Sunday, May 30, 2021

Nin Tuug ah ...Fadlan ha jebin !!




Nin Tuug ah ayaa rabay inuu guri jabsado, wuxuu arkay warqad albaabka ku dhagan oo ku qoran; "Fadlan ha jebin, riix button-kan si uu kuugu furmo."
Button-ki buu riixay, ka dib alarm baa yeeray, Askar Ilaalo ah baa timi isla marki. Marki la xirayay ayuu Tuugi yiri, waa Aduun daacadnimadi ka dhamaatay oo la is wada khiyaamayo!!
Beenaaluhu wuxuu u heystaa in dadka oo dhan beenaale yahay.
Qofka wax khiyaama wuxuu u heystaa dadka oo dhan kuwa wax khiyaama.
Tuuguna sidoo kale...

African History Network Show !!

We are discussing this right now on The African History Network Show. Tues. 8pm-10pm EST, Listen to the show athttp://www.blogtalkradio.com/theafricanhistorynetworkshow/2014/09/18/the-5-us-presidents-who-were-members-of-the-ku-klux-klan or by phone LIVE at (914) 338-1375 or visit www.AfricanHistoryNetwork.com. Call in with your questions at (914) 338-1375.

An is waydiino abaarta ma waxaa naga saaraysa Hay’ada WFP ??





An is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.:
---------------------------------:-
Waxaa magaalada Muqdisho  Safar booqasho ah ku yimid  xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres  safarkiisana waa mid  uu ku marayo wadamada abaaraha ay  ka jiraan ee Qaarada Afrika .  Wadamadaasi  waxaa ugu daran suudaanta koonnfureed iyo Soomaliya oo abaar xun ay ka jito kuwaasi oo isbuucii hore 48 sac  gudohood cuduro abaarta ka dhashay ku dilay in ka badan 110 qof.
Safarka lama filaanka ahaa  ee aan hore loo shaacin ee Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu  wuxuu magaaladda Muqdisho gaar ahaan uu kula  kulmay madaxweyne Farmaajo,  iyo   madaxda Ururada bulshada iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala Soomaaliy. waxaana ay ka wada hadleen  arrimo laxariira abaarta iyo colaada  ay wadaan Xarakada  alshabaab .ee ka dagaalanta geeska Afrika.
Socdaalka  xogayaha guud ee Qaramaha Midoomay ku yimid  muqdisho  ujeedada uu ka leeyahay   ayaa ah in Deeq bixiyaashu  ogaadaan in xaalada soomaaliya tahay mid Qatar ah  oo dad badan u dhimanayaan Gaajo iyo cudurka shubub biyoodka kaasi oo ka dhashay dhibaatada biyo la’aanta iyo kulaylka Jiilaalka iyo abaarta.
Si ay u helaan  $825 milyan ee UN   ka cod sadeen wadamada  deeqda bixiyaasha
Waxay dhibaatada abaarta Haysataa   Dadka soomaaliya kunool  60%  dadkaa oo u badan xoola dhaqato.










Dhibaata waqtigan  adag  ka jirta Qaarada afrika  ayaa waxaa ka amusay oo war bixin fiican oo muuqaal  wadata ka sameyn sidii hore looga bartay sanadihii 2009 2011   saxaafada reer  Galbeedka Gaar  BBC  iyo  CNN  ayagoo iska   indho tiray   xaaladda xun ee waqtiga ka jirta suudaanta koonfureed , soomaaliya Yemen . hase ahaatee waxaa xusid mudan in televisionka Aljazeera uu koox gaar ah oo ka waranta Xaaladda Abaarta Soomaaliya ay u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo waramay durba xaaladda qaxootiga Soomaliyeed eek u nool xerooyin ku yaala Doolow iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayagoo ka waramaya xaalada gobalka Baay oo ka mid ah kuwa ugu daran ee Abaartu ay saamaysay.

Dadka ka Faalooda xaaladaha siyaasadeed Caalamka   ayaa  waxay sheegeen  in  Qaxootiga  badan ee  kusoo qul qulayo wadamada   reer Galbeedka. Gaar ahaan Qaarada yurub sanadkii 2015 ilaa hada.

