Monday, April 26, 2021

Ragg iyo dumar dambigu ma kala laha...!

 

                                


Ragga iyo dumar dambigu ma kala laha...! 

Bismmilaah.. Waxaan ognhay in dal walbaa leeyahay caadooyin iyo dhaqamo u gaara.caadooyinkaa iyo dhaqamadaa qaar ka mida waxaa lagu dhex daraa diinta dadka qaarkoodna waxayba moodaan in dhaqamada qaar diinta ka soo jeedaan qaar kalena way ogyhiin hase yeeshee waxaa hal hays u noqday maxaan sameynaa wuxuu noqday qayb nolosheena ka mida saan isaga goynana way adagtahay. 


Dhaqanku wuxuu noqon karaa mid wanaagsan diintana ka hor imaanayn wuxuu kaloo noqon karaa mid aan wanaagsanayn. hadaba hadeey sidaa tahay soo ma wanaagsana in dhaqanka diinta lagu xoojiyo kiisa wanaagsana la qaato kiisa xuna la tuuro iyadoon la oranayn waxaan ka soo gaarnay awoowayaal.awoowayaashu hadeey qaldanaayeen maxaad ugu raacaysaa maad saxdid qaladkoodii intaad indho la'aan kadaba qaadanayso, dhaqanka qaarkii wuxuu sababay dulmi, dhaqanka qaarkii wuxuu sababay xaqiraad ,dhaqanka qaarkii wuxuu sababay in maahmaahyo loo soo qaato daliil sidii inay maahmaahyadu yihiin kitaabkii iyo sunadii.Dhaqan baan u lahayn ama u leenahay lagu soo koobo warkii.wax kadaba hadli karaana majiro siduu yahay u qaado hadii kale falaago dhaqankii la leexdaa tahay. 


Diinteena islaamku waa diin cadaalad ku dhisan dhan walba waa diin siisay qof walba xuquuq waajibaadna saartay. waa diin aan ogolayn in xumaan loo gaysto . gaal iyo muslim toona waa diin kasoo horjeeda xadgudubka noocuu doono ha ahaadee. waa diin halku dhageedu yahay 


لا ضرر ولا ضرار 


Waa diin aan kala sareysiin ragg iyo dumar waa diin sinaaneed marka laga soo tago meelaha qaar taasina waa xikmad ee maaha inay kala fadli badan yihiin.hadaba ma oran karnaa hadii aan aragno qaladaad ka dhacay qaar ka mida bulshada islaamkaa sidaa qaba? waa maya jawaabtu. Islaamkuna bari ayuu ka yahay xumaanta muslimiinta qaarkood sameeyaan, hadaad maqasho reer galbeedkoo intaa ku digriya dumarkii baa la gumeystay wax jira maaha waana been qaawan geedna loogu soo ganban marka loo eego Cadaalada diinteena iyo xaqeey siisay dumarka markase dhaqankeena la eego waa wax jira marar badana dhaca.marka saas la leeyahay macnaheedu maaha reer galbeedkii ayaa run sheegay ama warkoodii ayaa la rumeystay waxaanse sheegayaa in waxa dulmiyay qaar ka midda bulshada uu yahay dhaqan diin loo ekeysiiyay. Dhaqankaasoo si ka weyn sida diinta loo hirgeliyo loona weyneeeyo dastuurna laga dhigtay 


Diinteenu makala sareysiin nin zineystay iyo naag zineysatay, mana oran isagu waa nine maxaa ka micno ah ma ceeb baa raacaysa! iyaduse waa naag way ceeboowday. soo wax lala yaabo maaha in xumaanta intaa le,eg lagu soo koobo ceeb baa raacday! Yaa yirise isagu ma ceeboobin Yaa yiri ninku uma baahna sharaf iyo dhowrsanaan ama in ka yar inteey u baahantahay gabadhuu u baahan yahay dhaqankee oranaya ma kan aan inagu sameysanaa mise waa mid kitaab ku yaal? Waa dhaqankeena kan yiri ninku xishood uma baahna wuxuu rabo haku hadlo waa nine muxuu ka xishoonayaa ma naag baa! xishoodku sooma ahayn kii la yiri khayr maahee wax kale ma keeno mise waa mid kale ?waa kee qofka oran kara zaani ayaa zaaniyad wax dheer? Gabar iyo wiil hadaay khaldamaan oo khamri bartaan, clubs galaan, macsi galaan iwm danbiga dhan gabadhaa leh wiilku waa ceeb ka saliim. waa dhaqankeena kan yiri Maya isku mid maaha waa dhaqankeena kan ka dhigay midna inuu soo dumiyay Cirkii midna yiri wuu qaldamee maxaa ka micno ah 


