Saturday, April 24, 2021

Sir:Ali Mohammed Ghedi

 

                               

  ِبِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم

                             


Sir:Ali Mohammed Ghedi.

★ ★good Old Man said Winston Churchill " The only guide to a man is his conscience; the only shield to his memory is the rectitude and sincerity of his actions"★★

Sir:Ali Mohammed Ghedi neck to head for his political future.  Mr. Ghedi you have succeeded in winning the hearts of all Somalis. You have saved the Somali state 2004 to 2007.

 You have shown that somaliness is greater than tribalism. 

You have understood what you think anothers the do not know.

As Respectful and loving greetings.

  [Safety Consulting Bureau] 

Sir:Ali Mohammed Ghedi You are hero of the year will recognize.

 If an election had been held today, we would have given you a vote and you still deserve to lead the country!

 Best Regards

 Founder / CEO

 Abdirashid Eid Osman


Wednesday, April 21, 2021

Yaa Noo Sheegaya Fashilka

 

              


  Yaa  Noo Sheegaya Fashilka Labadda Kooxood Ee Ku Hardamaya Masiirka Somalia [ FRS ] ?

  Abdi Ulusso - Xigasho 


 XOOGGAGA SADDEXAAD iyo Slogan-ka Ay Xambaarsan Yihiin In La Gaarsiiyo Ummadda Soomaaliyeed Ee Dal Iyo Dibad. 



Runti, waxaan Farmaajo ku ammaana wixi xumaan ah ee SOOMAALIYA la haray ayuu Dibedda soo dhigay asagoo si aad iyo u fool xun u isticmaalay. Farmaajo, wuxuu banaanka soo dhigay waxa ka qaldan maamul gobolleedya asoo ku daneysanaayo ayuu abuuray KOONFUR-GALBEED, Gal-mudug iyo Hirshabelle. Farmaajo, wuxuu isticmaalay Qabiil asoo ka dhigaaya hay'adaha dawladda Xero Qabiil meel walbo aad eegtid rayid ama CIIDAN. Farmaajo, wuxuu isticmaalay eex iyo nin jecleysi asoo reer walbo kan ugu xun ka soo qaadanaayo. Xitta, reerka uu ka dhashay ee Mareexaan wuxuu soo uruursaday kuwa ugu liido oo reeraha kale wax Xirriir ah aan la lahayn si ay wax ula qabsadaan. Farmaajo, wuxuu diiday in la dhameystiro dastuurka oo aan laga bixin jahawareerka, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO MAXKAMAD dastuuri ah ee wixi khilaaf oo dhanka sharciga ah lagu kala baxo. Farmaajo, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO XISBIYO iyo shuruucdi lagu maamuli lahaay si dalka DOORASHO u aado oo looga baxo 4.5 iyo Qabiil. Farmaajo, wuxuu soo uruursaday dad aan aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn xilalka ay dalka u hayaan si loo bur-buriyo hay'adaha dawladda. Farmaajo, wuxuu ka hor istaagay xilalka dawladda in ay qabtaan wixii aqoon iyo waayo-aragnimo u lahaa maamul dawladeed ee ehel u noqon lahaa. Haddaba, waxaan qabaa in Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh jidkaan ku socdeen laakin Farmaajo Bannaanka soo dhigay waxa cadawga SOOMAALIYA ay ka damacsan yihiin Arrimaha dalka oo ah in ayna marna haggaagin lagana bixin xaallada lagu jiro. Su'aal? War, SAAN dan maa ugu jirto SOOMAALIYA in afarti sanno kii yimaado waxba qabanin. Waxaa, soo XASSUUSTAY sheeko ku dhacday nin soo codsaday in uu noqdo Hippie. Waxaa, loo soo dhigay cunno marki uu cunay ayuu ku xaaray waana iska tirtiray xaarki. Waxaa, lagu yiri, "Waa ku dhacday imtixaanka oo Hippie xaarka iska ma tirtiro". Marka, Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh inkasto ay rabeen waa ku dhaceen imtixaanki bur-burinta SOOMAALIYA iyo hay'daheeda dastuuriga ahaa. Laakin, waxaa moodaa in Farmaajo ku guuleysan rabo haddii waqti loogu daraayo ku guuleysan doono halkaana ay ugu dambeyn doonto wax la yiraahdo SOOMAALIYA.

