Sunday, September 23, 2018
Airport-ka dahabka ah ee Baraawe (Aqriso qoraalkii Yaxye Caamir dartiis shalay loola beegsaday qaraxa)
September 23, 2018
Garoowe: (badbado blogger. Com ) – Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah fallanqeeye siyaasadeed ayaa shalay gaarigiisa lagu qarxiyey magaalada Muqdisho, waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay.
Prof. Yaxye ayaa shaaca ka qaaday in qofka loola dan lahaa qaraxa uu ahaa isaga, ee aanu ahayn walaalkiisa, balse qadarta ay qorneyd inuu walaalkiisa qaraxaas ku dhinto.<
Yaxye Sheekh Caamir, waxa uu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho aysan kooxda Al-Shabaab kaliya wax ku dilin. “Magaalada Muqdisho, waxaa wax ku dila toddoba kooxood oo kala duwan, oo Shabaab kaliya ma fuliyaan dilalka. Sidaas darteedna ma garan karo cidda dishay walaalkey” ayuu yiri Yaxye Sheekh Caamir.
Saacado ka hor inta aan la qarxin, ayuu Yaxye Sheekh Caamir facebook soo dhigay qoraal uu arrin xasaasi ah shaaca uga qaaday, kaasi oo dadka qaar rumeysan yahay in naftiisa ay halis u gashay. Hoos ka aqriso qoraalka.
Airport-ka dahabka ah ee Barawe.
Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo Somalia.
Waxaan wax badan is-weydiiyay maxey Sh/Hoose Nabad u noqon la’dahay?.
1-Waxaan soo xasuustay: Waqtigii Kacaanka shirkad Romaniyaan ah oo Xamar xafiisyo ka furatay oo tiri: waxaan Dahab ka soo saareynaa inta u dhexeyso Mogadishu iyo Marka oo aan hore u sahminay.
2- Waxaan soo xasuustay: in shirkado iyo shakhsiyaad hantiilayaal ihi ey aad u iibsanayaan dhulka xeebta ah laga Bilaabo Xalane illa Gandarshe.
3- waxaan soo xasuustay: Qoraalkii aan hore uga qaray shirkada Kilomenjaro oo si hoose loo siiyay 4ta Ceel ee Qoryooley Basin 1-4, lana rabay in AMISOM ey nabad ka dhigto oo kaliya inta u dhexeeyso Qoryooleey illa Xamar, laakin tartan jira dartii loo carqaladeeyay.
4-waxaan soo xasuustay: maqaalkii sahankii shidaal ee caliyoow Geele ee aan hore idiinla wadaagay.
5-waxaan soo Xasuustay: Ceelka Gaaska ee Afgoi.
6- waxaan soo xasuustay: Danta laga lahaa, loolankii adkaa ee shabeelaha Hoose in ey Raacdo Ex-Banadir ama Baay & Bakool.
7-wxaan soo xasuustay: markii la dhisayay waddada isku xirta Baydhabo iyo Afgoi ee enjinyeerkii Ajnabiga ahaa uu yiri: waddada aad dhiseeysiin waxaa ka qaal badan dhagaxa aad ku dhiseeysiin.
8-Waxaan soo Xasuustay: Khayraadka kale ee dabeeciga ah ee Allaah ku maneystay Gobalka Sh/Hoose.
9-Waxaan soo Xasuustay: Sida loogu Tartamayo Hogaanka K/Galbeed, tartamayaasha qaar Cidda gadaal ka riixeysa iyo xiriirka khayraadka kala dhexeya.
10-Waxaan soo xasuustay: khabiirkii Ajnabiga ahaa ee igu yiri: Yahya you a victim of your resources.( Yaxye, khayraadkiina ayaa qabri u galeeysaan).
11-Waxaan soo xasuustay……. Tan ka hadalkeedu waa khatar.<
Gunaanad.
Airport Dahab lagu Dhisayo oo Somalia ku yaal, maanta September 2018, waxaan ogaaday in Airport laga dhisayo Barawe, Hayadii qandaraaska Bixineysay ey ku amartay shirkadaha wax dhisayo in ey keenaan Sheybaar si loo hubiyo in Carrado tahay mid ku haboon in Airport lagu dhiso iyo in kale, sheybaarkii waa la keenay, sheybaariista yaashii Ajnabiga ahaa, waxa ey baareen caraddii si ey u hubiyaan in (Run way-ga) waddada Dayaaradahu ku degaan lagu dhisi karo carradan si ey u celiso culeeyska dayaaradaha.