iyadau Malaha ma qaldamin kasbeey u sameysay miyaa micnuhu?! Ma is waydiinaa markaan leenahay waa nine maxaa ka micno ah dhibka ka dhalan kara? taas macnaheedu soo ma noqon karto waxaad rabto walaaq ninbaa tahee maxaa ka halaabaya waa caadiye.,soo dulmi iyo xaqdaro maaha in 2 zaani la kala fadilo taas waxaa ka sii daran in aan Towbadii xitaa laga aqbalin gabadha mar qaldantaa waligeedna la daba socdo aduunkii lagu ciririyo iyadoo Allah swt ka toobad aqbalo cidii u toobad keenta danbi dhaaf iyo xasanaadna ugu badalo, shirkiga oo ugu weyn danbiyada la galo ayuu Allah swt dhaafaa hadii laga soo laabto Toobad nasuuxa ahna lala yimaado. maxaad u maleyn wixii ka sokeeyayna. ilaahoow adaan bini' aadam towbad noogu dhiibin saa nagama aqbaleene hadaan 100 jeer dhahno waan ka soo laabtay danbigii naxariis badanaa Rabigeen, waa isku cuquubo xagiisa 2danbiile marna jinsigeey yihin laguma kala soocin waa inaga waxaa kala soocay kala fadilay. Midba xeer u gaara u dejiyay 


Waxaa taa kasii daran ninkaa suuqa ku jiray ee la wada yaqaanay waxaa loo doonaa gabar cafiifad ah(dhowrsoon) markuu guur damco waayo waa nin dee ma feer jabtay isaga mise waxbaa gaaray wuu yar qaldamee Feerta jabtaa la kabi karaa laakiin sumcad jabtay waa adag tahay sida loo kabaa. dhibkoo dhamina waa foolxumadii Zinada oo lagu soo koobay xubin!! Zinadu waxay xaaraan ku tahay maaha uur iyo gabadh baa gabarnimadeedii wayday kaliya ee waa foolxumadeeda darteed. waana isku danbi labada foolxumada wada gashay hadii aan la ogaanse isaga soo ilaahay ma oga ma ilaahay baa laga dhuuman karaa inaa zaani tahay wuu ku arkaaye hadaadan ka toobad keenin. Markaan leeyahay lama simin 2 qaldantay macnaheedu maaha gabadhuna waxay doonto ha walaaqdo oo suuqa ha gasho laakiin waxaan ka hadlayaa markeey wada qaldamaan bini' aadam baa nahay macsuum ma nihin danbi walbaa naga dhici kara inaan lakala sokeysiin 2 danbiile iyo 2 wada qaldantay. hadaan faaxishada weyninkeeda xooga saari lahayn ma eegneen kaliya waa nin ama waa naag laakiin waxaan eegi lahayn xumaanta camalkaa la sameeyay intuu le'egahay.

WQ:Abdirashid Eid Osman 

Friday, April 23, 2021

Sir:Ali Mohammed Ghedi

 

                               

  ِبِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم

                             


Sir:Ali Mohammed Ghedi.

★ ★good Old Man said Winston Churchill " The only guide to a man is his conscience; the only shield to his memory is the rectitude and sincerity of his actions"★★

Sir:Ali Mohammed Ghedi neck to head for his political future.  Mr. Ghedi you have succeeded in winning the hearts of all Somalis. You have saved the Somali state 2004 to 2007.

 You have shown that somaliness is greater than tribalism. 

You have understood what you think anothers the do not know.

As Respectful and loving greetings.

  [Safety Consulting Bureau] 

Sir:Ali Mohammed Ghedi You are hero of the year will recognize.

 If an election had been held today, we would have given you a vote and you still deserve to lead the country!

 Best Regards

 Founder / CEO

 Abdirashid Eid Osman


Wednesday, April 21, 2021

Yaa Noo Sheegaya Fashilka

 

              


  Yaa  Noo Sheegaya Fashilka Labadda Kooxood Ee Ku Hardamaya Masiirka Somalia [ FRS ] ?