In  arinkaa  ay aad uga hadleen saxaafada caalamku.
Walina ay ka hadlaan Xaalad Qaxootiga siiriya iyo Ciraaq  ee ku dhibaataysan wadanka Turkiga  Arinkan ayaa Qariyey  dhibaatadii ka jirtay wadamada Faqriga loo yaqaan gaar ahaan xaalada dhibaato ee Qaarada Afrika.
Waddamada  Africa, gaar ahaan Soomaaliya iyo sudaanta koonfureed iyo  itoobiya  waxaa sanadii 2011-ka dhacay abaaro baaxad weyn yeeshay waxaa ku dhinty  Dad lagu qiyaasy 260, 000 sidey sheegeen  hay’ada [WFP] oo ah Barnaamijka QM  u qaabilsan Cuntada Adduunka..
Abaarahaa waqtigaa dhacay  ayaa ka dhashay kaddib markii ay xumaadeen dalagyadii beeraha ka soo go’I  jiray iyo waliba roobabka oo sanadahaa  si  fiican  u da’in.
Hada waxaa laga baqayaa in tiiyoo  kala dhacdo sanadkan dad baden u  dhintaan Gaajo.waa sida  lagu sheegay warbixinta  Ha’ayada [WFP].

Meelaha ama wadamada  abaarta ka jirto ee ugu darani waa koonfurta sudan,  Somalia Yemen,  iyo Libya .
Su’aashan ayaa  isweydiiyay markaa Falaqeynta Qorayey    Maxay tahay sababta 6sano   ka dib  2011  -2017  mar kale u macaluushan yihiin dad gaaraya boqolaal kun ama malaayiin qof oo ku nool  wadamadii hore abaartu uga dhacdey 2011.
Inkastoo ay khubarada reer galbeedka sabab uga dhigayaan roob la’aanta, haddana qaar badan ayaa arintan masuuliyadeeda dusha ka saaray  isla wadamada reer galbeed-ka.
Waxaa shaki weyn laga qabaa wadamada uu ka socdo daggaalada  looga soo hor jeedo kooxaha islamiyiinta waxaa laga soo sheegayaa in maclul dilootey caruurta.
Warbixin ay  dhawaan soo saartey Hay’adda [UNICEF]  waxay ku sheegtay in carruur Gaaraysa 1.4milyan oo ku nool Qaarada afrika  inay u dhimanayaan macluul.

Waxaa kale oo  laga dayrinayaa  Malaayiin  qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Wuqooyi bari Nigeria iyo  Yemen,  waxaana ka jira   cunno yari baahsan oo  ay abaaruhu keenen.
Markaa  colaadda  ka socota Qaarada Afrika iyo wadamada Carabta Qaarkood  Sow lama oran karo waxaa abuuray  wadamada reer Galbeedka  iyagoo si Toos ah u bur buriyey Dawladaha  wadamadaa ka jiray waxayna ku abuureen kooxa iska soo hor jeeda.
Tusaale wadanka sudan waxaa  loo qeybiyey laba wadan   arinkaa waxay keentay  in wadanka  cusub ee reer galbeedku sameeyey si qasab ah  waxaa loo bixiyey magaca  koonfurta sudan dawladnimadoodii waxay keentay in wadankii colaad kabixi waayo
Hada waqtigan la joogo waxaaa ka jirta abaar iyo colaad. waxaa Noloshoodu Qatar ku jirtaa dad gaaraya  270 000    dhibaatada ka jirta  suudaanta koonfureed  yaa abuuray.  Waa su’aal dhibaatada Libiya ka jirta yaa abuura dhibaatada soomaaliya ka jirta ayaa abuuray dhibaatada ka jita yeman yaa abuur.
markaa sow inaan   is waydiino   abaarta ma waxaa naga saaraysa  Hay’ada WFP oo cadaw ku ah inaan wax beerano ama wax keydsano.
Waxaa iska cad abaarta ku timaada Roob yaraanta  waxaa ka xun abaarta ay keentay colaada  Taas oo dadkii oo  dhan ka Qaxisay meelihii ay ku noolaayeen gaar ahaan  dhulka beeraha laga beerto.
Markaa anigu waxaan aamin sanahay Wax la yiraahdo ma jiraan wadamada Deeq bixiyaal ah waxaa jira wadamo   colaad abuura  colaadaa oo isku badasha  abooro  dadka laayaa.
Qaramada Midoobay inkastoo  dusha sare iyo magaca uu huwan tahay lama moodo madal garta adduunka lagu gooyo cadaalad iyo is-kaashi xalaal ahina ka jiro hadana  hadan waxaa siyaasad  iyo dhaqaalaha lagu abuuro colaad  hormuudka  ka ah Dawlada Maraykanka iyo  saxiibadeed.
WQ:  A.Ciid

Mashaariic Laga Fullinayo Soomaaliya !!




