Wednesday, October 23, 2019
Saanna Waa Dhacdda !!!
﷽ ------★ ★ ★ ★Saan qaali ah dhamaan asxaabta qiimaha badan kusoo dhowaada hordhaca qisadii aan dhawaan aan Ogaaday Saanna Waa Dhacdda !!!
#Cidna Uma Maqana Degmada "Qandala"
#Ceelna Uma Qodna
Labo Wasiiro Oo ka mid ah Somalia Federal Republic ayaa 2 week ka hor furay labo xafiis Degmoyinkii laga so doortay.
2 daa- Wasiirood Ee Reer PuntLand Wasiir Sadiiq Warfaa &Wasiir Jamaal Maxamed Xasan
Waxaa Ogaaday in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada
Mashruucan wuxuu gaaraya dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo."
tallaabooyinkaas Oo horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la'aanta.
$15,853,857 Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka,iyadoo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, uu caddeeyay inay ka go'antahay in la dhimo shaqo la'aanta iyo faqriga
Aaway Ama Meeh - Wasiiru-Dowlaha W.Maaliyada Mudane Maxamuud_Xayir??
Jahwareerka Aan Dhamaadka Laheyn
WAA DAMIIR XUMO JAHWAREERINTA SIYAASADEED EE SHACABKA LAGU HAAYO( UNETHICAL)
Dowladda Mareeykanka waxay dalka Soomaaliya u soo magacaawday Amb. Donald Yamamoto oo mar soo noqday Wasiir ku xigeenka arimaha Dibada ee dhanka Africa. Amb. Yamamoto, wuxuu ka mid yahay qabiiradda uu dalka Mareeykanka uu leeyahay, magacaabistiisa dalka Soomaaliya ma ahayn mid ku timid sahal. Dowladda Mareeykanka waxay si rasmi ah Soomaaliya ugu furatay safarad tasoo meesha ka saartay In mar dambe Soomaaliya laga maamulo safarada Nairobi, Kenya.
Amb.Kyle McCarter, waa safiirka Mareeykanka ee Kenya, hadana ah political appointee, ma aha career diplomatic sida Amb. Yamamoto, wuxuu ka yimid dhanka gacansiga, taas awgeed arimaha siyaasadda Geeska Africa ee dhanka Dowladda Mareeykanka waxaa samayn ku leh Amb. Soomaaliya oo ah Amb. Yamamoto.
Africa, waxay u qaybsan tahay Great Horn of Africa iyo Great Lakes of Africa, Soomaaliya waxay ku jirtaa Dowladaha Geeska Africa, Kenyana waxay ku jirtaa Dowladaha Great Lakes, taasi waxaan ka wadaa, arimaha siyaasadda Soomaaliya waxay hoos yimaadaan Amb Yamamoto.
Amb. McCater wuxuu ka hadlay Dhanka amaanka iyo ganacsiga doorka ay ku leeyihiin wada hadalka, lakiin muranka Kenya iyo Soomaaliya, waa mid hor-taalo Maxkamadda Aduunka, taas awgeed Dowladda Mareeykanka waa dowlad wayn oo aan marnaba faragelin ku sameeynaynin sharciga aduunka, hadalkiisa wuxuu la mid yahay safiirka Ingariiska ee Kenya Amb. Jean Marriott ee talo ku soo jeedisay In laga wada hadlo arimaha Soomaaliya iyo Kenya.
Ma jiri karto Dowlad kale oo Soomaaliya ku saari karto cadaadis siyaasadeed inay dacwada kala noqoto maxkamadda, Go’aanka waxaa leh Soomaaliya, dhulka Soomaaliyana marnaba gor-gotan ma geli karo.
Taas awgeed waxaan aaminsanahay in arimaha Dhulka Soomaaliya aan la siyaasadeeynin oo shacabka laga daayo jah wareerka iyo beenta loo sheegaayo, waa ayaan daro In shacabka 30 sano dagaal sokeeye ku jiray in looga fa’ideeysto aqoon daro jirtaa awgeed.
Jahwareerinta shacabka waa mid ay diideeyso damiirta wanaagsan, inteena xoogaa yar fahansan sida uu aduunka u shaqeeyo waxaa na saaran inaan xogta dhabta ah aan la wadaagno dadkeena, anagoo aan garab siinin dhanka dowlada ama mucaaradka.
Wa bilaahi towfiiq.
Abdirashid Eid Osman
Subscribe to:
Posts (Atom)