Laakin Su’aal kale ayey keeneen, waxa ey yiraahdeen: Caradaan xageed ka keenteen? Waxaa lagu yiri: Kaawada magaalada u dhaw , waxa ey yiraahdeen: Baaritaankeena waxaa nooga soo baxay in Carradan 0.9 ey Dahab tahay. Waxa aad dhiseysiina waa Airport Dahab..hab ah.
Waxaan fahmay in Gobalka ey ku dagaalamayaan dad deegaan iyo Dhulka dushiisa wax ka muuqda isku heysta iyo kuwa isku heysta wax aan muuqan oo dhulka Hoostisa ku jira.
Barawe Area Code(s) keedu waa +35261. Time Zone –keedu waa UTC +3( EAT). Elevation-keedu waa 0 m( 0 ft). Coordinates- keeduna waa 1degree 06’48N .44degree 01’49E. Latitude- keedu waa 1.1132. Longitude- keeduna waa 44.0297.
FG: Allow Dalka Dahabkiisa noo dhowr kan “Arabsiyaba” Somali land ba ha u badnaadee. Wixii aan khalday iga sax, wixii aad ka shakisana sida aan anniguba u baaray u baar iskana hubi, xogtaadu waa noo muhim. Xogta qaarna waa khatar ogaanshaheedu, sida aan kaaga dhaafay No.11 ee isla qoraalkan.
Qore: Abdirashid ciid osman
Thursday, September 13, 2018
Murtidda Maanta
Maxay siyaasiyiinta Soomaalidu uga
baqayaan doorashada shacabka? Sanduuq la dhigo goob walba lacag uma baahna? Warqad cod?
Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa........
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni
Mubaarak wuxuu hadda ka hor xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina wuxuu markii uu Madaxweyne noqday xiray Xusni, wuxuuna magacaabay Cabdifitaax As-siisii, kadibna Siisii wuxuu xiray Mursi wuxuuna xabsiga kasoo daayay Xusni Mubaarak.
Dowladda Iiraan waxay xulufo yihiin Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxaysan is arki karin Ikhwaanul Muslimiin; Iiraan waxay isfahamsanyihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiib yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan.
Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsanyihiin Iiraan, Madaxweyne Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashanyahay Ikhwaanka wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay dagaalsanyihiin Khaliijka oo ay saaxiib yihiin Turkiga, Turkiyana waxay dagaashanyihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin.
Khaliijka waxay isfahamsanyihiin Mareykanka, Mareykankana wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykanka, Mareykankana waxay dagaashanyihiin Ruushka, Ruushkana waxay saaxiib yihiin Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsanyahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka.
Soomaaliya waxay cadawtooyo kala dhexeysay Itoobiya, Itoobiyana waxaysan is arki karin oo ay argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiya waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay Sargaal ONLF ka tirsan u gacan-gelisay Itoobiya waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiyana waxay dhowaan la saaxiibtay ONLF oo hadda Liiska argagixisada ugu jira Soomaaliya.
Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa wareysi laga qaaday Haweeney Ruushka u dhalatay oo ku caan-baxday in ay jirkeeda-ka-ganacsato oo mar uu wariyuhu weydiiyay sababta ay siyaasadda u geli la'dahay ku jawaabtay "Siyaasaddu waa wax qurun ah, been, musuq iyo iska-daba-wareeg ah, sidaas darteed ma rabo in aan siyaasi noqdo oo aan sumcaddeyda ku ciyaaro!!"
Hadde ogoow qofta ka cabsaneyso in ay siyaasaddu sumcadda uga ciyaarto waa haweenay jirkeeda-ka-ganacsato!!