                            


 20th April 2017   
---------------------------Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay ineey ku tabarucayaan lacag dhan 330 miliyan oo  Dirham oo u dhiganta $89.9 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa mashariicda horumarineed ee laga hirgellinayo dalka Soomaaliya sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada kalle.
Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi waxeey sheegeen in ujeedada ay tahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhibaatooyin dhaqaale ee heeysta, shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa heer nololeedka dadka.

Waxaa dhab ah haddii lacagaha caalamka ay ku deeqayaan Soomaaliya sideey tahay loogu fulliyo mashaariicdii loogu talagalay ay dhab tahay in wax badan ay isbeddelayaan.
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak wuxuu hadda ka hor xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina wuxuu markii uu Madaxweyne noqday xiray Xusni, wuxuuna magacaabay Cabdifitaax As-siisii, kadibna Siisii wuxuu xiray Mursi wuxuuna xabsiga kasoo daayay Xusni Mubaarak.

Dowladda Iiraan waxay xulufo yihiin Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxaysan is arki karin Ikhwaanul Muslimiin; Iiraan waxay isfahamsanyihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiib yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan.

Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsanyihiin Iiraan, Madaxweyne Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashanyahay Ikhwaanka wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay dagaalsanyihiin Khaliijka oo ay saaxiib yihiin Turkiga, Turkiyana waxay dagaashanyihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin.

Khaliijka waxay isfahamsanyihiin Mareykanka, Mareykankana wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykanka, Mareykankana waxay dagaashanyihiin Ruushka, Ruushkana waxay saaxiib yihiin Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsanyahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka.

Soomaaliya waxay cadawtooyo kala dhexeysay Itoobiya, Itoobiyana waxaysan is arki karin oo ay argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiya waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay Sargaal ONLF ka tirsan u gacan-gelisay Itoobiya waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiyana waxay dhowaan la saaxiibtay ONLF oo hadda Liiska argagixisada ugu jira Soomaaliya.

Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa wareysi laga qaaday Haweeney Ruushka u dhalatay oo ku caan-baxday in ay jirkeeda-ka-ganacsato oo mar uu wariyuhu weydiiyay sababta ay siyaasadda u geli la'dahay ku jawaabtay "Siyaasaddu waa wax qurun ah, been, musuq iyo iska-daba-wareeg ah, sidaas darteed ma rabo in aan siyaasi noqdo oo aan sumcaddeyda ku ciyaaro!!"

Hadde ogoow qofta ka cabsaneyso in ay siyaasaddu sumcadda uga ciyaarto waa haweenay jirkeeda-ka-ganacsato!! 

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hussain Sabrie

Wednesday, May 12, 2021

Akhlaaq Wanaaga iyo fadliga ay leedahay:

[Badbaado Online] Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay:

Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay:
Allaah ayaa mahad mudan, naxariis iyo nabad gelyo rasuulka korkiisa ha ahaato
Waxaan walaalahayga Golaha welisoor.com usoo gudbinayaa hadal kooban oo kusaabsan akhlaaqda wanaagsan iyo fadligeeda.
Waxaan shaki ku jirin ahmiyada ay leedahay akhlaaqda wanaaagsani iyo heerka ay ka taagantahay diinteeena islaamka.
Hadaba in taynaaan ka hadlin wanaaaga ay leedahay iyo qiimaheeeda, waa maxay akhlaaaq wanaagu ?
Culimada islaaamku waxay u qeeexeen akhlaaqda wanaagsan qaabab kala duwan, markaa waxaynu ka doooran kuwa ugu balaadhan ee ugu faahfaahsan

1- waxay ku fasireeen culimada qaaarkoood in akhlaaqda wanaagsani tahay:
Samafalka oo lala yimaado, dhibta oo lala joogsado, dhibta oo loo dulqaato:
Waxa hadalkaa macnihiisu yahay akhlaaqda wanaagsani waxay kusoo urur santahay in lagaa helo sedex arin, oo kala ah:
1- in aad dadla u sama fasho oo aad wanaaga u gasho.
2- In aad dhibtaada dadka ka haysato oo aanad dadka dhibin, af iyo adinba.
3- In aad u dulqaadato dhibta dadka kaa soo gaadhaysa.