Friday, April 16, 2021

"We have choice "


     


                    

 Qorshaha dowladaha galbeedka xal baan aragnna "We have choice "

 Xigasho:- Cabdulqaadir Cariif Qaasim "Allbanadir"

Haddaba maxaa xal ah?


Xudunta siyaasadda cakiran ee doorashooyinka waa cidda maamuli doonto. Si dooraashooyinka looga madaxbanaaneyo gacmaha muxaafidka iyo mucaaradka isku heysta, xalku waxuu ku jiraa in Farmaajo dib u fidiyo gogosha wadahadalka isagoo wato shuruudda ah in doorashooyinka ay maamusho Guddiga Xaliima Yarey; amniga doorashadana uu maamulo Ra’iisulwasaare Rooble. Halkaasna uu ku soo afjarmo fara isku fiiqa siyaasiyiinta, faragelinta nacabka iyo faduusha reer galbeedka.

Best Regards 

Abdirashid Eid Osman 


 

Sunday, April 11, 2021

Biloowgii Puntland[ 1998 - 2021/4/10 ]

                      


AMB Bashir M Cali Yare

Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay?


Afeef   : Qormadan aan uga hadlayno Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay? Waxaan uga hadlayno waa kaliya dowladihii soo maray puntland ee maahan  dhaliil loo soo jeedinaayo shacabka xalaasha ah ee puntland .


Sanadkii 1997 markii la isku fahmi waayay shirkii dib u hishiisiinta ee  magaalada Qahira dalka masar  ee u dhaxeeyay  hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxay shirkaasi oo ka biyo diiday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoona dalka dib ugu soo laabtay  magaalada Qardho ayaa waxaa kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya waxaana la isku afgartay in shir balaaran lagu qabto magaalada Garoowe si looga tashadu masiirka deegaanka.

1998 ayaa waxaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii lagu dhisay dowlada Puntland waxaana ka soo qayb galay ergo ka socotay gobolada kala ah ,Nugaal ,Bari, Mudug, Sool iyo sanaag waxaana lagu doortay madaxwaynihii ugu horeeyay ee Puntland Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed .

ujeedka ugu waynaa ee Puntland loo dhisayna waxaa uu ahaa in Nabad galyo iyo amni lagu soo dabaalo gayiga Puntland isla markaana maamulkaasi cusubi oo horseed u noqdo sidii loo raadin lahaa Soomaaliwayn dowladnimadeeda maadama gobolada koofureed ee dalka xiligaasi dagaalo aad u qaraar ay ka socdeen halka kuwa waqooyina horay 1991dii ay ku dhawaaqeen in ay gooni uga istaageen Soomaaliya inteeda kale .


Dowladii Puntland ee uu markaas hogaanka u hayay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo celin lahaa dowladnimadii Soomaaliya .


Ugu danbayn ilaahay waxaa uu ku guuleyay shirkii Magaalada Mbeghati ee dalka Kenya in uu noqday madaxwaynaha Soomaaliya  Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoo garabsanaya cududa ciidan  iyo awooda dhaqaale  puntland la garab taagnayd  isagoona  ku guulasystay in uu dowladii geeyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya dhibaato dheer oo arintasi laga soo maray ka dib .


Puntland waxaa 6 bilood KMG ah madaxwayne noqday madaxwayne ku xigaynkii xiligaasi Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi arintaasi oo ku qotonta dastuurka puntland .


Ka dib waxaa doorasho ku tartarmay Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse ) Cabdirixmaan Faroole waxaana ku guulaystay Gen Boqor Cadde Muuse ilaah ha u naxariistee .


