﷽ ✍ It doesn't matter who was by your side in moments of happiness. But who was by your side in difficult moments, Shideelo @blogspot.com
Wednesday, June 24, 2015
Ciidamada Puntland oo halis ugu jira inay u kala jabaan laba garab (Warbixin)
Ciidamada Puntland oo halis ugu jira inay u kala jabaan laba garab (Warbixin)
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------
wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka ay halis ugu jiraan inay laba qeyb u kala jabaan.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada qaar ay la goosteen madaxii hore ee sirdoonka Puntland Col, Cabdi yare.
Sidoo kale, Ciidamo gaar ah ayaa waxa ay la goosteen Gen Muxuyadiin Gacamey oo horay u ahaan Taliye ku-xigeenkii Booliska Puntland, waxaana lagu soo waramayaa in Labadaasi Taliyayaal ay mudooyinkaani ka gadoodsanaayen Hogaamiyaha Maamulka Puntland.
Ciidamo kale oo taabacsan labadaasi Taliye ayaa la sheegayaa inay carqalad ba’an ku hayaan amaanka gudaha kuwaasi oo muujinaayo inay la jiraan C/weli Gaas balse si dadban ula shaqeeya Taliyayaashoodii hore.
Ciidamada ay kala hogaaminayaan Gen Muxuyadiin Gacamey iyo Col, Cabdi yare ayaa khatar ku ah amaanka Deegaanada Puntland waxaana suuragal ah inay fuliyaan weeraro lagu carqaladeynaayo amaanka.
Waxa ay wataan Ciidamo farabadan oo kasoo kala shaqeeyay xarumaha waaweyn ee Maamulka, waxa yana Carada ragaan ka dambeesay kadib markii madaxweyne gaas uu wasiirka amniga u magacaabay Cabdi xirsi cali qarjab oo hore u ahaa Gudiimiyaha G,Nugaal.
Xaalada Puntland ayaa ah mid murugeysan, waxaana Deegaanada ka socda baadi goob loogu jiro Mas’uuliyiintaasi.
Badbado Consultant Bureau.Our safety work Consultant bureau.With 2 Open Source Program Economics And PoliticsThey are very broad with a variety of Themes from a wide range of sources That allow us to achieve our Goals.The customer is our point of contact and Will help influence the impact of his Information efforts.Badbado Consulting Bureau Says5 pillars To the wheel..
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment