After the coup, that took place on 24 May 2021, N’Daw, Ouane and five top civilian and military officials were held captive at a military camp near the capital, Bamako. On Friday, 29 May the Malian constitutional court declared Colonel Assimi Goïta , who led the military coup in August 2020 to be the new interim president.

According to Alione Tine, an independent expert for human rights in Mali, only two of the five officials have been released to date. Tine endorsed the call of ECOWAS for new presidential elections in February 2022.

“I call upon Malian transitional authorities to immediately end the house arrest of these two men and to release three senior military officials from arbitrary detention,” said Tine.

Mali must return to order and rule of law

If the country fails to return to order and constitutional rule of law within the next few months, and if authorities do not form an inclusive, representative government, the situation in Mali will spiral out of control. Tine called on national and international actors to strengthen state institutions and the rule of law to avoid repeated crises and to ensure respect for all human rights.

However, Tine emphasised that the main responsibility lies with Malians themselves. “I call on political, military and civil society leaders to exercise restraint and to engage in an in-depth dialogue in order to restore lasting peace, stability and respect for human rights and fundamental freedoms in Mali,” said Tine.

Meanwhile, according to reports from the United Nations (UN) in Mali, the premises of the UN peacekeeping mission, MINUSMA, were targeted last week by unidentified assailants in Aguelhok in the Kidal region.

“UN peacekeepers retaliated, forcing the assailants to flee. No casualties or material damage have been reported on the UN side,” said UN Spokesperson Stéphane Dujaric. 

MINUSMA reiterated its commitment to work with ECOWAS and the AU towards a return to constitutional order through free and transparent elections. MINUSMA and ECOWAS stressed in recent statements that the transition timetable needs to be respected and concluded within the agreed 18-month deadline.

“To achieve this goal, it is important that the new government, headed by a civilian prime minister, be inclusive and enjoy the broadest possible support”, said Dujarric.

Fekola unaffected by developments

Clive T. Johnson, the president and CEO of Canadian listed B2Gold, one of the major mining companies in Mali, said in a statement after the coup that the company is monitoring the evolving political situation in Mali. B2Gold’s owns the Fekola mine in Mali and has also applied for an exploration permit at its Menankoto project, which the company believes it is entitled to receive under proper application of Malian law.

Up until now operations at Fekola have not been affected in any way, and the company has continued normal mining and milling operations. “We do not expect that any operational days will be lost due to the political situation in the country and has confirmed that all B2Gold’s personnel are safe,” the company stated in a press release. The Fekola Mine is projected to produce 530,000 to 560,000 ounces of gold in 2021.

Meanwhile, the L’Union Nationale des Travailleurs du Mali (the National Union of Malian Workers) is rumoured to have ended their national strike action towards the end of May 2021. Johnson said that the labour action did not have any significant impact on B2Gold’s operations in Mali.

B2Gold is one of the largest Canadian investors in Mali and the Fekola Mine, in which the State of Mali has a 20% ownership interest.

In 2020, B2Gold produced 622,518 ounces of gold, an estimated 27% of Mali’s industrial gold production, from the Fekola Mine, generating approximately USD300-million in revenues for Mali, comprised of taxes and dividends. Since Fekola Mine commenced production in 2017, it has generated close to USD580-million in revenues for Mali.

Leon Louw is the founder and editor of WhyAfrica. He specialises in natural resources and African affairs.        

Monday, June 14, 2021

Xildhibaanadii ka dambeeyay burburka Dowlad-nimada Soomaaliya.2021

Akhriso magacyada Xildhibaanadii kadambeeyay burburka Dowlad-nimada Soomaaliya.
     Qormaddi - Dr:Olosow 

Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo kahor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka.
Waxaa la helay  liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada.
Liiska la helay ayaa wuxuu muujinayo tirada guud ee Mooshinka saxiixday, Inta haweenka ah, inta wadata dhalasho kale iyo maamul Goboleedyada ay kasoo jeedaan, waana sidan:

(1). Tiro ahaan waa 41 keliya.
(2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalka.
(3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorrada Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan.
(4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida:

Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan.
Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano.

Dahir Amin Jesow

Samra Ibrahim Omar

Ibrahim Isaaq Yarow

Maryan Ahmed Harun

Mohamud Ahmed Isse Run sheeg

Feysal Omar Guled

Asha Kos Mohamed

Farhia Hassan Adan

Rabico Sheikh Nur

Sarha Abudkadir Osman

Malaq Dhayow

Amina Omar Jama

Yurub Ibrahim Rabi

Ikram Yusuf Hersi

Sadia Musa Abdullahi

Abdirahman Ahmed Suge

Abdullahi Osman Duale Sugulle

Bibi Kalif Mohamed

Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan

Abdiaziz Abdullahi Yusuf

Abdullahi Olad Roble

Ahmed Mohamed Jama Irro

Hashim Nur Aden

Qasim Mohamed Jama

Fatah Said Hassan

Osman Haji Ali

Nadifa Farah Jama

Khadra Mohamud Tukale

Sheikh Shacir

Ali Sheikh Abudllahi Afgooye

Hawo Mohamed Aden

Mohamed Ibrahim Abdi

Sahra Omar Malin

Abdullahi sheikh Ismail

Amina Sheikh Osman

Abdirahman Kulmiye Hersi

Sheikh Nur Mohamed

Ali yusuf Osman-Ganey

Nur Sidow Baba-Hassan

Hasaan Ali Mohamed-Amardambe

Yaqub Ali Mohamed

Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto.

Tuesday, June 1, 2021

🙏🙏I Am Candidate[ Ila Qosol.]


🙏🙏I Am Candidate Ila Qosol.
Anniguna Maanta ayaan is sharaxay.

Waxaan u mahadcelinayaa intii soo qaban qaabisay  iyo intii Maanta ka soo qeybgashay Xafladii Musharxnimadeyda oo ey ka soo qeyb galeen Dad ka badan1500 Qof.

waxaan isku sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Shiinaha,  waxaa Hoolkii is qabsaday Sacab, Alalaas iyo Sax weeyaan, sax weeyaan. Dadkii ayaan Dib u fiiriyay, waanba shakiyay ma Shiinaha ayaan joogaa mise Somaliya?, Anigaaba iska shakiyay oo indhaha iska taataabtay. Qaar gadaal fadhiyay ayaa ku qeylinayay maad isku sharaxdid Mad/Xigeenka Mareykanka.

waxaan Ballan qaaday Haddii la i doorto in aan soo rari doono warshadaha waaweyn ee Dalka Shinaha, in Beeraha ey noo tacbi doonaan shuruud la'aan, Annaguna aan Iska cuni doono, in aan Cuna qabateyn saari doono UN-ka, haddii ey fulin weeydo Shuruudaha qaar, in Shucuubta Baahan ee Wadamada  Khaliijka aan u qori doono Lacagta Ceeyrta, waxaan ballanqaaday in Ciidamada Daraawiishta Somalida aan kala dhax dhigi doono Wadamada  Giriiga iyo Turkiga.

Wiilkii iridda Hotelka Dadka ku baarayay waxaan u ballan qaaday in aan u dalacsiinayo Janaraal,  Shaqaalihii Cuntada Hotelka qeybinayay waxaan u ballan qaaday la taliyayaal, Dhalinyaradii Heesahana  Safiiro, Barbaarta Gaashaamana Agaasimayaasha Maaliyadda.

waxa kale oo aan u sheegay Dadweynaha in ey i taageersan tahay ina  wadato Dowlada Jameeyka, Dalkana aan keeni doono khubaro u dhalatay Dalka Burundi oo Shidaal ka soo saari doonto.Farxad iyo Rajo weyn  ayaana ka muuqatay Taageerayaasha wajigooda.

waxaan soo Xasuusatay Saaxiibadeey oo aan lagu Aamini karin Xubin Gole Deegaan oo isku sharaxayo Xilal Madaxweyne, R/wasaare, Wasiiro iyo Xildhibaano. Laakin  maxaan ula yaabaa kuwii horeba wax ma dhaamine.

Gunaandkii Shirka waxaa ka duceeyay, Sh. Cali Marqaan, ducadiisii waxaan ka xasuustaa, Qaadka Alla ha noo raqiisiyo. ugu Dambeeyn Shirka waxaa soo gunaanaday Ugaaska Beesha oo Xalay aan Jiibkiisa ku hubsaday..........,  iina sheegay in aan heeysto taageerada Beesha.

Waa ummad Mustaqbalkeeda ku Falaadee, !!!.

FG: ii soo duceeya in waqtigaan uuna Alle igu  ridin Cudurka Karoone Musharax.

Qore: #Ciid