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Hussain Sabrie
BURUC ( beutiful Town)
BURUC
Buruc waa magaalo yar oo fac weyn taasi oo dhacda meel u dhaxaysa degmooyinka bossaso iyo qandala waxay ku taal meel qurxoon oo badda iyo buuraha xaysimo u dhaxaysa dadkeedu waa ganacsato soo jireen ah waxay weligood caan ku ahayeen lahaanshaha doonyaha isaga goosha gacanka cadmeed iyo hindiya
Dhinaca buuraha waxaa ka soo gala wadooyin maarooyin hore oo xiriiraha awrta sidda badeecadaha kala duwan ee u socda dhulka fog fog ay isticmaali jireen
dhinaca bari waddo dhagax la dhisay ka samaysan sidii kuwii roomaankii hore ayaa uga baxda taasi oo gumaysigii talyaanigu dhisay si uu ugu fududeeyo kolonyo ciidan awr watay oo halkaasi mari jirey iyo kuwii boostada qaadi jirey.
Malabka dunida ugu sareeya ayaa laga helaa halkaan sida uu qiray socdaal yahankii Guillio baltacchi 1906dii
Dhinaca galbeed waxaa ka xiga raasiga caanka ah ee HANTAARA kaasi oo muhiim u ahaa naakhuudayaashii qarniyadii hore si ay majare uga qaataan.
Buuraha xaysimo ee ku xeeran waxay hodon ku yihiin maydiga, beeyada falaxfalaxda, shinada, dhididgodka iyo murkudda. dadkeedu waa kuwo degan oo nabad jecel
Xuquuqda sawirkani waxay u sugnaatay maxamad Mohammed Faarax Baaruud waa sawir qaade da'yar oo xirfad badan xiliguna waa dayr beerkeed, sawirka qadiimka ahna waxaa qaaday de vecchi 1921dii
ariga gaar ahaan riyaha ayaa halkaan ku baraara waxayna caan ku tahay hilibka macaan sababta xoolaha halkani ku dhaqan oo daaqa geedo kala jaad jaad ah oo aan meel kale laga helin.
1994tii ayaan safar lug ah ku maray magaaladani cajiibka ah, masaajid yar oo nuurad saafi ah lagu cadeyey ayaa isoo jiitey waxaan inkastoo ay goor barqo ahayd hadana waxaan jeclaystay inaan galo oo salaamo masaajidka xasiloonida iyo deganaashuhu maansheyeen, laba rakco oo salaanta masaajidka ah ka dib waxaan baarbaaray masaajidka ul dheer qarniyo hore dibada laga keenay ayaa mimbarka ku tiirsan kutub ay ka mid ahaayeeen KHUDBADIHII IBNU NABATIYA waagii cabaasiyiinta ayaa sidoo kale oolaa meeasha dhan taariikh ayaa ka soo ureysa
Qabri ayaan ku arkay masaajidka qibladiisa geed caday ah oo si wacan uabxay ayaa ku dhexyaal silig iyo shebeg ayaa lagu wareejiyey waxaan dareemay dadka degaanku inay aad u ixtiraamayaan qabrigaan iyo geedka cadayga ah markii aan warsadayna sheeko in xuso mudan ayey ii sheegeen
berigii gumaysiga talyaani dalka qabsaday ayaa waxaa hadalhayntu u badnayd baargaal waa la duqeeyey, caluula waalala wareegey, iwm.
nin shiikha oo ragii magaalada ah ayaa sheekadan la yaabay dadkii ayuu warsaday talyaanigu yey yihiin? waxaa la yiri waa gaalo saraawiil gagaaban qaba oo qaawan waxaa la yiri shiikhii wuu ooyey markii la weydiiyey sababta wuxuu yir."ilaahow nin adiga ku diidey oo kugu kufriyey indhaha ha ii saarin" ilaahay waa ka aqbalay intaan talyaaniba buruc iman ayuu ilaahay oofsaday. ilaahay ha u naxariisto shiikhaas.
waxaa kale oo aw jaamac cumar ciise ii sheegay in shiikhii caanka ahaa ee shiikh cali majeerteen uu halkan xer iyo arday ku hayn jirey.
alaha dhowro buruc iyo dadkeeda waa meel taariikh la ciirciireysa.
