Tuesday, June 10, 2014

Hogaanka Midowga Yurub oo khilaaf ka taagan yahay

Madaxda dalalka UK, Germany, Holland iyo Sweden ayaa kulan gaar ah ku leh dalka Sweden iyagoo ka doodaya cida noqon doonta Madaxa cusub ee Midowga Yurub.
Wadamadan ayaa si weyn isugu khilaafsan hogaanka cusub ee Midowga Yurub cida loo dooranayo iyadoo dowlada Germany oo ah tan ugu weyn Midowga Yurub ay taageerayso Raysalwasaarihii hore ee dalkaasi Luxenburg oo xilkaasi u tartamaya.
Dalalka UK, Holland iyo Sweden iyagu way kasoo horjeedaan in murashaxaasi loo magacaabo madaxa Midowga Yurub.
Horey ayey Madaxda dalalka EU-da iskood u magacaabi jireen cida noqoneysa Madaxa Midowga Yurub, balse sharciga cusub ee la doonayo ayaa ah in Madaxa Midowga Yurub lagu dabakho natiijada Doorashadii Baarlamaanka Midowga Yurub, isla markaana loo magacaabo murashaxa ay soo gudbiyaan inta badan xisbiyada kuraasta kuleh Baarlamaanka Yurub.

Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga oo diiday ka Qayb-galka Shirka Sweden




 June 10, 2014 

Badbado Instition Central Of Diaspora 

) — Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayay maanta ku qaadaceen ka qayb-galka shir looga hadlayo ganacsiga oo dhawaan ka furmaya dalka Sweden.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkan oo ah mid muhimad weyn ugu fadhiya sidii loo dhiirri-gelin lahaa ganacsiga Soomaaliya, dunidana loogu soo jeedin lahaa ganacsatada adduunka, isla markaana loo caawin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
“Sweden waa dal Soomaalidu kul kalsoon tahay, waxayna ka mahad-celinayaan qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku caawinayso,” ayuu yiri agaasimaha Rugt Ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoorre oo ka hadlay kulanka ay ku joojiyeen ka qaybgalka shirka lagu qabanayo Sweden.
Haddaba, xaaladda hadda shirku ku qabsoomayo wasaaradda ganacsiga iyo Rugtu waxay ula muuqataa sida:
- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta9-46953.htm#sthash.yM5R4sLR.dpuf
1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna kala dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wadatashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.
2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma lahan siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu tallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama ahan.
3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka miro-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.
4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo - Institutional Building - kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama ahan in ay caawineyso in si is-barabar-yaac ah lagu caawiyo.
5. Ugu dambeyn, isla markaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, waxay ahayd in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.
6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma lahan, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaan nala haboonaatay inaysan ka qayb-gelin shirkaas haddii aysan wasiirka iyo wasaarada ganacsiga  iyo ganacsatada oo wadajira aysan ka qayb-galeen shirkaas.
- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta9-46953.htm#sthash.yM5R4sLR.dpuf

Wednesday, June 4, 2014

Soomaaliya iyo USA - Warkii hore War soo Dhaaf Car yaa Maanta Soomaali u Istaaga?





Wendy Sherman, Kaaliyaha Xoghayaha A. Dibadda ee USA 

Ma tahay hoggaamiye Soomaaliyeed? Ma la xanuunsaneysaa dhibka Soomaalida meel kasta ku haysta? Ma dhibsaneysaa qab jabka iyo xuquuq la'aanta Soomaalida haysata? Ma ka walaacsan tahay mustaqbal xumada haysata da' yarta? Ma kartaa in aad Soomaali u istaagto? Ma awooddaa dad kala irdhoobay in aad gacan ku siiso in ay isla fahmaan waxa dantoodu ay tahay? Ma ku dhacdaa in aad ku dhaqanto waxa uu qabiilkaagu kaa filayo wax ka duwan? Mise waxa qabiilku isu meeriyo ayaad adiguna ku hadaaqdaa?

Dowladda adduunka ugu dhaqaalaha badan, ugu militeriga xooggaan, xagga Diplomaasiyaddana ugu saameynta badan Caalamku waa dowladda Mareykanka .

Waxay bannaanka soo dhigtay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya.

Kaaliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Wendy Sherman, ayaa hadal nus saaca qaatay ka jeedisay Machadka USIP ee Washington shalay,  hadalkaas oo dhammaantiis ku saabsanaa Siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya., waxaa xigay suaalo iyo jawaabo iyaguna qaatay qiyaastii nusa saaca kale.

Hadalka mas’uulkaas marka la isu geeyo waxaa aniga iiga muuqatay in Mareykanku uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, una soo jeestay in uu caawiyo, iskaashina la yeesho Soomaaliya shacab iyo Dowladba.

Waxay Sheegtay Wendy Sherman in mustaqbalka Soomaaliya aanuu ku xirneyn in caalamka kaalmo hor leh laga helo iyo xataa in Shabaab laga adkaado.

Su’aasha taariikhiga ah ee Mareykabku weydiiyay Soomaalida ayaa waxay tahay in aan dooneyno in aan ahaanno qabiillo jahawareersan, caalamka ka go’doonsan oo mid waliba midka kale uu dagaal kula jiro?

Iyo in aan dooneyno in aan ahaanno dal mideysan oo leh heybad, waajibaad iyo xuquuq?

Su’aashaas Soomaalida oo keliya ayaa ka jawaabi karta ayay tiri Wendy Sherman. Cid kale oo go’aankaas u gaari kartaa ma jirto. Laakiin ha ogaadeen hadday goostaan in ay noqdaan dal mideysan, in caalamku la garab istaagi doono kaalmo wax ku ool ah.

Madaxda Soomaaliya ha noqoto heer Federaal, heer maamul goboleed iyo weliba Jamhuriyadda Goonida isu taagtay ee Somaliland iyo xataa Ururrada Diinta iyo weliba Ganacsatada Xooggan ee dhinacyadaas kala duwan midba mid gooniya uu maalgelinayo.

Car yaa maanta Soomaali isu taaga? Car yaa si ficil ah uga jawaaba su’aashaas oo taariikhda baal dahab ah ka gala? Car yaa Caalamka af garta? Car yaa dhallinyarada maanta mustaqbal u horseeda? Car yaa caalamka nagala mid dhiga? Hadde waa Car!

Monday, June 2, 2014

Conference on business opportunities in Somalia, 10-11 June DRAFT AGENDA


                                                     



Somaliland, Puntland & Jubba oo lagu casuumay shir lagu karaamo tirayo DF laguna xaqiray Muqdisho
Magaalada Stockholm ee waddanka Sweden, ayaa waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa mashaariic dhinaca hormarinta ah, iyadoo shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Sweden uu qeyb ka yahay natiijadii ka soo baxday shirkii Bruxell ee Hiigsashada cusub (New deal) oo lacagihii Soomaaliya loogu deeqay loo jeexay qorshe cusub oo lagaga maarmayo in lacagahaasi kaash ahaan loo siiyo madaxda Soomaalida.
Taas beddelkeedana waxaa dalal badan ay hadda billaabeen in waddan walba lacagta uu ugu deeqay Soomaaliya ku maalgeliyo shirkaddo dalkiisa ka dhisan si ganacsatada & shirkadaha waddankaas ey u qaataan qandaraasyadda Soomaaliya laga hirgalinayo, waxaana leysku xirayaa Ganacsatada Sweden iyo kuwa Soomaaliya si ay uga wada shaqeeyaan mashaariic horumarineed.
Iyadoo aan lagu wargelin dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa shaqsiyaad ka socda maamulada Somaliland, Puntland & Maamulka KMG ah ee Jubba, loo qeybiyey shaqsiyaad kaga soo qeybgalaya shir Sweden lagu qabanayo.
Waxa ay tani mar kale caddeyn u tahay sida caalamka uu uga shaqeynayo kala qeybinta Somalia, ayada oo dowladda federaalka iyo maamul beeleedyada dalka ka jira si isla mid ah loola macaamilayo, taasi oo sharaf dhac ku ah DF.
Jubbooyinka: Waxaa kaga qeybgalaya 2 Ganacsato oo beesha Ogaadeen ey soo dirsadeen & Wasiirka madaxtooyada C/qani oo Majeerteen ah.
Puntland waxay soo dirsatay Wasiirka Qorsheynta iyo Ganacsato, balse sheekada waxaa loo badalay in niman kale oo ganacsato ah oo ku nool Sweden inay hogaamiyaan shirka dhamaantoodna ka soo jeeda Puntland iyadoo lagu darayo kuwa ka imaanaya Puntland.
Somaliland: Ganacsatadooda iyo Wasiiro ayeey soo dirsatay.
Muqdisho: Waxaa ka imaanaya wefdi ka kooban hal wasiir, waxaana la hor istaagay in ay shirka yimaadaan shirkadaha waaweyn ee ka jira magaalada Muqdisho.
Beesha Kablalax ee Sweden joogta waxaa shirka ka qeybgalaya Bashiir Amaan, Axmed Salantuna, Cabdi yare Salaad, Burhaan Oreboro, Cabdinaasir iyo 12 nin oo uu ka keensaday Africa waxuu coonayey in Visa laga iibiyo safiirka Horn African Bernald Green ciqaamado ayaa loo sameenayaa iyaga iyo xaasaskooda.
Shirka: Wafuuda imaaneysa waxaa la siiyay visa-yaal dhamaantood waa la gatay, waxaana lagu kala gatay lacag gaareeysa 30,000 oo dollar middiiba, dadka iibsadayna waxay kala joogaan amaba ka kala imaanayaan Dubai iyo (Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Zambia East africa) waxaan visooyinkan loo bixiyay in la siiyo ganacsatada Soomaaliya si aayaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka ay uga hadlaan looguna xiro shirkadaha waa weeyn ee dalka Sweden. Dhamaan waxa iibinaya visayaasha waa Puntland iyo Somaliland.
Dhinaca kale waxaa jira qorsho kale oo ah ganacsatada imaaneysa shirka waxay gadanayaan guryo laga siinayo lacag dhan $20,000 waxayna qaadanayaan daganaasho abadiyan ah iyaga iyo xaasaskooda iyo caruurtooda , waxayna guryahaas ka gadanayaan waqooyiga fog ee sweden iyo meelo lama dagaan ah balse iyaga waxaa looga soo qaatay lagana soo dhaadhiciyay inay baxshaan lacag gaaraysa $ 300,000 sidaasna ay ku helayaan guryo iyo degnaasho abadiyan ah.
Shirkan waxaa wada qaban qaabadiisa ninka magaciisa la yiraahdo Per Lindgärde kana tisan wasaarada arrimaha dibedda sweden waaxdeeda africa waana safiir iyo la taliye guud, emailkiisana waa per.lindgarde@gov.se
Per Lindgärde ayaa hada laftiisa waxa uu ku jiraa olole uu ku raadinayo guryo uu ka iibiyo ganacsatada imaanaysa shirka si ay u qaataan daganaasho abadiyan ah oo uu isagu iibinayo.
Dhinaca kale shirkan waxaa ka horeeyay shir ka dhacay 09- 10- 11 bishii april 2014 waxuuna ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isu taga imaaraadka carabta, shirkaas oo loogu gogol xaarayay shirka 10 jun ka dhacay stockhol sweden waxaan hogaaminaysay shirkaas gabadha lagu magacaabo Cecilia Leideman Bäck oo ah project manager-ka shirkaan weeyn.
Shirkaan 10 jun ka dhacayo stockholm waxaa kasoo qeybgalaysa weriyaha weeyn ee idaacada caalamiga ah BBC Sainab Badawi.
Shirkan ayaa waxaa si hayb sooc ah looga reebay dhamaan shirakadaha iyo ganacsatada waa weeyn ee ka shaqeeya Mudisho iyo gobolada kale ee konfureed.
Waxaa shirkan lagu naas-nuujinayaa oo kaliya qeybo gaar ah oo ka mid ah Somalia, ayada oo xaqiiqdu tahay in horumarka ka jira Muqdisho uu aad uga baaxad weyn yahay qeybaha kale ee Somalia, ayada oo hantida taalla Muqdisho iyo shirkadaha ka jira ay ka qanisan yihiin dhammaan qeybaha kale ee Soomaaliya marka la isku geeyo.
Waa muhiim in dhammaan qeybaha Somalia laga qeyb geliyo shirka sida Puntland iyo Somaliland, laakiin waxaa wax aad loola yaaba ah in shir looga hadlayo fursadaha ganacsi ee Soomaaliya aan lagu casuumin ganacsatada Muqdisho.
Hoos ka akhriso ducumintiyada shirka:
Rev 2. 2014-03-27


