Tuesday, March 30, 2021

AKHRISO SIR: CIA iyo Chigaco Tribune Ee Shidaal Somalia

                                     


Badbado Online ( 30/3/2021 )


AKHRISO SIR: CIA iyo Chigaco Tribune oo baahiyey Sir ku saabsan Shidaal baarista Somalia


Sida uu qoray wargeyska Chicago Tribune cadadkiisa soo baxay March 22, 1948, Itoobiyadii Haile Sellasie waxay heshiis 50 sannadood, oo dhammaan xuquuqda shidaal baarista la wareejinayo, la gashay shirkadda Sinclair Oil Company ee Americanku lahaa sannadkii 1945 si ay shidaal uga baarto dhulka Soomaali Galbeed (Ogadenia). Saddex sannadood ka hor, Haile Sellaise waxaa xukunka ku soo celiyay Ingiriiska kaddib markii uu ku duulay, xukunkana ka tuuray Talyaaniga. Heshiiskaas oo u dhaxeeyay Itoobiya iyo shirkadda Maraykanka laga la tashadayna gumeysiga Ingiriiska ee gobolkaas joogay, waxaa ka carooday shacabka deegaanka iyo ururkii xoriyad doonnka SYL.

Sida ku cad qoraalada Hey’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) ee la qoray 24 October 1947, ururkii SYL ee uu markaas madaxda u ahaa Xaaji Maxamed Xuseen, ayaa August 6, 1947 waxay warqad u direen taliyaha Ingiriiska ee gobolkaas, asagoo u sheegay in Soomaalida ay Itoobiya ka xuroobi doonnaan, Sinclair­na ay Soomaali mooye cid kale heshiis la gali karin.

Isla bishaas August 8­9, waxaa socda kacdoon ay dhalinyaradu sameynayaa, sida ku cad Chicago Tribune iyo CIA qoraalkeeda. Dhalinyada gawaarida shirkada oo wada geologist­yaasha ayay ku hareereeyeen meel u dhow Dhagaxbuur, waa xabadeeyeen, qaarkood waa la xiray, booliska ayaa kala eryay. Kacdoon culus ayay qaadeen.

Ayadoo ay SYL­na ay leedahay Soomaali xur ah keliya ayaa heshiis lala geli karaa, dhalinyaradana ay mudaaharaadayaan, waxaa isla bishaas August 14, 1947 oday dhaqameedkii Wardheer Sultan Rafleh Guuleed, wuxuu la shiray Guddoomiyihii Degmada (DC) ee Ingiriiska ahaa, wuxuuna weydiistay in shidaalka la helo, gunnadiisa (royalty) wax laga siiyo, DC­gii wuu ku ganacsayray. Markuu hungoobay codsigiisa, maalintii xigtay Suldaanka wiilkiisa Duulane ayuu ku daray wakiilkii SYL ee deegaankaas Maxamed Rashiid, si ay Sinclair toos ula kulmaan uguna sheegaan in ay dhulka Soomaali leedahay. Ayadoo shirkaddii la la fadhiyo ayay is khilaafeen, Dulane wuxuu yiri gunnada shidaalka Suldaanka ayaa leh, halka Rashiid uu yiri SYL ayaa leh.

DC­ Ingriiska ahaa oo shirkaas ka war helay ayaa amray in aan Soomaali dambe shirkaddu la kulmi karin asagoo aan goob joog ahayn.

Markii labada isku day lagu hungoobey, Sultan Rafle wuxuu saxiixay warqad ay wada qoreen guddoomiyihii SYL Xaaji Maxamed Xuseen September 1947, taas oo looga dalbanaayo shirkadda in ay ujeeddadeeda, shaqaalaheeda caddeyso, fasax aan Soomaali ka imaanna ku shaqayn karin, haddii kale Qaramada Midoobay ay ku dacweyn doonnaan.