  Abdi Ulusso - Xigasho 


 XOOGGAGA SADDEXAAD iyo Slogan-ka Ay Xambaarsan Yihiin In La Gaarsiiyo Ummadda Soomaaliyeed Ee Dal Iyo Dibad. 



Runti, waxaan Farmaajo ku ammaana wixi xumaan ah ee SOOMAALIYA la haray ayuu Dibedda soo dhigay asagoo si aad iyo u fool xun u isticmaalay. Farmaajo, wuxuu banaanka soo dhigay waxa ka qaldan maamul gobolleedya asoo ku daneysanaayo ayuu abuuray KOONFUR-GALBEED, Gal-mudug iyo Hirshabelle. Farmaajo, wuxuu isticmaalay Qabiil asoo ka dhigaaya hay'adaha dawladda Xero Qabiil meel walbo aad eegtid rayid ama CIIDAN. Farmaajo, wuxuu isticmaalay eex iyo nin jecleysi asoo reer walbo kan ugu xun ka soo qaadanaayo. Xitta, reerka uu ka dhashay ee Mareexaan wuxuu soo uruursaday kuwa ugu liido oo reeraha kale wax Xirriir ah aan la lahayn si ay wax ula qabsadaan. Farmaajo, wuxuu diiday in la dhameystiro dastuurka oo aan laga bixin jahawareerka, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO MAXKAMAD dastuuri ah ee wixi khilaaf oo dhanka sharciga ah lagu kala baxo. Farmaajo, wuxuu diiday in SOOMAALIYA ay YEELATO XISBIYO iyo shuruucdi lagu maamuli lahaay si dalka DOORASHO u aado oo looga baxo 4.5 iyo Qabiil. Farmaajo, wuxuu soo uruursaday dad aan aqoon iyo waayo-aragnimo u lahayn xilalka ay dalka u hayaan si loo bur-buriyo hay'adaha dawladda. Farmaajo, wuxuu ka hor istaagay xilalka dawladda in ay qabtaan wixii aqoon iyo waayo-aragnimo u lahaa maamul dawladeed ee ehel u noqon lahaa. Haddaba, waxaan qabaa in Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh jidkaan ku socdeen laakin Farmaajo Bannaanka soo dhigay waxa cadawga SOOMAALIYA ay ka damacsan yihiin Arrimaha dalka oo ah in ayna marna haggaagin lagana bixin xaallada lagu jiro. Su'aal? War, SAAN dan maa ugu jirto SOOMAALIYA in afarti sanno kii yimaado waxba qabanin. Waxaa, soo XASSUUSTAY sheeko ku dhacday nin soo codsaday in uu noqdo Hippie. Waxaa, loo soo dhigay cunno marki uu cunay ayuu ku xaaray waana iska tirtiray xaarki. Waxaa, lagu yiri, "Waa ku dhacday imtixaanka oo Hippie xaarka iska ma tirtiro". Marka, Sheikh Sharif iyo Xasan Sheikh inkasto ay rabeen waa ku dhaceen imtixaanki bur-burinta SOOMAALIYA iyo hay'daheeda dastuuriga ahaa. Laakin, waxaa moodaa in Farmaajo ku guuleysan rabo haddii waqti loogu daraayo ku guuleysan doono halkaana ay ugu dambeyn doonto wax la yiraahdo SOOMAALIYA.

Friday, April 16, 2021

"We have choice "


     


                    

 Qorshaha dowladaha galbeedka xal baan aragnna "We have choice "

 Xigasho:- Cabdulqaadir Cariif Qaasim "Allbanadir"

Haddaba maxaa xal ah?


Xudunta siyaasadda cakiran ee doorashooyinka waa cidda maamuli doonto. Si dooraashooyinka looga madaxbanaaneyo gacmaha muxaafidka iyo mucaaradka isku heysta, xalku waxuu ku jiraa in Farmaajo dib u fidiyo gogosha wadahadalka isagoo wato shuruudda ah in doorashooyinka ay maamusho Guddiga Xaliima Yarey; amniga doorashadana uu maamulo Ra’iisulwasaare Rooble. Halkaasna uu ku soo afjarmo fara isku fiiqa siyaasiyiinta, faragelinta nacabka iyo faduusha reer galbeedka.

