#Itoobiya Ku Jirta Xuduudahaaga
Wararka laga helayo wada-hadallada qarsoodiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay Kenya iyo dhinacyo kale, ayaa muujinaya in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay heshiis is afgarad ah la gasho Itoobiya. Tani waxay u ogolaanaysaa Itoobiya inay ku hesho dekedaha Soomaaliya qiimo dhimis lagu sameeyo kastamka/canshuurta, waxayna ku xidhan tahay Itoobiya inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay gooni-goosadka waqooyiga Soomaaliya, kana tanaasusho fikradda ah inay hesho saldhig ciidan❗️
Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah hadda dowladda Soomaaliya ma ku adkeysan doontaa in Itoobiya ay raali gelin rasmi ah ka bixiso xadgudubka ay ku sameysay madax banaanida Soomaaliya mise waxay sii wadi doontaa saxiixa heshiis cusub oo u ogolaanaya Itoobiya in ay dekedaha Soomaaliya uga faa’ideysato arrimo ganacsi‼️
#Waqtiga sheegi doonaa !
No comments:
Post a Comment