Thursday, February 20, 2014

Madaxweynaha Puntland Ayaa Qaatey Kaarka Aqoonsiga Puntland

                                               


Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta booqdey xarunta Dowladda hoose ee Garowe halkaas oo uu kulan kula qaatey masuuliyiinta gobolka iyo saraakiisha amaanka, waxaana laga hadley arrimo la xiriira amaanka iyo shaqada ka socota gobolka. Madaxweynaha ayaa ku amaaney Gobolka iyo Dowladda hoose in ay shaqadooda si wanaagsan u gutaan
.Madaxweynaha Puntland oo maanta xariga ka jarey waddo cusub oo laami ah isla markaana dhagax dhigey mid kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegey xafiiska diiwaangelinta aqoonsiga Puntlandinimada, Madaxweynaha ayaa iska diiwaan geliyey isla markaasna qaatey Kaarka aqoonsiga. Dr.Cabdiweli ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqey in ay is diiwaan geliyaan oo qaataan kaararka aqoonsiga.
Xafiiska Aqoosniga Puntlandimada ayaa diiwaan gelin doona dadka Puntland si doorashooyinka soo socda ay u galaan dad diiwaan gashan.

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay 10 wasiir ku xigeeno iyo hal wasiiru dowle



                                           




Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay 10 wasiir ku xigeeno iyo hal wasiiru dowle oo loo magacaabay Khamar Deeq Xaaji Khaliif, halka afayeenka maamulka loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar.

Monday, February 17, 2014

khayraadka ugu weyn ay wadan lahan kara waa dadkeeda, Soonaaliya manta dad ma hayso........!

 



khayraadka ugu weyn ay wadan lahan kara waa dadkeeda, Soonaaliya manta dad ma hayso........!

waa Qariirad muujineysa khayraadka ku jira dhulka Soomaaliya iyo gobolada ugu khayraadka badan marka la eego waxa loo yaqaano ( NATURAL RESOURCES ) ama khayraadka Dabiiciga ah , intaas waxaa u sii dheer Soomaaliya Xoolaha iyo khayraadka badda ku jira ,,, lkn su'aashu waxay tahay ,meeyay dadkii !!??

Friday, February 7, 2014

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasay duleedka Muqdisho (SAWIRRO)



                                                   





Jimce, Feberaayo 07, 2014

Badbado Instition Central Of Diaspora

) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka ayaa maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Aaska marxuumka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-cirfiid ee duleedka Muqdisho, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana goobta aaska ka hadlay Xasan Sheekh Maxamuud, gabar uu dhalay marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen iyo xubno kale.

“Waxaan Alle uga baryayaa in Aabbahay uu u naxariisto, waxaana u mahad-celiyaa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo dadaal u galay sidii Aabbahay loogu aasi lahaa dalkiisii hooyo,” ayay tiri Ubax C/risaaq Xaaji Xuseen oo goobta aaska ka hadashay.

Sidoo kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa xubnihii maydka kasoo raacay dalka Mareykanka ayaa sheegay in marxuum C/risaaq uu ahaa ra’iisul wasaarihii runta ahaa ee Soomaaliya soo mara, isagoo u mahad-celiyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay sugayeen ammaanka intii aasku socday.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo aaska ka hadlay ayaa isna sheegay in marxuum C/risaaq uu ahaa mas’uul dadaal u weyn u soo galay Soomaaliya, wuxuuna ahaa mas’uul taariikh weyn kaga tahay Soomaaliya.

“Maanta waa maalin tacsi ah oo aan u duceynayno Allena uga baryayo in marxuum C/risaaq uu jannadiisii ka waraabiyo, aaskiisa wuxuu isku keenay dad badan oo aan qaarkood dalka imaan muddo 20-sano ka badan,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo sii hadlay ayaa sheegay in tusaale laga dhigto howshii uu dalka u soo qabtay marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen, isagoo xusay in Soomaalidu ay ka tashato sidii dalka loo mideyn lahaa loona sugi lahaa ammaankiisa.

Mas’uuliyiintii ka qayb-galay aaska marxuumka ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) madaxweyanaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, hoggaamiyaha Jubba, Sh. Axmed Madoobe, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale oo fara badan.

Sunday, February 2, 2014

Sadexdii madaxweyne Ee ‪#‎Khaatumo‬ state oo markii ay iska xaadiriyeen Caasimada puntland ee ‪#‎Garowe‬.

                                                                               






Sadexdii madaxweyne Ee ‪#‎Khaatumo‬ state oo markii ay iska xaadiriyeen Caasimada puntland ee ‪#‎Garowe‬.

Ayaa Dowlada Puntland u kala magacowday sadex wasiir oo kala ah.

1: Wasiirka Arimaha gudaha iyo dolwladaha hoose, ‪#‎Karaash‬....
2: Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka bada, ‪#‎Biindhe‬.
3: Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, ‪#‎Indha‬ ‪#‎sheel‬.

Mar Wasiirada makaroofanka lala raacay oo la weydiiyay waxa ay hada Khaatumo ka Aamin sanyihiin waxa ay dhaheen Qofkii magaca Khaatumo laga maqlaa saacadan laga bilaabo waa in Carabka la jaraa. Dalka iyo dadku waa puntland, Viva ‪#‎Puntland‬.

State of the Union 2014 Address: President Obama's FULL SOTU

Me wonders.........who wrote up that stuff on the teleprompter?
 
 

Sunday, January 19, 2014

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay'adda (Bureau for Somalian People's Development) Iyo Hayadda Eey Wadda Shageeyaan...(Badbado Instition Central Of Diaspora).....

                                          



Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay'adda (Bureau for Somalian People's Development) Iyo Hayadda Eey Wadda Shageeyaan...(Badbado Instition Central Of Diaspora).....
waxay tahniyad, hanbalyo iyo bogaadinba u direysaa maamulka Jubbaland oo maalinta berito ay tahay caleemo saarkiisa. Hanbalyo ayaan leeyahay dhammaan mas'uuliyiinta maamulka, ciidamada kala duwan iyo shicibka reer Jubbalandba. Allaha maamulkiina ka yeelo kii hanaqaada oo sameeya horumar wanaagsan inshaa'allaah. Hadda iyo wixii ka danbeeya waxaan idinka sugeynaa in horay loo sii dhaqaaqo oo waxqabad loo jeesto. Ogoow mar walbaa qofku wuxuu gaaraa hadba halka uu isagu ka dhigto hadafka haddii uu Allaah talo saarto isagana is qiimeeyo. Inshaa'allaah guul maamulka Jubba land oo uu odeyga ka yahay madaxweyne Axmed Islaan Madoowe.