Monday, December 13, 2021

Dadkii Janada Dusheeda Ku Faqriyey!

           

REERKI JANADA DUSHEEDA KU FAQRIYEY, 
GAAJADA UGU DHINTEY?

SOMALIDU Waxay ladhiban tahay Iney Noolato, waxa u muhim ah MASHARIC HORUMARED Saameyn ku yesha Nolosha Dadka, Uma Bahna Dawlad Dhafi weysa Siyaasad an Dhaman, Dorasho iyo Muran Federal!!!

Inti Bur burka lagu jirey waxa keliya Somali ubadbaadey wa GANACSIGA gudaha dalka iyo Dibadaba, waxa xaqiiqo ah hadii Ganacsatadu Dalkan  maalgeliyan in waqti yar lagu gari karo Nolol isku filan oo Barwaaqo Sooran ah.

Xaqiiqada Maantay Taala:
1. Webiga qoyska ag degan waxay qaatan raashin deeq ah, beerna ma beertan!
Waxa laga cuna rashin Texas iyo maraykan laga kenay!
2. Xeebta qoyska degan, waxa cunan kalun daasadeysan china laga kenay!
3. Xoolo dhaqatadu tiro kasta haystan, wa faqiir aan daboli karin baahida qoyskiisa!
4. Wadanka waxa lacuno 99% Dibada aya loga kena! Hal cunto dalka kama beertan?
5. Dawladi waxay dhafi waydey ijiid an ku jiide!
6. Shacabka wa dhib ujoogo nolosha ku adag, qiyasti 5 million gaajo kunol yihin.

Kheyraad Dalka Alaha Inatuso, Xoog iyo Xelad aan u jiheysano inan Dalkena Barwaqada ah ka faaiideysano, Nolol na ka Sameyno.

Waxa Tusaale fiican ah Dekeda Garacad, Ganacsatadi Maalgelisey, Dhankasto eegto wa Barwaaqo BADA, BEERAHA,XOLAHA, DALXISKA. 

Maxay kula tahay iney ina Haystaan? Maxase Xal ino Ah fikirkaaga?

Monday, December 6, 2021

Beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto Dunidda. -)

       
Dr. Abdi Ulusso  beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto dunidda.
Kuraastu waxay taal deegaan.
Bulshadda madaniga ama rayidka ah waa maqbuul oo macquul ah, doorka ay leeyihiin maamul goboleedyadda sidoo kale,  laakin haddii meesha la soo geliyo odey dhaqameed iyo wixii la hal maala sida; qabiil arrinta awoodda, xukunka iyo siyaasadaha waxay noqonayaan kuwo aan xuduud laheyn ( politics, power & authority boundless Sociology ).
Micnihii; bulshadda ( madaniga ) rayidka ah waa la yaqaan xaduudkeedda, tan maamul goboleedyadda waxaa qeexay sharciga, sidaas si la mid ah kuraastuna waa deegaan sida sharciga ku cad.
Deegaan walbana waxaa ka soo bixi kara qofkii heshiis lagu wada yahay, iyadoon tiro iyo qabiil loo fiirin, ha ka dhasho reerka deegaanka ugu badan ama kuwa ugu yar deegaankaas. 
Xasarad abuur iyo xasaasiyad waa Somali shaqadeed oo aad u jecel ka dhex qaraabashadda & ka dhex kalluumeysiga.
( every day isn't catching day ).
Sheeko Somaligii waa in wax laga bedelaa oo loo bedelaa mid ku dhisan mustaqbal, haddii dalka iyo dadka Somalida mustaqbalka carruurtoodda dan ugu jirto.
Yusf Abdirahman

Tuesday, November 30, 2021

3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia

       

     3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia 
      ^________^ 
   Mogadishu ( Badbaado Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu weli iibinayaa inuu yahay fursadda ugu weyn ee Farmaajo ka saari karta Villa Somalia. Ololihiisa ayaa ku bilowday dhowr Senator oo ka kala yimid Puntland iyo Jubbaland, laakiin isaga iyo kooxdiisa ololaha waxay iska indha tirayaan caqabadaha miiska saaran ee u diidi doonta inay Villada u gudbaan.

Waxaa jira tixanayaal u baahan in maalinba qeyb la furo oo daciif ka dhagaya sheegashada Deni ee ah inuu qaadan karo xukunka Soomaaliya.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa seddex arrin oo u baahan in aysan iska indha tirin kooxda ololaha ee Saciid Deni.