Conference on business opportunities in Somalia, 10-11 June
DRAFT AGENDA
8.30-9.00 Registration
9.00-9.50 Opening session
Welcome speech by Ms. Ewa Björling, Minister for Trade (10 min)
Speech by Representative of the Government of Somalia (10 min)
Speech by Representative of the Government of Somaliland (10 min)
Speech by Representative of the Government of Puntland (10 min)
Speech by Representative of the Government of Juba (10 min)
9.50-10.00 Comments/Questions
Presentation on Somali business opportunities
Presentation by Business Sweden (10 min)
Presentation by AFN Consulting (10 min)
10.20-11.00 Refreshment break
Case studies
11.00-11.15 Presentation by Saab (15 min)
11.15-11.30 Presentation by company from Somalia or Somaliland or… (15 min)
11.30-12.00 Panel discussion on successful investments/business environment
Participants: Saab, Somali company and Somalia Chamber of Commerce and Somaliland Chamber of Commerce.
12.00-12.15 Introduction of Breakout sessions
12.15-14.00 Networking lunch
14.00-15.45 Breakout sessions
Group I: ICT/Telecom/Banking & Finance
Group II: Energy (solar/wind/oil & gas)
Group III: Infrastructure/Construction/Transport/Security Health care/Life
Science
Refreshments will be served
16.00-16.30 Plenary session
Key findings/reports from the breakout session
16.30-16.45 Somali business woman – Success story
17.00-17.15 Concluding remarks by …
17.30-19.00 Reception
Draft – Somali business opportunities
A Somali trade and investment conference: Stockholm, Sweden 10 June 2014
Purpose
Highlighting business opportunities that are emerging across Somalia. The conference will also provide a platform where current constraints to trade and investment can be addressed and the ways to overcome them can be made visible.
Providing a platform for new business-partnerships to evolve that will benefit Somali and Swedish business and ultimately Somali society.
Acknowledging the potential that private and non-public actors have, and the important role they should play, in contributing to prosperity, development, state building and job creation.
Context
The situation in Somalia, which has long been ravaged by war, is more hopeful than for many years. There are now greater chances than for quite some time for Somalia to take the path towards long-term peace and stable state-building. Investor confidence is growing, and new opportunities for business are emerging across Somalia. The Somali diaspora have been key drivers of this development, and will continue to have an important role in supporting economic regeneration. The recent positive developments also provide opportunities for other investors who have not earlier operated in the Somali market.
Somalia’s recovery will require long-term and substantial assistance from the international community. Issues of job creation, economic growth and private sector development will be at the core of Somali recovery, reconstruction and sustainable development.The new Swedish development cooperation strategy for Somalia 2013-2017 concentrates on supporting Somali long-term reconstruction, with focus on human security and subsistence, democracy and human rights, as well as on health and gender equality. The Strategy also focuses on initiatives to promote the diaspora’s opportunities to contribute to Somalia’s reconstruction.
To seize the current opportunities, and to prepare for future engagement, the Ministry for Foreign Affairs will host a day-long Somali trade and investment conference on 10 June 2014.
Background
The security environment has generally improved and the political situation is cautiously promising and continuously progressing. These processes provide a window of opportunity to explore a broader engagement with Somali society. Trade, investment and business can present mutually beneficial gains that transcend divisions and unify previously unfamiliar actors. The business community furthermore has a strong interest in strengthening the capacity of the state and contributing to a secure, stable and dynamic society. Job creation will provide opportunities for Somalis who are currently experiencing unemployment and disenfranchisement. Socially responsible business practice would contribute to building and strengthening institutions and is in the best of interest to the entirety of Somali society and its Swedish partners.
Trade, enterprise and innovation are not new phenomena, but rather they form a tradition in the Somali territories. The entrepreneurialism is demonstrated by recent growth in business despite a seriously challenging political and security climate. One testimony to this growth is the telecommunications sector, where a multitude of operators are active and some of the cheapest mobile phone tariffs in the world are present. As the environment is presently changing in the right direction, the business opportunities and progress will increase accordingly.
Interest in Somali business has been voiced by the Somali diaspora in Sweden and by Swedish companies alike. Following similar interest the UK organised a Somali trade and investment conference on 8 May 2013. A similar event was organised in Nairobi later the same month.
Limitations
There are however constraints that needs to be alleviated, mainly related to security, infrastructure and the limited capacity of legal and government structures. The conference will make it possible to address such issues directly and specifically related to business. It should also be noted that the Swedish government currently advises against all travels to Somalia. Still, the conference can significantly advance the purposes articulated earlier. The Somali business potential will be showcased and future possibilities for trade and investment will be explored and promoted. The conference should be seen as a first step in a process that will be adjusted taking into consideration future developments in Somalia.
Participants
The main participants will be the diaspora business community; Swedish companies; representatives from Swedish authorities, The Federal Government of Somalia, Somaliland, Puntland and Juba Interim Administration and people from the business community in Somalia. Participants from a variety of sectors are desirable, both representatives from sectors that are attractive to Swedish industry, as well as representatives from sectors that can provide relevant information about the Somali business climate. The representation of Somali businesswomen is particularly important to highlight the role of women in the emerging Somali economy.
Programme
The preliminary schedule for the day will feature a joint session in the morning with keynote speakers addressing Somali development and business opportunities in a general and comprehensive manner. After lunch participants will be able to attend sessions with particular focus on different sectors or themes. To conclude the day the participants will gather together once more to reiterate and share the lessons learned from the day. Despite the array of potentially interesting discussions and presentations time will allocated in the programme for networking and match-making.
Priority sectors for the conference
The event will highlight sectors with particular potential to attract interest and investment. The subsequent sectors constitute some areas with potential and great shared interest between Somali and Swedish participants.
1. Information and communications technology is an already strong business sector that is central to Somali growth and the fulfilment of a service based economy. The promise of the sector is evidenced by strong recent private-sector led growth. The progress is driven by a strong demand for telecom technology and a variety of related innovative services. Mobile solutions are used for money transfers. Money-remittances and informal banking systems are the lifeline for many Somalis. Swedish companies have extensive knowledge, skill and experience in the field and there are great potential for opportunities of investment and exchange between Swedish and Somali business communities.
2. Energy. The oil and gas sector a significant potential but has suffered from problems with investor protection and the security situation. Increasing numbers of international companies are now targeting the industry and there are high hopes to get revenues from the sector. Renewable energy solutions present viable commercial prospects. Wind energy could become a great source of energy on the longest coast-line on the African continent. Somalia is furthermore ideally placed to utilize solar energy.
3. Infrastructure, construction, transport and security. Construction is at high demand after decades of destructive conflict. Indeed, Mogadishu is currently experiencing a construction boom. It is a sector with great shared interest among public and private actors as well as Swedish and Somali business communities. The old ports are being reinvigorated and new ports are being built. The increased trade through the ports will have spill-over effects on the transportation industry with the increase in goods moving through the territories.
4. Health care/Life Science. The stated intention is to move away from the emergency-level health provision that has been the norm in the Somali territories for many years to more mainstream, national health systems. Sweden offers some of the best health care and elderly care in the world. Swedish life science companies are global leaders in their field. There is a great potential for opportunities of investments and exchange between Swedish and Somali