2- waxay culimada qaarkooodna ku fasireen akhlaaqda wanaag san in ay tahay:
In aad xidhiidhiso cidii ku jarta, oo aad wax siisi cidii ku siin wayda, oo aad saamaxdo cidii kugu gardaroota.
4- waxay yidhaahdeen culimada qaarkood: akhlaaqda wanagsani waxay ku taagan tahay shan tiir, oo la, aantood ayna ku suuro gela hayn, waxayn kala yihiin:
1- adkaysiga amaba sabirka .2- dhawrsoonaanta. 3- geesinimada. 4- garsooorka ama cadaalada.

Waa maxay fadaaisha iyo wanaaga akhlaada wanaagsani ku leedahay diinteena ?
Akhlaaqda wanaagsani waxay leedahay wanaagyo badan oo qofku ku helaayo if iyo aakhiroba.
Akhlaaqda wanaag san qiime heedu aad ayuu u sareeyaa xaga diinteena suuban,
Hadaba sikooban ayaynu u sheegaynaa fadaaisha akhlaaqda wanagsan :
1- ugu horayntii akhlaaq wanaagu waa fulin iyo ku dhaqanka islaamka, waayo ilaahay ayaa ina faray akhlaaqda suuban, sida ilaahay yidhi :
(خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن الجاهلين)( الأعراف، 199)
Aayada ilaahay wuxu ku ururiyay akhlaaqda wanaag san oo uu ina farayna in laynaga helo.
2- akhlaaq wanaagu waa adeecitaan la adeecayo rasuulka , rasuulkeena -amaanta allaah iyo nabad gelyadiisu hakor ahaatee- ayaa ina farar akhlaaqda wanaag san, sida ku sugan inu yidhi :
(وخالق الناس بخلق حسن ) أخرجه أحمد والترمذي.
Wuxuuna ina faraya rasuulku in aynu dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqano.

3- akhlaaq wanaagu waa ku dayasho lagu dayano rasuulkeena suuban, waxa rasuulku uu ahaa dadka ka ugu akhlaaq wanaagsna, cid la hiigsadona waxaa ugu sharaf badan rasuulkeena- korkiisa amaanta alle iyo nabad gelyo ha ahaatee.

4- akhlaaq wanaagu waxa u keenaa in qofka kor alle u qaado darajadiisa, sida rasuulku yidhi: ( إن العبد ليبلغ بحسن خلقه درجة الصائم القائم) أخرجه أبو داود
Waxa xadiisa macnihiisu yahay; adoonku akhlaaqda wanaagsan waxa uu ku gaadhaa darajada qafka sooman ee tukanaaya habeenkii.

5- aklaaqda wanagsan waxaa lagu galaa janada, waxaa rasuulkeenu yidhi :
(وأعظم ما يدخل الناس الجنة تقوى الله، وحسن الخلق) أخرجه الترمذي وغيره.
Waxa macnaha xadiisku yahay, waxa ugu wayn ee janada lagu gala cabsida allaah iyo akhlaaq wanaaga.

5- akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka maalinta yawmal qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay:
(إن من أقربكم مني مجلسا يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا )
Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan agtayda malinta dambe ku wiina ugu akhlaaq wanaag san.

