﷽✍ #Story
[ Maxaan Ka Naqaan Cuman /Salalah]
Salalah waa magaalo ku taalla koonfurta Cumaan, oo caan ku ah, cimilo roobaad, iyo taariikh diini ah. Magaalada iyo gobolka Dhofar waxay muhiimad weyn ku leeyihiin taariikhda Islaamka.
Sababta oo ah waa meel lagu xasuusto nabiyo iyo dad Alle u dhawaa, kuwaas oo astaan u ah Iimaan, Sabir iyo Hanuun.
Dadka la aaminsan -yahay in lagu aasay Salalah/Cumaan
1. Nabi Ayuub cs:-
Waxaa lagu xasuustaa sabir, dulqaad iyo iimaan adag.
Xilli uu la kulmay xanuun iyo dhibaatooyin.
Oo ay ka tageen. Xaasakiisi.
Waxaa la sheegaa in uu xanuun la liicayay muddo gaaraysay 18sano kaliya intaas waxaa garab taagnaa xaaskiisa .
Ugu dambayn ilaahay ayuu baryay waxaana lagu amray in uu lugtiisa dhulka ku dhufto biyaha ka soo baxana uu ku qubaysto,
Waxa ay culimadu sheegaan in uu noolaa muddo u dhexaysay 100–140 sano .
Waxa uuna ku aasanyahay magaalada " Salalah "
2. Nabi Huud (CS)
Nabi Huud wuxuu uu alle u diray qoomkiisii Caad oo ku noolaa Dhofar. Isaga oo ku caan baxay digniinta iyo toosinta qoomkiisa.
Markii qoomkiisu ay wacdigisa diideen waa kii alle dabaysha ku halaagay, waxa uu aasanyahy Salalah.
3. Nabi ciise awowgiis ayaa sidoo kale ku aasan magaalada Salalah.
Waxaana la sheegaa in qabrigiisu uu yahy Kan ugu dheer aduunka in kasta oo dadka qaarkood ay sheegan in uu ka dheerer yahay qabriga Nabi Aadam cs,
4. Aways alqarani.
Wuxuu ahaa taabici caan ah, oo aan Nabiga ﷺ arkin.
Balse wuxuu ahaa nin aad u daacad ah oo camal wanaagsan sameeya.
Nabiga ﷺ wuxuu ku tilmaamay in ducadiisa ay muhiim tahay.
Waxaana la sheegay inuu ka ducaystay saxaabigii waynaa Cumar ibn Al-Khadhaab (RC).
Salalah waa kayd taariikheed wayn oo tusaale u ah dhaxalka islaamka.
Waana IL ka mid ah ilaha muhiinka ah ee islaamka

No comments:
Post a Comment