Thursday, September 13, 2018
BURUC ( beutiful Town)
BURUC
Buruc waa magaalo yar oo fac weyn taasi oo dhacda meel u dhaxaysa degmooyinka bossaso iyo qandala waxay ku taal meel qurxoon oo badda iyo buuraha xaysimo u dhaxaysa dadkeedu waa ganacsato soo jireen ah waxay weligood caan ku ahayeen lahaanshaha doonyaha isaga goosha gacanka cadmeed iyo hindiya
Dhinaca buuraha waxaa ka soo gala wadooyin maarooyin hore oo xiriiraha awrta sidda badeecadaha kala duwan ee u socda dhulka fog fog ay isticmaali jireen
dhinaca bari waddo dhagax la dhisay ka samaysan sidii kuwii roomaankii hore ayaa uga baxda taasi oo gumaysigii talyaanigu dhisay si uu ugu fududeeyo kolonyo ciidan awr watay oo halkaasi mari jirey iyo kuwii boostada qaadi jirey.
Malabka dunida ugu sareeya ayaa laga helaa halkaan sida uu qiray socdaal yahankii Guillio baltacchi 1906dii
Dhinaca galbeed waxaa ka xiga raasiga caanka ah ee HANTAARA kaasi oo muhiim u ahaa naakhuudayaashii qarniyadii hore si ay majare uga qaataan.
Buuraha xaysimo ee ku xeeran waxay hodon ku yihiin maydiga, beeyada falaxfalaxda, shinada, dhididgodka iyo murkudda. dadkeedu waa kuwo degan oo nabad jecel
Xuquuqda sawirkani waxay u sugnaatay maxamad Mohammed Faarax Baaruud waa sawir qaade da'yar oo xirfad badan xiliguna waa dayr beerkeed, sawirka qadiimka ahna waxaa qaaday de vecchi 1921dii
ariga gaar ahaan riyaha ayaa halkaan ku baraara waxayna caan ku tahay hilibka macaan sababta xoolaha halkani ku dhaqan oo daaqa geedo kala jaad jaad ah oo aan meel kale laga helin.
1994tii ayaan safar lug ah ku maray magaaladani cajiibka ah, masaajid yar oo nuurad saafi ah lagu cadeyey ayaa isoo jiitey waxaan inkastoo ay goor barqo ahayd hadana waxaan jeclaystay inaan galo oo salaamo masaajidka xasiloonida iyo deganaashuhu maansheyeen, laba rakco oo salaanta masaajidka ah ka dib waxaan baarbaaray masaajidka ul dheer qarniyo hore dibada laga keenay ayaa mimbarka ku tiirsan kutub ay ka mid ahaayeeen KHUDBADIHII IBNU NABATIYA waagii cabaasiyiinta ayaa sidoo kale oolaa meeasha dhan taariikh ayaa ka soo ureysa
Qabri ayaan ku arkay masaajidka qibladiisa geed caday ah oo si wacan uabxay ayaa ku dhexyaal silig iyo shebeg ayaa lagu wareejiyey waxaan dareemay dadka degaanku inay aad u ixtiraamayaan qabrigaan iyo geedka cadayga ah markii aan warsadayna sheeko in xuso mudan ayey ii sheegeen
berigii gumaysiga talyaani dalka qabsaday ayaa waxaa hadalhayntu u badnayd baargaal waa la duqeeyey, caluula waalala wareegey, iwm.
nin shiikha oo ragii magaalada ah ayaa sheekadan la yaabay dadkii ayuu warsaday talyaanigu yey yihiin? waxaa la yiri waa gaalo saraawiil gagaaban qaba oo qaawan waxaa la yiri shiikhii wuu ooyey markii la weydiiyey sababta wuxuu yir."ilaahow nin adiga ku diidey oo kugu kufriyey indhaha ha ii saarin" ilaahay waa ka aqbalay intaan talyaaniba buruc iman ayuu ilaahay oofsaday. ilaahay ha u naxariisto shiikhaas.
waxaa kale oo aw jaamac cumar ciise ii sheegay in shiikhii caanka ahaa ee shiikh cali majeerteen uu halkan xer iyo arday ku hayn jirey.
alaha dhowro buruc iyo dadkeeda waa meel taariikh la ciirciireysa.
# XIGASHO:Mahad Jebiye
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment