Md. Xuseen Maxamed Sheekh (Badni)
oo xalay loo magacaabay Wasiirka beeraha ayaa sheegay in wixii ka dambeeya is casilaadiisa aanu ka tirsaneyn Golaha Wasiirada cusub ee Dowladda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
Wasiir ka tirsan Xukuumadda cusub ee aan weli helin codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa ku dhaawaqay inuu iska casilay xilkaasi, kaddib markii sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu u gudbiyay warqadda is casilaadiisa.
“Markii aan la tashaday beesheyda Digil iyo Mirifle way ku qanci waayeen xilka Wasiirka Beeraha” ayuu yiri Md. Badni oo sheegay inay sababtaasi ku timid casilaadiisa.
Dhinaca kale Md. Xuseen Maxamed Sheekh ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha cusub inuu booskiisa u magacaabo qof kale, isagoona sheegay inuusan isagu ka tirsaneyn marnaba Golaha Wasiiradiisa cusub.
Md, Badni ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee si degdeg ah isaga casila Wasiirada cusub ee uu xalay ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, iyadoo tallaabadani ku soo beegantay xilli qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhawaaqeen inay ridayaan xukuumadaan cusub, bacdamaa jagooyin loo magacaabay xubno hore uga tirsanaa Dowladdii Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed iyo eedeymo kale oo far badan
No comments:
Post a Comment