Markii uu Suldaanka warqaddaan saxiixay, Marquis W.G Serra, oo Sinclair madaxdeeda ka mid ahaa, wuxuu bilaabay qorshada ah in beelaha Soomaalida la kala furfuro. Roger McDonald ayaa arintii u sheegay Ingiriiska, Sinclair shaqadii ayay ka fadhiisiyay.

Wasiir British ah ayaa kaddib ku amray shirkadda:

Marquis Serrra oo jinsiyaddiisa ka been sheegay iyo labo nin oo beelaha kala furfuraya shaqada laga saaro.In heshiiska ay Itoobiya la galeen ay keennaan

Sidoo kale September 26, 1947 ku xigeenkii jandarmada British­ka ayaa ku amray shirkadda:

In dhammaan wixii tarjumaan ah ee British Somaliland ka socda lagu beddelo kuwo uu asaga keensado.In isku duwaha xafiiska Geologiyadda shaqada laga saaro. 3­ In dhammaan wiilasha Isaaqa ah ee u shaqeeya lagu bedelo kuwo kale, ama Muqdisho laga keenno.

Sida uu qoray Chicago Tribune, dhallinyaradii mudaaharaadka ma joojin, illaa odayaasha ay ku soo biiraan, arrintiina ay noqoto kacdoon cirka isku shareeray. Horraantii 1948, 21 sarkaal oo ciidan iyo diplomaasiyiin British ah isugu jiray, ayaa culeyska markii ay xamili waayay (sida ay sheegeen) waxay shaqadii ka joojiyeen shirkaddii Sinclair.

Qoraal dad Soomaali ah ay qoreen ayaan arkay oo la leeyahay Sultan Rafle wuu la dagaalamay Sinclair, laakiin sida CIA qortay waxaa muuqata in uu rabay oo keliya in qarashka shidaalka qeyb laga siiyo, halka SYL ay ku doodaysay in fasax Soomaali mooyee cid kale laga qaadan karin. Wixii run ah Ilaah baa og.


Shidaal hanti iyo halaag ba wuu yahay, in lagu halaagsamo waa sahal, in hantiile lagu noqdana shaqo culus ayay u baahan tahay


Xigasho :- Badbado Consultant Bureau

Wednesday, March 24, 2021

15- 16 Shirkii Magaalada Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).

2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay:

1. Guddiga doorashooyinka

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan.

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaare.
II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.

Magacyada Guddiga

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS

3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand

6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug

8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug

9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed

10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle

13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir

14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.


Sunday, February 14, 2021

Intelligence Hay’adaha Xalane Oo wax Og !

        



Badbado Online :-  13/2/2021 
Waxaan La Yaabanahay Hay’adaha Ajnabiga Ah Ee Xalane Oo Hela Xogta Qaraxyada
Muqdisho?
-------------------------
(Badbado Online) – Baaritaan ay sameysay Badbado Online ayey ku ogaatay in Hay’adaha Shisheeye ee dagan Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho helaan inta ugu Badan Xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dhicin.
Hay’adahaan oo fadhigoodu yahay Xalane ayaa Labadii qarax ee ugu dambeeyay islamarkaana Ka dhacay Muqdisho shaaciyay kana digay 48 Saac ka hor, waxeyna qaraxyadaas u dhaceen Sidii ay u sheegeen.

Inkastoo aysan hay’aduhu sheegeen Bartilmaameedka oo toos ah, nuuca qaraxa ama Gaariga iyo saacada ama maalinta uu ku aadan yahay, hadane waxey bixiyaan digniin abuuri Karta feejignaan iyo taxadar. Si kastaba, Maadaama aysan sheegin goobta rasmiga ah Ee qaraxa, way adag tahay in laga hortago.

Badbado Online oo la hadashay Somaliidda iyo Ajaaniib dagan Xalane, islamarkaana qeyb ka ah Hay’adaha shisheeye ee dhanka amaanka ayaa Ogaatay in lacag badan oo kumanaan kun oo Dollar ah ay ku bixiyaan helista xogta qaraxyada.