Best Regards 

Abdirashid Eid Osman 


 

Sunday, April 11, 2021

Biloowgii Puntland[ 1998 - 2021/4/10 ]

                      


AMB Bashir M Cali Yare

Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay?


Afeef   : Qormadan aan uga hadlayno Puntland u Jeedkii loo dhisay miyay ku socotaa Mise way ka weecatay? Waxaan uga hadlayno waa kaliya dowladihii soo maray puntland ee maahan  dhaliil loo soo jeedinaayo shacabka xalaasha ah ee puntland .


Sanadkii 1997 markii la isku fahmi waayay shirkii dib u hishiisiinta ee  magaalada Qahira dalka masar  ee u dhaxeeyay  hogaamiyaasha Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxay shirkaasi oo ka biyo diiday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoona dalka dib ugu soo laabtay  magaalada Qardho ayaa waxaa kulan ku yeeshay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada waqooyi bari ee Soomaaliya waxaana la isku afgartay in shir balaaran lagu qabto magaalada Garoowe si looga tashadu masiirka deegaanka.

1998 ayaa waxaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii lagu dhisay dowlada Puntland waxaana ka soo qayb galay ergo ka socotay gobolada kala ah ,Nugaal ,Bari, Mudug, Sool iyo sanaag waxaana lagu doortay madaxwaynihii ugu horeeyay ee Puntland Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed .

ujeedka ugu waynaa ee Puntland loo dhisayna waxaa uu ahaa in Nabad galyo iyo amni lagu soo dabaalo gayiga Puntland isla markaana maamulkaasi cusubi oo horseed u noqdo sidii loo raadin lahaa Soomaaliwayn dowladnimadeeda maadama gobolada koofureed ee dalka xiligaasi dagaalo aad u qaraar ay ka socdeen halka kuwa waqooyina horay 1991dii ay ku dhawaaqeen in ay gooni uga istaageen Soomaaliya inteeda kale .


Dowladii Puntland ee uu markaas hogaanka u hayay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo celin lahaa dowladnimadii Soomaaliya .


Ugu danbayn ilaahay waxaa uu ku guuleyay shirkii Magaalada Mbeghati ee dalka Kenya in uu noqday madaxwaynaha Soomaaliya  Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed isagoo garabsanaya cududa ciidan  iyo awooda dhaqaale  puntland la garab taagnayd  isagoona  ku guulasystay in uu dowladii geeyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya dhibaato dheer oo arintasi laga soo maray ka dib .


Puntland waxaa 6 bilood KMG ah madaxwayne noqday madaxwayne ku xigaynkii xiligaasi Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi arintaasi oo ku qotonta dastuurka puntland .


Ka dib waxaa doorasho ku tartarmay Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse ) Cabdirixmaan Faroole waxaana ku guulaystay Gen Boqor Cadde Muuse ilaah ha u naxariistee .


Maamulkii Madaxwayne Cadde Muuse iyo Dowladii Kumeel gaarka ahayd calaaqaad aad u wanaagsan baa ka dhexeeyay  arimaha gudaha puntlandna maadaama dhaqaale ahaan ay kabaysay dowlada dhexe, puntland dhaqaaleheedu waa liitay laakiin xiriirka u dhexeeyay shacabka xalaasha ah ee puntland aad buu u wanaagsanaa ,waxaana ku sifayn karnaa madaxwayne cadde in uu ahaa nin nabadoon ah nabada aad u jecel .

8 Jan 2009 ayaa xukunka waxaa la wareegay oo la doortay Cabdirxman Sheekh Maxamed Faroole oo isna hagaajiyay dhaqanka dowladnimo, laakiin puntland baa waxay noqotay meel ay qoys xukumaan waxaana bilowday in shacabka walaalaha ahaa uu shaki soo kala dhex galo ,calaaqaaddkii ay puntland lalahydna dowlada federalka KMG ah ee uu hogaamiyay Shariif sheikh Axmed  waxayna ay mar gaartay xaalku in ay puntland tiraahdo xiriirkii in ay u jartay dowlada dhexe .


Doorashadii dhacday 2014kii waxaa lagu doortay Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo mar sidoo kale Raisul wasaare ka soo noqoday dowladii KMG , isna arimihii gudaha ee puntland wax waxayn oo la taaban karo oo uu ka qabtay ma jirto ,kaliya waxaa uu dhamaystiray mashaariicdii ka horaysay isaga sida dhamaystirka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso iyo Garoonka Maxmed Abshir ee magaalada Garoowe , xiriirkii uu oo la lahaa dowlada dhexe ma aysan ahayn mid wanaagsan .