1 – Dagaalkii uu ku qaaday xidigaha siyaasadeed ee Puntland:

Saciid Deni wuxuu u baahan yahay inuu marka hore kasoo gudbo dagaalka hal doorka siyaasadeed ee Puntland inta uusan fooda saarin Farmaajo iyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeedo intaba.

Deni wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuu kuraastoodii boobay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse, wasiiru dowlaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, Rugcadaaga wey Cabdirisaaq Cusmaan Jurule iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wuxuu albaabada ka xirtay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa ninkii xilka ku wareejiyey, Faroole inkastoo uu isaga kursi siiyey haddana taladii waa ka reebay.

Wuxuu hadda u la bisan yahay oo la sheegayaa in laga celcelinayo kuraasta ay u sharaxan yihiin wasiirka kalluumeysiga ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Sanayare.

Dhammaan xubnahaan, Puntland ka sokow waxay xoog ku leeyihiin siyaasadda Xamar taalla. Shacabkii deegaanada Puntland waxaa ka qaatay Asad Diyaano, halka isaga iyo Ciidanka PSF ay madaxa isugula jiraan xilligaan.

Dhammaan xubnahaan kor ku xusan waa jidgooyada koowaad ee Saciid Deni, uma badna inuu xallin karo ama uu jiidi karo marka Muqdisho lasoo aado.

Qofkii ugu dambeeyey ee Reer Puntland ah ee madaxweyne ka noqda Soomaaliya wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana la xasuustaa inuu kusoo baxay talo ay dadka deegaanka iyo siyaasiyiintooda u dhammaayeen, laakiin Deni taladaas mideysan ma hayo Maanta .

2 – Baraaruga dhaqanka Puntland

Saciid Cabdullaahi Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo kuraasta Golaha Shacabka ee taalla deegaanada Puntland, isaga iyo dhaqanka Puntland ayaa mar hore kala tagay.

Wararka ka imaanaya Puntland waxay sheegayaan inuu dhaqanka baraarug qabo oo ay adag tahay inay aqbalaan in kuraastooda lagu takri-falo.


Haddii uu Deni isku dayo inuu dhaqanka xoogo waxaa ka dhallan kara natiijo aan fiicneyn ayey leeyihiin siyaasiyiinta reer Puntland. Waxaa jira talooyin ay soo jeedinayaan saaxiibadiis oo ah inuu iska xaliyo dhaqanka inta uusan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, laakiin uma badna inay suuragal noqon karto, maadaama uu jiro baraarug culus, ayna dhaqanka tabasho badan ka qabaan sidii uu ula macaamilay seddaxdii sano ee uu xafiiska joogay.


3-Xamar waxaa taalla dood ah Saciid Deni waxaa dhaama Farmaajo 

Reer Muqdisho waxay waayahaan aad u hadal hayaan natiijada ka imaan karta doorashada kursiga madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo misaan culus ku leh kuraasta ka imaaneysa Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo reer Woqooyiga, waxaa loo arkaa musharaxa koowaad, waxaana la is waydiinayaa musharixiinta imaan kara kaalmaha labaad iyo seddaxaad.


Saciid Deni oo kooxdiisu sheegto inay Imaaraadku wataan ayaa kamid ah doodaha miiska saaran, laakiin waxaa Xamar ku xooggan inaan marnaba Deni lagu badali karin Farmaajo, waana caqabad weyn haddii ay aragtidaan sii faafto.

In Dadka reer Muqdisho oo la ogyahay halka iyaga iyo Farmaajo kala gaareen inay maanta ka fakarayaan Farmaajo ayaa dhaamma Deni ma ahan dood sahlan, waana caqabad weyn oo hortaagan damaca Saciid Cabdullaahi Deni

Thursday, September 9, 2021

hoggaamiye siyaasadeed oo weyn.!

 
Sheekh Shariif Muxuu u hadli weysan yahay ? jawaabta waa tan.

Shariifka Waa nin wax walba oo la soo maray og, oo aysan dabaylaha qaar meel walba u riixi karin.

Waa ninkii Maxkamadaha hoggaaminayay kaddib la heshiiyey dawladdii oo markii dambe uu madaxweyne ka noqday.

Markii uu madaxweynaha noqday, waxa uu awood u yeeshay in uu mucaarad hubaysan iyo dawladdii isu keeno oo uu mideeyo.