Sunday, June 1, 2014

Faallo: Halkee ku danbeyn karaa Khilaafka Xisbiga Kulmiye ee Somaliland?

                                   

Kahor iyo kadib shirweynihii xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye waxaa soo baxay khilaafka iyo damaca awoodeed ee xisbiga dhexdiisa ah, qabanqaabada shirweynihii Kulmiye ee dhacay bishii Abril 2014 ayaa soo socdey tan iyo sanadkii hore 2013, waxaana dib u dhacaas ku keenay khilaaf u dhexeeyey xisbiga kaas oo marna kuwa uu u dhexeeyo aysan si toos ah uga hadlin laakiin aan ahayn mid qarsoon, waxaana khilaafkaas tiir u ahaa:
- Guddoomiyaha xibsiga (Muuse Biixi) oo aan dooneyn in lagula tartamo xilka oo uu banaan dhigto.
- Cabdicasiis Samaale wasiirka maaliyadda ee Somaliland oo ay isku raas ka soo jeedaan Muuse Biixi oo damac ka hayey kursiga hiilna ka haystey Madaxtooyada.
- Kuwa noqoneya Guddiga dhexe iyo kan fulinta oo dhinacyadu doonayeen in ay awood ku yeeshaan.
- Taageerayaasha Siilaanyo oo doonayey in musharaxa xisbugu yahay Madaxweynaha hadda ee Siilaanyo.