Madaxwayne Cabdiwali Gaas  Waxaa uu Masuul ka ahaa in uu dekadii magaalada Boosaaso oo ahayd isha dhaqaale ee Puntland dhaqaalaha ay ka hesho in uu ku wareejiyo shirkada DP world ee isutaga imaaraadka carabta  isagoo eegaya dan khaas ah , arintaasna waxaa ka hor yimid baarlamanka Puntland taas oo sababtay in  golahihiisii wasaardu in ay dhacaan .


Ka dib arintaasi Madaxwayne Cabdiwali Gaas waxaa uu dhisay dowlad cusub baarlamaankiina waxaa la siiyay lacag fara badan si ay u ansixiyaan  hishiiskii DP world lala galay iyagoona bishii July 2017 ay cod aqlabiyad ah ku  ansixiyeen hishiiskaas iyagoo aanan  akhrin wixii ku qornaa hishiiska  sida ay xildhibaanada qaar ay warbaahinta u sheegeen .


8 Jan 2019  waxaa doorashadii ka dhacday Puntland waxaa  ku guulaystay Madaxwaynaha haatan talada haya Mudane Saciid Cabdullahi Deni  iyadoona ay shacabka xalaasha ah ee Puntland gudahaha iyo dibadaba ay rajayayeen in waacusub u baryay laakiinse arintu waxay noqotay ka dar oo dib dhal.


Madaxwayne Deni Markii uu xukunka yimid waxaa uu la kowsaday dhowr arimood oo ay ugu wayn tahay  iyadoo 2  sano aan waxba laga qaban dekada boosaso ee DP world  horaan xukuumadii isaga ka horaysay ay hishiiska ugala gashay ayaa markii uu madaxwayne deni yimidna waxaa  ku wareejiyay DP world garoonkii diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyo macdan barista  degmada caloola .

Arimaha kale  mudada kooban ee uu xilka hayay madaxwayne deni waxaa ka mid ah.

1- Dhacdadii ka dhacday xarunta baarlamka oo ahayd   su’aalo  la waydiiinayay madaxwaynaha oo uu qaar ka mid ah dhibsaday isagoona u hanjbay xildhibaankii suaasha waydiiyay kana baxay xarunta baarlanka .

2- Weerarkii lagu soo qaaday xarunta baarlamka Puntland oo ay dadi ku dhinteen iyo xilka qaadistii Guudoomiyihii Baarlaanka dhuubo daareed .

3- Xilka qaadis lagu sameeyay 8 xildhibaan oo ka tirsanaa  baarlamaanka Puntlad sababo la xiriira fikirkooda .


Arimahaasi kor ku xusan waxay ku tusinaysaa in ay isku mil-meel haayadii dowlada sida , sharci dajinta ,fulinta ,garsoorka  intaba taas oo ah habdhaqanka lagu yaqaan kaligii talisnimada.


Waxaa puntland dhaqan ka noqotay in aan loo sinayn scholarship-ka deeqaha wax barasho ee dibada laga helo ,shaqooyinka ay bixiyaan haadayaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala puntland  ,waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee aan sida cadaalada ah lagu qaybsan puntland qorista ciidamada amaanka arimahaas aan soo sheegnay oo shacabka ku riday niyad jab iyo kalsooni daro .


Puntland maanta halka ay ka taagan tahay Soomaaliya maahan meeshii laga rabay in ay ka taagnaato mudu dheer baa waxaa la oran jiray Puntland waa hooyada federaalka  iyadoona aan ognahay in  Madaxwaynayaashii ugu horeeyay ee Puntland sida Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi iyo Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Cade Muuse ay tusaale lagu daydo u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed.


Ugu danbayn xaalku halkaasi marka uu marayo madaxwayne dowlada federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa laga doonayaa in uu kala garto maamul iyo shacab , shacabka xalaasha ah ee puntland waxay doonayaan dowladnimo  ma ahayn wax ay xaq u lahaayeen in looga hor istaago sabab la xiriira xiriirka dowlada puntland iyo dowlada federaalka ah oo aan isku wanaagsan.


Wa bilaahi towfiiq 


AMB Bashir M Cali Yare