Tuesday, November 19, 2013
Saturday, November 16, 2013
sweet melodies. Beautiful.___ (fatoumata diawara >wililé. )
Fatoumata Diawara - (Wilile) http://www.youtube.com/watch?v=XikrRgOK7BUhttp://www.youtube.com/watch?v=XikrRgOK7BU
http://youtu.be/J-qKUs758hk
http://youtu.be/J-qKUs758hk
DAAWO SAWIRADA:Musharax Shire Xaaji faarax Oo Jaaliyada Puntland ee Magaalada Nairobi Lakulmay
Musharax shire Xaaji faarax oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi, ayaa Jaaliyada Puntland ee ku sugan magaalada Nairobi, waxa uu kula kulmay Xaflad si wayn loo soo Agaasimay.
Xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo Qeybgaleen siyaasiyiin Culumo Waxgarad Haween ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Musharax shire ayaa la hadlay Jaaliyada Puntland ee Kenya asaga oo uga Tacsiyeeyay Masiibadii ka dhacday Gobolada Puntland ee Duufaanta iyo daadadka oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 180- qof.
Faysal Xasan Jaamac oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah kana yimid dalka Canada oo halkaas ka hadlaya ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay u Leedahay dadka Puntland hadii Musharax shire uu ku Guuleesto Xilkaas.
Faysal ayaa sheegay in shire uu yahay shaqsi siyaasi aqoon u Leh Maamulka iyo maaraynta, waxa uuna sheegay in shire hadii uu ku Guuleesto Puntland ay dadka Reer Puntland Gacmahooda dhunkanayaan.
Musharax shire oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga Xun yahay Wixii dhacay, waxa uuna sheegay in siyaasadiisa uu mar kale faah faahin Doono, maadaama Xaalada Deg deg ah iyo Tacsi ay ku jiraan dadka Reer Puntland, waxa uuna sheegay in uu illaah u Naxariisto dadkii ku dhintay halkaas dadkii ku dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.
Sidoo kale Wasiiro Xilal horay u soo qabtay Xildhibaano ayaa halkaas joogay, dhamaantoodna waxay muujiyeen sida Musharax uu wax badan ugu soo kordhin karo Puntland..
Friday, November 15, 2013
Munaasbadii Canada Africa ee Aayaha maalgalinta labada qaaradood,
Munaasbadii Canada Africa ee Aayaha maalgalinta labada qaaradood, ayaa Safiirka Angola, kutilmaamay Dagaalka sokeeye iyo qori ku xalinta khilafka Afrika inuu dhamaaday. Wuxuu yidhi Iftiinka ka soo hilaacaya Somalia iyo Gargaarka Somali diaspora ee Dibada wuxuu astaan u noqon qaarada Afrika; hadalkaasi oo Safiirka South afrikana ku raacay. Qunya socde qodaxi mamuddo. Kibirka iyo islawaynidana eebe ayuu u sugnaaday; ee ha loo tudho jiilka bari ee dhalinta somlida www.canadianeyeonafrica.ca
Wednesday, November 13, 2013
Golihii Wasiirrada Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan Xasaasi ah (SAWIRRO)_ Badbado
Bureau for Somalian People's Development (sweden)
Khamiis, November 14, 2013 (sweden) — Waxaa xalay kulan xasaasi ah isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golihii wasiirrada xukuumaddii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka oo ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha naadiga Badbaado, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo boostada waxaana kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda haatan uu dalku ku sugan yahay.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday sida uu yahay xaalka dalka, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo madaxda dalka ugu sarreya, gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madasha uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mida xubnaha naadigan, kuwaasoo sheegay inay aad uga xun yihiin muranka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda dalka.
“Waxaan ka xunnahay khilaafka xilligan taagan iyadoo dowladdu jirtay hal sano oo keliya, khilaafkan oo sababi kara in dib loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii KMG ahaa. Annagoo ka sugaynay dowladda federaalka inay horay u sii waddo hannaanka dowladnimo,” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Jaahwayn oo shir-guddoon ahaa.
Kulanka ayaa waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana ugu dambayn kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban saddex qodob kuwaasoo kala ah:
- Waxaan aad uga xunnahay khilaafaadka ka dhex-taagan madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
- In si deg-deg ah loo xalliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, lana ogaado in golayaasha dowladda ay iska kaashadaan xallinta khilaafka.
- In guddi toddoba qof ka kooban laga soo xulo xubnaha Badbaado kuwaasoo si deg-deg ah ula kulmi doona madaxwayanaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran ee KMG ahayd taasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare C/weli Gaas, waxayna ka kooban yihiin in ka badan 30-xubnood iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaanno, iyagoo kulammo ay kaga hadlayaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku yeelan doona Muqdihso.