# XIGASHO:Mahad Jebiye
Mareykanka oo ka hadlay dhimashadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday Mubaarak
Mareykanka oo ka hadlay dhimashadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday Mubaarak
Mubarak (Badbado Online) –Xoogagga Mareykanka ayaa iyagoo taageero ka helay kuwa Soomaaliya 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyay xaafadda Mubaarak, oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM,ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa is difaacid lagu dilay labo ka mid ah AL-shabaab mid kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ee ka qeybgalayay howlgalka aysan wax khasaare ah soo gaarin hayeeshee Ciidanka gaarka ee Soomaaliya oo uu Askari uga dhintay howlgalka labo kalena uga dhaawacantay.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ay oggolaanshaha uga heystaan dowladd federaalka ah ee Soomaaliya,lana shaqeyn doonaan howlgalka AMISOM.
Mareykanku waxaa uu sheegay in uu baaritaan ku hayo in weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray Dad Rayid ah intii uu socday.
Halkaan hoose ka akhriso warbixinta lasoo dhigay Twitterka....
U.S. Conducts Airstrike in Support of the Federal Government of Somalia - http://go.usa.gov/xPY4x
Wednesday, September 12, 2018
True History Farmaajo & Kheyre
True History
Farmaajo & Kheyre
Waxaan Rabaa In Aan U Sheego Madaxweyne Farmaajo IYO Ra;iisul Wasaare Kheyre ARRIN HADDA KA HOR DHACDAY.......
Waxaa , Dhacay In Gen. Maxamed Abshir Muse (AUN) Uu Bedalay Seddex Sarkaal Ee Seddex Xidigleyaal ah Ama ( Kabtan.) Waxey 3dii Sarkaal U Tageen Ayagoo Dacwa Ah Sheikh cali Jimcaale (AUN) Oo Wasiir ah. Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu La Hadlay Gen . Maxamed Abshir Muse; In Uu Ka Noqdo Bedelka 3da Sarkaal <l
. Gen: Maxamed Abshir Muse Waa Ka Diiday Codsigii Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu na Ugu Jawaabay , Arintaan Siyaasad Maahin; Oo Waa; Arrin Boliis Ee Adiga Faraha Kala Bax. Sheikh Cali Jimcaale , Isagoo Careysan Ayuu Abdirizak Xaaji Xuseen (AUN) Oo Ahaa Ra'iisul Wasaarihii Ayuu U Tagay Arrintiina U Sheegay . Abdirizak , Wuxuu Ku Jawaabay Inka Daa Mana Rabo In Aan Faraha; La Galo Arimmo Boliis; Iyo Saraakiil. Taliyahooda Bedalaya. Haddaba , Waxaa U Soo Baxday... Sheikh Cali Jimcaale IN Ra;iisul Wasaaraha & Gen Iska War Hayaan Oo Bedelka 3dda Sarkaal Isla Ogyihiin
. Sheikh Cali Jimcaale; Oo Ahaa NIn Aan Gamban Lagana Wada Danbeeyo Ayaa Wuxuu Balad-weyn Uu U Kaxeeyey 43 Xildhibaan Oo Ay Wasiiro Ku Jiraan. Abdirizak , Markii Uu Arrinta Ka War Helay Isagoo Ka Baqaayo Dowladda; In Ay Ka Bur-Burto Ayuu Balad-weyn Uga dabaTagay. Sheikh; Cali Jimcaale Si Uu U Raali Geliyo . Abdirizak , Asagoo Canaananyo; Ayuu U Yeeray GEN. Maxamed Abshir MUSE Kunna Amray; In Uu Ka Nogdo Bedelka Sedexdda Sarkaal . Marka ,
Waxaan Rabaa; M- Farmaajo Iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre In Aynaan Sahlanin Qilaafka U Dhexeeya Ayaga IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda Aynna; Wada Xalliyaan; Si Aynna Uga; FAA'IIDEYSAn Dowlad DIIDka Ay Ku Shaqeystaan Shisheeyaha, Ee Maanta Somaliya Meel Xun Dhigay
. Waxaa Ayaan_Darro Ahayd In Maalintii BAARLAMAANKa La Furaayey In Aynna Xildhibaanada Aqalka Hoose Shirka Ka Soo WadaQeyb galin Iyo Ayaaddo Xildhibaanada Aqalka-Sare Aynna Shirka Furitaanka Barlamaanka Imaanin
. Haddaba , Ma Rabno Saan Horay U Soo Araknay&IN Madaxweyn Maamul Goboleed U Yeero Kuna Amro Xildhibaanadiisa Labada Aqal In Ay Shir Iskugu Yimaadaan Gobaladoodda Si Ay Uga Wada Arrinsadaan Dowladda Dhexe.