Taariikh kooban oo Kulmiye ah

Ka hor inta aynaan u gelin halka khilaafkan ku danbeyn karo, waxaan si kooban u sheegi karnaa in Xisbiga Kulmiye lagu dhawaaqey sanadkii 2002, dhimashadii Madaxweynhii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal (AUN) kadib, labada Xisbi ee UDUB iyo UCID waa ka horeeyeen, waxaa sidoo kale ka horeeyey xisbi aan ka mid noqon kuwa Xisbi ahaan loo aqoonsan yahay oo la dhihi jirey ASAD kaas oo uu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Adam. Kulmiye waxaa ku dhawaaqey oo samayntiisa lahaa Madaxweynaha hadda ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana la asaasey rag kale oo magac ku lahaa Jamhaddii SNM waxaa kamid ah Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka Xisbiga, waxaana uu asaaskii Xisbiga noqdey afhayeenka Kulmiye, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, ragga kale ee wax ka soo asaasey waxaa kmid ahaa Guddoomiyaha Kulmiye ee hadda Muuse Biixi Cabdi.
Siilaanyo wuxuu noqdey siyaasiga ugu miisaanka culus kadib dhimashadii Cigaal. Wuxuu ahaa (Siilaanyo) Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Jamhaddii SNM ee qabsatey Gobolada Waqooyi, taas oo siyaasyintii askarta u badnaa ee horboodayey uu ilkaha ka siibey Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne kuxigeen aan si weyn loo aqoon oo habeenkii xilka sida kumeelgaarka ah loogu dhaariyey dadka u sheegay magaciisa saxda ah in uu yahay Daahir Rayaale ee aanu ahayn Daahir Riyaale sida warbaahinta Somaliladn ugu yeeri jirtey.
Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ee Somaliland oo horey uga soo shaqeeyey hay’addii nabad sugidda ee Soomaaliya, waxa uu noqdey nin aan la yaraysan karin siyaasaddii uu la soo baxay, waxaana uu ahaa nin lagu tilmaamo sida awr hayin ah oo dulqaad u leh kuwa ka soo horjeeda in uu si dhib yar uga takhaluso isaga oo aan u marin karin ciriiryoon, doorashadii u horeysey ee Somaliland ka dhacdey kadib geeridii Cigaal sanadkii 2003, waxaa la shegey in Rayaale uu Siilaanyo uga guuleystey 84 cod oo keliya taas oo Siilaanyo markii hore ku qanci waayey welina quursado ayse ahayd in uu oggolaado in hal cod looga adkaan karo laakiin cadaadis lagu saarey maadaama Daahir Rayaale tageero weyn ku haystey Gobolada Galbeedka, taasi waxay dhaxalisiisey Siilaanyo in uu adkeysto 5 sano oo sharcigu siiyey Rayaale iyo laba sano oo suubis ah oo xilka loogu daray.
Dedaal dheer iyo isaga (Siilaanyo) oo heley siyaasiyiin cod uga keeni kara Gobolada Galbeedka sanadkii 2010 ayuu Siilaanyo si weyn ugu guuleystey xilka Madaxweynaha Somaliland, waxaana Daahir Rayaale ku dhawaaqey in tartanka looga adkaadey.