Xukuumaddii KMG ahayd ee badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii KMG ahayd ee muddada dheer uu ku soo jiray dalka.
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka()
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka:
Fiiro Gaar Ah
waxaa hadda dadka reer Puntland isha ku hayaan ama ay maq maqlaan in masrax ka weyn kan Puntland uu ka furmay Muqdisho. Waxay maqlaan in Muqdisho ay isugu tageen jilayaal fara badan oo ka kale yimid adduunka afartiisa gees. Waxaana maalgeliyey masraxa Muqdisho dowlado fara badan.Masraxan Muqdisho ka socdaa waxaa loo yaqaan "Tarzan in the Jungle". Waxaana ku jira oo qeyb libaax ka qaadanaya xayawaan fara badan oo uu ka mid yahay shabeelka iyo libaaxa – oo si xarago leh ugu cayaara durbaanada Kabeebeey iyo Luumbi.
Saddex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey, waxaa siyaasadda dalka Soomaaliya qabsaday siyaasiyiin aad mooddo inay shahaadooyinka ka soo gateen suuqa Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, ama qaarkood Indiya ka soo gatay “Online degrees”. Taasina ay dhalisay in lagu micneeyo siyaasadda Soomaaliya mid u eg masraxa/mahrajaan/qaalmarogad (acrobatics) ay ku cayaarayaan siyaasiyiin/jilayaal (clowns).
Jilayaashan (clowns) ayaa xiiso gaar ah u yeelay iska daba wareegga beelaha Soomaaliyeed, oo aad mooddo in ay ku jahwareereen farqiga u dhaxeeye wadaniyadda iyo danta gaar ahaaneed ee beesha.
Dadka deegaanka Puntland deggan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3.5 million ku kala daadsan dhul qiyaastii ah 200,000 km2 . Deegaankan ballaaran waxaa dega beelo tira badan oo muddo dheer ku noolaa nidaam iyo kala dambeyn (law and order). Dadkan waxay ku caan baxeen dad muruqooda maala, oo dhaqan ahaan ka gaagaxa af-miinshaariinta iyo kuwa caadeystay ku dul-noolaanshaha.
Deegaanadan Puntland waxaa Ilaah ku maneestay xeeb aad u dheer hodanna ku ah kalluumeysiga (good fishing ground). Dhinaca berriga, waa dhul aad ugu habboon xoola dhaqashada, lehna kheyraadka dabiiciga sida shidaalka iyo noocyada kala duwan ee birta..
W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!Faarax .SH. Cabdulqaadir
Who is Thus Duddy!! W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!
Bureau for Somalian People's Development (sweden)
Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale, wuxuu haystaa dhowr Basaboor: Itoobiya, Keenya, Soomaaliya iyo degenaansho Qatar. Muddo dheer wuxuu ahaa xiddig firfircoon iyo JOKAR kala jaheeya hawlaha hay’adaha samafalka waddamada Muslimiinta ee Soomaaliya ka shaqeeya.
Markuu hanti badan helay wuxuu ku hammiyey inuu dalka madaxweyne ka noqdo, taasna waa ku guuleystay. Sidii Jamaal Cabdinasir isaga hormariyey Maxamed Maxjuub, muddo yar kadibna u qaarijiyey oo kale wuxuu iska soo hormariyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hoose ee Ururka Islaax, maadama deegaanka Banaadir tolka Xasan u badan yihiin, Faaraxna ka dhashay beel yar oo deegaankeedu yahay Kilinka 5aad.
Faarax Topaz wuxuu beddelay laguna samiyey Shariif Sakiin oo ahaa(backseat driver-kii) maamulkii Shariif Sheekh Axmed. Topaz iyo Sakiin maxay ka mideysan yihiin? Labaduba waxay ka dhasheen beel yar (Aw Xasan iyo Asharaaf Sarmaan). Laangaabnimada darteed waxay ku tiirsan yihiin oo garab iyo gaashaan u ah Nabadsugidda Shisheeyaha. Labaduba waxay aaminsan yihiin curaafeysiga iyo cilmi felegga. Waa niman damac badan (ambitious) oo yoolkoodu yahay inay madax sare noqdaan, hanti xad-dhaaf ahna boobaan oo waxba ma hambeeyaan. Waa niman Dollarka caabuda oo helintaankiisa wax walba ka hormariya.
Dabciga iyo habdhaqanka Topaz iyo Sakiin farqi weyn baa u dhaxeeya. Shariif Sakiin waa bulshay dabci wanaagsan, dadkana kusoo dhoweeya weji furan iyo dhoolla caddeyn. Faarax Topaz waa nin dabci xun oo dadka ku qaabila weji xiran oo aan naxariis lahayn. Shariif Sakiin waa deeqsi muraadkiisa ku meelmariya manfac iyo musuq. Waa nin awood u leh inuu 30% ka bixiya hantida uu qaranka ka dhaco. Faarax Topaz waa muudal wuxuu heloba meel dhigta oo aan midigta taagin, xataa inuu $100 bixiyo suurtagal maaha. Bal iska daa inuu sadaqo bixiyee, lafahiisa dhar qurxoon uma lebbisto shirarkana wuxuu ka tagaa jaadkad Huudhay ah.