“Waxaa lacag la siiyaa Soomaali aad xog ogaal U ah, qaarkoodna xiriir la leh qaar kamid ah Kuwa soo abaabula qaraxyada, ama kuwa kale Oo ka agdhow, balse ma sheegi karaan Bartilmaameedka oo sax ah, mararka qaarna Way noo sheegaan kadibna cida ay quseyso Ayaa la wadaagnaa balse markasta waxaa soo Saarnaa digniin guud,” ayuu yiri qof Soomaali ah Oo la shaqeeyaa hay’adaha Xalane.

Somaalida lacagta kumanaanka dollar ah ku Qaata helista xogta qaraxyada, ayaa sidoo kale Lacagtaas wax ka siiya xubno ku jira Shabaabka Oo xogta usoo gudbiya.

“Ma heli karno mana heysano qalab lagu ogaan Karo qaraxa, nuuca gaariga, balse waxan lacag Ku bixinaa inaa ogaano qaraxa iyo marka uu soo galo ama ku soo wajahan yahay Muqdisho,” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka la hadlay Badbado Online.
Sidee ayaa ku aamintaan xogta aad heshaan,” Ayaa la weydiiyay waxa uuna ku jawaabay “waxaan ku aaminaa in qofka aan marka hore isaga baarno, xogaha aan ka qaadano imise Ayaa ka run ah ama ka been ah, xil nuucee ah ayuu ka dhax haayaa Al-Shabaab, ma badno inta jeer ee been aan kala kula kulano balse bartilmaameedka waa badali karaan mararka qaar,” ayuu yiri.
Shacabka Muqdisho ayaa aad isu weydiiya sababta ay hay’adahaan usoo sheegi la’yihiin halka qaraxa loo wado, tirada dadka iyo nuuca gaariga hase yeeshee xogta ay helaan ayaan ku jirin goobaha rasmiga ah ee qaraxyada


Monday, January 4, 2021

Shaydaan ayaala waydiiyey??

﷽ ------★ ★Shaydaan ayaala waydiiyey 👉su'aalahan nacalad haku dhacdee.. 1) Yaa kula fariista? *Wuxuu yiri qofka ribada cuna. 2 ) Yaa kula sxb ah? *Wuxuu yiri qofka sinaysta. 3 ) Yaa kula seexda? *Wuxu yiri qofka maandooriyaha caba. 4 ) Yaa weeye martidaadu ? *Wuxuu yiri waa tuugadda. 5)Yaa weeye rasuulkaagu ? *Wuxuu yiri waa sixiroolaha. 6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ? *wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa *(Xila furaha) 7)Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay? *wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha. 8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ? *wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan. 9) maxa jirkaaga tubaxiya ? *wuxu yiri ruuxa towbad keena. 10) Maxa beerkaaga bisleeya? *Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii 11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ? *Wuxu yiri sadaqada sirta ah. 12) Maxa indhahaaga daboola? *wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa) Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan xogtan ayaad u fududeyneysaa* *insha Allah qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo aamiin*j

