(Sawiro)
La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose (Mudane
Cabdulaahi Ciid )
Oo dhagax dhigay
xarun Caafimaad oo laga hirgalinayo degmada Carmo
La-taliyaha Madaxweynaha Dowlada Puntland ee arrimaha Gudaha
iyo Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa dhagax dhigay xarun Caafimaad oo loogu
talagalay Hooyada iyo Dhalaanka,taas oo laga hirgalinayo degmada Carmo ee
Gobolka Bari.
Munaasabada lagu dhagaxdhigay xarunta Caafimaad ee la filayo
in laga hirgaliyo degmada Carmo ayaa waxa goob joog ka ahaa,duqa degmada Carmo,maamulka
Caafimaadka degmada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga.
Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed ayaa sheegay in
MCH-ka la filayo in laga hirgaliyo degmada ay doonayaan inay ugu adeegaan
dadweynaha ku dhaqan degmada Carmo iyo nawaaxigeeda.
La taliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha Gudaha iyo Dowlada hoose Cabdulaahi Ciid oo ka mid
ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa sheegay in degmada Carmo ay tahay
magaalo Taariikhi ah,oo dhisan tahay Burburkii Dowlada Soomaaliya ka dib.
‘’Sharaf wayn ayay u tahay Dowlada cusub ee Cabdiwewli uu
hogaaminayo in maanta ay xaruntii Caafimaadka ugu waynayd aan maanta dhagax
dhigno,muhiimadayadu waxay tahay goobo Caafimaad iyo Waxbaarsho’’Ayuu yiri
Cabdulaahi Ciid.
Mudane Cabdulaahi Ciid ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada uu
hogaan ka u hayo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ay ka go’an tahay inay u
adeegto dadweynaha.
Kormeerka kulliyada Ciidanka iyo Xarumo Caafimaad.
La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo
Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa kormeer uu ugu kuurgalayay arrimaha
Bulshada ku tagay Cisbitaalka xarumo Caafimaad iyo Kulliyada tababarka Booliska
ee degmada Carmo.
Cabdulaahi Ciid ayaa intii uu kormeerka uu ku jiray
Warbixino ka dhagaystay Maamulka Caafimaadka iyo Saraakiisha Kuliyadda
tababarka Booliska Carmo,wuxuu indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee ay kooban
tahay Kulliyada Carmo.
Si kastaba ha ahate, Kulliyada Tababbarka Ciidanka Booliska
Carmo ayaa u baahan balaarin iyo dib u habayn balaaran,maadama aysan helin muddooyinki
ugu dambeeyya dayactir iyo balaarin.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-