Maamulkii Madaxwayne Cadde Muuse iyo Dowladii Kumeel gaarka ahayd calaaqaad aad u wanaagsan baa ka dhexeeyay  arimaha gudaha puntlandna maadaama dhaqaale ahaan ay kabaysay dowlada dhexe, puntland dhaqaaleheedu waa liitay laakiin xiriirka u dhexeeyay shacabka xalaasha ah ee puntland aad buu u wanaagsanaa ,waxaana ku sifayn karnaa madaxwayne cadde in uu ahaa nin nabadoon ah nabada aad u jecel .

8 Jan 2009 ayaa xukunka waxaa la wareegay oo la doortay Cabdirxman Sheekh Maxamed Faroole oo isna hagaajiyay dhaqanka dowladnimo, laakiin puntland baa waxay noqotay meel ay qoys xukumaan waxaana bilowday in shacabka walaalaha ahaa uu shaki soo kala dhex galo ,calaaqaaddkii ay puntland lalahydna dowlada federalka KMG ah ee uu hogaamiyay Shariif sheikh Axmed  waxayna ay mar gaartay xaalku in ay puntland tiraahdo xiriirkii in ay u jartay dowlada dhexe .


Doorashadii dhacday 2014kii waxaa lagu doortay Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo mar sidoo kale Raisul wasaare ka soo noqoday dowladii KMG , isna arimihii gudaha ee puntland wax waxayn oo la taaban karo oo uu ka qabtay ma jirto ,kaliya waxaa uu dhamaystiray mashaariicdii ka horaysay isaga sida dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso iyo Garoonka Maxmed Abshir ee magaalada Garoowe , xiriirkii uu oo la lahaa dowlada dhexe ma aysan ahayn mid wanaagsan .


Madaxwayne Cabdiwali Gaas  Waxaa uu Masuul ka ahaa in uu dekadii magaalada Boosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee Puntland dhaqaalaha ay ka hesho in uu ku wareejiyo shirkada DP world ee isutaga imaaraadka carabta  isagoo eegaya dan khaas ah , arintaasna waxaa ka hor yimid baarlamanka Puntland taas oo sababtay in  golahihiisii wasaardu in ay dhacaan .


Ka dib arintaasi Madaxwayne Cabdiwali Gaas waxaa uu dhisay dowlad cusub baarlamaankiina waxaa la siiyay lacag fara badan si ay u ansixiyaan  hishiiskii DP world lala galay iyagoona bishii July 2017 ay cod aqlabiyad ah ku  ansixiyeen hishiiskaas iyagoo aanan  akhrin wixii ku qornaa hishiiska  sida ay xildhibaanada qaar ay warbaahinta u sheegeen .


8 Jan 2019  waxaa doorashadii ka dhacday Puntland waxaa  ku guulaystay Madaxwaynaha haatan talada haya Mudane Saciid Cabdullahi Deni  iyadoona ay shacabka xalaasha ah ee Puntland gudahaha iyo dibadaba ay rajayayeen in waacusub u baryay laakiinse arintu waxay noqotay ka dar oo dib dhal.


Madaxwayne Deni Markii uu xukunka yimid waxaa uu la kowsaday dhowr arimood oo ay ugu wayn tahay  iyadoo 2  sano aan waxba laga qaban dekada boosaso ee DP world  horaan xukuumadii isaga ka horaysay ay hishiiska ugala gashay ayaa markii uu madaxwayne deni yimidna waxaa  ku wareejiyay DP world garoonkii diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo macdan barista  degmada caloola .

Arimaha kale  mudada kooban ee uu xilka hayay madaxwayne deni waxaa ka mid ah.

1- Dhacdadii ka dhacday xarunta baarlamka oo ahayd   su’aalo  la waydiiinayay madaxwaynaha oo uu qaar ka mid ah dhibsaday isagoona u hanjbay xildhibaankii suaasha waydiiyay kana baxay xarunta baarlanka .