Waxaan Ka Codsanayaa Madaxda Dowladda Federalka IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda IN Leysla SHaqeeyo , Leysk Calool Samaad EE Fadlan Yaan DibLa Noo Celinin ♧
XIGASHO:Abdi Ulusso
Farmaajo & Kheyre
Waxaan Rabaa In Aan U Sheego Madaxweyne Farmaajo IYO Ra;iisul Wasaare Kheyre ARRIN HADDA KA HOR DHACDAY.......
Waxaa , Dhacay In Gen. Maxamed Abshir Muse (AUN) Uu Bedalay Seddex Sarkaal Ee Seddex Xidigleyaal ah Ama ( Kabtan.) Waxey 3dii Sarkaal U Tageen Ayagoo Dacwa Ah Sheikh cali Jimcaale (AUN) Oo Wasiir ah. Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu La Hadlay Gen . Maxamed Abshir Muse; In Uu Ka Noqdo Bedelka 3da Sarkaal <l
. Gen: Maxamed Abshir Muse Waa Ka Diiday Codsigii Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu na Ugu Jawaabay , Arintaan Siyaasad Maahin; Oo Waa; Arrin Boliis Ee Adiga Faraha Kala Bax. Sheikh Cali Jimcaale , Isagoo Careysan Ayuu Abdirizak Xaaji Xuseen (AUN) Oo Ahaa Ra'iisul Wasaarihii Ayuu U Tagay Arrintiina U Sheegay . Abdirizak , Wuxuu Ku Jawaabay Inka Daa Mana Rabo In Aan Faraha; La Galo Arimmo Boliis; Iyo Saraakiil. Taliyahooda Bedalaya. Haddaba , Waxaa U Soo Baxday... Sheikh Cali Jimcaale IN Ra;iisul Wasaaraha & Gen Iska War Hayaan Oo Bedelka 3dda Sarkaal Isla Ogyihiin
. Sheikh Cali Jimcaale; Oo Ahaa NIn Aan Gamban Lagana Wada Danbeeyo Ayaa Wuxuu Balad-weyn Uu U Kaxeeyey 43 Xildhibaan Oo Ay Wasiiro Ku Jiraan. Abdirizak , Markii Uu Arrinta Ka War Helay Isagoo Ka Baqaayo Dowladda; In Ay Ka Bur-Burto Ayuu Balad-weyn Uga dabaTagay. Sheikh; Cali Jimcaale Si Uu U Raali Geliyo . Abdirizak , Asagoo Canaananyo; Ayuu U Yeeray GEN. Maxamed Abshir MUSE Kunna Amray; In Uu Ka Nogdo Bedelka Sedexdda Sarkaal . Marka ,
Waxaan Rabaa; M- Farmaajo Iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre In Aynaan Sahlanin Qilaafka U Dhexeeya Ayaga IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda Aynna; Wada Xalliyaan; Si Aynna Uga; FAA'IIDEYSAn Dowlad DIIDka Ay Ku Shaqeystaan Shisheeyaha, Ee Maanta Somaliya Meel Xun Dhigay
. Waxaa Ayaan_Darro Ahayd In Maalintii BAARLAMAANKa La Furaayey In Aynna Xildhibaanada Aqalka Hoose Shirka Ka Soo WadaQeyb galin Iyo Ayaaddo Xildhibaanada Aqalka-Sare Aynna Shirka Furitaanka Barlamaanka Imaanin
. Haddaba , Ma Rabno Saan Horay U Soo Araknay&IN Madaxweyn Maamul Goboleed U Yeero Kuna Amro Xildhibaanadiisa Labada Aqal In Ay Shir Iskugu Yimaadaan Gobaladoodda Si Ay Uga Wada Arrinsadaan Dowladda Dhexe.
Waxaan Ka Codsanayaa Madaxda Dowladda Federalka IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda IN Leysla SHaqeeyo , Leysk Calool Samaad EE Fadlan Yaan DibLa Noo Celinin ♧
XIGASHO:Abdi Ulusso
Subscribe to:
Posts (Atom)