Shariif Sakiin wuxuu maskaxda ka haystay Shariif Sh. Axmed, wuxuuse jeclaa in maamulka Shariif hanaqaado oo dalka oo dhan ka hirgalo. Faarax Topaz isna wuxuu maskaxda ka haystaa Xasan Sheekh, wuxuuse si dadban ugu hawllan yahay inuu iska horkeeno dowladda iyo dadweynaha, tusaale Cumar Hadliye iyo Yusur Abraar, magacaabistooda waxaa ka dambeeyey Faarax Topaz. Labadaas shaqsi waxay leeyihiin taariikh madow oo ku biyoshabata musuq iyo wax-is-dabamarin, waxayna dharbaaxyo xun oo weji gabax ku ah dowladda ku dhufteen maamulka Xasan Sh. Maxamuud.
Shaxdaas waxaa dhigay oo shirqoolka dejiyey Topaz, lamase yaqaan goorta Xasan Sheekh fahmi doono luggooyada Faarax Topaz. Hadafka iyo himilada Faarax Topaz waa inuu meel bannaan iyo daleel si fudud uga helo jagada madaxweynaha.
Intii aan loo magacaabin wasiiru dawlaha Madaxtooyada wuxuu Madaxweynaha uu raacay dhowr shir oo ka kala dhacay: Kampala, Dooxa, Nairobi, Adis Ababa, Stanbul, Washington, London, Brussels iyo meelo kale. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud reer abtigi oo ku xeeldheer (Computer-ka.. faalka & felegga)ayaa malaha ka dhaadhiciyey in burjiga Topaz u wanaagsan yahay maamulkiisa, waajibna ay tahay inuu shir walba tago, waxaase la fahmi-waayey farsamadii Faarax Topaz u isticmaalay laba shir: Heshiiskii Adis Ababa ka dhacay ee Axmed Madoobe loogu ansaxiyey maamulka Jubbooyinka waxaa kala saxiixday Faarax Topaz iyo Axmed Madoobe.
Su’aasha taagan waxay tahay, wasiirrada kale ma hawlgab baa mise heshiiska qeyb kuma leh? Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxweynuhu ku tagay USA, maalin laga hadlayey dhaqaalaha lagu taageeri karo Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud madashii shirka waxaa raacay Faarax Topaz iyo Fowsiya Lamood, ayaandarro waxaa Hotelka looga tegay Wasiirka Maaliyadda oo hawlgab laga dhigay, waxaase is weydiin leh jaamacadee Faarax iyo Fowsiya kusoo barteen Cilmiga dhaqaalaha?

Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale
Bureau for Somalian People's Development (sweden)
/Topaz & Godane waa John Okello!!!!
- Jasiiradda Zanzibar waxay leedahay Taariikh facweyn. Boqorradii Maamulka Zanzibar soo maray, waxaa ugu caansanaa Saciid Barqash bin Taymuur oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Cumaan.
Boqortooyadaas oo dhowr qarni ka talineysay xeebaha Bariga Afrika, ayaa 26 Abriil 1964 la midowday dhulweynaha Tangayika, waxayna la baxeen magaca TANZANIA. Jasiiradda Zanzibar waxay lahayd welina leedahay ismaamul hoosaad (Autonomous).
Jasiiradda Zanzibar oo ku jirta barwaaqo iyo baraare ayaa 12 Jannaayo 1964 belaayo madow cirka uga soo degtay. John Okello oo ka dhashay qabiilka LUO ee Ugaandha oo yaraantiisi ahaan jiray bayhoof iyo baalashle (kaba caseeye) ayaa u dagaagay xagga Jasiiradda Zanzibar, wuxuuna ka helay shaqo Boliis. John Okello muddo yar markuu joogay Jasiiradda Zanzibar wuxuu abaabulay dadkii madoobaa, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay ku hoos jiraan gumeysi Carab cascas, oo kasoo haajirtay dalka Cumaan, loona baahan yahay inay heeryada gumeysiga iska rogaan.