Friday, December 25, 2020

Sirta Col. Cabdullahi Dahir

Sirta Col. Cabdullahi Dahir warar hoose oo isa soo taraya ayaa muujinaya in MD Farmaajo lagu qanciyey in dagaalka jubaland loo adeegsado xeelado meleteri oo dhanka cirka ah.
horaantii bishan ayaa lasheegey in dowlada federalka dib u bilowdey dhaqdhaqaaqyadii ay kawadey gobolka gedo oo katirsan maamulka Jubaland kaas oo dowladu sheegtey in ay difaaceyso xuduudaha dalka soomaaliya. ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in howl galkan loo xilsaarey Col. Cabdullahi Dheere oo ah saxiibka dhow ee MD Farmaajo una dhashey beesha Axmed madoobe. Hadaba Waa kuma Ninkan Kenya Iyo Jubaland in la duqeeyo ka shaqeenaya. Col. Cabdullahi Dahir ayaa la rumeysanyahay in uu yahay ‘Fileka madow; ee madaxweyne Farmaajo u adeegsada howlgalada culus. Sargaalkan ayaa lasheegey in uu gacansaar dhow laleeyahay sirdoonada caalami ah, wuxuuna ku hadlaa luqadaha Ingiriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo laqada Cibraaniga oo ay ku hadlaan dad yahuuda ah. sargaalkan ayaa NISA ugu magacaaban Hogaanka dabagalka, hayeeshee waxaa lafahamsanayahay in uu katirsan yahay hay’ada CIA-da mareykanka qeybteeda geeska africa, wuxuuna tababaro caalami ah kasoo qaatey Magaalada Tel-Aviv Caasimada Israa`iil sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ku dhow kudhow. sargaalkan ayaa waxbadan ka ogaa qaraxii gobolka banaadir ee lagu diley guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Qaraxii Gaalkacayo ee lagu khaarijiyey saraakiil sare sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, balse uu ka gaabsadey in uu xogtaasi la wadaago laamihii amaanka ay quseysey. Madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegey in sargaalkan ku qarsado siraha dowlada ee dhanka amaanka iyo xiriirada qarsoon ee dowlada. Masuulkan ayaa lasheegey in Dowlada Turkiga kala wareegey 18 diseembar diyaaradaha wax basaasa ee loo yaqaano Drones kuwaas oo gaaraya 6 diyaaradood. 28 jirkan ayaa lasheegey in uu abti u yahay Axmed Godane Hogaamihii Alshabaab ee ladiley isla markaana si dhow ula shaqeyn jirey. Dowlada Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka hor istaagtey sargaalkan weeraro dhowr ah oo uu doonayey in uu ku beegsado Mucaaradka Dowlada Soomaaliya waxaana tiro dhowr jeer lagu eedeeyey in uusan la gabban taageerada uu u hayo MD Farmaajo. Sargaalkan ayaa lafahamsanyahay in MD Farmaajo kula teliyo in xoog wax lagu xaliyo. Dhinaca kale fahad yaasiin ayaa lasheegey in aad ula dhacsanayahay hab dhaqanka iyo qalafsanaanta sargaalkan wuxuuna markasta kala tashadaa arimaha xasaasiga ah ee soo kordha. Arinta yaabka leh ayaa ah ninkaan in uu gacantiisa ku wato gaari proof ah oo aan xabadu karin isla markaana ilaalo la’aan ah. Qorshaha howlgalada Jubaland ayaa hada lasheegayaa in lagu wareejiyey Masuulkan wuxuuna durba bilaabey dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo sidii loo duqeyn lahaa Goobaha muhiimka u ah maamulka Jubaland. Warar hoose ayaa sheegaya in sargaalkan bartilmaadeed kadhigtey madaxtooyada Jubaland iyo qaar kamid ah xaruumaha ciidanka daraawiishta Jubaland sida ay muujineyso xogo amni ah oo aan helney. Sargaalkan ayaa isticmaala magacyo dhowr ah wuxuuna xaruunta Nabad sugida ku galaa Maxamed Dheere, halka magaaladana loogu yaqaano ugaaska Soomaaliyeed waxaana xitaa aqoon saraakiisha uu maamulo ee ka hooseeya. Wararka qaar ayaa sheegaya in sargaalkan safar degdeg ah ugu baxey dalkaasi Qadar lamana oga ujeedka safarkiisa xilli ay xaalada magaalada muqdisho cakiran tahay, waxaase larumeysan yahay in uu ka maqanyahay abaabul dagaal oo loogu hortagaayo mucaaradka dowlada iyo maamulka Jubaland.

Wednesday, July 8, 2020

Hijacked by Somali sea & Fish!!





After sharks are captured off the coast of Somalia, their meat is salted, sun-dried and transported overland to Kismayo for export to Mombasa, Kenya, the main market in East Africa.

 Shark fins, on the other hand, are flown to Hong Kong and Singapore, where they are regarded as a delicacy while liver oil from the dwarf gulper shark is exported to Japan via Salalah (Oman) or Dubai.