2- Weerarkii lagu soo qaaday xarunta baarlamka Puntland oo ay dadi ku dhinteen iyo xilka qaadistii Guudoomiyihii Baarlaanka dhuubo daareed .

3- Xilka qaadis lagu sameeyay 8 xildhibaan oo ka tirsanaa  baarlamaanka Puntlad sababo la xiriira fikirkooda .


Arimahaasi kor ku xusan waxay ku tusinaysaa in ay isku mil-meel haayadii dowlada sida , sharci dajinta ,fulinta ,garsoorka  intaba taas oo ah habdhaqanka lagu yaqaan kaligii talisnimada.


Waxaa puntland dhaqan ka noqotay in aan loo sinayn scholarship-ka deeqaha wax barasho ee dibada laga helo ,shaqooyinka ay bixiyaan haadayaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala puntland  ,waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee aan sida cadaalada ah lagu qaybsan puntland qorista ciidamada amaanka arimahaas aan soo sheegnay oo shacabka ku riday niyad jab iyo kalsooni daro .


Puntland maanta halka ay ka taagan tahay Soomaaliya maahan meeshii laga rabay in ay ka taagnaato mudu dheer baa waxaa la oran jiray Puntland waa hooyada federaalka  iyadoona aan ognahay in  Madaxwaynayaashii ugu horeeyay ee Puntland sida Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Cade Muuse ay tusaale lagu daydo u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.


Ugu danbayn xaalku halkaasi marka uu marayo madaxwayne dowlada federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu kala garto maamul iyo shacab , shacabka xalaasha ah ee puntland waxay doonayaan dowladnimo  ma ahayn wax ay xaq u lahaayeen in looga hor istaago sabab la xiriira xiriirka dowlada puntland iyo dowlada federaalka ah oo aan isku wanaagsan.


Wa bilaahi towfiiq 


AMB Bashir M Cali Yare


Tuesday, March 30, 2021

AKHRISO SIR: CIA iyo Chigaco Tribune Ee Shidaal Somalia

                                     


Badbado Online ( 30/3/2021 )


AKHRISO SIR: CIA iyo Chigaco Tribune oo baahiyey Sir ku saabsan Shidaal baarista Somalia


Sida uu qoray wargeyska Chicago Tribune cadadkiisa soo baxay March 22, 1948, Itoobiyadii Haile Sellasie waxay heshiis 50 sannadood, oo dhammaan xuquuqda shidaal baarista la wareejinayo, la gashay shirkadda Sinclair Oil Company ee Americanku lahaa sannadkii 1945 si ay shidaal uga baarto dhulka Soomaali Galbeed (Ogadenia). Saddex sannadood ka hor, Haile Sellaise waxaa xukunka ku soo celiyay Ingiriiska kaddib markii uu ku duulay, xukunkana ka tuuray Talyaaniga. Heshiiskaas oo u dhaxeeyay Itoobiya iyo shirkadda Maraykanka laga la tashadayna gumeysiga Ingiriiska ee gobolkaas joogay, waxaa ka carooday shacabka deegaanka iyo ururkii xoriyad doonnka SYL.

Sida ku cad qoraalada Hey’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) ee la qoray 24 October 1947, ururkii SYL ee uu markaas madaxda u ahaa Xaaji Maxamed Xuseen, ayaa August 6, 1947 waxay warqad u direen taliyaha Ingiriiska ee gobolkaas, asagoo u sheegay in Soomaalida ay Itoobiya ka xuroobi doonnaan, Sinclair­na ay Soomaali mooye cid kale heshiis la gali karin.

Isla bishaas August 8­9, waxaa socda kacdoon ay dhalinyaradu sameynayaa, sida ku cad Chicago Tribune iyo CIA qoraalkeeda. Dhalinyada gawaarida shirkada oo wada geologist­yaasha ayay ku hareereeyeen meel u dhow Dhagaxbuur, waa xabadeeyeen, qaarkood waa la xiray, booliska ayaa kala eryay. Kacdoon culus ayay qaadeen.

Ayadoo ay SYL­na ay leedahay Soomaali xur ah keliya ayaa heshiis lala geli karaa, dhalinyaradana ay mudaaharaadayaan, waxaa isla bishaas August 14, 1947 oday dhaqameedkii Wardheer Sultan Rafleh Guuleed, wuxuu la shiray Guddoomiyihii Degmada (DC) ee Ingiriiska ahaa, wuxuuna weydiistay in shidaalka la helo, gunnadiisa (royalty) wax laga siiyo, DC­gii wuu ku ganacsayray. Markuu hungoobay codsigiisa, maalintii xigtay Suldaanka wiilkiisa Duulane ayuu ku daray wakiilkii SYL ee deegaankaas Maxamed Rashiid, si ay Sinclair toos ula kulmaan uguna sheegaan in ay dhulka Soomaali leedahay. Ayadoo shirkaddii la la fadhiyo ayay is khilaafeen, Dulane wuxuu yiri gunnada shidaalka Suldaanka ayaa leh, halka Rashiid uu yiri SYL ayaa leh.

DC­ Ingriiska ahaa oo shirkaas ka war helay ayaa amray in aan Soomaali dambe shirkaddu la kulmi karin asagoo aan goob joog ahayn.

Markii labada isku day lagu hungoobey, Sultan Rafle wuxuu saxiixay warqad ay wada qoreen guddoomiyihii SYL Xaaji Maxamed Xuseen September 1947, taas oo looga dalbanaayo shirkadda in ay ujeeddadeeda, shaqaalaheeda caddeyso, fasax aan Soomaali ka imaanna ku shaqayn karin, haddii kale Qaramada Midoobay ay ku dacweyn doonnaan.

Markii uu Suldaanka warqaddaan saxiixay, Marquis W.G Serra, oo Sinclair madaxdeeda ka mid ahaa, wuxuu bilaabay qorshada ah in beelaha Soomaalida la kala furfuro. Roger McDonald ayaa arintii u sheegay Ingiriiska, Sinclair shaqadii ayay ka fadhiisiyay.

Wasiir British ah ayaa kaddib ku amray shirkadda:

Marquis Serrra oo jinsiyaddiisa ka been sheegay iyo labo nin oo beelaha kala furfuraya shaqada laga saaro.In heshiiska ay Itoobiya la galeen ay keennaan

Sidoo kale September 26, 1947 ku xigeenkii jandarmada British­ka ayaa ku amray shirkadda:

In dhammaan wixii tarjumaan ah ee British Somaliland ka socda lagu beddelo kuwo uu asaga keensado.In isku duwaha xafiiska Geologiyadda shaqada laga saaro. 3­ In dhammaan wiilasha Isaaqa ah ee u shaqeeya lagu bedelo kuwo kale, ama Muqdisho laga keenno.

Sida uu qoray Chicago Tribune, dhallinyaradii mudaaharaadka ma joojin, illaa odayaasha ay ku soo biiraan, arrintiina ay noqoto kacdoon cirka isku shareeray. Horraantii 1948, 21 sarkaal oo ciidan iyo diplomaasiyiin British ah isugu jiray, ayaa culeyska markii ay xamili waayay (sida ay sheegeen) waxay shaqadii ka joojiyeen shirkaddii Sinclair.

Qoraal dad Soomaali ah ay qoreen ayaan arkay oo la leeyahay Sultan Rafle wuu la dagaalamay Sinclair, laakiin sida CIA qortay waxaa muuqata in uu rabay oo keliya in qarashka shidaalka qeyb laga siiyo, halka SYL ay ku doodaysay in fasax Soomaali mooyee cid kale laga qaadan karin. Wixii run ah Ilaah baa og.