John Okello wuxuu dhallinyradii madoobayd u qeybiyey seefo, warmo, manqar iyo middiyo, wuxuuna weerar ku qaaday xaruntii boqortooyada, dabadeed qoyskii boqortooyada wuxuu ku qasbay inay dalka ka cararaan, halkaas ayaa John Okello ku noqday boqor madow oo muddo gaaban ka taliya Jasiiradda Zanzibar, waxaase soo rogaaceliyey boqorkii oo hiil ka helay Ingiriiska, kadibna waxaa la jebiyey Kacankii Zanzibar ee John Okello holliyey. Adduunweynaha waxaa fajac iyo amakaag ku noqotay wiil baalashle ah Ugandha ka yimid inuu inqilaabo boqortooyo qarniyo soo jirtay.
Sheeko la mid ah taariikhdii Jasiiradda Zanzibar ayaa ka taagan Soomaaliya, wiilal kasoo dagaagay deegaanno fog-fog ayaa xukuma oo ka amar ku-taagleeya gobollo aysan u dhalan. Dad baa qab jebiyey, laan-dheer ayaan ahay iyo waa tiro badanahay waa socon-weyday, oo gabbalkeed waa dhacay.
Nin baa ku gabyey(hadba dunida duul baa usoo baxoo diin lasoo shira). Axmed Cabdi Godane oo ka dhashay beel yar (Arab) oo Hargeysa ka yimid ayaa Xamar soo galay isagoo kasoo cararay Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland & Puntland ka ugaarsata kooxaha reer Galbeedku ugu yeeraan Asal-raac. Godane si gobannimo ku dheehan tahay ayaa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ku biiray jahaad-doonkii (Mucaskarkii Saalaxudiin) ee Aadan Cayrow tababbari jirey.
Godane oo ah xariif karti badan wuxuu ku guuleystay inuu mid-mid u qaarijiyo raggii ka sarreeyey, ururkiina gacanbir ah ku qabto isla markaana noqdo AMIIR awood badan oo aan laga daba hadlin. Sidii John Okello addoonta madow u abaabulay oo kale ayaa Godane dhallinyaradii Koofurta u hubeeyey, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay isqarxiyaan oo ay xasuuqa dadkooda janno ku helayaan. John Okello dallinyarada madow wuxuu ka dhaadhiciyey inay Carabi gumeysato ee Godane muxuu ku dhalanrogay oo dhaadhiciyey dhallinyarada Koofurta? Runtii Godane hooyadi doqon ma dhalin, maxaa yeelay wuxuu ku guuleystay inuu reer Koofur indhaha ka rido, dhulkoodana ka dhigo omos lagu kala qaxo. Godane reer Koofur wuxuu ka dhigay: qof qoorta laga jaray, qof la qarxiyey, qof qaxay iyo qof qalqalsan. Hadafka Godane waa inuu Koofur ka dhigo gelgelin iyo gabaahiir, ciqaabtana ku sii hayo ilaa Somaliland la aqoonsanayo, Koofur waa inay burburka ku sii jirtaa ilaa Woqooyi ka dhismayo.
Hoggaamiyaha al-Qaacid Ayman al-Dawaahiri iyo Amiirka al-Shabaab Axmed Godane waa rag ficil badan oo tolkood jecel. Masar oo Muslimiin badan lagu xasuuqay weli qarax iyo dagaal sokeeye kama dhicin. Nabadsugidda Xabashida oo gumeysi arxamdaran ku haysa Somaliland, weli qarax iyo dagaal wax-iska cabin ah kama dhicin. Hase yeeshee Ciraaq iyo Koofurta Soomaaliya qaraxa iyo xasuuqu waa joogto. Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland joogta waa Muslimiin Ahlu-Xadiis ah, Ugandheyska Koofur jooga waa Gaalo soo duushay, waa hadafka iyo halkudhegga Axmed Godane ku hawlgalo.
Nabadsugidda Xabashidu xarunta ay ka maleegto shirqoollada ku wajahan burburinta qowmiyadda Soomaalida, waxay ku taal Hargeysa, taas ka sokow Somaliland sannad walba waxaa laga xusaa laba munaasabad oo heer sare loo agaasimo, waxay kala yihiin: Maalintii Meles maamulka Itoobiya la wareegay iyo maalintuu geeriyooday ee gabbal u dhacay gafeneyaashii iyo jaajuuseentii la shaqeyn jirey Miles Zenawi.
Fu’aad Shangole oo ah kaaliyaha Axmed Godane isna wuxuu ku guuleystay in diiradda jihaadka laga weeciyo Puntland oo dagaalka loo xawilo Xamar. Sheekh Atam wkiilka Shabaab ee Puntland waxaa loo aqoonsaday macalin dugsi qur’aan dhiga, wax khatar ahna ku hayn maamulka Puntland.
Dhowr muxaadaro iyo wareysi idaacadaha deegaanka laga baahiyey waxaa dhallinyarada lagu guubaabiyey dagaalka Xamar ka socda inay kaalin firfircoon ka qaataan. Ragga ku xeeldheeraaday in jihad Koofurta la dardargeliyo waxaa hormood ka ah Sheekh Cabdiraxmaan Abyad oo reer Puntland ka codsaday in lala jihaado Gaalada joogta Muqdisho.