 These are just but some of the fishing products from Somalia that find their way to the rest of Africa, the Middle East and Europe.

 But for all these, the fishing sector generates only $135 million in value per year — or about two per cent of Somalia’s gross domestic product — according to a study by the Heritage Institute for Policy and City University of Mogadishu released at the end of June.

 “However, it has the potential to be one of the largest and most profitable in the world, considering that the current annual catch represents only a small fraction of the country’s estimated fishery production potential of over 800,000 tonnes per year,” said the study.

 The problem is that Somalia fisheries is dominated by foreign-owned trawlers. The illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing in Somalia’s Exclusive Economic Zone (EEZ) is costing the country more than $300 million each year in lost revenue.

 The study, Somalia Fisheries: Untapped Potential Held Back by Skills Shortage, compiled by Dr Abdirahman Kulmiye of the City University of Mogadishu finds the most serious challenge to be shortage of a skilled workforce.

 “While the fisheries sector is underdeveloped, it nevertheless supports more than 400,000 Somalis who depend on it for their livelihood,” said Dr Kulmiye.

 The study, funded by the Somalia Stability Fund, set out to assess the status of the fisheries sector; existing skills; and local institutions of higher learning and the quality of their fisheries-related academic programmes, among others.

 In February last year, a fishing deal signed between the Somalia government and vessels tied to the China Overseas Fisheries Association caused uproar among artisanal fishing community and politicians, who argued that it would destroy their livelihoods.

 The deal allowed 31 Chinese long line vessels to fish for “tuna and tuna-like species” for one year, but automatically renewed fishing licences for $1,025,750 each year.

 On June 30, a non-governmental organisation, the Global Fishing Watch, released a report that indicated that roughly 200 Iranian fishing boats operating illegally had been detected in waters off Somalia and Yemen. Also traced were smaller subset of Indian, Pakistani and Sri Lankan flagged vessels.

 They were traced by the Trygg Mat Tracking, a technology that helps boats avoid collisions, and to identify the boats and their locations.

 From 1991 when the Somalia state collapsed, it was estimated that between 800 and 1,000 vessels descended on Somali’s EEZ engaging in illegal, unreported and unregulated fishing.

 Recent studies estimated the foreign catch to be 132,000 tonnes, accounting for 56 per cent of total catches in Somalia’s EEZ.

 Lack of common legal framework and regulatory regimes as the Somalia Federal Government and some of the federal states follow different laws and rules in managing the sector, is said to enable illegal trawlers to encroach into Somalia’s EEZ.

 The study finds that bottom trawlers from Egypt, Greece, Italy, Kenya, South Korea, Russia and Thailand operated intermittently in inshore waters under dubious fishing permits issued by different Somali administrations.

 Local fishermen have accused the trawlers of overfishing, depleting fish stocks, destroying important marine habitats through bottom trawling and disrupting communities’ livelihoods by sweeping away their stationary fishing gear.

 According to the law, the Ministry of Fisheries is the only entity which can legally issue licences for fishing vessels to operate in the Somali EEZ.

 But due to lack of the capacity to patrol its territorial waters, the northernmost state of that Puntland and the breakaway Somaliland most of the time offer more protection that Somalia Federal Government

Yaa Yiri Beero maleh P!

                              









Beeraha Barookhle ee gobolka bari, geed biyo helaa wax kasta oo miro ah wa ka soo baxaan...

Waxaay noo ahayd sharaf inaan dhulkayagii aragno oo khayraadkiisa qaybo ka mida laga guranaayo sidoo kale waxaan u Mahad celin aqoonyahan Mr Digool ahna mulkiile ka mida beerahaan tagnay usagoo wakhtigiisa nala wadaaggay.

Dhulkaaaga iyo khyaraadkiisa wax kabaro waxna kala soo bax intaa siyaasi aad qabiil ku taba taagan tahay adoo malab marinaaaya fulaaan waa saas leh.....

“Dhulkaa Soomaalaa iska leh”