Shidaal hanti iyo halaag ba wuu yahay, in lagu halaagsamo waa sahal, in hantiile lagu noqdana shaqo culus ayay u baahan tahay


Xigasho :- Badbado Consultant Bureau

Wednesday, March 24, 2021

15- 16 Shirkii Magaalada Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).

2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay:

1. Guddiga doorashooyinka

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan.

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaare.
II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.

Magacyada Guddiga

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS

3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand

6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug

8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug

9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed

10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle

13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir

14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.


Sunday, February 14, 2021

Intelligence Hay’adaha Xalane Oo wax Og !

        



Badbado Online :-  13/2/2021 
Waxaan La Yaabanahay Hay’adaha Ajnabiga Ah Ee Xalane Oo Hela Xogta Qaraxyada
Muqdisho?
-------------------------
(Badbado Online) – Baaritaan ay sameysay Badbado Online ayey ku ogaatay in Hay’adaha Shisheeye ee dagan Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho helaan inta ugu Badan Xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ka hor inta aysan dhicin.
Hay’adahaan oo fadhigoodu yahay Xalane ayaa Labadii qarax ee ugu dambeeyay islamarkaana Ka dhacay Muqdisho shaaciyay kana digay 48 Saac ka hor, waxeyna qaraxyadaas u dhaceen Sidii ay u sheegeen.

Inkastoo aysan hay’aduhu sheegeen Bartilmaameedka oo toos ah, nuuca qaraxa ama Gaariga iyo saacada ama maalinta uu ku aadan yahay, hadane waxey bixiyaan digniin abuuri Karta feejignaan iyo taxadar. Si kastaba, Maadaama aysan sheegin goobta rasmiga ah Ee qaraxa, way adag tahay in laga hortago.

Badbado Online oo la hadashay Somaliidda iyo Ajaaniib dagan Xalane, islamarkaana qeyb ka ah Hay’adaha shisheeye ee dhanka amaanka ayaa Ogaatay in lacag badan oo kumanaan kun oo Dollar ah ay ku bixiyaan helista xogta qaraxyada.

“Waxaa lacag la siiyaa Soomaali aad xog ogaal U ah, qaarkoodna xiriir la leh qaar kamid ah Kuwa soo abaabula qaraxyada, ama kuwa kale Oo ka agdhow, balse ma sheegi karaan Bartilmaameedka oo sax ah, mararka qaarna Way noo sheegaan kadibna cida ay quseyso Ayaa la wadaagnaa balse markasta waxaa soo Saarnaa digniin guud,” ayuu yiri qof Soomaali ah Oo la shaqeeyaa hay’adaha Xalane.

Somaalida lacagta kumanaanka dollar ah ku Qaata helista xogta qaraxyada, ayaa sidoo kale Lacagtaas wax ka siiya xubno ku jira Shabaabka Oo xogta usoo gudbiya.

“Ma heli karno mana heysano qalab lagu ogaan Karo qaraxa, nuuca gaariga, balse waxan lacag Ku bixinaa inaa ogaano qaraxa iyo marka uu soo galo ama ku soo wajahan yahay Muqdisho,” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka la hadlay Badbado Online.
Sidee ayaa ku aamintaan xogta aad heshaan,” Ayaa la weydiiyay waxa uuna ku jawaabay “waxaan ku aaminaa in qofka aan marka hore isaga baarno, xogaha aan ka qaadano imise Ayaa ka run ah ama ka been ah, xil nuucee ah ayuu ka dhax haayaa Al-Shabaab, ma badno inta jeer ee been aan kala kula kulano balse bartilmaameedka waa badali karaan mararka qaar,” ayuu yiri.
Shacabka Muqdisho ayaa aad isu weydiiya sababta ay hay’adahaan usoo sheegi la’yihiin halka qaraxa loo wado, tirada dadka iyo nuuca gaariga hase yeeshee xogta ay helaan ayaan ku jirin goobaha rasmiga ah ee qaraxyada