Sheekh Abyad wuxuu yiri Gaalo waxay joogtaa Koofur ee ma joogto Somaliland iyo Puntland ee qofkii khayr iyo wanaag raba haka qeyb galo jihaad Koofur, illeen jihaad halkaa kaliya ayuu ka jiraa oo gaalo rasmi ah joogtaa. Tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego.
Heestii Caanka ahayd ee lagu ammaanay Siyaad Barre waxay ahayd, horta qabo Siyaadoo car mid kale kusoo dara. Waxaa beddelay horta qabo Godanoo car nin kale kusoo dara. Rag nindoor kama dhammaado, oo waxaa lagu soo daray Faarax Topaz oo kasii xariifsan Godane, Godane afduub siigada ayaa lagu dhaafay oo siddeedle ayaa lixle lagu saabilay, rag waa u seben barwaaqo ragna waa u silic iyo hoog. iska samir sokeeyow adduun galabba waa seere. Gabyaa Cabdi Galayax wuxuu yiri:
Ninkii seedo gaab ahi mar buu saaca kaa heliye,
Saalax baa geelii la tegay aniga waa i soliweyday

Tuesday, November 12, 2013
NINKA UGU DHOOW IN LOO MAGACAABO WASIIRKA KOWAD EE DALKA:
Sida lugu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa shegaya in jagada R/waraaha Soomaaliya loo wado in loo magacaabo Mudane Abdirashid Ahmed Egag.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys ka yimid beesha caalamka ay keeNtay in xilkaasi loo magacaabo ruux leh tayo iyo khibrad dheer ee maareynta howlaha dowladda.
Abdirashid Ahmed Egag oo muddo 30 sano ka shaqeeyay hantidhowrka Sweden haddana haya xilka madaxa hantidhowrka ee xafiiska shaqada ee dalka Sweden ayaa ka yimid qoys ku jiray siyaasadda Soomaaliya tan iyo xurriyaddii Somaliya. Aabihii Ahmed Egag Abokor ayaa ahaa xildhibaan muddaddi u dhaxeesay 1960-1969. Abdirashid Ahmed Egag wuxuu ka mid ahaa qurbajoogtii ka qayb qaadatay dhismaha Puntland. Waxaa beesha calaamka xogga saartay in la keeno R/wasaare aan lug ku lahayn musuq-maasuq iyo ee xashada taas oo ragaadiisa dowladda Soomalia.
Dawalda swedenden iyo beesha caalmka aaya kula taliyey Madaxweynha inuu xilkan u magcaabo shaqsigaan!
Bureau for Somalian People's Development (sweden)
Monday, November 11, 2013
Puntland:- Musharax Dr-Shire Xaaji Faarax oo si Diiran Magaalada Nairobi loogu soo Dhaweeyay +Sawiro
Waa kum Dr-Shire Xaaji Faarax Yuusuf ?
Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhashay magaalada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari sannadkii 1955dii. Wuxuu heystaa shahaada Bachelor Degree ee culuumta beeraha iyo caafimaadka xoolaha.Shire hadda waa ganacade wuxuu mudo ka badan 20 sano uu ka shaqeynayey wasaaradda caafimaadka ee dawlada Imaaraadka Carabta isagoo tobankii sano ee u dambeeyayna ka shaqeynayey hawlaha ganacsiga isagoo ka mid ahaa aas aasayaashii shirkado ganacsi oo waaweyn oo fadhigoodu yahay wadanka Imaaraadka Carabta.
Doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa hadda waxaa ka harsan mudo labo bilood ah, waxaana hadda socda ololayaasha ay sameynayaan musharixiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax oo ah Musharax u Taagan Hogaanka Sare ee PL ayaa maanta si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya, Jaaliyadda Reer PL ee dalkaasi ku dhaqan oo Kaashanaysa Gaancsato iyo Safaraada Somaliya ee Nairobi ayaa Musharax Garoonka kaga Hor-tegay.
Hadal Kooban oo uu Jeediyay Ayuu Sheegay inuu Aad iyo aad ugu Faraxsan yahay Sida Wanaagsan ee Jaaliyada Reer PL ay ugu soo dhaweeyeen dalka Kenya,Wuxuu xusay in PL u baahan tahay Isbedel Muuqda oo dhab ah isla markaana Isbedelkaasina uu ku iman Karo Buu Yiri Hadii looga shaqeeyo si Nabad iyo Cadaaladi ku dheehan tahay.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax Waa Ganacsade Mudo degenaa dalka Emaratka carabta,waxana uu dhawaan Magaalada Dubai ka shaaciyay inuu u Ordayo Xilka Madaxtinimo ee PL ka dib Dalab ka Yimi Shacabka Gobolada PL.
