Friday, July 26, 2013

Wasiirada cusub iyo qilaafka Xasan & Saacid! 






Waxaa baryahan warbaahinta Soomaalida ay aad wax uga qorayaan isku shaan dheynta golaha wasiirada oo aan horey halkaan diirad idiinkugu soo bandhignay iyadoo shaxda ka socotaa Madaxtooyada ee qaabka wasiirada loo qeybsanayo ay haatan gabo gabo tahay.
Wararka hoose ee Madaxtooyada naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu yahay shaqsiga sida gaarka ah usoo xulaya wasiirada cusub iyadoo sidoo kale baryahan is faham daro ay ka dhextaagneyd Madaxweynaha iyo Ra'iisulwasarihiisa waxaana muranku uu salka ku hayay arimaha Jubooyinka oo Ra;iisulwasaare Saacid uu qabo in looga baxay balamihii ahaa in Jubaland maamul uu madaxka yahay Axmed Madoobe uusan socon.
Madaxweynahe Xasan Sheekh ayaa xalay afur iyo casho u sameeyay wafuudii ka socotay Axmed Madoobe oo aan horey halkan diirad idiinkugu soo bandhignay wafdigii gaarka ahaa ee Xamar ku sugnaa, arrintan dhaqdhaqaaqyada ku aadan maamulka Madoobe ayaa waxaa ay sii cakirtay qorshaha uu Madaxweynaha damacsanaa ee xaga dowladda.
Sida ay sheegayaan ilowareedyada halkaasi ku sugan waxaa Ra'iisulwasaare Cabdi Shirdoon Saacid lagu qancin waayay wasiiradii cusbaa ee dhawaantan la filayay, waxaana Ra'iisulwasaraha oo u muuqda mid aan waxbadan oo saameyna ku laheyn qorshaha cusub lagu cadaadinayay baryahan in uu qaato talooyinka loosoo jeedshay ee ah in isku shaan dheyn lagu sameeyo xukumada inta aan la aadin Midowga Yurub.
Shirka Yurub oo haatan laba bilood ka harsan tahay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay xafiiska Madaxweynaha ka baqayaan waqti yari xaga Baarlamaanka oo dhawaan waxka yar isbuuc gali doona fasax dheer, taas oo ay adkaan doonto in xiliga shirka Midowga Yurub lagu beego.
Dhinaca kale wakiiladii midowga Yurub ee dhawantan ku wareegayay dalka ayaa maamuladda gobolada ee loo aqoonsan yahay in ay maamul goboleedyo yihiin lagaarsiiyay casuumado ku aadan ka qeyb galka shirkaasi, taas oo wiiqeysa rajadii ay xukumadu ka laheyd in ay iyada uun noqoto codka Soomaaliya ee halkaasi laga dhageysan doono.

No comments:

Post a Comment