6- akhlaaqda wanaag sani waxay cuslaysaa miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida rasuulku sheegay,
( ما من شيئ أثقل في الميزان يوم القيامة من حسن الخلق) أخرجه أحمد.
7- akhlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa cumriga, waxayna camirtaa daaraha, sida ku
sugan xadiiskan : ( حسن الخلق وحسن الجوار يعمران الديار، ويزيدان في الأعمار) رواه أحمد

8- akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.
9- akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay asturtaa.
10- akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.
Fadaaisha akhlaaq wanaag wax la koobi karo ma ah,
Akhlaaqda wanaag san fadaaishiisu way badantahay, wax lakoobi karona maha,

Waxaa haboon in la is waydiiyo akhlaaqda wanaag matahay wax la kasban karo mise waa aabuur ?
Dad badan ayaa aamisan in akhlaaqda wanaag sani abuur tahay oo aan la kasban Karin, taasina waa fikrad aan sax ahayn, way jirtaa in akhlaaq wanaaagu abuur u yahay dadka qaarkoood, hadana waa wax la kasban karo oo laysku beeri karo, sidaaa darteed ayay ilaahay faray in lagu dhaqmo oo rasuulku faray, wax aan suurto gelayna la isma faro,
Markaa ku dadaal akhlaaqda wanaag san waad heliin oo waad ku tilmaamnaane.

Maxaa lagu helaa akhlaaqda wanaagsan hadaba?
Waxaa akhlaaqda wanaag san lagu helaa arrimo badan, oo ay ka mid yihiin:
1- baryada rabbi, ilaahay in laga baryo akhlaaqda wanaag san, ilaahayna wu kaa ajiibayaa.
2- in nafta lagu la dadaalo akhlaaqda wanaangsan iyo ku dhaqan keeda.
3- in lala xisaabtamo nafta, oo xadhiga loo siii day nee lagu soo dabaalo akhlaaqda wanaag san, taxuna lagala xisaabtamo.
4- in loo fiirsada midhaha wanaag san ee laga gaadhaayo akhlaaqad wanaagsan ee ay leeedahay.
5- in loo fiirsado dhibta iyo cawaaqib xumada akhlaada wanaagsan.
6- in naftada laga saaro aragtida ah in aan akhlaaqdu is bedalin.
7- in doonida qofku sarayso oo arrimaha sare uu hiigsado .
8- in dadka diinta toosan iyo akhlaaqdaba lala saaxiibo.
9- cilmiga sharciga ah in labaroto.
10- in dadka akhlaaqda iyo diin xun laga dheeraado.

Muuqaalada akhlaada wanaagsan ay leedahay:
Waxaa kamida muuqaalada akhlaada wanaag san ay leedahay arimahan soo socda:
1- adkaysiga ama sabirka, sabirku wuxu keenaa in dhibta loo dulqaato oo aan la aar goosan.
2- dhawr soo naanta, oo macnaheedu yahay in nafta laga dheereeyo waxii xun ee xumaan keenaya hadal iyo falba.
3- geesinimada, waxay nagta ku beerta in wanaag lagu dhiirado, xumaantana ladiido.
4- cadalada ama garsoorka, waxay keenaysa in qofka arrimihiisu dhexdhexaad noqdaan, oo iska ilaali xad gudubka iyo gabood falkaba.
5- dulqaadka.
6- in laga jeesto dadka aqoon laa wayaasha ah, oo aan la dhex gelin wax ay ku dhex jiraan.
7- cafiska iyo saamaxaada.
8- deeqsinamada.
9- sama falka.
10- cadhada in laga dheeraado oo aan lafulin.
11- muranka in laga dheeraado.
12- debecsanaanta
13- runta
14- beenta in laga fogaado.
15- tawaaduca ama dadka in aan layska waynaysiin.
16- in laga dheeraado dadka in la caayo ama la af lagaadeeyo.
17- xishooda.
18- furfurnaanta, weji furnanta.
19- salaanta oo la faafiyo.
20- dibta in aad dadka ka haysato
Ugu dambayn; akhlaaq wanaagu waa waxyaaba loo baahanay in layna ga helo, si aynu ugu toosnano diinteena oo dadka kele ee aan islaamka ahayna inoogu soo hirtaaan,
Qofkasta waa in uu naftiis dib ugu noqdo oo akhlaaqda wanaagsan kusoo dabaalo,
Bulshada waxaa ku dhex faafay akhlaaq xumo, waa in lagu bedelo akhlaaq wanaag
Ilaahay akhlaaq deeena ha wanaajiyo

​ ​
  Xigasho:- Abdirashid Eid Osman " Shideelo "