Musharax ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi kula Kulmo Saraakiil Ka Tirsan Beesha Caalamka si looga wada hadlo Qabsoomida Doorashada Puntland.
Sunday, November 10, 2013
Qamaarka Siyaasadeed ee ka jira Villa Somaaliya!!
Markii la doortey Dowladda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Sannad ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo si aad u soo dhaweeyey Dowladaas, iyagoo Rajo Wanaagsan ka muujiyey in Isbedel weyn oo Siyaasadeed uu Dhici doono gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya mar haddii Hogaankii Dalka loo dhiibey qof si aad ah ugu soo dhex jirey mudadii Laabtanka Sanadood ahayd wixii ka dhacay Soomaaliya islamarkaana wax badan ka og Dhibaatada Soomaaliya ,hase yeeshee Bulshada Soomaaliyeed waxay Niyad jab ka muujiyeen markii ay soo muuqan waayeen waxa Isbedel oo la taaban karo ha noqoto Arrimaha Siyaasadda , Nabadgelyada , iyo Dhaqaalaha, iyadoo Dadka qaar ay leeyihiin in Xaalada Soomaaliya ay ku sii dhaceyso God Haadaan ah oo aad u dheer .
Soomaalidu waxay Tiraahdaa Fuley Xantiisa ma Mooga , waxaana Murtidaan u soo qaatey in Dowladda aysan moogeyn Xanta Dadweynaha oo qaar ka mid ah dadkaasi ay sheegayeen in Dowladaan ay ahayd mid si aad loogu hamuun qabey mar ka fiiriyo arrimo fara badan oo dadka ay ka sugayeen Dowladda in aysan wax ka qaban, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadan waxaa jira arrimo Daahsan oo ku Aadan Siyaasadda Soomaaliya ,waxayna qaar ka mid Bulshada ay sheegayaan in maanta is qabqabsiga Siyaasadeed ee Dowlada ka dhex jira min Dowladda , Xukuumada iyo Baarlamaanka , waxaana socda Olole Siyaasadeed oo Qar iska Tuurnimo ah oo aan la Ogeyn halka uu ku Dambeyn doonto , waxayna dadka u Dhuun Daloola Siyaasada ay leeyihin in uu jiro Khilaafyo Siyaasadeed oo keeni kara in Gebi ahaanba Burburta Dowladda
Rag Siyaasayiin ah oo doonaya in ka Faa’iidaan Qamaarkaas Siyaasadeed ayaa haatan ka dhex Muuqda Qamaarkaas Siyaasadeed ee aan weli soo shaacbixin hase yeeshee si aad ah looga dareemayo Xarunta Madaxtooyada waxayna Siyaasiyiin ay noo sheegeen in Heshiis hoose uu Dhex marey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mid ah Aasaa-Sayaashii Dowlada maanta Jirta oo lagu Magacaabo Faarax Cabduqaadir ahna Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,waxaana uu hesiiskaas uu dhigayaa in Shariif Xasan uu ka shaqeeyo Mooshin ka dhan Wasiirka Koowaad oo ay Wadaan Garab ka mid ah Damo Jadiid oo uu Hogaaminayo Faarax Cabduqaadir, Sidoo kale waxaa Kulan qarsoodi ah wada yeeshey Faarax Cabduqaadir iyo Shariif Xasan waxaana Kulanakaas la isku Afgartey in si wadajir looga shaqeeyo in marka la rido Wasiirka Koowaad ka dibna la rido Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu heshiiyey in Faarax Cabduqaadir uu hal Milyan oo Doolar uu siiyo Shariif Xasan si ay ugu suurta gasho Qorshahaas Fulintiisa , iyadoo Lacagtas loogu talagaley in lagu Furdaamiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qorshaha Qamaarka Soyaasadeed ee Socda ayaa Siyaasiyiinta u Dhuun Daloola arrimaha Siyaasadda ay leeyihiin in Ridista Raiisul Wasaare Saacid ay Damo-Jadiid ku kala Qayb sameen iyadoo kooxda Faarax Cabduqaadir ee wata Qorshahaan ay doonayaan in Fashilka Siyaasadeed ee haatan haysta Dowladda Xasan Shiikh Dhamaan Duudka ama Dhabarka loo saaro Raiisul Wasaare Saacid ,waxaana sidoo kale Qorshahaan ay wataan Damo Jadiid Garabka Faarax Cabduqaadir uu yahay in la keeno Rasiiul Wasaare Daacad u ah Damo Jadiid , waxaana la sku Afgartey Raiisul Wasaaraha laga Dhigo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , waxaana Qorshaha Faarax Cabduqaadir la Dhacsan oo ku taageersan wasiirka Arrimha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed , hase yeeshee Koox kale oo uu Hagaanka uu u haye Maxamed Nuur Gacal oo ah Wasiiro Dowlaha Arimaha Dibada ayaa qaba in aysan habooneyn in la Xiligaan la rido wasiirka Koowaad isagoo sheegey in aysan ku jiran Danta ummada Soomaaliyeed iyo mida Dastuurka ,waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Isku Shaandheyn kooban oo dhinaca.