Ismarkaana aanu cidna nidaamka dawladeed kaga aargudan. Wuxuu duugay xumaan walba oo dhacday, wuxuu maamuusay aaska Madaxweynihii uu la dagaalamayey ee ay xabadda isku ridayeen,dalka ayuu doorsho ka qabtay 45 sano ka dib 

Hadda khilaaf baa taagan oo u dhexeeya hay'adaha dawladda dhexdooda, wuxuu og yahay in maalin dhow khilaafkaas uu dhammaan doono oo laga heshiinay.

Midowga Musharaxiinta oo uu Gudoomiye u yahay ayaa warqad soo saaray. Ma jirto sabab uu uga qaybgalo khilaafka hay'adaha dawladda, keliya waxa uu uga qaybgeli karaa kaalin nabadoonimo iyo maqaam madaxweyne hore iyo hoggaamiye siyaasadeed oo weyn.

Xigasho:- Badbaado Consulting Bureau 

Tuesday, August 31, 2021

Somali Waa Sheekaddii Dhurwaayadda!

Dhurwaa ayaa dhaqashada xoolaha isku deyey laakiin waa kari waayey baa la yiri!!!

Waxaa la yiri laba dhurwaa baa waxay cidla ka heleen laba halaad oo aad u buurbuuran. Maalintaas gaajo daran ma hayn oo hilib ugaadheed bay ka soo dhergeen, sidaa awgeed waxay ku tashadeen inay sida dadku geela u dhaqdo si la mid ah labada halaad u dhaqadaan. Waxay is tuseen in geelu u tarmi doono oo caanihiisa ku noolaalaan karaan sida dadka oo kale, ayna ka nasan doonaan harjadka, hilib raadinta iyo dhaca habeen walba joogtada u noqday kaas oo naftooda halis ku ah. Waxay sawirteen in magaca xun ee BAHAL, laga bedeli doono beryaha dambe.

Dhawr habeen markay labadii halaad soo xereeyeen ayaa habeenkii dambe mid dhurwaayadii ka mid ahi riyooday. Wuxuu ku riyooday dhurwaagii kale oo labadii halaad mid cunaya, hurdadii buu ka boodey kadibna isagoo aan waxba hubsan ayuu labadii halaad mid ka mid ah cunnid ku bilaabay, miciyaha ayuu darray oo gosha ka dooxay, isla markiibana caloosha ayuu ka soo riday, ugu horeyntiiba intii jilicsanayd sida mindhicirada ayuu dudubiyey.

Dhurwaagii labaad ayaa ku seleley cabaadkii hasha uu saaxiibkii halakeeyey, isaguna ilayn waa dhurwaa dhiigya cab ahe, waa is hayn waayey kadibna hashii kale buu diloodey sidii saaxiibkii oo kale. Isma cawrido ayey noqotay, midna kan kale xagiisa ma eegine, dhiigii iyo hilibkii geela ayuu afka ka buuxsadey.

Dhurwaayadii markay hilibkii laasteen oo calooshu taangi le'ekaatay, ayey is weydiiyeen sida wax u dhaceen. Midkii cunnista ku horeeyey ayaa kii kale u sheegey inuu ku riyooday saaxiibkii oo labadii halaad mid cunnaya. Kii labaadna wuxuu yiri 'markaan arkay adigoo hashii cunnaya ayaan is hayn waayey' 

Maalintaas ayey reer dhurwaa ogaadeen inaysan xoola dhaqashado hiddo u lahayn, noloshooduna ku xidhan tahay raqda xoolaha iyo ugaadha ay diloodaan, hubkooduna yahay miciyo dhiig leh oo aan looga tudhin maal agoomeed iyo baadi awliyo midna.

Bahal ceedhin ma daayo, nina caadki ma baajo.

Monday, August 2, 2021

Shakiga hayadda Nabad Sugidda iyo qaraxii Kismaayo!!

   
Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.
        ~ -  - ~ - ~ - ~ - ~ 
  Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.
Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta Badbaado Online soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.
Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.
  
Qalinka:- Abdirashid Eid Osman

Tuesday, July 13, 2021

Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

      
Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

  Runta Kharaara.

Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.

Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar  ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and  mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal.  Dr. Mutlaq  Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen,  waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda. 

Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa: 

1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey  Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.

2. Imaaraadka oo  Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara  si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda  ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa. 

Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af  Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka  ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.

Mid ayaa igu yiri:  Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo  Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.

khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya. 

waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar  rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo  iyagu ey markii hore  maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato  Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.

Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.

intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu. 

xaqiiq

Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa  ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu  nagula heshiisay  in aan Daraasad  Cilmi baaris ah  ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii  Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha. 
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee  Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.

Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.

Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.

F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare,  Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar

Mahadsanid

Qore: Yahya Amir