Friday, February 21, 2014

4Tii (Aaranjaan)Ahmed Ceydiid, Cali Yuus Xoosh (Cali gaab), Xasssan Shire Abgaal, Aadan Doolar,

                                                       


[EXTREMELY IMPORTANT!!!]: 

Hal xiraale cusub : Yaa ii sheegi kara 4taan nin shaqo xalaal ah oo ay ka shaqeeyeen oo ah xammaali ama aqoontooda oo ay ku shaqeeeyeen, intaan ka hayo baan idiin sheegin.

Ahmed Aidiid, waxa uu ka shaqo bilaabey Bankiga Somali ka hor 6 sano burburka, waxaana geeyay nin ay isku beel hoose ahaayeen oo Wasiiir ahaa ALLAHA u naxariistee Mire Awaare, burburka ka hor Puntland waxa uu xisaabaadka si dadban uga shaqeyn jirey oo dhaqaale ku qaadan jirey Dakada Boosaaso xiligii SSF, dabadeed Puntland markii la asaasey sanad kadib waxa uu shaqo ka bilaabey hay'ddii NESHA oo iminka loo badaley PHA, Doorashadii Faroole waxa uu heley fursadii ugu weyneyd oo ah Puntland oo sidii NGO gaar loo leeyahay ay u maamusheen Kooxdiisa Aaranjaan, Faroole iyo Caruurtiisa.

Waxa uu ku dhashey badiyaha Nugaaleed, waxaana uu yaraan kus oo galey kuna korey magaalada Garoowe.

Waxa uu sameystey Hanti badan intii u jogey NESHA, dabadena intii NGO Puntland waxa uu sameystey hantti iyo dhaqaale aad u badan waxaan uu reerkiisa geestey magaalada Neyroobi Dalka Kenya.

Ahmed Ceydiid, ma aha nin fudud, mana aha ni afxun, mana aha warkiisa la gabada, balse waa nin dantiisa uu eegta.

Ka hor inta usan mdaxtooyada Puntland tagin waxa uu ahaa ehlusalad ku xiran Masaajidka, ma garanayo in uu Salaada joojiyey balse waan hubaa in uu Masaajidka joojiyay (Salatujameeeca).

Aadan Doolar, waxa uu ka shaqo bilaabey Agoonta Koleejka Garoowe 1994, waxa uu ka kasbadey xoogaa hanti ah oo gadiid u badan waxaana xasuusta in laba gaaroo midkood Waaraad baabuurta loo yaqaan ahaa in muddo gaaban gudahood ay ku gaddoomeen oo ayna ku burbureen iyagoo dadkii saarna aaysan wax saas ah ku noqon.

Puntland markii la dhisay waxyar kadib ayuu la shaqo bilaabey markii labadii garab ee Puntlan Gen. Cadde iyo Col. Yuusuf heshiiyeen, waxaana uu noqdey Agaasimewaxeedka maamulka iyo lacagta, waxaana uu caan ku ahaa laaluush qaadasho iyo shaqaalaha oo mushaarkooda qofkiiba 50000 illaa 100000 uu ka jaran jirey bil kasta.

Dabadeedna, waxa uu ka mid noqdey kooxdii Aaran jaan ee Puntland u gacan gashey, madax fiican mana noqon muddo gaaban buu Faroole Xoogheyn u ahaa dabadeedna waa laga baacshey si kastaba ha ahaatee, hase ahaat si xaaraan ku helaba waa heley, dhul badan buu gatey lacag badana banigyada Caalamiga ah ee Neyroobi xafiisyada ku leh buu dhigtey, naagana dalka Norwey buu u dhoofshey, isna dalka Denmark buuu sharci ku leeyahay.

Xasssan Shire Abgaal, waxa uu ku dhashey Koonfurta Dalka hase ahaate isaga yar ayaa la keenay Garoowe halkaas buu ku korey ilaa dugsi sare kaga baxey. waxa uu ka shaqo bilaabey Wasaarada Caafimaadka, waxa uu dabadeedna ka mid noqdey Kooxda Aaranjaan ee Mashruuca ka dhigetey Puntland, waxa uu sameystey Hanti badan, waxa uu reerkiisa u kaxeystey Neyroobi, waxa uu u baxey dalka Sweden.

Xassan waa nin afxun oo hadalka iska tuura, hase ahaatee waa nin ka dun fiican Labada hore ee Aadan doolar iyo Ahmed Aidiid.

Cali Yuus Xoosh (Cali gaab), waxa uu ku dhashey baadiyaha Nugaaleed, isaga oo nin wyn ah ayaa Garoowe la keeney qiyasatii 15 jir, waxa uu dhigtey Dugsi dhexe oo kaliya, dabadeed Sucuudiga ayuu u shaqatey, dabadeed waxa uu ka shaqo bilaabey Puntand waxa uu ka noqdey Agaasimewaxeedka Wasaarada Arimaha Gudaha, waxa uu samesty dhaqaale xaaraan ah dabadeena waxa uu ka mid noqdey Kooxda aranjaan ee Puntland mahruuca ka dhigatey, waxa uu sameystey hanti badan guryo badan dhul badan, waxaa uu dabeed ku noqdey naagtiisii hore, oo USA dagan, waxa uu ilmo ka dhaley Wacal ah naag uu horey u furey oo uuu diidey in uu ku noqdo.

Cali Gaab, waa nin xaaraanta ay adduunka ku haleeshey walaalihiis magacooda waa weydiiy, horeyna maskax uma dhalan.

Waa nin ka nabadoonsan ragaan hore, waa nin aan ka talin isku dhca tolka iyo in la isnaco, waxa uu ka shaqeeyay arimo badan oo Masaaliix ah gobolka Nugaal iyo guud ahaanba Puntland.

Waxaan jeclaan lahaa ina y toobadkeenaan ragaan oo hantiada u ceshaan waxaan waa adduune. 


No comments:

Post a Comment