Kooxda uu Horkacayo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxay leeyhiin in Dalka uu ku jiro Xaalad adag Dhinaca Nabadgelyada , Dhaqaalaha iyo Siyaasadda marka waxay soo jeediyeen in aan la taaba taaban arrimaha qaar maadaama Waji Gabax lagala Kulmey in Iscasilaadii Gudoomiyaha Banki-ga Dhexe ka dib markii rag la Hayb Madaxweynaha ay hanjabaad iyo caga Jugleyn u Gudbiyeen Yusur Abaraa sida hore ugu Sheegtey Warbaahinta , waxayna Iscasilaadaas keentey in Wadamadii Lacagaha ugu Deeqey Soomaaliya ay diideen in ay wax lacag ah ku Shubaan Bangigga Dhexe Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Garabka Farah Cabdulqaadir ee Damul-Jadiid ay ilaa & hada ku adkaysanayaan in xilka laga qaado Raiisul Wasaare Saacid waxaana dadka Siyaasada Odorasa sheegayan in arrinkaas uu keen karo isku dhac Siyaasadeed oo dhex Mara Raiisul Wasaare Saacid & Hassan Shiikh sidoo kale ay keeni karta in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo Dagaalka Siyaasadeed ee taagan balse u keeni karto in uu Saameyn ku yeesho islamarkaana Khilaafkaasiuu Daba dheeraado oo Xal laga gaari waayo Arrimaha Soomaaliya Rajadii ay dadka qabeen ay meesha ka baxdo
Xaaladahaas taagan oo ay ugu horeysa Beesha Caalamka oo si aad ah uga walwasan Iscasilaadii Gudoomiyha Banki-ga Dhexe Yusur Abraar iyo Qamaarka Siyaasdadeed ee ka jira Xarunta Madaxtooyada iyo Talooyin ay u soo jeediyeen Ganacsato iyo Siyaasiyiin fara badan Madaxweynaha Soomaaliya oo laga Dhega Fureystey,Dadka Idha Indheeya ama Odoroso Siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin waxay arrintaas soo dedejineysa in Beesha Caalamka uu Dejyo Road Map-Cusub si loo soo Hormariyo Doorashada Madaxweynaha , Hadaba la rkii doonee halka uu ku dambeyn doono Qamaarka Siyaasadeed ee ay wataan Faarax Cabdiqaadir iyo Shariif Xasan sidoo kale iyana waa la arki doonaan waxa ay Beesha Caalamka ka bedeleen Siyaasadda isku Milqan ee Soomaaliya
Saturday, November 9, 2013
DR: Gaas Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoeeyay Gaalkacyo Puntland=)

“The only reason to give a speech is to change the puntland....(MUSHARAXDr:Abdiwali Ali Gaas _ & Abdulahi Ciid Osman)
When one door closes another door opens, but we so often look so long and so regretfully upon the closed door, that we do not see the ones which open for us.”

Friday, November 8, 2013
Every man gotta right to decide his own destiny.:) DR:Shire Haji Farah
madax waynaha ...Shire Haji Farah
2014ka Dr shire xaaji faarax mudane madax wayne so dhawoowe puntland way kusugaysaye 15 sano!
Monday, November 4, 2013
Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 .Shire Haji Farah _ Most well come Aqoonayahan siyaasi ruug cadaa!
Waan idiin salaamay kulligiin, waxaan maantey kaga dhaqaaqay magaalada Dubai in aan ahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 Haddii Alle Idmo. Ma ahan Go'aan aan si fudud u qaatey, waxaa igu wayn midnimada iyo horu-marka dadka Reer Puntland, Waxaandadkayga u wadaa barnaamij ku salaysan Nabad iyo Horumar.
Ducadiina iyo taageeradiinu waa ii muhiim.
Waad mahadsantihiin
Puntland Guul iyo Horumar
Saturday, November 2, 2013
Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland?
Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!
Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?
Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland? Mise Faroole ayaa mudan in uu Garsoore ka noqodo doorashadaa, waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay, darajana Qabiil tahay dulmi xaqa kala mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.
Hadaba sidee Ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka Doorashada, sidee Ninki loolanka ku jiraa Amniga u sugi karaa, ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland, xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland? Musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya Amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan?
Hhaddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah Arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo Doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika, iyada oo la ogyahay Garoowe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu fududahay in uu maroorsado talada Puntland.
Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan Siyaasadeed oo abuurikara Dagaal ama Colaad ku habsata shacabkaa waayay hogaan xalaal ah balse Doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF, haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex Urur qabiil sida Jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo Warsabgeli eey lahaayeen Jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi, sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND (Ortoble iyo Leeyla-Kase), hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen Dhismaha Maamulka Puntland, xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii Cabdiweli ahaa R/wasaare.
Qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase ) ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo Cabdiweli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1&2, xiligaan waxaa muuqda in Faroole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada, waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland, waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa Madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo, iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay Madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland.
Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan Shisheeye oo aana Sumcad iyo xurmo ku laheeyn Soomaaliya sida Shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal South Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii Cabdiweli Gaas iyo Qaramada Midoobay ay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland.
C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay Shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay Shirkii Garowe 1&2 Suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli ahaa R/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa Maanta keenay in leeyskaga horyimid kadib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada Madaxweeynaha dowlada federaalka? Akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba, waan sidaan u arko arinta...
Cabdiweli mar uu isku soo taagayay Musharxnimada Doorashada Maamulka Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay Caalamka, waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Soomaali ee Talyaaniga tiil, hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 Sanno loo ururinayay Soomaali, C/weli waxaa uu Ummada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa R/wasaare Soomaali ee uusan aheeyn R/wasaare Puntland
Waxaa uu qiray in Hanti farobadan oo loogu talo galay dib u dhiska Gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa E/dowlo ka mid ahaa Wasiirada Dowladda ku meelgaarka aheeyd, alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.
Dowlada dhexe oo ah Dowlad aan KMG aheyn waxaa quman in aay Puntland Colaada iyo Saxansaxada Dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay Mas'uul ka tahay dhamaan Shacabka Soomaali, dowlada dhexe hogankeeda waxaa doortay dhamaan Odayada dhaqanka ee Somali sida Iimaan, Ugaas Isim, Garaad iwm sabbabta oo ah Odayaadaa waxaa aay dhaleen Xildhibaanda Federaalka oo ka kooban dhamaan Somali sidaas awadeed xildhibaanada Somalia waxaa aay awooda hogaanka u doorteen Prof. Xassan iyo Jawaari halka Dr,Saacid laga soo dhex xulay shacabka Somalida.
So ma qumana Dowlada sidaa ku timid oo mataleeysa dhamaan Somali in aay Garsoor ka noqoto Doorashada Puntland dhistana gudi dhexdhexaad ka ah doorashada Puntland, gudi awoodiisa tahay ilaalinta Masuqmaasuqa iyo awood iskugu shaagashada Doorashada.
Haddii Dowlada dhexe gabto howshaa waxaa soo baxeysa in awooda dowlada dhexe noqoto magac u yaal, dhismaha Jubba in aay ku howshaa midka Puntlandna ka jiifataa waa waxa laga baranayo Dowlada dhexe, waxaana soo baxeeysa aayaha danbe in dowlada dhexe aayan awood ku lahaan dhismaha Dowladgoboleeyada sida Gobollada Dhexe, Hiiraan ama Ex Banaadir.
Ddadka ayaga ayaa sameeysanayaa Maamulkooda balse Dowlada dhexe waa in aay marqaati ka noqotaa oo aay xalaaleeysaa hogaanka lagu heshiiyay in uu ku yimid dariiqii xalaasha ahaa, waxa Khaatumo loo diidan yahay in aay ka tashadaan aayahooda, dowlada dhexe waa ku waajib in aay taageeraan Shacabka Khaatumo oo u istaagay midnimada iyo dhowrida ama xafidida Calankii Somali, waxeey diideen Calanka Puntland waxeeyna ogol yihiin Calankii soo jireenka ahaa xaqiiqdiina waa aay u dhinteen, dowlada dhexe waa in aay garab istaagtaa Shacabkaa dulman cadeeysaana xaqooda ka mid ahaanshaha Dowlada Fedraalka.
Xildhibaanada Puntland kaga jira Dowlada Dhexe ayaa laga rabaa in aay kala tashato dowlada dhexe sidii door Shariif ah ugu qaadan lahaayeen loolanka Siyaasadeed ee Puntland, waxaad arkeeysaa in jajuub leeysku hayo, idaacadaha leeysga dhiibayo hadalo aan ku qumaneeyn muraxiinta Puntland, Cabdiweli waxaa uu adeegsaday alkoliistayaal ayaa soo xukumay Puntland halka Faroole dhahayo Buufiskii daawadii ayuu soo iloobay, waa Nin daawo ku socdo.
Allow Sahal umuuraha.
Bureau for Somalian People's Development
Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!
Dr. Cali. A. Hirabe - Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?

Subscribe to:
Posts (Atom)