Guushii Kulmiye 2010 kadib

Kadib markii xilka loo dhaariyey Axmed Siilaanyo sanadkii 2010, waxaa si lama filaan ah shukaanta Kulmiye u qabtey rag u badnaa dhalinyaro, waxaana ay garbiyeen siyaasiyiin wax ka soo asaastey Xisbiga kuwaas oo iska dhex arki waayey Golihii Wasiirada.
Muuse Biixi Cabdi oo aaminsanaa in guusha Kulmiye uu qayb-libaax ku lahaa waxaa uu filaayey in uu helaayo ugu yaraan Wasiirka Maaliyadda aqontiisa dhaqaale halkey doonto ha dhigtee. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ahaa dhalinyaradii ka tirsanaa ciidankii Soomaaliya, kadib waxa uu ku biirey Jamhaddii SNM horaantii sanadihii Sideetamaadkii, dhanka waxbarashada waxa uu sanadkii 2011 ka qalinjebiyey Jaamacad ku taala Hargeysa.
In Muuse Biixi iska dhex arki waayo Golaha Wasiirada Somaliland sanadkii 2010 waxaa la sheegaa in uu masuul ka ahaa Wasiirka hadda isaga (Muuse) dartiis xilka looga qaadey Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku cusbaa siyaasadda Somaliland qaar kamid ah dadka reer Hargeysana ugu magacdareen gaari nooca rakaabka ah oo ku cusbaa deegaankaas, kuwaas oo la arkey iyaga oo hal mar dhex-yaacaya Hargeysa.
Guushii Kulmiye kadib waxa uu sameeyey (Siilaanyo) xil aan horey Somaliland loogu aqoon waa Chief of Cabinet kaas oo loo magacaabey Wasiirka la sheego in uu yahay kuwa ugu awoodda badan golaha Wasiirada  waa ninka la yirahdo Xirsi Cali Xasan oo Madaxweynaha ay isku raas ka soo wada jeedaan.
                              

Warbaahinta Somaliland aad ayey ugu wareereen wixii ay ku fasiri lahaayeen Cheif of Cabinet maadaama ay sidaas uga soo baxdey madaxtooyada waxaana ugu danbeyn ay u daayeen in uu yahay RAYSALWASAARE, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku kasbadey mucaaradnimo deg-deg ah ma madaxweyne iyo Raysalwasaare ayey isku darsadeen, iyo  “Nin aan la dooran ayaa dalka u taliya”, taasi waxay keentey in isku shaandhenyn deg-deg ah uu sameeyo (Siilaanyo) meeshana ka saaro Rasalwasaarihii yaraa oo u beddelo halkii markii horeba loo magacaabay ee Wasiirka Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee guushii Kulmiye waxay keentey in dhalinyradii ku cusbeyd Xisbiga ay banaan dhigaan judhii horeba rag uu kamid ah yahay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo Siilaanyo dartiis dhabarka uga jabey ahaana guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Kulmiye, waxaana ay ku beddesheen Dr Gaboose oo isagu ahaa siyaasi xisbiyo kala geddisan soo marey, haddana ku danbeeyey shaqadiisi dhakhtarnimo iyo Xisbiga cusub ee Waddani.
Dhalinyarada talada Kulmiye la wareegtey ayaa la sheegaa in ay u qaybsan yihiin laba kooxood, kuwo qurbaha ka yaacey oo si toos ah u hoostaga Marwada kowaad, xilal muuqdana ma hayaan iyo  qaybta labaad oo ah Golaha Wasiirada oo ay ku jiraan kuwii horey dagaalka ula galay Kulmiye markii uu mucaaradka ahaa oo UDUB-koodi ku soo dumey iyo kuwo badan oo aan khibrad u lahayn sooyaalka siyaasadeed ee Somaliland, kuwaas oo dhamaantood si dadban iyo si muuqataba shidaalka uga qaata Wasiirka haysta dhegata Madaxweynaha, waxayna abuuraan xaalad ninkii ay Madaxweynaha saaxiib iyo rafiiqba ahaan jireen ku kalifta in aanu soo geli karin xafiiskiisa.
Guddoomiyaha Xisbiga iyo Xilka Madaxweynaha oo la kala  saaro
Muuse Biixi markii uu arkey halka la marsiiyey, wuxuu ku dedaaley in uu Xisbiga Kulmiye gacanta ku dhigo dhabbahana u jeexdo waxa maanta oo afar sano laga joogo doorashadii Somaliland uu doonaayo, gees lo’aad kuleykaa lagu gooyaa e oday Siilaanyo isaga oo weli u dabaaldegaya guushiisi Madaxweynaha ayaa laga fur-furey xilkii Guddoomiyaha sanadkii 2010 bishii August taas oo ahayd maamul xumidu halkey ka bilaamatey, waxaana lagu wareejiyey Muuse Biixi Cabdi, taas oo dad badan  shaki gelisey ah in Siilaanyo yahay Madaxweyne hal xilli heshiis horena uu jiro in Muuse noqon doono musharaxa 2015 ee Xisbiga Kulmiye, waana midda kaliftey cajil Madaxweynuhu iska duubey 30.05.2014 in uu ku beeniyo in uu jirey heshiis uu la galay Ina Biixi.
La soco qaybta danbe ee maqaalkan
Xisbi xaakin dhexdiisa labo u kala jabey xal ma lee yahay?
Siilaanyo oo CV-ga ay ugu qoran tahay in uu dhashey 1936, 45 sano kahorna ahaa Wasiirkii Qorsheynta ee Soomaaliya ma ka daacadbaa in uu musharax yahay?, mise cid buu wanjalayaa?.
Muuse Biixi  sidaan kuma noqon kari musharaxa Kulmiye ee guurtiga dhex-dhexaadinta wadaa maxay ku qancin, mise miiska Dhegaweyne iyo Xasan ciise ayuu ku biiri?
Ma horseedi karaa khilaafka Kulmiye in tartanka looga guuleysto Xisbiga dhan?
Khilaafka Kulmiye armuuba gallaaftaa Somaliland oo dhan, maadaama aan taariikhdu ku soo ogaaney in Muuse Biixi faataxo qaadan isaga oo heli kara si kale?

Sunday, May 25, 2014

Somalia's National Security Minister Abdul Karim Guled resigns

                                                





                                           http://youtu.be/6jYNma62vDo




Go'aan geysinimo leh,,qiiro badana ka muuqato,,hadalka wasiirka is casilay waxaa iiga dhadhamay inuu ciisheysan yahay oo qiiro badan awgeed, xitaa hadli kari la'yahay,,oohin badana isku hayo,,,waana astaanta qofka damiirka leh lagu yaqaan,marka cadowgu albaabada soo wada xiro,,Sidoo kale ayaa looga fadhiyaa kuwa badan oo uu madaxweynuhu ku jiro,,markaas baa Soomaaliya,Soomaalinimadii iyo lahaanshihii dib u soo noqon,, baan isleeyahay asxaabay,,

Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?

           
      

                                                                                                                                












Aragitaada ka soo dhiibo weerarkii maanta?
Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga

Badbado Instition Central Of Diaspora


 sidda aad wararkeena aan ku sheegnay, maanta waxaa la weeraray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, halkaasoo ay weerar ku qaadeen kooxda Shabaab.
Weerarka oo bilowday 11:00am ayaa soo gaaray galabta 5:00pm, waxanaa ka socotay dhismaha xarunta is-rasaaseen iyo qaraxyo xooggan.
Kooxda weerarka soo qaaday oo lagu sheegay tiradooda 13 ayaa gudaha u soo galay dhismaha xarunta baarlamaanka oo xilligaas ay ku jireen xildhibaano 100 kor u dhaafaya.
Afar xildhibaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka.
Haddaba weerarkan wuxuu ugu dambeeyay weerarro culus oo Al-Shabaab ay ku qaaday xarumo aad loo waardiyeeyo.
Waxa ay horey u wareertay xarunta madaxtooyada, xarunta maxkamadaha iyo dhismaha UNDP.
Akhriste sidee u aragtaa weerarka maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka?
Maxaa uu suurta galiyay Al-Shabab in ay maalin cad soo weerarto dhismaha baarlamaanka oo ka mid ah meelaha sida weyn loo waardiyeeyo?
Yaa mas’uul ka ah falalka ammaan daro ee ka dhacay Muqdisho?
Al Shabaab kaligood maa fuliyay weerarada ka dhaca Muqdisho mise waa jira cid ku wehlisa?
Maxaa lagu tilmaami kartaa ammaanka maanta Muqdisho, yaa leh dhaliisha ammaan darida ka taagan Muqdisho.
Dhammaan su’aalahan jawaabahooda ku soo qor qeybta hoose.
Mahadsanid